Casharka 71aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII MU'TA Dagaalkan oo ahaa dagaal weyn wuxuu
dhacay bishii Jamaadul-Awa, sannadkii
8aad ee hijriga. Mu'ta oo uu dagaalku ka
dhacay waxa ay ahayd magaalo Shaam
ku taal. Sababta dagaalkani waxa ay
ahayd sidan: Rasuulka SCW ayaa warqad u diray boqorkii Basra, uguna sii dhiibay
Xaarith binu Cumeyr. Waxaa Xaarith
dilay nin la oran jirey Shuraxbiil binu
Camar oo boqortooyadii Qaysar madax
uga ahaa meesha la yiraahdo Balqaa oo
Shaam ka tirsan, waxaana waqtigaas iyo maantaba aad u fool xun in la dilo
wufuudda iyo musaafiriinta. Rasuulku
SCW markii uu warkaa maqlay aad ayuu
uga xumaaday, wuxuuna diray ciidan
xoog leh oo gaarayey 3,000 oo nin,
wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith, wuxuuna Rasuulku SCW yiri
"haddii Seyd la dilo, Jacfar binu Abii-
Dhaalib madax ha noqdo; haddii Jacfar la
dilana Cabdullaahi ibnu Rawaaxa madax
ha noqdo". Rasuulku SCW wuxuu
ciidankaa siiyey calan cad oo uu u dhiibay Seyd, wuxuuna u dardaarmay in
ay keenaan ninki dilay Xaarith binu
Cumeyr, marka horese ay dadkaas
islaamka ugu yeeraan o ohaddii ay
diidaan ay iyaga oo Ilaahay u
kaalmaysanaya la dagaallamaan. Rasuulku SCW waxaa kale oo uu
ciidankaa ku yiri "ugu duula magaca Alle,
jidka Alle, cid Alle ku kufriday, ha
doorinina hana dilina carruur, haween
iyo duqo, ha goynina dhirta hana
duminnina dhista". Ka dib wuxuu ciidankaasi isu diyaariyey
ambabax, dadkii reer Madiinana waxa ay
isugu yimaadeen goobtii uu ciidanku ka
baxayey iyaga oo u duceynaya ciidanka
oo ku leh "Allaha idin nabad yeelo, hana
idin difaaco, soona noqda idinka oo soo qaniimaystay", markaas ayuu
Cabdullaahi binu Rawaaxa tiriyey gabay.
Ka dib ciidankii way baxeen, waxaana sii
sagootiyey Rasuulku SCW ilaa ay ka
gaareen meesha la yiraahdo Thaniyatul-
Wadaac. Markii uu ciidankii marayo meesha la
yiraahdo Macaan oo Shaam ka tirsan
ayey maqleen in boqorkii Ruum ee
hiragle uu Bulqaa ku soo siyaadiyey
boqol kun oo ciidan roomaana ah iyo
boqol kun oo kale oo ah carabtii kiristaanka. Ciidankii muslimiintu waxa
ay degeen meesha layiraahdo Macaan oo
ay laba habeen joogeen iyaga oo ka
tashanaya sidii ay yeeli lahaayeen oo ay
uga hor tegi lahaayeen ciidankaas aadka
u tirada badan. Wax ay wada tashadaanba waxaa go'aan lagu gaaray
in Rasuulkii SCW waraaq loo qoro oo loo
sheego tirada cadowga, ka dib Rasuulku
SCW ama ciidan ha soo siyaadiyo ama
amar kale ha soo siiyo, hase yeeshee
waxaa ra'yigan ka hor yimid Cabdullaahi binu Rawaaxa oo ciidankii geesinomo
geliyey, wuxuuna yiri "dadyohow Ilaah
baan ku dhaartaye waxa aad ka
hanaysaan waa shahaadadii aad u soo
baxdeen ee aad doonayseen. Dadka
kulama dagaallanno tiro badnaan iyo awood, kulana dagaallami mayno illaa
diinkan Allaah nagu karaameeyyey ma
ahane, hana la baxo labadii
wanaagsanayd midkood ayaan leenahay
(guul ama shahaado). Ugu dambeyntii
waxaa la qaatay ra'yigii Cabdullaahi oo ciidankii muslimiintu cadowgii ayey u sii
dhowaadeen ilaa ay ka gaareen meel ka
tirsan Bulqaa oo la yiraahdo Mashaarif,
ayna joogeen ciidankii Hiraqle. Ka dib
ciidanku waxa ay degeen Mu'ta,
wuxuuna isu diyaariyey dagaal. Ciidanka qaybtiisa midig waxaa madax looga
dhigay Qudhba binu Qataada, qaybta
bidixna Cubaada binu Maalik. Labadii ciidan waxay ku kulmeen Mu'ta
iyada oo ay ciidanka muslimiinta
tiradoodu ahayd 3,000, kuwa gaaladana
200,000. Arrinkan oo ah arrin ay cibro ku
sugantahay, labo ciidan oo cadadkoodu
intaa isku jiro, oo waliba kan cadadka yari duulaan yahay, meel fogna kasoo
duulay. Mana ahan arrintaan oo kaliya ee
waxaan mar walba ku arkaynaa siirada
Rasuulka SCW in ay aad u kala badan
yihiin cidanka muslimiinta iyo kan
gaaladu. Haddaba waxaa la doonayaa inuu qof walba oo muslim ihi ka
faa'iidaysto, kuna daydo akhyaartaas
naftoodii u hurtay Alle dartiis,
Rabbigiisna ku kalsoonaado kalsooni
dhab ah, uusanna u arkin in cid kale wax
ka qaadi karto mar haddii uu isagu Alle ku xiran yahay. Waxaana maanta jirta in
dadkii musliminta ahaa markii ay
Ilaahay diintiisii ka tageen Ilaahay ku
riday rucbi oo ay gaaladii shan mayl ka
cararayaan, arrintaas oo ay sababtay
adduunyo jacayl iyo dhimasho ka carar, siduu Rasuulkuba SCW tilmaamay,
waxaana xaqiiqo ah in ciddii iiman uu ka
buuxo aysan waxba la ahayn xitaa haddii
ay la dagallamaan dunida oo idil maxaa
yeelay waxa ay u dagaallamayaan oo ay
ku xiran yihiin Allihii addunka oo dhan abuuray isla markaasna maamulaya,
ciddii uu la jiraan wax ka guulaysan
karaa aysan jirin. Hoggaamiyaha ciidanka muslimiinta,
Seyd binu Xaarith, oo ahaa mawlihii
Rasuulka SCW, Rasuulkuna aad u jeclaa,
taariikhdii islaamka iyo jihaadkiina qayb
libaax ka soo qaatay, wuxuu muujiyey
geesinnimadii iyo dagaalyahannimadii lagu yaqaannay ilaa uu aakhirkii ka
shahiiday. Ka dib waxaa calankii qaaday
ciidankiina hoggaanka u qabtay sidii uu
Rasulku SCW amrayba Jacfar binu Abii-
Dhaalib. Jacfar wuxuu isaguna
dagaallamay dagaal xeel dheer, markii ay arrintii aad u kululaatay ayuu Jacfar
intuu faraskiisii boqno gooyey dagaalkii
sii waday ilaa gacantisii midig la gooyey,
wuxuu calankii ku qabsaday gacantii
bidix ilaa iyadiina la gooyey, markaas
ayuu garbihiisii isugu soo dumay (isugu keenay) ilaa uu ka shahiiday. Rasuulku
SCW wuxuu sheegay in uu Ilaahay siiyey
Jacfar labo garab oo jannada meeshii uu
ka rabo ugu duulo, waxaana Jacfar la
dhahaa labo Garable. Cabdullaahi ibnu
Cumar wuxuu yiri "meydkii Jacfar baan dul istaagay, waxa aan ka tiriyey 50
nabar oo isug jirey seef iyo waran, haddii
lagu daro fallaarahana waxa ay
gaarayeen dhowr iyo sagaashan". Ka dib
sidiii amarka Nabiga SCW ahaa waxaa
ciidankii hoggaanka u qabtay Cabdullaahi ibnu Rawaaxa. Cabdullaahi sidi
saaxiibbadiis o kale ayuu ciidankii ugu
hor maray isaga oo faraskiisii saaran.
Naftiisii ayuu xoogaa ka dareemay
markaasuu u tiriyey tix yar oo ku
leeyahay "Waxa aan nafyahay ku dhaaranayaa in aad u degto (dagaalka)
ee yeel ama nac. Maxaan kuu arkaa
(nafyahay) in aad jannada naceysid". Ka
dib Cabdullaahi wuu dagaallamay ilaa uu
ka shahiiday. Markii ay shahiideen saddexdii nin ee
Rasuulku SCW soo magacaabay,
dagaalkiina uu weli si daran u socdo
ayaa calankii waxaa qaaday Thaabit binu
Arqam oo yiri "muslimiineey nin iska soo
dhex doorta", markaas ayey dheheen "adiga ayaan ku dooranay", wuxuu yiri
"aniga ma qabanayo (hoggaanka)", ka
dib waxaa la doortay Khaalid binu
Waliid. Khaalid waxa uu dagaalamay
dagaal aad u xeel dheer ilaa Sagaal
seefood gacantiisa ku jabeen. Khaalid oo aad u yaqaannay xeeladaha dagaalka
waxa uu adeegsaday aqoontiisi
ciidammeed, wuxuuna beddelay qaabki
uu ciidanka muslimiintu u dagaal gelayey
oo ciidankii midig joogey bidix ayuu
geeyey, kii bidix joogeyna midgi, kuwii gadaal joogeyna hore. Roomaanki waxa
ay u maleeyeen in ciidan xoojin ah uu ku
soo biiray ciidankii muslimiinta, markaas
ayaa Ilaahay ku riday baqo iyo niyad jab
oo gadaal bay u gurteen. Khaalid markii
uu muddo dagaalkii waday kagana gacan sarreeyey ayuu si tartiib tartiib ah u soo
bixiyey ciidankii muslimiinta.
Roomaankii oo baqdini gashay ayaa ku
laabtay magaaladoodii. Khaalid iyo
ciidankiisii waxa ay soo aadeen Madiina. Rasuulka SCW oo loo waxyooday intii
aysan ciidanku Madiina gaarin ayaa
asxaabtii ku yiri "waxaa calankii qaaday
Seyd waana la diley, ka dib waxaa
qaaday Jacfar isna waa la diley, ka dibna
waxaa qaaday ibnu Rawaaxa isna waa la diley ilaa uu ka qabtay calankii seef
seefaha Alle ka mid ah (Khaalid) ilaa uu
Ilaahay u furay". Sidoo kale Rasuulku SCW isaga oo ka
waramaya raggaas shuhadada ahaa ee
ku dhintay dagaalkaas waxa uu yiri "ma
ay farax galinayso (iyaga) ama ima ay
farax galinayso (aniga) in ay nala
joogaan. Dagaalkan Mu'ta waxaa muslimiinta ka
shahiiday 12 nin, roomaankiise lama
garanayo tirada ka dhimatay laakiin
waxaa la qiyaasayaa in tiro badan ay ka
dhimatay. In kasta oo aysan muslimiintu
dagaalkan gaaladii ku jebin, dhulna ka qabsan haddana wuxuu muslimiinta u
soo hooyey guul aad u ballaaran waxa
uuna ka mid ahaa dhacdooyinkii Ilaahay
diintiisa ku ciseeyey. Guulahaas waxaa
ka mid ahaa in carab oo dhan uu ku
dhacay wareer iyo baqdin, waxa ayna ka quusteen in ay muslimiinta la
dagaallamaan maxaa yeelay muslimiintu
waxa ay u beer dhigeen ciidankii
roomaanka oo waqtigaa dunida ugu
xoogga badnaa, cid isku taagtana aysan
jirin. Waxaa kale oo yaab noqotay in 3,00 oo nin ku duushay, una babac dhigtay
ciidan 200,000 ah isla markaasna ay soo
noqdeen iyaga oo uusan khasaare weyni
soo gaarin. Waxaa kale oo ay dad badani
xaqiiqsadeen in ay muslimiintu yihiin
dad xagga Rabbi looga gargaarayo oo aan la hoojineyn, cid ay ka baqayaanna
aysan jirin, Nabiguna SCW uu yahay
Rasuul xaq ah oo Ilaahay soo diray sidaa
darteed carabtii islaamka diideysey
waxa ay bilaabeen in ay islaamka soo
galaan oo Allaah iyo Rasuulka SCW isu dhiibaan. Waxaa si degdeg ah u soo
islaamay qabaa'ilkii banuu Suleym,
Ashjac, Qadafaan, Dubayaan, Fasaara iyo
kuwa kale. Sidoo kale wuxuu dagaalkani
albaabbada u furay duullaamadii ay
muslimiintu ku qaadayeen dhulalkii fogaa iyo qabsashadii magaalooyinki
Ruum.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete