Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 57AAD

Casharka 57aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ILAALADII MAXAMMED BINU
MASLAMA Markii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka
soo laabteen duullaammadii Axsaab iyo
banuu Qureyda, ciidankii ugu horreeyey
ee Rasuulku SCW diro wuxuu ahaa ilaalo
uu hoggaaminayey Maxammed binu
Maslama oo ka koobnayd 30 nin, waxayna ilaaladaasi u baxday dhinaca
Najdi oo uu deggenaa qabiil la yiraahdo
banii Bakar, waxaana meeshaas Madiina
looga socon jirey 7 habeen. Waqtigaas
taariikhdu waxay ahayd 10kii Muxarram,
sannadkii 6aad ee hijriga. Ciidanki markii ay meesha tageen ayey
qabiilkii ka carareen meeshii,
muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen
xoolohoodii qaar ka mid ah, waxayna soo
qafaasheen nin la oran jirey Thumaama
binu Uthal oo odey u ahaa reer banuu Xaniif. Waxayna Madiina ku soo laabteen
28kii ama 29kii Muxarram iyagoo wata
Thumaama binu Uthal Al-xanafi. Waxaa
ninkaas lagu xiray tiir ka mid ah tiirarka
masaajidka, Nabiga SCW ayaa u yimid oo
ku yiri "maxaa haysaa Thumaama?", wuxuu yiri "kheyr ayaa agtayda ah
Maxammed, haddiii aad i disho nin dhiig
leh ayaad didhey, haddii aad i deysana
nin wax mahadiya ayaad deysey, haddii
aad maal dooneysidna i weydiiso wixii
aad doontid ayaan ku siinayaa". Rasuulku SCW wuu ka tegey, wuxuuna ku soo
laabtay mar kale oo ku yiri sidii oo kale,
Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu
jawaabay. Mar saddexaad ayuu Rasuulku
SCW ku soo laabtay oo sidii oo kale ku
yiri, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaaabay. Ka dibna Rasuulku SCW
wuxuu yiri "sii daaya", waana la sii
daayey. Markii la sii daayey ayuu intuu baxay oo
geed timireed masaajidka u dhowaa
tegey ayuuu soo qubeystay, ka dibna ku
soo laabtay Rasuulka SCW oo islaamay,
wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa weji aan ka necbaa wejigaaga,
haddana wuxuu noqday wejigaagu kaan
ugu jeclahay wejiyaasha, Ilaah baan ku
dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa diin
aan ka necbaa diintaada, haddana waxa
ay noqotay midda aan ugu jeclahay diimo oo dhan. Fardahaaga ayaa i soo
qabtay aniga oo cimro u socda". Markaas
ayaa Rasuulku SCW u bishaareeyey
wuxuuna amray in uu cimradiisii guto. Ka
dib Thumaama wuxuu aaday Makka
markii uu Qureysh u tegey ayey ku dheheen "Thumaamow waad iilatay",
markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye maya ma iilan ee waan
islaamay Maxammed maciisa (la jirkiisa),
Ilaah baan ku dhaartaye Yamaama
idinkaga imaan meyso xabbad raashin ah ilaa Rasuulkii Alle SCW idiin idmo". Dabadeed markii uu magaaladiisii ku
laabtay ayuu ka joojiyey Makka
raashinkii, markaas ayey Qureysh
dhibaatootay oo waxa ay Rasuulka SCW u
soo direen warqad ay ku leeyihiin
"riximnimada ayaa wax kugu weydiisaneynaaye Thumaama warqad u
qor oo ha noo soo daayo raashinka na loo
soo rarayo". Rasuulku SCW wuu ka yeelay
oo Thumaama ayuu kala hadlay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete