Monday, 5 September 2011

CASHARKA 19AAD

Casharka 19aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ERGEYGII QUREYSHEED EE
RASUULKA SCW U TEGEY Duqowdii qureysheed markay arkeen
xaaladdu meesha ay ka sii degeneyso iyo
ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo
xumaan ayey beddeleen go'aankoodii
ahaa in Rasuulka SCW la dilo, waxayna
bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la
oran jirey Cutba binu abii Rabbiica, oo ka
mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa
ku yiri odeyaashii "ka warrama haddaan
Maxammed u tago ooarrimo u bandhigo,
waxa la arkaa inuu naga aqbalee", odeyaashii waa ku farxeen waxayna
dhaheen waa yahay. Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW
wuxuuna ku yiri "i dhegeyso wiilkaan
adeerka u ahaayow, waad la socotaa
sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku
lahayd iyo meeshaad ka joogtay, sidaad
sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo is haysigii tolkaa kala geeyey,
caqligoodiina waa durtay,
ilaahyaashoodiina waad ceebaysey,
aabbayaashoodii tegeyna waad
baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod
baan kuu soo bandhigayaaye dhegeyso" Rasuulka SCW wuxuu yiri "dheh Abaa
Waliid, waan ku dhegeysanayaaye"
wuxuu yiri Cutba "wiilkaan adeerka u
ahaayow haddaad arrinkaan u
samaynaysid maal badsasho, maal ayaan
kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad dooneyso
sharafna sayid baan kaa dhiganaynaa,
haddaad boqornimo dooneyso boqor
ayaan kaa dhiganaynaa, haddii waxa kuu
imaanaya uu yahay jinni oo aad jirran
tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa kugu bixineynaa ilaa
aad ka caafimaaddo". Rasuulka SCW wuxuu ku yiri "ma
dhammaysatay abaa Waliid?", wuxuu yiri
"haa", markaasuu Rasuulka SCW yiri
"anna bal i dhegayso" markaasaa
Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul akhriyey
suuatu Fusilat. Cutba markuu qur'aankii dhegaystay ayuu aad ugu khushuucay ka
dibna wuxuu yiri "iga jooji". Rasuulku
SCW markuu aayaatkii dhammeeyey
odeyaashii ayuu ku laabtay isagoo
beddelan. Odeyaashii markay arkeen
Cutba oo cagajiid ah oo soo laabtay ayey isu dheheen "Ilaah ayaan ku dhaaranaye,
wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn
ayuu la soo socdaa". Ka dib markuu yimid
ayaa la yiri "maxaad waddaa?" wuxuu ku
jawaabay waxaan soo maqlay hadal
aanan weligey maqal isagoo kale, Ilaah baan ku dhaartaye inuusan ahayn sixir,
mana ahan curraafinnimo, ee
nimanyohow maanta hadalka igu raaca
oo ninkaas iyo arrintuu wato faraha ka
qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la
imaan doonaa sha'ni weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya isaga iyo
carabta kale oo hadday dilaan oo ay
idinka kaafiyaan waa sidaad rabteen,
haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu
waa tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna
oo idinkaa iska leh, waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib
badan". Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan
Ilaahay xaqa la doonin si walba oo wax
loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax
walbana ka hor keenaya madax adayg iyo
caniidnimo markay dhagaysteen
fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo jeediyey waxay dheheen "wuu
ku soo sixray oo carrabku kugu soo
sixray". Cutba wuxuu yiri "waa taas aniga
taladaydii ee waxaad doontaad
sameeya".

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete