Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 41AAD

Casharka 41aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII SUWEYQ Markii laga takhallusay Abii Jahal oo
ahaa hoggaamiyihii qureysheed iyo in
badan oo madaxdii qureysh ah ayaa
waxaa qureysh madax u noqday Abuu
Sufyaan binu Xarbi. Abuu Sufyaan wuxuu
bilaabay tallaabooyin uu ku rabo in uu ku aar guto, wuxuu markaa ku fekeray in uu
Madiina tago oo dhib u soo geysto
muslimiinta si ay dhoolatus ugu noqoto
oo loo arko in uu awood leeyahay, sidaa
darteed wuxuu ku nadray in uusan
janaabo ka qubeysan ilaa uu ku duulo Nabi Maxammed SCW. Wuxuu markaa soo
kexeystay ciidan rakuubley ah oo
caddadkoodu yahay Labo boqol oo nin.
Wuxuuna isla habeennimadii galay
Madiina isaga oo is qarinaya, wuxuuna u
tegey Kacab binu Asad, oo ahaa odeygii yahuudii reer banuu Qureyda, albaabka
ayuuna ku garaacay laakiin Kacab baqdin
uu ka baqayo Nabiga SCW dareed waa uu
diidey in uu albaabkii ka furo. Abuu Sufyaan, markii albaabka laga furi
waayey ayuu wuxuu u tegey Salaam
ibnu Mashkam, oo ahaa duqii reer banuu
Nadiir, keydkoodana hayey. Albaabka
ayuu markaa ku garaacay oo ka idan
dalbay, wuuna ka furay oo wuu soo dhoweeyey, wuuna u warramay. Ka
dibna abuu Sufyaan waa baxay,
wuxuuna isla habeennimadiiba ku
noqday ciidankiisii, dabadeedna wuxuu
direy koox ciidanka ka mid aha si ay wax
u soo kharbudaan isla habeennimadaba, maxaa yeelay dhuumaleysi maahane,
dagaal caddaan ah uma uusan imaan. Kooxdii uu direy waxay tageen beer
beerihii muslimiinta ka mid ah, markaas
ayey dhirtii jareen, beertiina gubeen,
labo nin oo muslimiin ah oo beertooda
joogeyna way soo dileen, ka dibna si
degdeg ah ayey Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii Makka ugu noqdeen. Rasuulku SCW markuu arrintii maqlay
ciidan ayuu ka soo daba qaatay,
Madiinana wuxu uga soo tagey Abaa
Lubaaba ibnu Cabdi-mundir. Dabadeed
markii uu marayo Qarqaratu Kadar, oo uu
gaari waayey, ayuu dib u soo laabtay. Waqtigaasna wuxuu ahaa bishii
Dulqacda, sannadkii 2aad ee hijriga.

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete