Monday, 5 September 2011

CASHARKA 2AAD

Casharka 2aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII ABRAHA UU KU
SOO QAADAY KACBADA Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman
wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa
markuu arkay sida carabbi kacbada ugu
xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu
magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad
u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen. Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani
kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey
oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha
markuu arrintaa ogaadey wuu ka
xanaaqay wuxuuna go'aansaday inuu
kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo
wata sagaal ama saddex iyo toban
maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga
ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii
waxay soo socdaanba markay Makka ku
soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa
Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo
doonaya in geeliisii loo soo daayo. Abraha
wuxuu yiri: "kacbadiinnii ayaan
duminayaa, adna geel baad dooneysaa!"
Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey: "geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa
leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu
markaa Abraha yiri "haddii aydan ila
dagaallamaynin Makka isaga baxa"
qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina
waa loo sii daayey Cabdimudhalib. Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga
Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya
ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u
dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka
dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey.
Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray
shimbiro mid walba waddo saddex
dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo
labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku
dhacana wuu googo'ayey oo wuu
dhimanayey. Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee
waxay ku dhacday intuu Rabbi u
qaddaray, intii kalena waa carareen
iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa
isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca
oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay,
markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa
qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo
laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay
suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii
uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga
(Caamul fiil).

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete