Casharka 82aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW GEERIDII RASUULKA SCW Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay
Xajatul-Wadaac, maalmo ka dib waxaa
dhalatay bishii Muxarram, sannadkii
11aad ee hijriga, isla bishii ku xigtay ee
Safar ayaa Rasuulka SCW waxa ku
bilaamay xanuunkii uu u geeriyoon lahaa. Rasuulka SCW geeridiisa waxaa
ogeysiiyey Allaah sidii nabiyadii ka
horreeyeyba, Rasuulka SCW wuu sii
sheegay in aan Nabi dhiman ilaa la kala
doorransiiyo labada daarood (adduun iyo
aakhiro). Sidoo kale waxaa jirey arrimo badan oo muujinayey Rasuulka SCW
geeridisa, waxaana ka mid ahaa: 1. Wuxuu Rasuulku SCW markii uu Mucaad
binu Jamal Yaman u dirayey ku yiri "waxa
la arkaa in aynaan mar dambe is arag oo
aad soo martid masjidkayga iyo
qabrigeyga". 2. Ramadaankii ugu dambeeyey wuxuu
Rasuulku SCW ictifaafay 20 beri, halka uu
kuwii ka horreeyey uu 10 beri ka ictikaafi
jirey. 3. Isla Ramadaankaas ugu dambeeyey
wuxuu Jibriil qur'aanka la dhammeeyey
Rasuulka SCW labo mar halka uu kuwii
hore hal mar la dhammayn jirey. 4. Xajatul-Wadaac wuxuu Rasuulku SCW
asxaabta maalinkii Ramyiga (tuurasha)
ku yiri "iga qaata manaasiktiinna, waxaa
la arkaa in aanan sannad dambe soo
xajine", markii Caarafo la taagnaana
wuxuu yiri "waxaa la arkaa in aanan sannadkan ka dib halkaan idinkula
kulmin". 5. Markii uu xajku dhammaaday ee lagu
jirey Ayaamu-Tashriiqa waxaa soo degtey
Suuratu-Nasri oo calaamad u ahayd
geerida Rasuulka SCW. 6. Sidoo kale qur'aankii ayaa la taam
yeelay oo waxaa soo degay aayadihii ugu
dambeeyey. 7. Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW
asxaabta ku yiri "ma idin gaarsiiyey
(diintii)", oo uu waliba Saddex jeer ku cel
celiyey, mar walbana ay lahaayeen "haa"
markaasuu yiri "Allaw ka markhaati kac". Rasuulku SCW wuxuu markaas bilaabay u
tabaabushaysi iyo diyaargaroobid xagga
Rabbi, wuxuuna aad u badiyey tasbiixda
iyo istiqfaarta sida uu Allaahba ugu
amray Suuratu-Nasri. Sidoo kale Rasuulku
SCW wuxuu bilaabay sagootin oo bilowgii bishii Safar, sannadkii 11aad ee hijriga,
wuxuu tegey qubuurihii shuhadadii Uxud
oo uu ku soo tukaday, soona sagootiyey,
ka dibna wuxuu ku soo laabtay
masaajidka oo la hadlay dadkii
muslimiinta ahaa, wuxuuna ku yiri "waan idiin dhammeyey (diintii) aniguna
markhaati ayaan dushiinna ka ahay. Ilaah
baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda
eegaya xawdkaygii (darkaygii), waxaana
la i siiyey furayaashii khasnadihii dhulka,
aniguan Ilaah baan ku dhaartay eka cabsan maayo in aad gadaashay (Ilaahay
u) shariik yeeshaan laakiin waxaan ka
cabsanayaa in aad ku tartantaan dunida". Sidoo kale Rasuulku SCW habeen ayuu
aaday qabuurihii Baqiic oo u soo dembi
dhaaf weydiiyey, ka dib Rasuulku SCW
maalin ayuu ka qayb galay janaaso lagu
xabaalayey qabuuraha Baqiic, markii uu
ka soo laabtayna isaga oo dhex soo maraya ayaa waxaa qabtay madax
xanuun iyo qandho, maalinkaas oo ahaa
isniin, 29kii Safar, sannadkii 11aad ee
hijriga, waana xanuunkii uu u
geeriyooday, wuxuuna hayey 13 ama 14
beri. Ka dib Rasuulka SCW markii uu xanuunkii
ku soo batay wuxuu uga idan qaatay
haweenkiisii in uu guriga Caa'isha joog,
halkaas oo uu joogay intii uu
xanuunsanaa. Ka dib maalin Arbaca ah
(dhimashadiisa shan beri ka hor) ayaa waxaa Rasuulka SCW qabtay xanuun aad
u daran oo uu la miyir doorsoomay,
markaas ayuu yiri "igu shuba toddoba
wadaamood (oo biyo ah) si aan dadka
ugu baxo oo ula ballamo", markii ay ku
shubeen oo uu miyirsaday ayuu masaajidkii galay oo membarkiisii ku
fariistay, wuxuuna u khudbeeyey dadkii
oo wuxuu yiri "Allaha naclado Yahuud iyo
Nasaara waxa ay qubuurtii nabiyadooda
ka dhigteen masaajid", waxaa kale oo uu
yiri "ha ka dhigannina qabrigeyga sanam la caabudo". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW
dadkii u bandhigay in ay ka aar gudato
ciddii uu wax u geystay, ka dibna salaadii
duhur ayuu tujiyey, wuxuuna ku laabtay
meeshii isaga oo ku celinaya oraahdiisii
hore, markaas ayaa nin muslimiinta ka mid ahaa yiri "saddex Dirham baan kugu
lahaa", wuxuu yiri Rasuulku SCW
"Fadliyow sii". Ka dib maalinkii xigey oo
Khamista ahaa (dhimashadiisa 4 beri ka
hor) ayuu asxaabtii ku yiri "kaalaya aan
idiin qoro warqad aydaan gadaasheed lumin", markaas ayuu Cumar yiri
"Rasuulka SCW xanuunkii ayaa ka qalib
noqday, agtiinnana waxaa ahaaday
qur'aankii oo waxaa idinku filan kitaabka
Alle", dadki ayaa markaa is khilaafay oo
dooday iyada oo qaar ayidayaan (ka hor imaanayaan) hadalkii Cumar qaarna
leeyihiin "u keena Rasuulku SCW warqad
ha idiin qoree". Markii xoogaa la buuqay
ayuu Rasuulku SCW yiri "iga baxa". Sidoo
kale waxuu Rasuulku SCW asxaabta u
dardaarmay in Yahuud, Nasaara iyo Mushrikiin laga saaro Khaliijul-Carab. Rasuulku SCW wuxuu isla maalinkaas
tujiyey asxaabta salaaddii maqrib,
wuxuuna ku akhriyey Suuratu-Mursalaat,
salaaddii ku xigtay ee cishahana wuxuu
damcay in uu tujiyo laakiin wuu awoodi
kari waayey, wuxuu markaa amaray Abuubakar in uu dadka tujiyo, ilaa uu
Rasuulku SCW ka dhintayna Abuubakar
ayaa dadka tujinayey. Maalinkii Sabtida ama Axadda ayaa
Rasuulka SCW xanuunkii xoogaa ka
fududaaday, markaas ayaa isaga oo labo
nin garbaha hayaan salaaddii duhur u soo
baxay Abuubakar oo dadka tujinaya.
Abuubakar ayaa markii uu arkay dib u baxay hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW
u ishaaray in uu joogo, wuxuuna nimankii
ku yiri "i fariisiya dhinaciisa", markaas
ayey fariisiyeen dhinaca bidix ee
Abuubakar. Abuubakar waxa uu markaa
ku dayanayey Rasuulka SCW wuxuuna dadka maqashinayey takbiirtiisa. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW sadaqeeyey 7
Diinaar oo uu haystay, hubkiisiina wuxuu
u hibeeyey muslimiinta, canbuur
bireedkiisiina nin yahuud ah ayaa rahan
ugu haystay 30 saac oo qamadi ah.
Maalintii isniinta (maalintii uu geeriyoodey) ayuu Rasuulku SCW gurigii uu joogey ee
Caa'isha daaha ka feyday oo fiiriyey
safafkii muslimiinta, markaas ayuu u
bogay oo ku qoslay, Abuubakar ayaa
markaas u maleeyey in Rasuulku SCW
salaadda imaanayo hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW u ishaaray in uu iska joogo,
wuuna iska laabtay. Markii barqadii la
gaaray ayuu Rasuulku SCW gabadhiisii
Faadumo u yeeray, wuxuuna ku sireystay
arrin markaas ayey oyday, markaas ayuu
arrin kale ku sireystay markaas ayey qososhay. Waa dambe markii Faadumo la
weydiiyey arrinkaas waxa ay tiri "wuxuu
markii hore ii sheegay in uu xanuunka
haya u dhimanayo, markaas ayaan ooyey,
markii kalena wuxuu ii sheegay in aan
ahay qofka ugu horreeyey oo ehelkiisa ah oo raaci doona, markaas ayaan qoslay".
Sidoo kale maalinkaas waxa ay Faadumo
aragtay Rasuulka SCW oo xanuun aad u
darani hayo, markaas ayey tiri "aabbe
waa dhibaateysan yahay", markaas ayuu
Rasuulku SCW ku yiri "maanta wixii ka dambeeya aabbahaa ma dhibaatoon
doono". Ka dib Rasuulku SCW isaga oo
Caa'isha ku tiirsan ayaa waxaa u soo
galay Cabdiraxmaan binu Abuubakar oo
caday wata, markaas ayey Caa'isha
aragtay Rasuulka SCW oo cadayga fiirinaya, waxa ayna fahamtay in uu jecel
yahay, markaas ayey tiri "ma kaaga
qaadaa", isna madaxa ayuu ugu ishaaray
haa, markaas ayey uga qaadday oo u
calaalisay, markii uu cadaygii
dhammaystayna, gacantiisa ama fartiisa ayuu kor u taagay isaga oo indhaha
saanqaafka ku fiirinaya, bishimahana
dhaqdhaqaajinaya oo leh "Fi Raafiiqil-
Aclaa", saddex goor ayuuna sidaas yiri,
markaas ayey Caa'isha garatay in uusan
adduunka dooran. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu geeriyoodey
maalinkii Isniinta, 12kii Rabbiicul-Awal,
sannadkii 11aad ee hijriga, waqti
harsimadii ah, wuxuuna Rasuulku SCW
jirey 63 sano. Asxaabtii Rasuulka waxa ay arrintaasi ku
noqotay lama filaan ilaa Cumar binu
Khadhaab istaagay oo yiri "niman
munaafaqiinta ka mid ah waxa ay
leeyihiin "Rasuulkii Alle waa dhintay"
lugaha iyo gacmaha ayaan ka jarayaa haddii aan hadalkaas ka maqlo, Rasuulkii
Alle Rabbigiis buu aaday sidii Muse binu
Cimraanba Rabbigiis u aaday oo 40 beri u
maqnaa, ka dibna u soo laabtay",
markaas ayaa Abuubakar masaajidkii soo
galay, isaga oo aan cidna lahadlin ayuu u gudbay gurigii oo Rasuulkii SCW intuu
maradii ka qaaday wejiga ka dhunkaday
yirina "Ilaahay kugu kulmin maayo labo
dhimasho, tii Ilaahay kuu qoray waad
hormarsatay", dabadeedna wuxuu ku soo
laabtay masaajidkii, wuxuuna ku yiri Cumar "fariiso", wuxuuna la hadlay dadkii
oo ku yiri "qofkii Maxammed SCW caabudi
jirey, Maxammed SCW waa dhintay, qofkii
Allaah caabudi jireyse Allaah waa nool
yahay oo ma dhiman", wuxuuna akhriyey
aayaddaan: ((NABI) MAXAMED SCW RASUUL MOOYEE
WAX KALE MA AHAN, HORTIINA WAXAA
TAGAY (DHINTAY) RASUULO, (HADABA)
HADII UU DHINTO AMA LA DILO MA
WAXAAD U LAABANAYSAAN CIRIBKIINII
(GAALNIMADIINII) QOFKII U LAABTA CIRIBTIISII (GAALOOBA) WAXBA KA DHIB
MAAYO ALLE, WUXUUNA (ALLE) ABAAL
MARIN DOONAA KUWA SHUKRIYA (OO
ALLE KA BAQA)), (Suuratu Aali-Cimraan
144). Ka dibna iyada oo aan Rasuulkii SCW weli
la aasin maalinkaas ayaa laga hadlay
khilaafadii iyo qofkii loo dooran lahaa si
aysan muslimiintu hoggaan la'aan u
noqon, in kasta oo xoogaa laga dooday,
waxaa ugu dambayntii khilaafadii loo doortay Abuubakar, Rasuulkana SCW
waxaa la dhaqay maalinkii Talaadada ee
ka dambaysay maalinkii uu dhintay, isaga
oo aan dharkiisii laga faydin, waxaana
dhaqitaankiisa u qumay adeerkiis Cabaas
iyo labo wiil oo uu dhalay oo kala ahaa Fadli iyo Qatham oo gad gadinayey, Cali
binu Abii-Dhaalib oo dhaqayey, Usaama
binu Sayd iyo Shaqraam oo Rasuulka SCW
mawlihiisa ahaa oo iyaguna biyaha ku
shushubayey, Aws binu Khawli oo
xabadka ku tiiriyey, waxaana Rasuulka SCW lagu kafnay sadex maro oo cad cad
oo aysan ku jirin qamiis iyo cimaamad, ka
dib waxaa laga wada hadlay meeshii lagu
aasi lahaa Rasuulka SCW, oo leh "Nabi
lama oofsado illaa waxaa lagu xabaalaa
meeshiii uu ku dhintay, Dalxa ayaa markaa kor u qaaday gogoshii uu
Rasuulku SCW ku jiifay, waxaana
hoosteeda laga qoday qabrigii, ka dibna
dadkii ayaa u soo galay toban toban iyaga
oo ku tukanaya, oo waxaa ku tukaday
ragii, waxaa ku xigaysaday dumarkii, ka dibna caruurtii, ilaa maalinkii Talaadada
oo dhan saa ku dhamaatay, dabadeed
waxaa la aasay habeenkii arbacada
saqdii dhexe.
No comments:
Post a Comment