Monday, 5 September 2011

CASHARKA 34AAD

Casharka 34aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HESHIISKII IBNU UBAY IYO
QURAYSH Nimankii qureysh ahaa waxay aad uga
xumaadeen muslimiinta iyo dhulka ay
heleen iyo iney ka hoos bexeen
cadaadiskoodii, sidaa darteed waxay mar
walba ku dadaalayeen sidii ay
muslimiinta dhib ugu geysan lahaayeen. Waxayna sameeyeen handadaado badan
oo ay muslimiinta ku leeyihiin "ha
moodina haddaad naga fakateen oo aam
Madiina tagteen inaad ku nabad
gelaysaan". Sidaa darteed waxay warqad u soo direen
Cabdullaahi ibnu Ubay oo ay ku leeyihiin
"waan ognahay inaad soo dhooweyseen
Maxammed iyo dadkii la socday oo aad u
ballan qaaddeen inaad u hiilineysaan,
haddaba ama iska saara dadkaas ama duullaan ayaan idinku soo qaadaynaa oo
iyaga iyo idinkaba waan idin dabar
goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo
aan weli muujisan islaamka, ayaa jawaab
degdeg ah ku celiyey qureysh wuxuuna u
sheegay in uu Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa la dagaallamayo, qureyshna la
jiro. Rasuulka SCW markuu arrintaa maqlay,
khudbad ayuu u jeediyey muslimiintii,
wuxuuna ku yiri "dhagarta iyo
khiyaamada ay qureysh idinku waddo
waxaa ka daran tan aad idinka
dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo Khasraj)". Markaas ayaa muslimiintii ansaar ka
hortageen arrintii Cabdullaahi ibnu Ubay,
halkaas ayaana arrintiisii ku fashilantay,
maxaa yeelay wuxuu rabay inuu qabiil
ahaan u kiciyo Aws iy Khasraj oo
Rasuulka SCW iyo muhaajiriinta ka horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo
saareen go'aan ay xaramka uga
joojinayaan dadkii reer Madiina. Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay
Sacad binu Mucaad oo muslimiita ka
tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna
aaday Makka si uu u soo cumreysto.
Markuu tegey Makka ayuu wuxuu ku
degay Umaya ibnu Khalaf oo ay jaahiligii saaxiibo ahaan jireen, oo markuu Umaya
Madiina tago wuxuu ku dagi jirey Sacad,
sido kale markuu sacad Makka tago
wuxuu ku dagi jirey Umaya. Wuxuu Sacad Umaya ku yiri "waxaad ii
eegtaa waqti ay kacbadu firaaqo tahay si
aan u dawaafo". Markii ay kacbadii
firaaqo noqotay ayey is raaceen oo
kacbadii tageen. Goor ay dawaafayaan
ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yiri "Umayow waa kuma ninkan kula
socda", Umaya wuxuu yiri "waa Sacad
binu Macaad". Markaas ayuu Abii Jahal ku
yiri Sacad "Ilaah baan ku dhaartaye
hadduusan Abuu Safwaan (Umaya) kula
socon lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay intaad dadkayagii iishey
(bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen
miyaad haddana dooneysaan inaad
kacbada dhawaaftaan". Sacad ayaa marka hadlay oo ku yiri
'haddaad kacbada ii diiddo wax ka daran
ayaan anna kuu diidayaa oo ah
safarkiinna Shaam oo dhaqaalihiinnu ku
xiran yahay ayaan waddada ka goyn
doonaa", Umaya ayaa markaas Sacad ku yiri "Sacadow codka kor ha ugu dhigin
abal xakam waa sayidka dadka toggan
jooga'e" markaasaa Sacad ku yiri "na
dhaaf Umaya Ilaah ayaan ku dhaartaye
waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo
sheegaya in ay ku dili doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yiri: "ma
makay (igu dili doonaan)?" Sacad ayaa
yiri: "ma ogi", Umaya hadalkaas si daran
ayuu uga argagaxay, markuu reerkiisii u
laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yiri: "ma
waadan ogayn waxa u Sacad igu yiri? waxay tiri muxuu kugu yiri? waxa uu yiri
Maxamed ayaa u sheegay in ay i dili
doonaan, markaasaan ku iri Makka
miyaa, wuxuu yiri ma ogi. Ka dib Umaya
wuxuu yiri: "Ilaahbaan ku dhaartaye
inaanan Makka meelna uga baxayn, hase yeeshee dagaalkii badar ayaa Abii Jahal
soo khasbay isagoo ka-hanaya, waxay
haweentisii ku tiri: 'ma hilmaantay wixii
walaalkaagii reer yathrib kugu yiri,
wuxuu yiri meel dhow ayaan uga soo
harayaa, dabadeedna ciidankii ayuu raacay intii dhex la sii socdayna
gaadiidkiisu diyaar ayuu u ahaa ilaa uu
badar tagay oo uu dagaalkii ka qaby galay
laguna dilay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete