Monday, 5 September 2011

CASHARKA 21AAD

Casharka 21aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW GEERIDII ABII-DHAALIB Abii-dhaalib wuxuu ahaa Nabiga SCW
adeerkiisii soo koriyey toban sanana
difaacayey oo qureysh uga biqi jirtey,
muddo badanna ay odeyaashii
qureysheed ku soo noqnoqdeen iyagoo
uga dacwoonaya Rasuulka SCW dhibaatooyin badanna ka soo gaadheen
difaaciddii Nabiga SCW iyadoo sababta
uu u difaacayeyna ahayd ficilo qabiil iyo
inaan wiilkuu adeerka u yahay lagu xad
gudbin intuu nool yahay. Tobankaa sano ee uu Rasuulka SCW
difaacayey ma uusan qaadan islaamka
isagoo ujeeda inuu xaq yahay oo xitaa
gabay ku sheegay in islaamku yahay diin
xaq ah sababta uu u rumeyna waxay
ahayd Ilaah oo aan la damcin hanuunka. Sannadkii 10aad ee soo diriddi Rasuulka
SCW markay cunaqabatayntii
dhammaatay ka dib ayuu Abii-dhaalib
xanuunsaday, xanuunkaas oo ahaa kii uu
u geeriyooday. Odeyaashii qureysh
markay maqleen xanuunkaas Abii- dhaalib ayey shir qaateen waxayna is
dheheen "waad maqasheen in uu Abii-
dhaalib xanuunsan yahay waxaana la
arkaa inuu u dhinto, annaga iyo
Maxammedna is gefi mayno oo
xaaladdiisu meel adag ayey taagan tahay, haddaan waxyeelleyno markii Abii-
dhaalib dhintana carab ayaa na
ceebeynaysa oo dhahaysa "intii Abii-
dhaalib noolaa wax way yeeli kari
waayeen laakiin markuu dhintay ayey
waxyeelleeyen" sidaa darteed waa hadda u tagnaa Abii-dhaalib oo ku dhahnaa
annaga iyo wilkaaga arrin cad nakala sii
oo ha nabad geliyo ilaahyadayada iyo
diintayada annaguna waa nabad
gelineynaaye." waxay markaa Abii-
dhaalib u direen 25 nin oo odeyaashoodii ka tirsanaa oo go'aankaas ula tegey.
Abii-dhaalib markuu arrinkoodii
dhegaystay ayuu Rasuulka SCW u yeeray
oo ku yiri "adeer reer tolkaa arrintaan
bay la yimaadeene ka warran" Rasuulka
SCW wxuu yiri "adeer hal kalimad keliya ha ii dhahaan", Abii-jahal ayaa hadlay oo
yiri 'hal keliyaa.. iyada iyo toban la mid ah
ayaan kuu dhahayaa". Rasuulka SCW
wuxuu yiri waxaad dhahdaan "LAA
ILAAHA ILLA LAAH". Nimankii
qureysheed markay maqleen "ninkaani wax uu idiin oggol yahay ma jirtee naga
soo kiciya meesha". Ibnu Hishaam wuxuu yiri arrintani waa
qisada ay ka warramayso suuradda la
yiraahdo SAAD bilwgeeda. Waxaa is
weyddiin leh sababtaa ay u diideen iney
hal mar yiraahdaan kalimmadaas
tawxiidka, maxay se toban jeer intay afka ka dhahaan ay howshooda isaga wadan
waayeen? Su'aalahas jawaabtoodu waxay
weeye, waxay ogaayeen macnaha ka
dambeeya kalimaddaas iyo iney
dhaqankooda oo dhan beddelayso, mana
aysan rumeysneyn sida ay maanta in badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku
kadsomeen oo kalimmadaas iney afka
uga dhawaaqaan ahayn maxaa yeelay
islaamku waxaa weeye inu qofku qalbiga
ka ictiqadiyo xubnahana uga dhaqmo
Ilaahna si toos ah ugu xirnaado. Sidaa kale Allah isagoo tilmaamaya in markii
allah keliya la sheego ay dhabarka
jeedinayaan waxuu yiri: "((Waxaan quluubtooda yeelnay dabool in
ay fahmaan qur'aana, dhagahoodana
culays, haddii aad (Nabiyow) qur'aanka
dhexdisa ku xusto Rabbigaa kaligii waxay
jeedinayaan dabada iyagoo cararaya),
(Suuratul-Israa 46). Ugu dambayntii Abii-dhaalib xanuunkii
ayaa ad ugu siyaaday, Rasuulka SCW
wuxuu aad isugu hawlay siduu adeerkiis
uga badbaadin lahaa cadaabka Alle,
laakiin Alle ayaan hanuun la damcin.
Maalinkii ugu dambeysey ee sakaraadku hayey ayaa waxaa u yimid Rasuulka SCW
isagoo ay la joogaan Abii-jahal iyo
Cabdullaahi ibnu abii Ummaya oo
doonaya in Abii-dhaalib ku dhinto diintii
aabbayaashood, markaasuu Rasuulka
SCW adeerkiis ku yiri "adeerow dheh LAA ILAAHA ILLA LAAH kalimmad aan Ilaahay
agtiisa kaaga doodo" Abii jahal iyo
Cabdullaahi ibnu abii Ummaya ayaa ka
daba hadlay o yiri "Abii-dhaalib, ma
diintii Cabdimudhalib baad ka
tegeysaa?", kama aysan suulin iney ka daba hadlayaan mar kasta oo uu Rasulka
SCW u bandhigo adeerkiis kalimmaddaas
tawxidka ilaa uu markii dambe ka yiri
"waxaan ku dhimanayaa diinta
Cabdimudalib". Abii-dhaalib waa uu ogaa in diinta Nabi
Maxammed SCW uu wataa ay xaq tahay
sida uu ku caddeeyey gabayaduu tiriyey,
laakiin wuxuu xaqa u diiday armaa lagu
yiraahda markuu dhimanayey buu baqdin
daraaddeed u islaamay. Calla kulli xala ilaah ayaan hanuun u qorin sidaa ayuuuna
ku geeriyooday. Allaah markuu arkay
Rasulka SCW sida uu u jecel yahay
adeerkiis isaguna hawlay hanuunkiisa
ayuu aayaddaan ku soo dejiyey Rasulka
SCW, oo ku yiri: ((Adigu ma hanuunin kartid ciddaad
jeceshahay laakiin Alle ayaa hanuuniya
ciddduu doono, isagaana og kuwa
hanuunaya)), (Suuratul-Qasas 56). Markii uu kufrigaas ku dhintay ayuuu
Rasuulka SCW yiri "wan kuu dambi dhaaf
weyddiin intaan la iga reebin" Hase
yeeshee muddo ka dib markii Madiino loo
wareegay ayaa Allaah soo dejiyey
aayaddaan looga reebayo Rasuulka SCW iyo mu'miniinta iney gaalo dambi dhaaf u
dalbaan. ((Uma haboona Nabiga iyo kuwa
rumeeyey in ay Mushrikiin u dambi dhaaf
wayddiiyaan, haba ahaadeen
(mushirikiintaasi) qaraabadood, ka dib
intay u caddaatay in ay yihiin (gaalo)
ehelu Jaxiima), (Suuratu-Tawbah 113).

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete