Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 66AAD

Casharka 66aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII KHAYBAR Khaybar waxa ay ahayd magaalo
wayn oo aad u dhufaysyo badan, waxa
ayna Madiina u jirtey 60 ila 80 mayl oo
dhinaca woqooyi ah. Waxa ay ahayd
xaruntii yahuudii dhulkaas degganayd.
Sababta duullaankani waxa ay ahayd: Waxa aan soo ogaannay in yahuuddu
had iyo jeer ka mid ahayd cadowyadii
ugu waaweynaa ee islaamka, kana
dambeeyey duullaankii Axsaab, intaasna
makri u maleegayey islaamka iyo
muslimiinta. Sidaa darteeed ayaa heshiiskii Xudaybiya ka dib Rasuulku
SCW wuxuu u soo jeestay cadowyadii
kale ee islaamka ugu darnaa maaddaama
uu qureysh meel isaga soo xiray,
wuxuuna ugu hormariyey yahuuddii
Khaybar. Rasuulku SCW wuxuu duullaankan
qaaday bishii Muxarram, sannadkii 7aad
ee hijriga, waxayna culimada
mufasiriintu sheegaan in Khaybar ahayd
yabooh uu Ilaah ballanqaaday markii uu
qur'aankiisa ku yiri: ((ALLE WAXA UU IDIIN YABOOHAY
QANIIMOOYIN TIRA BADAN OO AAD
QAADDANNAYSAAN, TANNA WAA IDIIN
SOO DEDDEJIYEY, DADKA
GACMAHOODIINA WAA IDINKA QABTAY SI
AY CALAAMAD UGU AHAATO MU'MINIITA, UUNA IDINKU HANUUNIYO JIDKA
TOOSAN)), (Suuratul-Fatxi 20). Waxayna ahayd midda la soo
dedejiyey heshiiskii Xudeybiya,
qanimooyinkii tirada badnaanna Khaybar
baa ka mid ahayd. Markii ay munaafaqiintii iyo kuwii
iimaankoodu daciifka ahaa ka hareen
Rasuulka SCW Xudeybiya, ayaa Alle
Rasuulkiisa SCW amray in aysan u raacin
duuullaanka Khaybar, wuxuuna Alle
qur'aankiisa ku yiri: ((WAXAY DHIHI DOONAAN KUWII HARAY
(MUNAAFIQIINTII) MARKAAD QANIIMA U
BAXDAAN SI AAD USOO QAADATAAN "NA
DAAYA AAN IDIN RAACNEE", WAXAY
DOONAYAAN INAY BADALAAN HADALKA
ALLE, WAXAAD TIRAAHDAA NA RAACI MAYSAAN ALLAANA SAAS HORAY U YIRI,
WAXAY KU DHIHI DOONAAN WAAD
NAXASDAYSAA, WAXBASE MA
FAHMAYAAN ILLAA WAX YAR MOOYEE)),
(Suuratul-Fatxi 15). Sidaa darteed ayaa Rasuulku SCW
markii uu u baxayey Khaybar wuxuu
ogeysiiyey in aysan raacaynin, waxaana
raacay oo keliya 1400kii nin ee
Xudeybiya u raacay. Madiina wuxuu
Rasuulku SCW madax uga sii dhigay Subaac binu Curfada. Munaafaqiinta, oo had iyo jeer
gaalada daba dhilif u ahaa, ahaana
cadow aad u xun oo ku dhex jira
muslimiinta, ugana eg muuqaalka iyo
magaca muslimiinta hase yeeshee
qalbiga iyo niyadda ka jecel kana raacsan gaalada, ayaa markii ay ogaadeen in uu
Rasuulku SCW ku duulayo Khaybar waxa
ay hoosta kala xiriireen yahuuddii
Khaybar, waxa ayna ku dheheen
"Maxammed idinka ayuu idin soo aaday
oo idiin soo socdaa ee qaata degtooni, hana ka biqina idinka ayaa caddad iyo
hubba ka badane. Maxammed ciidankiisu
waa wax yar, hubna ma wataan in yar
maahee". Yahuuddii markii ay warkaas
maqleen waxa ay u cid dirsadeen reer
Qadafaan oo ay xulafo ahaan jiren si ay
dagaalka ula galaan, miraha Khaybarna
nus u qaataan haddii laga qaalib noqdo
muslimiinta. Reer Qadafaan warkaa way yeeleen, wayna soo bexeen si ay
yahuudda ula dagaal galaan hase
yeeshee intii ay jidka ku sii jireen ayey
dhinicii reerahooda ka maqleen qaylo,
markaas ayey u maleeyeen in
muslimiintii u daba martay cidahoodii iyo maalkoodii. Dib ayey markaas u
laabteen oo waxay waardiye ka qabteen
dadkoodii, wayna isaga dhex baxeen
Rasuulka SCW iyo yahuud. Rasuulku SCW Madiina ayuu ka soo
baxay isaga oo dhinaca Khaybar soo
aaday. Markii uu meel dhexe marayo
ayuu u yeeray labo nin oo ciidankaas hor
socday, wuxuuna ka dalbay in ay
tusiyaan jidka ugu wanaagsan ee Khaybar ka soo gelinaya dhinaca
woqooyi ee ay Shaam ka xigto. Midkood
ayaa markaas yiri "aniga ayaa ku
tusinaya Rasuulkii Allow". Markii uu
muddo ciidankii waday oo la marayo
meel ay dhowr waddo ku kulmaan ayuu yiri "Rasuulkii Allow waddooyinkaan oo
dhan way na geynayaan", markaas ayuu
Rasuulku SCW amray in uu waddooyinka
magacyadooda kala sheeg sheego,
markii uu mid magacaababa Rasuulku
SCW wuu diidayey ilaa ay ka hartay hal xabbo. Cumar ayaa markaas ninkii ku yiri
"sheeg", markii uu sheegayna Rasuulku
SCW wuu yeelay oo waddadaas ayuu
qaatay. Habeenkii ugu dambaysay
socodkooda waxa ay Rasuulka SCW iyo
ciidankiisii degeen Khaybar agteeda.
Rasuulku SCW haddii uu qolo duullaan ku
yahay oo uu ku soo beegmo habeen ma
weerari jirin ilaa uu ka waaberiisto sidaa darteed markii uu waagu baryey oo ay
salaaddii subax tukadeen ayaa isaga iyo
ciidankisii galeen magaaladii Khaybar. Yahuuddii markii ay arkeen
ciidankii Rasuulka SCW iyaga oo aan ka
war hayn oo shaqooyinkoodii u
kallahaya ayey dheheen "waa
Maxammed, Ilaah baan ku dhaarannaye
waa Maxammed iyo Khumus (ciidankiisii shan geeslaha ahaa). Markaas ayey ku
carareen magaaladii iyo
dhufeysyadoodii, wuxuu markaa
Rasuulku SCW yiri "Allaahu Akbar,
Khaybar waa kharaabtay. Allaahu Akbar
Khaybar waa kharaabtay. Annagu haddii aannu degno dad goobtood waxaa
xumaaday dad loo digay subaxdood". Ka dib Rasuulku SCW meel ayuu
ciidankiisii dejiyey, waxaana markaas u
yimid Xubaab ibnu Mundir oo ku yiri
"Rasuulkii Allow meeshani waxa ay aad
ugu dhowdahay dhufeskii Nadha,
dagaalyahannadii Khaybar dhammaantoodna way ku jiraan, waxa
ayna ku wareegaysanayaan
agagaarkeeda, mana ogin arrimahooda,
fallaarohooduna way na soo gaarayaan,
kuweennuna ma gaarayaan, in ay na
miraana kama aammin nihin. Sidoo kale meeshani waa timir dhexdeed iyo meel
aan habboonayn ee haddii aad n amri
lahayd meel aan waxaan u dhan lahayn
oo aan xarun ka yeelanno (way fiicnaan
lahayd". Wuxuu markaas Rasuulku SCW
yiri "taladu waa sida aad tilmaantay" ka dib ciidankii ayuu raray oo meel kale
dejiyey. Wuxuu Rasuulku SCW baryayey
Rabbigiis isaga oo oranaya "Allihii
toddobada samo iyo waxa ay
hareereeyeen Rabbigood ahaayow,
shayaadiinta iyo waxa ay baadiyeeyaan
Rabbigood ahaayow waxa aan ku weydiisanaynaa magaaladan
kheyrkeeda iyo dadkeeda kheyrkooda,
waxa aanna kaa magan gelayaa
magaaladan sharteeda iyo waxa ku jira
shartooda". Waxaana calanka
muslimiinta waday Abuubakar Sidiiq hase yeeshee markii dagaalki labo
maalmood kasocday dhufayskii Naacim
oo la furan waayey muslimiintiina ay
dhibi soo gaartay ayuu Rasuulku SCW yiri
"waxa aan calankan berri siin doonaa nin
Alle iyo Rasuulkiisa jecel, Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin". Subaxdii
markii la gaaray ayaa nin walba oo
asxabta ka mid ihi jeclaystay in uu noqdo
ninkaas Alle iyo Rasuulkiisu SCW jecel
yihiin, nin walbana wuu u hanqal taagay.
Wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri "aaway Cali binu Abii-dhaalib?", waxa ay
asxaabtii dheheen "Rasuulkii Allow
indhaha ayaa laga hayaa". Rasuulku SCW
Cali ayuu u cid diray, markii uu u yimidna
indhihii ayuuu uga tufay, waana u
duceeyey. Calina markiiba indhihii way u caafimaadeen Rasuulkuna SCW wuxuu u
dhiibay calankii, markaas ayuu Cali yiri
"Rasuulkii Allow, miyaan la dagaallamaa
ilaa ay annaga (muslimiinta) oo kale ka
noqdaan?", Rasuulku SCW wuxuu yiri
"tartiibso ilaa aad ka degtid aaggooda, ka dib ugu yeer islaamka una sheeg
waxa dushooda ku waajibka ah oo xaqa
Alle ah. Ilaah baan ku dhaartaye in
Ilaahay dartaa ku hanuuniyo qof kaliya
ayaa kaaga kheyr badan geela kiisa
gudguduudan". Ka dib waxaa la gudo galay
dagaalkii Khaybar. Magaalada Khaybar
waxa ay ahayd mid aad u qalcado iyo
dhufeysyo badan, waxa ayna u
qaybsanayd labo qaybood: Qayb waxaa
ku yaallay shan qalcadood oo waaweyn iyo kuwo yar yar, qaybta kalena waxaa
ku yaalley saddex qalcadood oo
waaweyn oo keliya. Qalcadaha qaybta
hore ku yaalley waxaa la kala oran jirey:
Naacim, Sacab binu Mucaad, Qalcatu-
Dubeyr, Ubey iyo Nasaar. Saddexda hore waxaa la isku oran jirey Nadha oo waa
kuwii ugu waaweynaa. Labada dambe
waxa ay ku yaalleen meel la oran jirey
Shifi waana qaybta ugu xoogga badnayd
oo uu ka dhacay dagaalku. Saddexda
qalcadood ee dhinaca kale waxaa la kala oran jirey: Qamuus, Wadhiix iyo
Sulaalam. Dagaalki ayaa markaas bilowday,
dhufeyskii ugu horreeyey ee ay
muslimiintu weerareen wuxuu ahaa
Naacim oo ahaa kii uu joogey nin
hormoodayaashii yahuud ka mid ahaa oo
la oran jirey Marxab. Cali binu Abii- dhaalib iyo ciidankiisii markii ay
dhufeyskan tageen ayaa Cali yahuuddii
ugu yeeray islaamka hase yeeshee way
diideen, dagaal ayeyna doorteen. Waxaa
mubaaraso u soo baxay madaxoodii
Marxab oo leh "Khaybar waxa ay ogaatay in aan ahay Marxab oo jeeniqaarsan hub,
geesi la jarribay", waxaa markaa u soo
banbaxay Caamir oo leh "Khaybar waxa
ay ogaatay in aan ahay Caamir oo
jeeniqaarsan hub, geesi booraysan".
Waxa ay markaas is dhaafsadeen laba seefood, seefii Marxab waxa ay ku
dhacday gaashaanka, tii Caamirna way
gaabnayd, wuxuuna damcay in uu
dhudhunka uga dhufto hase yeeshee
isaga ayey ku soo laabatay oo lawga uga
dhacday, wuuna u dhintay. Asxaabtii qaar kamid ah ayaa yiri Caamir
camalkiisii waa buray, markaasa
Rasuulku SCW wuxuu yiri "been bay
sheegeen wixii sidaas yiri, Caamir wuxuu
leeyahay labo ajar oo waa mujaahid
dadaalay". Ka dib waxa uu Marxab dalbaday
in loo soo baxo, waxaa u soo baxay Cali
binu Abii-dhaalib, si degdeg ah ayuu
markaas Cali madaxa ugu dheereeyey
cadowgii Alle ee Marxab. Dabadeed Cali
dhufeyskii ayuu u sii dhowaaday, waxaana madaxa dhufeyska kala soo
baxay nin yahuudi ah oo ku yiri "kuma
ayaa tahay?", Markaas ayuu Cali ugu
jawaabay "Cali binu Abii-dhaalib baan
ahay", ninkii wuxuu markaa yiri "waad
ka sare marteen wixii Muuse lagu soo dejiyey (diintii Tawreed). Ka dib waxaa mubaaraso u soo
baxay Marxab walaalkiis oo la oran jirey
Yaasir, dhinaca muslimiintana waxaa ka
soo baxay Subeyr ibnu Cawaam. Subeyr
hooyadii oo Rasuulka SCW eeddadiis
ahayd, ayaa Rasuulka SCW ku tiri "Rasuulkii Allow miyuu dilayaa
wiilkeyga?" Rasuulku SCW wuxuu yiri
"maya, ee isaga (subeyr) ayaa dilaya".
Sidaa ayaa ninkaas yahuudiga ahna
Subeyr u diley. Dagaalkii ayaa si fiican u
bilowday, dhufeyskan Naacimna waxaa
ka dhacay dagaal aad u daran oo maalmo
socdey ilaa ay markiii dambe yahuuddii u
adkaysan weyday weerarradii
muslimiinta oo isaga soo baxday dhufeyskii, waxa ayna isku urursadeen
dhufeyskii Sacab binu Mucaad oo ahaa
dhufeyskii labaad dhinaca awoodda iyo
xoogga. Waxa ay muslimiintu ku qaadeen
weeraro halis ah, waxaana
hoggaaminayey Xubaab binu Mundir. Waxaa dhufeyska iyo yahuudda la dul
fadhiyey saddex maalmood, maalinki
3aad ayaa Rasuulku SCW Ilaahay u
baryey ka dib markii ay muslimiinta ka
dhammaatay sahaydii oo ay haleeshay
gaajo aad u daran ilaa ay ka qasheen dameerihii ay wateen. Markaas ayaa
Rasuulka SCW loo sheegay hilibkii
dameeraha oo dabka saaran, wuxuu
Rasuulku SCW amray in hilibka la
daadiyo, dheryahana la jejebiyo. Sidoo
kale waxaa u yimid Rasuulka SCW rag asxaabta ka mid ah oo yiri "wax ma
haysanno", ka dib Rasulku SCW Ilaah
ayuu baryey oo wuxuu yiri "Ilaahayow
xaaladdooda waad og tahay, awoodna
ma haystaan, anigana gacantayda kuma
jiraan wax aan siiyo (asxaabta) ee u fur dhufeyska ugu weyn uguna cunto badan
ha ku deeqtoomaane". Subixii dambe
ayuu Ilaahay muslimiinta u furay
dhufeyskii ugu weynaa ee Sacab binu
Mucaad, waxa ayna ka heleen raashin
fara badan iyo hub halis ah oo uu ka mid ahaa Manjaniiq oo ahaa hubkii
waqtigaas u casrisanaa. Markii ay muslimiintu labadaas
dhufeys furteen ayaa yahuuddii Nadha
joogtey oo dhan isku urursatay
dhufeyska Qalcatu-Subeyr oo ku yaalley
qalcad dusheed, farduhuna aysan kori
karin, raggana dhib ku ahaa. Markaas ayuu Rasuulku SCW amray in la
hareereeyo, markii saddex beri lagu
hareereysnaa ayaa waxaa Rasuulka SCW
u yimid nin yahuud ah oo yiri "Abal-
qaasimow haddii aad bil ku
hareereysanato waxba yeeli mayso maxaa yeelay waxa ay haystaan
cabitaan iyo ilo dhulka hoostiisa ah,
habeenkiina inta ay baxaan oo
biyohooda soo cabbaan ayey
qalcaddooda ku soo noqdaan oo difaac
galaan. Haddii aad ka goysid biyaha waa kuu soo baxayaan". Sidaa ayuu markaa
yeelay Rasuulku SCW oo biyihii ayuu ka
jaray, markaas ayey soo baxeen oo u
dagaallameen ilaa uu markii dambe
nasrigii Alle yimid oo muslimiintii goobtii
furteen. Yahuuddu waxa ay ka dib isku
urursatay dhufeyskii 4aad ee la oran
jirey Qalcaddii Ubay, muslimiintiina way
ka daba tageen oo way hareereeyeen;
waxaana goobtaas ka dhacay dagaal aad
u daran. Labo nin oo halyeeyadii yahuudda ka mid ahaa ayaa mubaaraso u
soo baxay hase ahaatee labadaba waxaa
dilay raggii dhinaca muslimiiinta uga soo
baxay, weliba kan dambe waxaa diley
geesigii caanka ahaa ee Abuu Dujaana.
Abuu Dujaana iyo ciidankii muslimiintu waxa ay u dheceen qalcadda gudeheeda
ayey yahuuddii iskaga soo baxday
qalcaddii oo u carartay dhufeyskii ugu
dambeeyey qaybta hore oo la oran jirey
Nasaar. Waxa ay yahuuddu ku urursatay
haweenkii iyo carruurtii iyaga oo iska dhaadhicinaya in aysan muslimiintu
furan karin dhufeyskaas
istaraatiijiyaddiisa iyo difaaciisa oo
adkaa darteed. Waxaana uu dhufeyskaas
ku yaalley buur dusheed. Ciidankii Alle,
oo wax kasta u beer dhigayey, ayaa hareereeyey yahuuddii, yahuuddana
waxa ay u ahayd kama dambays maxaa
yeelay dumarkoodii, carruurtoodii iyo
maalkoodii ayaa ku jirey dhufeyskaa,
waana dhufeyskii ugu dambeeyey
dhinacaas magaalada. Yahuuddu waxa ay soo ganayeen
Naabaal iyo dhagaxaan. Markii ciidankii
muslimiinta ku adkaatay furashadii
dhufeyskan ayuu Rasuulku SCW amray in
la tuuro Manjaniiq. Muddo markii la
tuurayey Manjaniiq ayaa lagu burburiyey qaybo ka mid ahaa deriyadii qalcadda oo
ay muslimiintii galeen gudihii qalcadda,
waxaana halkaa ka dhacay dagaal daran
ilaa markii dambe yahuuddii ay jabtay
oo ka carartay maatadii iyo maalkii. Dhufeysyadii kale ee isla
dhinacaan magaalada kaga yaalley wax
dagal ihi kama dhicin oo markii kuwii
waaweynaa laga qabsaday, ayey iskaga
baxeen oo isku urursadeen dhufeysyadii
ku yaalley dhinaca kale ee magaalada. Ciidankii muslimiintu markii uu furtay
Nadha iyo Shiqi ayuu uga daba tegey
yahuudda dhinicii kale oo hareereeyey.
Dagaal adag ayaa ka dib dhacay ilaa ay
muslimiiintu ka furteen dhufeyskii
Qamuus. Dhufeysyadii kale markii uu Rasuulku SCW ku hareereysnaa afar beri,
yahuuddiina ay soo bixi weydey ayuu
Rasuulku SCW damcay in uu Manjaniiq ku
garaaco hase yeeshee yahuuddii ayaa
weydiisatay heshiis oo ninkii la oran
jiray Kinaana binu Abil-Xaqiiq oo kamid ahaa madaxdii yahuudii reer banii Nadiir
ayaa Rasuulka SCW farriin u soo diray oo
yiri "ma soo degaa aan kula hadlee?",
Rasuulkuna SCW wuu u oggolaaday.
Markii uu soo degay ayaa waxaa lagu
heshiiyey in dadka dagaallamayey ee dhufeyska ku jirey iyo maatada la iska
daayo, Khaybarna ay ka guuraan, maalka
Khaybarna ay muslimiintu leeyihiin.
Rasuulku SCW wuxuu yiri "Alle iyo
Rasuulkiisu beri bay idinka yihiin haddii
aad wax qarisaan". Markii heshiiskii lakala qortayna way is dhiibeen oo
sidaas ayey ku dhamaatay furashadii
Khaybar. Wuxuu Rasuulku SCW u yimid
ninkii la oran jirey Kinaan oo ahaa
khasnad hayihii yahuudda reer Banii
Nadiir. Ninkaas oo hayey maal aad u tiro
badan, markii uu Rasuulku SCW
weydiiyey maalkana wuu inkiray, nin yahuudda ka mid ah ayaa yiri "waxa aan
arkay Kinaana oo tegeya meeshaas
maalin kasta", markaas ayuu Rasuulku
SCW ku yiri Kinaana "ka warran haddii
aan kaa helno maal sow kuma dilno".
markaas ayuu yiri "haa", ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la faago meeshii,
markii la faagayna waxaa laga soo
bixiyey keydkoodii qaarkiis, markaas
ayaa la weydiiyey qaarkii kale hase
yeeshee ma sheegin. Rasuulku SCW
wuxuu amray Subyer in uu kexeeyo Kinaana oo soo buga bugeeyo, markii uu
Subyer garaacay oo xanuujiyey ayuu
Kinaana sheegay maalkii oo dhan. Ka dib
wuxuu Rasuulku SCW amray Maxammed
binu Maslama in uu dilo ninkaas maxaa
yeelay labo ballan ayuu ku galay in la dilo: tan hore oo heshiiska ku jirtey in
haddii ay wax qariyaan Alle iyo
Rasuulkiisu SCW ay beri ka yihiin iyo tan
dambe oo Rasuulku SCW ku yiri "haddii
aan wax kaa helno sow kuma dilno"
isaguna wuu yeelay. Saas ayaana abaalkeedu yahay ciddii islaamka diida
oo dhagar iyo xumaan ka bixi wayda
markii ay u gacan gasho ciidammada
Alle. Rasuulku SCW wuxuu ka dib
damcay in sidi heshiisku ahaa uu yahuud
Khaybar ka raro sidii uu awalba Madiina
uga soo raray hase yeeshee waxa ay
yiraahdeen "Maxammedow iska kaaya
daa aan beeraha idiinka shaqayno, annaga ayaa idiinka aqoon badane",
markaas ayuu Rasuulku SCW ka yeelay in
ay iska degganaadaan Khaybar oo
islaamka ku hoos noolaadaan, beerahana
ay ka shaqeeyaan, wixii ka soo go'ana ay
kala bar qaataan. Markii ay beeruhu soo go'aan ayuu Rasuulku SCW u diri jjirey
yahuudda nin khibrad leh oo soo
qiimeeya miraha beerta saaran, ka dibna
intii lagu qiimeeyo oo soo go'da ayaa la
kala baran jirey. Sidaa ayey yahuuddu
Khaybar u degganayd ilaa waqtigii Cumar binu Khadhaab uu khilaafada
islaamka hayey, ka dibna Cmar ayaa ka
raray. Wuxuu Rasuulku SCW beerihii
Khaybar u qaybiyey 36 qaybood oo qay
kasta ahayd 100 sahmi (saami), isku
darkeeduna ahaa 3600 oo sahmi. Ka dib
markii labo loo qaybiyo (1800 sahmi)
wuxuu dhigay danta guud ee muslimiinta, 100na ciidanki ayuu
qeybiyey oo 1400 oo nin wuxuu siiyey
min hal sahmi, labadii boqol ee farasna
wuxuu siiyey min labo sahmi sidaas
darteed ninkii faras watay wuxuu helay
saddex sahmi, ninkii aan wadanna hal sahmi. Arrintaas wuxuu Rasulku SCW ku
dhiirrigelinayey si ay ugu dadaalaan
fardaha maaaddama ay farduhu
waqtigaas joogeen halka ay miigtu
maanta joogto. Muslimiiintii waxa ay ka heleen
Khaybar qaniimo aad u tiro badan oo
Ilaahay ku hodmiyey, asxaabtiina waxa
ay bexeen faqrigii aadka u darnaa,
Caa'isha iyada oo Khaybar ka hadlaysa
waxay tiri "haddaan timir ka dhargaynaa". Sidoo kale Cabduullaahi
binu Cumar wuxuu yiri "ma aannaan
dhargin ilaa aan Khaybar kafuranay".
Waana qaniimadii uu Ilaahay u ballan
qaaday. Qaniimada oo ah xoolo laga furto
acdaa'da Alle markii ay diinta Alle ka horyimaadaan, waxa ay ka mid tahay
risqiga ugu wanaagsan ee qofka
muslimka ahi uu cuno. Allaahna wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((CUNA WAXAAD QANIIMAYSATEEN
ISAGOO XALLAL WANAAGSAN AH, KANA
BAQA ALLE, WUXUU ALLE AHAADAY
DAMBI DHAAFE NAXARIISTA)),
(Suuuratul-Anfaal 69). Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu
yiri "waxaa la ila soo bixiyey saacadda
horteeda seef ilaa Ilaahay kaliya la
caabudo, risqigaygana waxaa la yeelay
hooska warankayga hoostiisa, dulli iyo
xaqiraadna waxaa la yeelay ciddii amarkayga (islaamka) khilaafta, qofkii
cid isku ekeysiiyana waa ka mid". Rasuulka SCW intii uusan Khaybar
ka tegin waxaa ugu yimid Jacfar binu
Abii-dhaalib iyo dadkii muslimiinta ahaa
ee dhulka xabashida jirey oo uu Najaashi
soo direy markii uu helay warqaddii
Rasuulka SCW. Dadkaan waxaa la socdey Abuu Muusa Al-Ashcari iyo dadkii
ashcariyiinta ahaa ee Yaman ka soo
islaamay oo gaarayey dhowr iyo konton
nin qaniimadi ayaana wax laga siiyey.
Waxaa kale oo intii uu Rasuulku SCW
Khaybar joogey yimid oo soo islaamay oo Abuu Hureyra iyo dhowr nin oo reerihiisa
ahaa, waxayna markii hore tageen
Madiina oo Subaac binu Curfada oo ahaan
ninkii uu Madiina Rasuulku SCW madaxda
uga soo dhigay ayaa soo ambabixiyey oo
sahay soo siiyey. Markii uu Rasuulku SCW Khaybar
ka fara xashay ayaa naag la oran jirey
Seynaba binu Xaarith oo yahuudiyad
ahayd uuna qabay nin la oran jirey
Sulaam binu Mashkam waxa ay Rasuulku
SCW u soo hadiyeysay hilib ri' ay soo soshay waxa ayna tiri "cadkee Rasuulku
ugu jecel yahay?", markaas ayaa la yiri
"dhudhunka", markaas ayey hilbihii oo
dhan sumaysay, dhudhunkiina si gaar ah
u sumaysay, ka dibna Rasuulka SCW u
keentay. Rasuulku SCW markii uu hal mar goostay ayuu tufay oo yiri "waxaa la ii
sheegay laftaani in ay sumaysan tahay",
naagti ayaa loo yeeray, markaas ayey
qiratay. Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxaa
kugu xambaaray arrintaan?", waxay tiri
"waxaad aragtay ayaad dadkaygii ku samaysay marka waxa aan is iri haddii
uu boqor yahayna waanu ka istareexin,
haddii uu Nabi yahayna waa loo sheegi",
markaas ayuu Rasuulku SCW iska
dhaafay hase yeeshee nin asxaabtii ka
mid aha oo la oran jirey Bashiir binu Buraa oo hilikii wax ka goostay ayaa u
dhintay, markaas ayaa naagti loo
qisaasay oo la dilay. Sidaas ayuu ku
dhamaaday duullaankii Khaybar
guushina Ilaahay ku siiyey Rasuulka SCW
iyo muslimiinta, acdaa'dii Ilaahayna ay jab ula kulmeen. Muslimiinta waxaa duullaankaas
uga shahiiday 16 nin: 4 Qureysh ah, nin
reer Ashjac ah, nin reer Aslam ah, nin
reer Khaybar ah iyo 9 Ansaar ah. Dhinaca
gaalada waxaa laga dilay 93 nin. Rasuulku SCW markuu khaybar
tagay ayuu yahuuddii reer Fadak u diray
Muxaysa binu Mascuud si uu islaamka ugu
yeero hase yeeshee way diideen,
markiise Khaybar la furtay ayuu Ilaahay
quluubtoodii aragagax geliyey markaas ayey heshiis ula soo degdegeen Rasuulka
SCW ay kuleeyihiin "sidii aad reer
Khaybar ula heshiisay oo kale annagana
noola heshii, Rasuulkuna SCW wuu ka
yeelay. Rasuulku SCW markiii uu Khaybar
ka tegey wuxuu aaday meel la oran jirey
Waadil-Quraa oo ay degganaayeen
yahuud iyo carab. Markii uu gaaray oo uu
dul degey aye yyahuuddii soo tuureen
gammuuno, waxayna ku dhaceen wiil la oran jirey Mudhcam oo Rasuulka SCW
mawle u ahaa. Wiilkii wuu dhintay,
markaas ayey dadkii dheheen "janno
ayaa u ahaatay" hase yeeshee Rasuulku
SCW wuxuu yiri "ma aha sidaas, Ilaahii
nafsaddaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye shalmaddii (xoolihii) uu ka
qaatay qaniimadii Khaybar intii aan la
qaybin ayuu naar ku gelayaa". Dadkii
markii ay hadalkaas maqleen ayaa qofkii
wax hayey keenay. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu
asxaabtiisii u diyaariyey duullaankii reer
Waadil-Quraa, wuuna safay, wuxuuna
calankii u dhiibay Sacad binu Cubaada,
raayana wuxuu u dhiibay Xubaab binu
Mundir, raaya kalena Sahal binu Xuneyf, mid kalena Cubaada binu Bishir. Sidii
hore oo kale ayuu Nabiga SCW islaamka
ugu yeeray dadkaas, wayse diideen oo
dagaal ayey ka doorteen. Waxaa mubaaraso ay u soo
saareen nin ka mid aha, waxaase u soo
baxay oo diley Subeyr binu Cawaam. Mar
labaad ayaa islaamka loogu yeeray
haddana way diideen. Nin kale ayaa
mubaaraso ugu soo baxay hase yeeshee isagana waxaa dilay Subyer binu
Cawaam. Mar saddexaad ayaa islaamka
loogu yeeray, iyaguna way diideen oo
waxay mubaaro u soo saareen nin kale,
waxaa markan u baxay oo dilay Cali binu
Abii-dhaalib. Ka dib sidaa ayaa islaamka loogu yeerayey, iyaguna u diidayeen oo
hadba nin mubaaraso ugu soo saarayeen
ilaa laga diley 11 nin. Salaad ayaa soo
gashay markaasuu Rasuulku SCW
asxaabtii soo tujiyey, ka dibna goobtii
ayey ku soo laabteen oo sidii oo kale islaamka ugu yeeray markii ay diideenna
ula dagaallameen ilaa ay ka
galabaysteen. Subaxdii dambe ayaa Rasuulka
SCW iyo ciidankiisii ku soo kallaheen,
waana la qabtay, maalkoodii Ilaahay
qaniimo ayuu muslimiinta uga dhigay. Ka
dib Rasuulku SCW afar beri ayuu
meeshaas joogay, muslimintana qaniimadii ayuu u qaybiyey, dhulkii iyo
beerihina yahuud ayuu uga tegey oo uu
kula heshiiyey sidii reer Khaybar oo
kale. Yahuuddii deggenayd meeshii la
oran jirey Taymaa, markii ay maqashay
in Rasuulku SCW qabsaday Khaybar iyo
Waadil-Quraa, ayey is dhiibeen, waxayna
Rasuulka SCW u soo bandhigeen in uu
sidii hore oo kale uu heshiiyo. Rasuulku SCW wuu ka yeelay wuxuna u qoray
warqaddan: Tani waa waraaqadii Maxammed,
Rasuulkii Alle uu u qoray reer banii
Cadiye. Waxa ay leeyihiin dimo (ballan)
dushoodana jisyo (canshuurta gaalada
laga qaado) ayaa ahaatay, lama
colaadiyo lamana bixiyo. Habeenku waa dheer yahay maalintuna waa adag
tahay. Ka dib Rasuulku SCW Madiina ayuu
u so ambabaxay, dhex markuu marayana
waxa uu guursaday oo uu dhsitay Safiya
bintu Xuyey oo kamid ahayd dadkii
Khaybar laga soo furtay uuna dhalay
ninkii ahaa Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u ahaa yahuudii reer banii
Nadiir ee Madiina laga soo raray kana
mid ahaa raggii Khaybar ka tegey ee soo
abaabulay duullaanki Axsaab ka dibna
reer banii qureyda dhufayska la galay oo
halkaa lagu dilay. Safiay waxa ay ahayd gabar yar
waxaana guursaday marki ay Khaybar
yimaadeen ka dib ninkii aan soo marnay
ee ahaa Kinaana binu Rabbiic binu Abil
Xuqayq markaas iyada oo aroos ku jirta
waxa ay ku riyootay Dayaxa oo dhabteeda ku soo dhacay, waxay u
sheegtay ninkeedii markaasuu intuu
dharbaaxo daran ku dhuftay ku yiri "ma
waxaad rajaynaysaa in Boqorka Yathrib
ninkaaga noqdo", hase yeeshee muddo
yar ka dib Rasuulka SCW ayaa Khaybar furtay waxayna Safiya kamid noqotay
dadkii laga qabsaday yahuud. Rasuulku SCW san soo sheegnayba
markuu dhex marayo ayuu xoreeyey oo
guursaday ka dib markii ay islaamtay,
habeenkii uu Rasuulku SCW la aqal galay
ayaa nin asxaabta kamid aha oo la oran
jirey Abuu Ayuub Khaalid binu Sayd intuu seeftiisii qaatay ayuu Rasuulka SCW
waardiye ka qabtay isagoo ka baqaya in
ay Rasuulka SCW wax gaarsiiso, markii
waagii baryey ayuu Rasuulku SCW arkay
markaasuu ku yiri "maxaa kugu dhacay
abii Ayuub", wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaan kaaga baqay haweentan, maxaa
yeelay waxaa la dilay aabeheed
ninkeedii iyo tolkeed waana qof hadda
gaalnimo kasoo gashay sidaa darteed
waan kaaaga baqay". Rasuulku SCW
waxa uu sameeyey waliimo oo waxaa la isku dardaray wixii ay asxaabtu hayeen
sida hilib, muufo, timir iwm, wuxuuna
Rasuulku SCW meeshii deganaa 3dex
maalmood oo uu safiya u yeelay. Ka dib Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisii waxa ay aadeen dhinicii
Madiina, habeenkii oo dhan sidii loo
socday markii meel dhexe la marayo
ayaa goor dambe meel la seexday.
Rasuulku SCW wuxuu Bilaal faray in uu soo jeedo oo salaadda subax u kiciyo
maxaa yeelay ciidanku muddo ayey
dagaal iyo safar ku jireen. Bilaal markii
uu wax yar soo jeeday ayuu rartiisii isku
tiiriyey, markaas ayey indhihiisii ka
qaalib noqdeen (oo wuu gam'ay). Hurdadii ayaa dhammaantood la tagtay
ilaa ay qorraxdii ka soo baxday, waxaa
uguhor kacay Rasuulka SCW. Ka dib
Rasuulku SCW iyo asxaabtu togii ayay
xoogaa ka socdeen oo salaaddi fajar ku
tukadeen. Intaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW
ku soo laabtay Madiina, waxaa kale oo
iyaguna Madiina ku soo laabtay ciidan uu
madax u ahaa Abaan binu Sacid oo uu
Rasuulku SCW markii uu Khaybar
aadayey u diray dhinaca Najdi si uu u cabsi geliyo rer baadiyihi oo aysan
Madiina u soo hawaysan inta uu Rasuulku
SCW Khaybar ku maqan yahay.

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Gacaliye,
    LOAN AS FAST WAA SIDA LAGA HELAY 48 saacadood. Maalgelinta maaliyadda Richard Micro Fund Plc. Bixinta deynta aan lahayn dammaanadda sida: Deymaha la hubiyay iyo kuwa aan la hubin, Deynka ardayga, Deynka guryaha, Lacagta Deynsashada, Amaahaha caadiga ah, Deymaha aan Laheyn, Dhibaatada Dhamaadka Dhammaan waa la heli karaa.
    Faahfaahinta isticmaalaha:
    Magaca oo buuxa:
    Taariikhda Dhalashada:
    Lamaanaha:
    Xaaladda guurka:
    Cinwaanka:
    Dal:
    Gobolka:
    Magaalada:
    Gobolka:
    Lambarka boostada:
    Taleefan:
    Cinwaanka emailka:
    Ujeedada amaahda:
    Lacagta amaahda:
    Waqtiga amaahda:
    Dakhligaaga bisha:
    Sarkaalka ammaahda ah ee boostada ee Via Email: (Richardwillianloancompany@gmail.com) Iyo macluumaad, La xiriir cinwaankayaga internetka: www.richardwillian.com

    Mahadsanidin,
    Mudane Richard Willian.

    ReplyDelete