Casharka 27aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW BEYCATUL CAQABADDII 1aad Markii ay Madiina ku laabteen lixdii nin
ee reer Madiina oo Islaamka qaatay
waxay ay diinta Islaamka gaarisiiyeen
dadkoodii reer Madiina. Dabadeedna
waxay Makka ku soo laabteen xajkii
dambe oo ahaa sannadkii 12aad ee soo dirriddii Rasuulka SCW iyagoo ah 12 nin
(lixdii hore shan ka mid ah iyo toddoba
cusub oo kala ah: Mucaad binu Xaarith,
Dakwaan binu Cabdul Qays, Cubaada binu
Saamit, Yasiid binu Thaclabah, Cabbaas
binu Cubaada, Abuu Haytham binu Tiihaan iyo Cuwaym binu Saacida;
dhammaantoodna waxay ahaayeen reer
Khasraj labada dambe maahane.
Waxayna Rasuulka SCW kula shireen
waqti habeennimo ah, si qarsoodi ah,
meesha la yiraahdo Caqaba oo ku taalla Muna. Maxaa yeelay qureysh ma arki karin
Nabiga SCW oo la shiraya dad Makka
dibaddeeda ka yimid waayo waxay ka
baqayeen in dadkaasi rumeeyaan oo uu
aado ka dibna uu Makka ku soo duulo
sidii dhacday markii dambeba. Rasuulka SCW wuxuu ka qaaday 12kii nin
ee reer Madiina beyco (ballan adag),
wuxuuna ku yiri "igula mubaayacooda in
aydan Allaah u shariik yeelayn, wax
xadayn, sineysaneyn, carruurtiina dileyn,
been abuurashana samaynayn, wanaaggana igu caasineyn", iyaguna waa
aqbaleen. Wuxuu Rasuulka SCW ku yiri:
"haddii aad gudataan janno ayaad
leedihiin, haddiise aad khiyaantaan waa
la idin ka abaal marin, waxayna idiin
tahay kafaaro, haddii la idiin asturo ilaa qiyaamaha amarkiinu xagga Alle ayuu
ahaaday, haduu doono wuu idiin
cadaabin, hadduu doonana wuu idiin
dhaafin". Iyaguna waa yeeleen oo sidaas
ayay Rasuulka SCW kula
mubaayacoodeen. Waxayna beycadaani waafaqsan tahay oo ay isku kalmado
yihiin beycadii uu Nabiga SCW heshiiskii
xudeybiya la galay dumarka taasoo ay
tilmaantay suuratul-mumtaxina. Ka dib markii beycadaas iyo ballaantaas
la kala qaatay waxay Rasuulka SCW ka
codsadeen inuu ku daro nin daaci ah oo
inta islaamtayna islaamka bara, inta
kalena dacwada islaamka gaarsiiya.
Rasuulka SCW wuxuu markay bexeen ka daba diray Muscab ibnu Cumayr oo aan
hore u soo tilmaannay. Muscab madiina
ayuu tagay wuxuuna ku degay guri uu
lahaa Ascad ibnu Suraara oo raggii ka
mid aha. K a dibna isaga iyo Ascad ayaa
ka hawl galay Madiina oo dacwada wada faafin jirey, marba xaafad ayeyna tegi
jireen. Maalin ayey waxay yimaadeen oo
ay dacwada ka faafinayeen xaafad ay
degganaayeen laba reer oo la kala oran
jirey: Bani Cabdil-asham iyo Banii Dufur
(oo reer Aws ahaa), geed bayna hoos fariisteen iyagoo dacwadoodii gudanaya,
markaasaa dadkii xaafadda degganaa ku
soo urureen iyagoo dhegaysanaya. Ka dib iyagoo dadkii wacdinaya ayaa
waxaa arkay laba oday oo labadaan reer
odeyaal u kala ahaa, markii dambana
islaamka magac weyn ku yeeshay.
Labadaas nin oo la kala oran jirey Sacad
binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr aad bey u caroodeen markay arkeen labada
nin oo dadkoodii shirinaya. Sacad ayaa
markaa Useyd ku yiri "Ascad wax kale
guryahayaga waxaa uga samayn maayo
ee qaraabada aan nahay ayuu og yahay
ee orod Useydow u tag oo nimankaas shaqo ka qabo". Useyd ayaa markaas ku
soo dhaqaaqay isagoo caraysan oo
warankiisii wata. Ascad ayaa la hadlay
Muscab oo ku yiri "ninkaas soo socdaa
waa odaygii ciddayada ee adigay ku
jirtaa sidaad ula hadli lahayd'. Useyd markuu meeshii yimid ayuu isagoo
caraysan wuxuu yiri 'maxaad waxa
aannaan raaliga ka ahayn uga
faafinaysaan guryahayaga, ma waxaad
rabtaan inaad ku ciyaartaan dadkayaga
wax ma garatada ah caqligooda, haddii aydan meesha ka tegin wax kale ayaad
arkeysaan". Muscab binu Cumeyr, oo ahaa
nin aad u maskax badan, Rasuulka SCW
uu u soo doortay arrintaa, si tartiib ah
ayuu ula hadlay Useyd oo wuxu ku yiri
"ma la arkaa inaad fariisato oo aad i dhegaysato oo haddii ay ku anfacaanna
aad qaadatid haddii kalena aan kaaa
tagno', Useyd oo ahaa nin odey ah oo
akhyaar ah wuxuu ku jawaabay
"waayahay waan ku dhegaysanayaa".
Muscab dacwadii ayuu gaarsiiyey oo Ilaahay aayaatkiisii ayuu ku dul akhriyey.
Useyd intii qur'aanka lagu dul akhrinayey
ayuu wejigiisu is beddelay, markii
aayaatkii la dhammeeyeyna wuxuu yiri
"sidee buu diintaan u soo glaa qofkii
doonaya?", Muscab wuxuu ugu jawaabay "waad soo qubeysanaysaa ka dibna
tawxiidkaad qireysaa", Useydna sidaas
ayuu yeelay, markuu islaamayna wuxuu
yiri "nin odey ah ayaa ila socday oo
hadduu islaamo qabiilkiisa oo dhammi ay
islaamayaan waana idiin soo dirayaaye la hadla". Useyd markuu ku laabtay Sacad
ayaa Sacad yiri "ka warran meeshii",
Useyd wuxuu yiri 'wax dhib ah kuma arag
waana la hadlay, laakiin ninka la yiraahdo
Ascad oo aad ilma habreedka ahaydeen
waxaa u dhaaranayey jilibkaagii". Sacad markuu intaa maqlayba wuxuu soo aaday
meeshii, markuu yimidna wuxuu ogaaday
in meesha wax dhib ahi ka jirin ee isaga
loo soo dirayey, markaasuu ku yiri Ascad
"waxaad arrintan ug awaddo
xaafadahayaga waa qaraabada aan nahay darteed sow maaha". Muscab ayaa
markaa la hadlay oo ku yiri hadlalkii uu
Useyr u yiri oo kale, Sacadna wuxuu ku
jwaabay sidi Usery u jawaabay oo kale.
Markuu dhegaystay qur'aankiina wuu
islaamay. Sacad galabkii ayuu shiryey qabiilkiisii
Aws oo dhan wuxuuna ku yiri "maxaad
igu taqaaniin", waxay yiraahdeen
"waxaan kugu naqaanna wanaag iyo
inaad tahay kan noogu fiican" markaasuu
yiri "haddii aydaan islaamin salaantiinnu xaaraam bay iga tahay", halkaas ayey
markaas dhammaantood ku wada
silaameen rag iyo dumarba hal nin oo
isna dagalkii Uxud islaamay mooyee. Muscab ibnu Cumeyr Alle ha ka raali
noqdee wuxuu halkaa ku noqday
macallinkii reer Madiina, dacwadii ay
halkaas ka wadeen isaga iyo Ascadna
waxay gaartay heer aad u sarreeya ilaa ay
reer Madiina badankood islaameen. Dabadeedna xajii dambe ee sannadkii
13aad ee soo diritaanka Rasuulka SCW
wax yar ka hor ayu muscab ku soo laabtay
Makka isagoo Rasuulka SCW ugu
bishaareynaya islaamka reer Madiina
meeshuu marayo iyo guulaha ay dacwadu gaartay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete