Casharka 37aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII BADAR [Qaybtii 5aad] Ku Xiriirsan Qaybtii 4aad ee Badar Ciidankii gaaladu markii ay hasiimo ku
dhacday oo uu jabay ayuu kala firxaday
iyadoo uu nin walba wejiga saaray
meeshii ka horreysey. Magaaladii
Makkana waxa ay suggeysey natiijada
dagaalka iyo warka cusub ee ka soo yeeri doona goobta dagaalka. Ibnu Hishaam wuxuu yiri "ninkii ugu
horreeyey ee Makka tagay wuxuu ahaa
nin la oran jirey Xaysamaan binu
Cabdullaahi Al-khusaaci, markaas ayaa
lagu yiri "bal noo warran", wuxuu yiri
"Cutba binu Rabbiica waa la dilay, Shayba binu Rabbiica waa la dilay, Abii
Jahal binu Hishaam waa la dilay, Umaya
ibnu Khalafna waa la dilay". Markuu
raggii magaca lahaa oo dhan tiriyey ayaa
waxaa hadlay Safwaan binu Umaya oo
qolka dhexdiisa fadhiyey wuxuuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye kani waxba ma
oga ee bal aniga i weydiiya (iga
waraysta) xaalkeyga", markaas ayey
dheheen "ka warran Safwaan binu
Umaya?", wuxuu yiri "waa kaa halkaa
fadhiya, Ilaah baan ku dhaartaye aabbihiis iyo walaalkiis ayaa arkayey
markii la dilayey. Dhinaca Madiina, oo iyaguna sugayey
akhbaarta cusub iyo waxa soo yeeri
doona, ayaa markuu Rasuulku SCW helay
narsirii Allaah waxa uu dhinaca Madiina u
diray labo nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa
oo kala ahaa; Seyd binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa. Wuxuuna u
kala diray labada dhinac ee magaalada
Madiina. Dhinaca sare wuxuu u diray
Cabdullaahi, dhinaca hoosena Seyd. Yahuuddii iyo munaafiqiintii joogey
Madiina waxay intaa dagaalka lagu
maqnaa fidinayeen dacaayado been ah
ilaa ay markii dambe faafiyeen in Nabiga
SCW la dilay. Nin munaafiqiinta ka mid
ahaa ayaa wuxuu arkay Seyd binu Xaarith oo soo socda oo fuushan hashii
Rasuulka SCW, markaas ayuu yiri
"Maxammad waa la dilay waa tan
hashiisii aannu ku naqaanay, kanina waa
Seyd oo aan ogeyn waxa uu ku hadlayo
argagax dartiis, firxadkii baana yimid." Wax yar ka dibse markii ay labadoodii
(Seyd iyo Cabdullaahi) galeen magaaladii
ayaa dadkii muslimiinta ahaa isku soo
hareereeyey iyagoo dhagaysanaya
warka cusub ee ka soo yeeray goobtii
dagaalka. Markii ay dhegaysteen guusha iyo nasriga uu Ilaah muslimiinta u soo
hooyey waxaa la ruxantay tahliil iyo
takbiir, Usaama binu Seyd wuxuu yiri
"Waxa uu warku noo yimid annaga oo
markaa ciidda ku rognay gabadhii
Rasuulka SCW Ruqiya binu Maxammad SCW, oo uu qabay Cusmaan ibnu Cafaan.
Xanuunkaas gabadha awgeed ayuu
Rasuulku SCW Cusmaan uga soo reebay
ciidanka, qaybtiisii dagaalka badarna
waa uu u dhigay. Rasuulku SCW waxa uu sii degganaa
goobtii Badar saddex maalmood, laga soo
bilaabo markii uu dagaalku
dhammaaday. Intii meeshii la joogay
muslimiinta qayb ka mid ahi waxa ay
ceyrsadeen gaaladii, qayb kalena waxa ay ururinayeen qaniimadii meesha laga
helay, qayb saddexaadna Rasuulka SCW
ayey waardiyeynaysay. Khilaaf yar ayey
markaas asxaabtu isku khilaafeen
xoolihii qaniimada ahaa ee gaalada laga
furtay. Markaas ayaa Rasuulu SCW amray in xoolihii oo dhan la soo ururiyo oo isaga
loo keeno. Waxaa markaas soo dagtay
aayaddan: ((WAXAY KU WAYDIINAYAAN
(XUKUNKA) QANIIMADA, WAXAAD
DHAHDAA QANIIMADA WAXAA ISKA LEH
ALLE IYO RASUULKA SCW, EE KA BAQA
ALLE OO WANAAJIYA DHEXDIINA,
WAXAADNA ADEECDAAN ALLE IYO RASUULKA SCW HADDII AAD TIHIIN
MU'MINIIN)), (Suuratul-Anfaal). Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii
Madiina ayey aadeen iyagoo wata 70 nin
oo qafal ah. Maxaabistaas waxaa waday
Cabdullaahi ibnu Kacab. Rasuulku SCW
wuxuu markaas degay meel dhexe oo uu
ciidankiiiugu qaybiyey xoolihii gaalada laga soo furtay, ka dib markuu ka saaray
khumuskii. Intaa ka dib Rasuulku SCW jidka ayuu sii
qaaday, markuu marayo meesha la
yiraahdo Safraa ayuu amray in la dilo
Nadar binu Xaarith oo ahaa ninkii waday
calanka gaalada, kana mid ahaa kuwii
ugu waaweynaa dambiilayaasha qureysh, islaamkana aad u necbaa.
Waxaa ninkaas qoorta u dheereeyey Cali
binu Abii-dhaalib. Waddadii ayay ku sii
socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisii
marki ay marayaan meesha la yiraahdo
Cirqu Dubaya ayuu Rasuulku SCW amray in la dilo Cuqba ibnu abii Muceydh oo ka
mid ahaa 70kii nin ee maxabiista ahaa.
Ninkaas oo dhibaatooyinkiisa qaar ka
mid ah aynu kitaabkan bilowgiisa kaga
soo hadalnay wuxuu ahaa ninkii
mandheerta saaray Rasuulka SCW markuu kacbada ku tukanayey, sidoo
kale wuxuu ahaa ninkii marada ku
ceejiyey Rasuulka SCW oo ku sigey inuu
dilo. Haddaba ninkaa oo ka mid ahaa
dadkii aadka u dhibay Rasuula SCW iyo
diinta islaamka markii uu Rasuulku SCW amray in la dilo ayuu yiri "yaa maatada u
jooga Maxammadow?" Rasuulkuna SCW
wuxuu ugu jawaabay "naar". Waxaa
ninkaa isagana dilay Caasim binu Thaabit
Al-ansaari, waxaa kale oo la dhahaa
waxaa dilay Cali binu Abii-dhaalib. Rasuulku SCW qof kale kama dilin dadkii
maxaabiista ahaa, laakiin labadaan si
degdeg ah ayuu u amray dilkooda
shartooda oo badnayd awgeed. Rasuulku SCW markuu marayo meesha la
yirahdo Rawxaa ayaa waxa ka hor tegay
qaar ka mid ahaa muslimiintii Madiina ku
haray, iyagoo u tahniyadeynaya oo soo
dhowaynaya Rasuulka SCW iyo ciidanka,
waxaa markaas hadlay Salama ibnu Salaama oo ka mid aha ciidanka oo yiri
"maxaad noogu tahniyadeyneysaaan
Ilaah baan ku dhaartaye waxaan la
kulannay habro fadhfadhiya sidii geelii",
markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla
caddeeyey oo ku yiri "walaalkay wiilkiisiiyow kuwaasi waa
madaxyoweyn". Waxaa isna Rasuulka
SCW la hadlay Useyd ibnu Xudeyr (oo ka
mid ahaa dadkii madiina ku haray)
wuxuu yiri "Rasuulkii Allow Ilaah ayaa
mahad iska leh, Allihii ishaada qaboojiyey, Ilaah baan ku dhaartaye
rasuulkii Allow ma ahayn dib uga
dhiciddeyda Badar in aan malaynayey in
aad cadow la kulmaysaan, laakiin waxa
aan malaynayeey safarkii (in aad
lakulmaysaan), haddii aan malayn lahaa cadowgana ma hareen", Rasuulku SCW
wuxuu yiri "run baad sheegtay". Rasuulka SCW wuxuu intaas ka dib soo
galay magaalada Madiina isaga oo soo
guuleystey oo Ilaahay soo ciseeyey.
Maxaabiistiina waxaa Madiina la keenay
maalinkii ku xigey, wuxuuna u kala
dhiibay asxaabtiisa, wuxuuna u dardaarmay in la wanaajiyo. Asxaabtu
aad ayey u wanaajiyeen maxaabiistaas
oo waxay siinayeen cuntooyinkooda
kuwii ugu wanaagsanaa. Rasuulku SCW
waxa uu kala tashaday asxaabtiisa sidii
uu u geli lahaa maxaabiista. Waxaa hadlay oo fikrad soo jeediyey Abuubakar
oo yiri "Rasuulkii Allow, wuxu waa
walaalaheen, ilma adeerradeen iyo
qaraabadeen, waxa aan anigu u arkaa in
aad maal ka qaadatid si wixii aan ka
qaadano aan gaalada ugu xoogeysana, iyagana waxaa la arkaa in Ilaahay soo
hanuuniyo oo ay garab inoo noqdaan". Wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri "maxaa
aragtaa ina Khadhaabow", Cumar wuxuu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma arko
ra'yiga Abuubakar ee waxaan arkaa in
aad aniga ii dhiibtid hebel qoorta aan ka
gooyee, Calina aad u dhiibtid walaalkiis Caqiil binu Abii-dhaalib qoorta ha ka
gooyee, Xamsana aad u dhiibtid
walaalkiis Cabbas qoorta ha ka gooyee si
Ilaahay u ogaado in aannaan wax jacayl
ah qalbiga ugu heyn mushrikiinta,
kuwanuna waa madaxdoodii iyo hoggaamiyayaashoodii". Rasuulku SCW
wuxuu markaa qaatay ra'yigii
Abuubakar, wuxuuna ku xukumay in ay
xoolo isku furtaan. Cumar wuxuu yiri "maalinkii dambe
ayaan u imid Rasuulka SCW iyo
Abuubakar oo ooyaya, markaas ayaa ku
iri "Rasuulkii Allow ii sheeg waxa kaa
oohiyey adiga iyo saaxiibkaa? haddii aan
oohin iska helo waan ooyayaa, haddii kalena waan iska raadinayaa arrintiinna
darteed". Markaas ayaa Rasuulku SCW
yiri "arrintii ay ii soo bandhigeen
saaxiibbadaa, oo ahayd in xoolo laga
qaato (maxaabiista), sababteed waxa uu
cadaabkeedu iga soo dhowaaday geedkan". Allaahna isagoo arrintaa
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((UMA HABOONA NABI IN AY U AHAATO
KUWA LA QAFAASHAY (MAXAABIIS) ILAA
UU KAGA JILCIYO (GAALADA) DHULKA,
(OO AY TABAR DHIGAAN) WAXAAD
DOONAYSAA MUUQA ADUUNYADA
(XOOLO), ALLENA WAXA UU DOONAYAA AAKHIRO (IN AAD GAALO BAABI'ISAAN),
ALLE WUXUU AHAADAY (ALLE) QAALIB
AH OO XAKIIM AH)), (Suuratu-Anfaal 67). Allaah SW wuxuu aayaddaan ku
canaantay Rasuulka SCW oo qafaashay
gaaladii kana aqbalay in ay is furtaan,
nimankan oo aan weliba ahayn askar
keliya ee ahaa hoggaamiyayaashii ugu
khatarsanaa gaalada. Sidaa darteed Allaah wuxuu ku ayiday fikradii Cumar
ee ahayd in madaxa laga guro maxaa
yeelay Allaah diintiisii ayey la
dagaallameen, xoog baan lagu soo
qabtay, in la dilona waxaa ku jirey
xikmado badan oo Allaah keliya uu koobi karo, waxaana ka mid ah: 1. In aysan mar kale cadowga u soo
dagaallamin, Ilaahay diintiisana uga hor
imaan sida dhacday in markii la sii
daayey ay qaar badan oo ka mid ahi ka
soo qayb galeen duuullaamadii dambe ee
islaamka lagu soo qaadday. 2. In la tuso in Rasuulka SCW iyo
muslimiintu aysan wax naxariis ah u
hayn ciddii Ilaahay diintiisa ka hor
timaadda. 3. In kuwo badan oo ku dhiirran lahaa
dagaalka muslimiinta ay ku quus qaatan
oo aysan ku soo degdegin duullaan
dambe. Waxaa lagu xukumay maxabiistii xoolo
qiimohoodu u dhexeeyo kun Dirham ilaa
Afar kun oo Dirham, qofkii aan waxba
haysanna waxaa la amray in uu qoraalka
baro toban wiil oo muslimiinta reer
Madiina ka mid ah, maxaa yeelay reer Madiina sidaa wax uma qori jirin oo reer
Makka ayaa uga horeeyey. Rasuulku SCW
wuxuu iska cafiyey oo uusan waxba ka
qaadin dhawr nin oo qaarkood u dan
sheegtay ayna ka mid ahaayeen;
Mudhlab binu Xandal, Seyfi ibnu Abii Rufaaca iyo Abuu Ciisa Al-jumuxi. Abuu
Ciise, oo nabiga SCW aad ugu dan
sheegtay, kana ballan qaaday in uusan
duullaan dambe soo raaci doonin,
wuxuuu soo racay duullaankii ku xigey
ee Uxud markaas ayaa mar labaad la qabtay oo qoorta loo dheereeyey. Sidoo
kale waxaa ka mid ahaa maxaabiista la
cafiyey Abil-Caas oo qabay gabdhii
Rasuulka SCW ee Seynab oo wakhtigaas
Makka joogtay. Si ay ninkeeda u furato
waxay Makka ka soo dhiibtay qoor xirkeedii, oo ay arooskeedii hooyadeed
Khadiija siisay. Rasuulku SCW markii loo
keenay qoor xirkaas wuxuu asxaabtii ka
codsaday in ay u sii daayaan Abil-Caas,
iyaguna way ka yeeleen, dabadeedna
wuxuu Rasuulku SCW Abil-Caas u shardiyey in uu Seynab soo diro, isaguna
waa aqbalay oo markuu Makka tegey
ayuu soo diray, ka dibna wuxuu Rasuulku
SCW u direy Seyd binu Xaarith iyo labo
nin oo Ansaar ah in ay Seynab dhex ka
soo wadaan. Waxaa kale oo ka mid ahaa maxaabiista nin la oran jirey Suheyl binu
Camar oo u hadli jirey gaalada. Cumar
binu Khadhaab ayaa markaas Rasuulka
SCW ku yiri "Rasuulkii Allow Suheyl
foolasha ka siib, carrabkana jeex si uusan
mar kale mowqif dambe ugaga soo hadlin", hase yeeshee Rasuulku SCW wuu
ka diiday Cumar fikraddaa uu soo
jeediyey maxaa yeelay waa tamthii
(dhalan rogid iyo jir xumayn) Islaamkuna
ma ogala. Intaa aan maxabiistii la sii deyn ayaa
waxaa Makka aaday nin mulimiinta ka
mid ah oo la oran jirey Sacad binu
Nucmaan si uu u soo cumraysto. Markii uu
Makka tegay ayaa Abuu Sufyaan
xabbisay, dadka maxaabiista ahna waxaa ku jirey wiil uu dhalay Abuu
Sufyaan oo la oran jirey Camar.
Dabadeedna waxaa loo sii daayey
wiilkiisii isna wuxuu sii daayey Sacad. Maxaabiista oo isugu jirey dad la cafiyey
iyo dad xoolo isku furtay, sidaa ayaa loo
sii daayey. Arrintoodiina waxa ay
noqotay siduu Abuubakar soo jeediyey
Rasuulkuna SCW ku raacay oo xoolona
waa laga helay, badankoodiina aakhirkii waa islaameen. Dagalkii Badarna sidaa
ayuu ku dhammaday, waxaana ku soo
degtay oo si fiican u qaadaadhgtay
suuradda la yiraahdo Anfaal. Dagaalkaas,
oo ahaa dagaal qureysh dulleeyey, una
keenay khasaare iyo hoog, ummada badan oo awal musliminta u soo miciyo
lisanayeyna candhuuftii ayey dib u
leqeen ka dib markii ay arkeen waxa ku
dhacay qureysh oo ahayd libaaxii
carbeed. Waxaana islaamkii qaatay
baqdin ay u baqayaan maalkooda iyo naftooda kooxdii awal ka hadhay labadii
qabiil ee Ansaar. Waxaana kooxdaas
madax u ahaa Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu
Saloo, oo ahaa ninkii ay reer Madiina
rabeen in ay madax ka dhigtaan intii
aysan islaamin ka hor. Dadki muslimiinta ahaa Ilaahay wuxuu siiyey ciso iyo guul,
wuxuuna ka saaray cabsidii iyo tabar
yaridii haysey.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete