Casharka 28aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW BAYCATUL CAQABADII 2aad Isla sannadkii 13aad ee soo diritaankii
Rasuulka SCW ayaa waxaa kale oo
Madiina ka soo baxay oo xajka soo aaday
73 nin iyo 2 dumar ah oo muslimiin ah
iyagoo la socda mushrikiin qabiilkooda
ah. Dhowr iyo toddobaatankii qof ee muslimiinta ahaa waxay Rasuulka SCW
samaysteen kulan, waxayna ku ballameen
iney isugu yimaadaan meesha la yiraahdo
Caqaba oo Muna ku taalla habeen ka mid
ah waqtigii xajka. Musimiintii reer Madiina way ka qariyeen
shirkaas nimankii ay isla socdeen ee
mushrikiinta ahaa hal nin maahane.
Ninkaas oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu
Camar ibnu Xaraam wuxuu ahaa nin oday
ah oo ay ku kalsoonaayeen una bandhigeen islaamka, markuu aqbalayna
kulankii ayey u soo kaxaysteen. Markii la gaaray habeenkii ay Rasuulka
SCW la ballameen ayey habeen barkii si
qarsoodi ah u baxeen waxayna Rasuulka
kula kulmeen Caqaba. Rasuulka SCW
waxaa la socday adeerkiis Cabbaas oo
aan weli islaamin laakiin ka war hayey arrimaha Rasuulka SCW, garab taagnaana
Rasuulka SCW intii uu Abii-dhaalib
dhintay, waqtigaasna u socday inuu
arrintaas ayido. Cabbaas wuxuu noqday
ninkii ugu horreeyey ee shirkaas ka hadla
wuxuuna yiri "reer Khasrajow waad ogtihiin Maxammed meeshuu naga joogo,
13 sananna annaga ayaa ka difaaceynay
dadkii aan isku diinta ahayn ee aan isaga
wada khilaafsanayn, isaguna hadda wax
kale wuu diidey inuu idin soo haleelo
mooyee, haddaad marka ballan qaaddaan inaad difaaceysaan oo aad ballantaas ka
soo baxeysaan, axadkii khilaafana ka
difaaceysaan waa idinka iyo waxa aad
qaaddeen; laakiin haddii aad berri diidi
doontaan oo aad garabkiisa ka bixi
doontaan haddaba iska daay". Ka dib waxaa hadlay Thaabit oo ka mid
ahaa 73 kii nin wuxuu yiri "Rasuulkii
Ilaahayow maxaan kugula
mubaayacoonnaa?", Rasuulkuna SCW
wuxuu yiri "waxaad igula
mubaayacooneysaan is maqal iyo is addeecid waqtiga nabadda iyo waqtiga
shiddadaba, iyo in aad maalkiinna
bixisaan marka la barwaaqaysan yahay
iyo marka la dhibateysan yahayba, waana
in wanaagga la is faro, xumaantana la
reebo, waana in Ilaahay dartiis aad u istaagtaan oo mid dagaallamaya
dagaalkiis waxba idinka dhibin, iyo in
aad ii gargaartaan haddaan idiin imaado,
iina difaacdaan sidaad u difaacdaan
carruurtiinna, naftiinna iyo maalkiinna,
iddinkuna janno ayaad leedihiin (hadaad sidaa yeeshaan)". Markii hadalkaasi dhammaaday waxaa
Rasuulka SCW gacantiisa qabtay Baraa
ibnu Macruur oo yiri "Ilaahii xaq kugu soo
bixiyaan ku dhaarannaye, waan kaa
difaacaynnaa waxa aan reerkayaga ka
difaacno ee nala mubaayacood Rasuulkii Allow, annagana waa nala og yahay inaan
nahay wiilashii dagaalka ku barbaaray oo
hubka qaadi jirey". Waxaa isna raggii
meesha ka hadlay ku jirey Abuu
Haythama oo yiri "Rasuulkii Allow annaga
iyo yahuudda xargo ayaa isug kaaya xiran oo heshiis baa naga dhexeeya, haddaad
tiraahdo gooyana waan goyneynaa ee ma
laga yaabaa in hadhow markaad
guuleysato aad naga soo tagto?",
Rasuulku SCW dhoollaha ayuu caddeeyey
wuxuuna yiri "dhiigga ayaa naga dhexeeya iga mid baad tihiin, aniguna
idinka mid baan ahay, waan la
dagaallamayaa ciddii aad la
dagaallantaan, waana soo dhoweynayaa
ciddii aad soo dhoweysaan. Cabbaas ayaa
mar kale hadlay oo yiri "ogaada ballanta aad maanta qaadaysaan inay tahay in aad
la dagaallantaan caddaan iyo madowba,
haddii hadhow markii xoolihiinna
dagaalku dhammeyo, raggiinnana seeftu
dhammeyso, aad ka bixi doontaan
haddaba iska daaya, haddaad sidaa samaysaan waa idiin hooge," laakiin
haddii aad u istaagtaan naf iyo maal waa
idiin liibaan". Intaa ka dib waxay yiraahdeen "Rasuulkii
Allow haddii aanu arrintaan oofinno
maxaan leenahay?", Rasuukuna SCW
wuxuu yiri "janno ayaa leedihiin"
markaasay dheheen "fidi gantaada"
markuu fidiyeyna sidaas ayey kula wada mubaayacoodeeen. Beycadaasina waxay
ahayd beycadii labaad oo loo yaqaan
beycatu Caqabadii 2aad. Markaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu yiri
"12 nin oo odeyaashiinna ah ii soo saara',
waxaana loo soo saaray 12 nin oo kala
ahaa: 1) Ascad ibnu Suraara
2) Sacad ibnu Rabbiica
3) Cabdullaahi ibnu Rawaaxa
4) Cabdullaahi ibnu Camar ibnu Xaraam
5) Baraa' ibnu Macruur ibnu Sakhar
6) Cubaada inu Saamit ibnu Qays 7) Sacad ibnu Cubaada ibnu Daliim
8) Mundir ibnu Camrin ibnu Khunays
9) Raafic ibnu Maalik ibnu Cajlaan
10) Useyd ibnu Xudeyr ibnu Simaak
11) Sacad ibnu khaythama ibnu Xaarith
12) Rufaaca ibnu Cabdimundir ibnu Subayr Laba iyo tobankaas nin waxay sagaalka
hore ahaayeen reer Khasraj, saddexda
dambena reer Aws. Rasuulka SCW 12kaa
nin aad buu ula dardaarmay wuxuuna
xusuusiyey mas'uuliyadda ay qaadeen iyo
inuu iyaga la soo xiriiri doono, nin walbana uu jilibkiisa mas'uul ka yahay.
Shirkaas markuu dhammaaday oo lagu
kala dareeray ayaa sheydaan ogaaday
markaasuu dhawaaqay oo yiri "dadka
meesha degganow, Maxammed iyo dad la
jiraa waxay ku heshiiyeen inay dagaal idinku soo qaadaan", markii Rasuulka
SCW maqlay hadalkaas wuxuu yiri "kani
waa sheydaaankii Caqaba joogey, Ilaahay
baan ku dhaarannayaaye cadowgii Allow
waan kala tegaynaa". Ka dib wuxuu
Rasuulku SCW raggii amray in la kala tago oo qof walba uu meeshiisii ku laabto.
Cabbaas binu Cubaada ayaa markaa
Rasuulka SCW ku yiri: 'haddaad doonto na
amar aan qureysh aroortii weerar ku
qaadnee" hase yeeshee Rasuulku SCW
wuxuu yiri "iska taga weli dagaal la ima amrine". Qureysh qeyladii sheydaanka ayey
habeenkii maqashay, markaasay subixii u
yimaadeen dadkii reer Madiina oo
muslimiinta iyo gaalada isug jirey
waxayna ku dheheen "waxaan maqalnay
inaad heshiis la samaysateen saaxiibkayo oo aad doonaysaan inaad naga fakisaan,
dagaalna nagu soo qaaddaan, annaguna
dagalkiinna dooni mayno Khasraj iyo
Awsow ee maxaa dhacay?". Waxaa
markaa hadlay kuwii gaalada ahaa oo
aan waxba ka war haynin oo yiri "arrintaa waxba kama jiraan". Cabdullaahi binu
Ubey oo socotadaas reer Madiina madax u
ahaa wuxuu yiri "qoomkeygu wax aanan
ogeyn ma samayn karaan" hase yeeshee
markii ay reer Madiina noqdeen ayey
qureyshi ogaatey in qisadu dhacday markaasay ka daba direen ciidan
laakiinse waxay soo qabteen nin keli ah
oo ahaa Sacad binu Cubaada, isagiina
waxaaa ka sii daayey oo magangelyo
siiyey Xaarith ibnu Qeys iyo Mudhcim ibnu
Caddiyi oo uu Sacad magangelin jirey safarkooda Madiina sii maraya (ee shaam
ujeeda). Sidaas ayeyna ku dhammaatay
beycadii Caqaba 2aad.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete