Casharka 39aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW SHIRQOOLKII RASUULKA SCW
LALA DAMCAY Markii uu jab ku soo dhacay mushrikiintii
qureysh (dagaalkii Badar), waxaa Makka
buuxiyey colaaddii Rasuulka SCW maxaa
yeelay odeyaashoodii ayuu (dagaalkaas
ku) laayey, Haddaba maalin maalmaha
ka mid ah ayaa waxaa guri wada fariistay Safwaan binu Umaya, oo
aabihiis iyo walaalkiis Badar lagu dilay,
iyo Cumayr binu Wahab Al-jumuxi, oo ka
mid ahaa dadkii aad u dhibi jirey
Rasuulka SCW iyo asxaabta, wiilkiisii
Wahab binu Cumayrna lagu qafaashay Badar. Waxay labadaa nin ka sheekeysteen
dadkii Badar lagu laayey ceelka lagu
gurey, markaas ayaa Safwaan yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye nolosha iyaga ka
dambaysaa nolol maaha", Cumayr ayaa
markaas yiri "run baad sheegtay, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aysan jirin
deyn la igu leeyahay oo cid iga gudeysaa
aysan jirin iyo ciyaal aan rafaad uga
baqayo gadaashay, rukuubkayga ayaan
fuuli lahaa ilaa aan Maxammed u tago oo
dilo, arrin aan ku cudurdaartana waan haystaa oo wiilkaygii ayey qafaasheen".
Safwaan ayaa markaa jeclaystay
fikraddaas wuxuuna yiri "deyntaadu
waa dusheyda oo anigaa kaa gudaya,
ciyaalkaaguna ciyaalkayga ayey la
noolaanayaan, inta ay nool yihiinna wanaag ayaan u samaynayaa". Cumayr
wuxuu yiri "qari go'aankeenna",
Safwaanna wuxuu yiri "waa yahay". Cumar seeftiisii intuu qaatay oo
rakuubkiisi fuulay dhaqaaqay ilaa uu
Madiina ka tegey. Ka dib isagoo hashiisii
masaajidka agtiisa ku aruminaya ayaa
waxaa arkay Cumar binu Khadhaab oo
koox muslimiinta ka mid ah la sheekaysanayey, markaasuu yiri
"eygaan Cumayr oo cadowga Ilaahay ah
wax aan shar ahayn lama imaan", ka
dibna wuxuu cumar u tegey Nabiga SCW
oo ku yiri "Nabigii Allow, kani waa
cadowgii Ilaahay ee Cumayr oo seeftiisii jeeniqaarsan". Markaas ayaa Rasuulku
SCW yiri "ii soo daaya". Cumar ayaa u
tegey isaga oo seeftiina dharka u saaray,
rag muslimiinta ka mid ahna ku yiri "iila
geeya Rasuulka SCW oo agtiisa fariisiya,
kana digtoonaada aammin ma ahane". Markii la soo geliyey oo uu Rasuulku SCW
arkay Cumar oo wada ayuu yiri "soo daa
Cumarow, war Cumery soo dhowow",
markaasuu Cumeyr soo dhawaaday
wuxuuna yiri "subax wanaagsan",
Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay "Ilaahay wuxuu nagu karaameeyey
salaan ka kheyr badan salaantaada
Cumayrow, waana salaant Ehlu-
jannaha", Ka dib Rasuulku SCW wuxuu
yiri "maxaad u timid Cumayr?", wuxuu
yiri "waxaan u imid in aad ii soo deysaan wiilkayga aad soo qafaalateen".
Rasuulku SCW wuxuu yiri "maxay tahay
seeftan aad qoorta ku wadato?", Cumayr
wuxuu yiri "Allaah ha hoojiyo seefo, ma
wax bay noo tareen". Rasuulku SCW
wuxuu yiri "runta ii sheeg maxaad u timid?", wuxuu yiri "arrintaas ma ahane
wax kale uma imaan". Markaas ayaa
Rasuulku SCW wuxuu yiri "adiga iyo
Safwaan baa qol fariistay, waxa aadna
ka sheekaysateen dadkii godka lagu
guray ee qureysheed, waxaad markaa tiri "haddaan deyn la igu lahay, ciyaalna
ii joogin, waan bixi lahaa ila aan
Maxammed soo dilo", Safwaan ayaa
markaa dusha saartay deyntaadii iyo
ciyaalkaagii si aad aniga ii disho,
Allaahna waa kala fogeeyey aniga iyo arrinkaas". Cumayr wuxuu yiri "waxa
aan qirayaa in aad tahay Rasuulkii
Allaah, waxaannuna ahayn Rasuulkii
Allow kuwo kugu beeniya in khabar
samada kaaga yimaado, waxyina kugu
soo dego, arrintaanna cid kale nalama ogeyn aniga iyo Safwaan, Ilaah baan ku
dhaartaye waxa aan ogaadey Allaah ma
ahne cid kale in aysan warkaan kuu
keenin, Alle ayaa mahad leh Allihii
islaamka igu hanuuniyey, socodkaanna ii
soo waday", dabadeedna tawxiidkii ayuu qiray. Markaas ayaa Rasuulku SCW
ku yiri asxaabtii "fahamsiiya walaalkiin
diintiisa qur'aankana u akhriya,
maxbuuskiisana u sii daaya". Ninkii Safwaan ahaa, oo Cumayr ay
ballanta isku ogaayeen, wuxuu reer
Makka ku dhihi jiray intuu Cumayr
maqnaa "ku bishaaraysta dhacdo imaan
doonta dhowaan oo idin hilmaansiin
doonta dhacdadii Badar". Wuxuuna dadka socotada ah ee Madiina ka yimaada
weydiin jirey Cumayr iyo xaaladdiisa ilaa
markii dambe loo soo sheegay in Cumayr
islaamay. Safwaan wuxuu markaas ku
dhaartay in uusan Cumayr dib dambe ula
hadlin, waxna tarin. Ka dib wuxuu Cumayr Makka ku soo laabtay, isagoo soo
islaamay, wiilkiisiina loo soo daayey,
wuxuuna Makka ka bilaabay dacwo uu
dadka islaamka ugu yeerayo, dad badan
ayaana gacantiisa ku islaamay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete