Casharka 70aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ILAALOOYINKII KA DAMBEEYEY
CUMRATUL-QADAA Rasuulku SCW cumrada ka dib intii aan la
gaarin dagaalkii Mu'ta wuxuu direy
dhorkan sariyo (ilaalo). 1. Ilaalo uu madax u ahaa Ibnu Abil-
Cawja oo uu Rasuulku SCW bishii Dil-Xija,
sannadkii 7aad ee hijriga u diray qabiilkii
reer banuu Suleym si loogu yeero
islaamka hase yeeshee markii arrinkaas
loogu baaqay way diideen. Ka dib waa lala dagaallamay oo la jebiyey, waxaana
laga soo qafaashay labo nin, ciidankii
muslimiinta oo uu ka soo dhawacmay
hoggaamiyihiina waxa ay ku soo
laabteen Madiina. 2. Ilaalo uu hoggaaminayey Qaalib binu
Cabdullaahi oo uu Rasuulku SCW bishii
Safar, sannadkii 8aad ee hijriga u direy
qabiilkii laayey ilaaladii Bashiir binu
Sacad. Ciidankan oo ka koobnaa 200 nin
waxa ay tageen meeshii loo direy, si fiican ayeyna u soo edbiyeen qabiilkaas,
qaniimana way soo heleen, ka dibna
waxa ay ku soo noqdeen Madiina. 3. Ilaaladii Daati Adhlax oo ka koobnayd
15 nin, uuna madax u ahaa Kacab binu
Cumeyr Al-ansaari oo uu Rasuulku bishii
Rabbiicul-Awal, sannadkii 8aad ee hijriga
u direy banii Qudaaca ka dib markii uu
maqlay in ay u tabaabusheysanayaan sidii ay ugu soo duuli lahaayeen
muslimiinta. Kacab iyo ciidankiisii waxa
ay qabiilkaa ugu yeereen islaamka hase
yeeshee way diideen oo weliba weerar
ayey ku soo qaadeen muslimiintii. Dagaal
ayaa halkaas ka dhacay, waxaana goobtaas ku shahiiday dhammaan
ciidankii muslimiinta marka laga reebo
labo nin oo meyd kala dhex gashay iyo
nin kale. 4. Ilaaladii Daatu Cirqin oo uu Rasuulku
SCW isla bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii
8aad ee hijriga u direy banii Hawaasin.
Rasuulku SCW markii uu maqlay in ay
qabiilkaasi mar kale abaabul galeen ayuu
u dire 25 nin oo uu madax uga dhigay Shujaaca binu Wahab, hase ahaatee wax
dagaal ihi ma dhicin.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete