Casharka 36aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW BILAABITAANKII DUULLAAMADA
(JIHAADKA) Rasuulku SCW markuu dejiyey Madiina oo
muslimintii ka dhigay dad isku duuban
wax kastana diyaar u ah, yahuuddii
Madiina degganaydna uu heshiis la
samaystay, ayuu bilaabay inuu qabaa'ilkii
agagaarka magaalada Madiina deganaa uu heshiisyo la samaysto. Heshiisyadaas
oo ay ka mid ahaayeen ineysan
qabaa'ilkaas magan galin karin qureysh
maalkeeda iyo nafteeda, muslimiintana
ku soo xad gudbi karin. Wuxuu kaloo
Rasulku SCW direy duullaamo iyo ilaalo is daba joog ah si qureysh cunaqabateyn
loogu sameeyo oo la soo qabto
safarradeeda Shaam iyo Makka u kal
socda. 1. Rasuulka SCW wuxuu direy bishii
Ramadaan ee sannadkii 1aad ee hijriga
ciidan uu hoggaaminayo Xamsa binu
Cabdimudhalib oo gaaraya 30 nin oo
muhajiriin ah, wuxuuna u direy badda
xeebteeda si ay u soo qabtaan safar qureysh oo Shaam ka yimid, ayna wadeen
30 nin oo Abii Jahal madax u yahay.
Xamsa iyo ciidankiisii markay gaareen
meeshii loo diray oo ay safarkii haleeleen
ayaa waxaa kala dhex galay oo ku kala
hagoogtay nin la yiraahdo Majdi ibnu Camar oo odey u ahaa qabiil meeshaas
degganaa oo labada qolaba heshiis la
ahaa. Sidaas ayaa Xamsa iyo Ciidankiisii
ku soo laabteen iyadoo uusan wax dagaal
ihi dhicin. 2. Rasuulka SCW markii uu hal sano
joogey ayuu bishii Safar ee sannadkii
2aad ee hijriga wuxuu la baxay ciidan
dhan 70 nin oo muhaajiriin ah. Rasuulku
SCW wuxuu u baxay safar ay qureyshi
leedahay oo lagu sheegay meel u dhexaysa Madiina iyo Makka. Magaalada
Madiina wuxuu Rasuulku SCW madax uga
sii dhigay Sacad binu Macaad. Rasuulka
SCW iyo ciidankuu hoggaaminayey waxay
ka dib gaareen meesha la yiraahdo
Waddaan ama abwaa, hase yeeshee wax dagaal ihi ma dhicin oo la isma arag.
Halkaas wuxuu Rasuulku SCW heshiis kula
soo saxiixday ninka layiraahdo Camar
ibnu Makhshiye oo madax u ahaa qabiilkii
la oran jirey banuu Damra. Heshiiskaa
waxaa qodobbadiisii ka mid ahaa: in Rasuulku SCW aammin gelin doono reer
banuu Damra naftooda iyo maalkooda,
loona hiilin doono haddii lagu xad gudbo
iney Ilaahay diintiisa la dagaallamaan
maahee. Markaa ka dib Rasuulku SCW
wuxuu u soo laabtay Madiina iyadoo duullaankaasi ahaa kii ugu horreeyey ee
Rasuulku SCW duulo, wuxuuna Madiina ka
maqnaa 15 beri. 3. Bishaas uu soo laabtay ee Rabbiicul
Awal wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan
gaaraya 60 ilaa 80 nin, wuxuuna madax
uga dhigay Cubeyda ibnu Xaarith.
Cubeyda iyo ciidankiisii way baxeen ilaa
ay gaareen meesha la yiraahdo Thaniyatu Murra halkaas oo ay kula kulmeen ciidan
badan oo qureysh ah hase yeeshee dagaal
ma dhicin laakiin fallaaro ayaa la is
weydaarsaday. Fallaarahaas qaar ka mid
ihi waxay ku dheceen Sacad binu Abii
Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa, waana fallaartii u horreysey oo islaamka
lagu soo gano, dabadeedna ciidankaasi
waa soo laabtay. 4. Isla bishaa Rabbiicul Awal Rasuulka
SCW iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa
baxay, wuxuuna Madiina madax uga sii
dhigay Saa'ib binu Cismaan binu
Madcuum. Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii
waxay gaareen meesha la yiraahdo Buwaadh oo u dhow Yunbuc hase yeeshee
waxba lama soo kulmin. Bishii Rabbiicul
Awal aakhirkeed ayey Madiina ku soo
laabteen. 5. Bishii Jamaadul Uulaa ee isla
sannadkaas ayaa Rasuulka SCW iyo ciidan
uu hoggaaminayo ka bexeen Madiina.
Ciidankaasu waxay gaarayeen 150 ilaa
200 oo nin. Sababta uu Rasuulku SCW u
baxay waxay ahayd isaga oo maqlay safar ay qureysh leedahay oo Makka ka baxay
una sii socda Shaam. Magaalada
Madiinana wuxuu madax uga si dhigay
Abaa Salama ibnu Cabdil-Asad. Rasuuulka
SCW iyo ciidankiisii waxay gaareen
meesha la yiraahdo Dil-cusheyra oo Yunbuc u dhow hase yeeshee la isma
arag. Dabadeed Rasuulku SCW wuxuu
halkaas heshiis kula soo saxiixday
qabiilka la yiraahdo Mudlaj iyo
xulafadooda reer banii Dumra. Ka dib
wuxuu Madiina ku soo laabtay bisdhii Jamaadul Aakhir. 6. Isla markuu soo laabtayba Nabiga SCW
wuxuu diray koox ciidan ah oo ka kooban
8 nin uuna madax u yahay Sacad binu Abii
Waqaas. Sacad iyo kooxdiisii waxay
gaareen meesha la yiraahdo Kharraar oo
Xijaas ka mid ah, dabadeedna way soo laabteen iyagoo aan wax ciidan ah la soo
kulmin. Isla bishii Jamaadul Aakhir ayaa
Rasuulka SCW iyo ciidan uu
hoggaaminayo ka bexeen Madiina, ka dib
markii ay soo gaartay in safar qureysheed
oo shaam u socda uu makka kasoo baxay, wuxuuna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii u
bexeen ilaa ay ka gaareen meesha la
yiraahdo Safwaan oo ceelka Beder u
dhoweyd, ka dibna wuu soo laabtay
isagoo aan waxba helin. 7. Bishii ka dambeysey ee Rajab wuxuu
Rasuulku SCW direy koox ciidan ah oo ka
kooban 12 nin oo uu madax u yahay
Cabdullaahi binu Jaxshi, wuxuuna u direy
Makka iyo Dhaa'if dhexdooda, wuxuuna
Cabdullaahi u qoray warqad, wuxuuna ku yiri "ha furin ilaa aad labo maalmood
socoto". Cabdullaahi iyo kooxdiisii way
bexeen dabadeedna markay labo
maalmood dhex ku sii jireen ayuu furay
warqaddii Rasuulka SCW, waxaana ku
qornaa "haddaad warqaddeyda aragto soco ilaa aad ka gaartid meesha la
yiraahdo Nakhla oo u dhexeysa Makka iyo
Dhaa'if, halkaasna u gal saffarrada
qureysheed ee ka imaanaya Dhaa'if,
wararkoodana noo soo gudbi".
Cabdullaahi markuu hadalladaa akhriyey ayuu yiri "waan maqlay waana adeecay",
kooxdii la socoteyna wuxuu ku yiri
"Rasuulku SCW wuxuu i amray inaan
socdo ilaa aan ka gaaro Nakhla oo aan
qureysh safarradeeda u galo, wararkanan
uga keeno, wuxuuna Rasuulku SCW iga reebay inaan khasbo qof idinka mid ah ee
qofkii shahaado doonayaa ha isoo raaco,
qofkii nacayana ha iska laabto, anigu
waxaan ku soconayaa amarka Rasuulka
SCW". Ragii dhamantood wey ku wada raalli
noqdeen waxayna diyaar u noqdeen
shahaado ay awalba jeclaayeen. Waxay
laba iyo tobankoodu wateen lix rati oo
lababa rati saarnayd, markii meel dhexe
la maray oo ayaa la degay, markaas ayaa waxaa lumay ratigii ay saarnaayeen
Sacad binu abii Waqaas iyo Cutba binu
Qaswaan. Ratigi ayey baadi dooneen hase
yeeshee markii muddo la sugayey
labadoodii oo la waayey ayaa tobankii
kale baxday oo waxaa meeshii soo maray safar ay qureyshi leedahay oo ay wadeen
afar nin oo qureysh ah oo uu madax u
ahaa Camar binu Xadrami. Waqtigaasna
waxa uu ahaa maalinkii ugu dambeysey
bisha Rajab oo ka mid ah bilaha xurmada
leh oo aan la dagaallamin. Cabdullaahi iyo sagaalkii nin ee la socday arrintii ayey ka
wada hadleen oo waxay dheheen
"haddaan la dagaallanno maanta Bilihii
xurmada lahaa ayaan dagallanay,
haddaan ilaa caawa oo bisha kale
dhalanayso deynana xaramka ayey naga gelaayaan". Waxay ka wada hadlaanba
ugu dambaynti waxay go'aan ku gaareen
iney safarka iyo raggaba qabtaan.
Dabadeedna weerar ayey ku qaadeen
waxayna dileen ninkii madaxda u ahaa
Camar ibnu Xadrami, nin la oran jirey Nawfal binu Cabdullaahina waa fakaday,
labadii kale oo la kala oran jirey Xakam
ibnu keysaa iyo Cusmaan ibnu Cabdullaahi
way qabteen, dabadeedna waxay ku
laabteen Madiina iyagoo soo qafaashay
labadaa nin iyo safarkii. Rasuulku SCW wuxu ku yiri "maxaad u dagaalanteen
dagaal idinma amrine'. Nimankii iyo safarkiiba Rasuulku SCW
wuu u kadiyey. Qureysh iyo reer makkana
waxay dheheen "Maxammed iyo
asxaabtiisii waxay xalaashadeen bilihii
xurmada lahaa, dhiig bay daadiyeen,
maalna way qaateen, dadna way qafaasheen". Allaah ayaa markaas soo
dejiyey aayaddaan: ((KU DILA MEESHAAD KA HESHAANBA,
KANA SAARA MEESHAY IDINKA SAAREEN
(MAKKA) FIDNADA (OO GAALNIM AH)
AYAANA KA DARAN DILKA, HANA KULA
DAGAALAMINA MASAAJIDKA XURMADA
LEH AKTIISA ILAA AY IDINKULA DAGAALAMAAN DHEXDIISA, HADDAY
IDIN KULA DAGAALAMAAN LAAYA
SIDAAS WEEYE ABAALKA GAALADUYE,
HADDAY REEBTOOMAAN (OO
GAALNIMADA IYO FIDNADA JOOJIYAAN)
ALLE WAA DHAAFID BADANE NAXARIIS BADAN, LA DAGAALAMA (OO LA JIHAADA
GAALO IDILKEED) ILAA GAALNIMO LA
WAAYO, OO DIINTU U AHAATO ALLE,
HADDAY REEBTOOMAAN LA LAMA
COLAYTAMO CID AAN DAALIMIIN AHAY)),
(Suuratul-Baqara 191-193). Qureysh waxay u soo cid dirsatay
labadoodii nin, Rasuulkuna SCW wuxuu
yiri "idiin sii deyn maayo ilaa ay ka
yimaaddaan labadaydii nin oo ratigu ka
lumay oo ahaa Sacad binu abii Waqaas
iyo Cutba binu Qawsaan". Markii ay yimaaddeen labadaa nin Rasuulku SCW
wuu u sii daayey labadoodii nin. Labadii
nin ee la sii daayey, Xakam wuu islaamay,
Cusmaanse gaalnimo ayuu ku dhintay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete