Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 64AAD

Casharka 64aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW WARAAQIHII UU NEBI MUXAMED (SCW) U
DIRAY BOQORRADA QORITAANKII WARAAQIHII LOO DIRAYEY
BOQORRADA Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay
Xudeybiya oo uu heshiis la soo saxiixday
codawgii islaamka ugu darnaa ee
qureysh, oo ka mid ahaa saddexdii qolo
oo ugu fitnada iyo cadaawada badnaa
mandiqaddaas, duullaankii Axsaabna isku soo bahaystay, ayuu Rasuulku SCW
wuxuu bilaabay in uu dacwadii islaamka
u bandhigayo, waraaqana u kala dirayo
boqorradii iyo madaxdii caalamka, gaar
ahaan kuwoodii ugu waaweynaa, isaga
oo jihaadkana dhiniciisa ka wada maxaa yeelay dacwada iyo jihaadku ma kala
maarmaan, mana dhici karto in la
yiraahdo dacwo ayaa la wadayaa,
jihaadna looma baahna, waxayna taasi la
mid tahay dowlad ciidan la'aan ah ama
ciidan hub la'aan ah. Sidoo kale ma dhici karto jihaad ayaa la wadayaa oo dacwo
looma baahna, wuxuu Allaah SW ugu talo
galay in ay dacwada iyo jihaadku is
dhinac socdaan oo caalamka oo dhan la
wada gaarsiiyo diinta islaamka, ciddii ka
hor timaadda oo isku deyda in ay joojisa dacwada islaamka ama dadka u diidda in
la gaarsiiyo diintaas, in lala jihaado oo la
edbiyo ilaa ay ka oggolaato. Jihaadku
waqti ma leh ilaa saacadda qiyaame laga
gaaro. Haddaba haddii aan dib u jalleecno
mawduuceenii, Rasuulku SCW markii uu
soo laabtay isaga oo dacwadii iyo
jihaadkiii sidii u wada, ayuu wuxuu
bilaabay nooc cusub oo dacwada ka mid
ah oo ahayd waraaqo uu u kala direy boqorradii iyo madaxdii caalamka,
islaamkana ugu yeerayo. Markii uu
Rasuulku SCW waraaqahaas bilaabayey
ayaa waxaa lagu yiri "boqorradu ma
aqbalaan warqad aan tiimbareysnayn",
markaas ayuu wuxuu samaystay farraanti qalin ah oo lagu naqshadeeyey
MUXAMMADU RasuulU-LAAH, wuxuuna
ahaa saddex layn: Muxammed oo sadar
ah, Rasuul oo sadar ah iyo Allaah oo sadar
ah. Waqtigii uu Rasuulku SCW waraaqahaas
bilaabay waxa ay ahayd bishii Muxarram,
sannadkii 7aad ee hijriga. Haddii aynu
mid mid u soo qaadanno waraaqahaas
iyo jawaabohoodii waxa ay ahaayeen
sidan: WARQADDII LOO DIREY BOQORKII
XABASHIDA EE NAJAASHI Najaashi waxaa magaciisa la oran jirey
Axsama binu Abjar, wuxuuna xukumayey
dowladdii xabashida, qisadiisana waynu
soo marnay sidii uu muslimiinta u soo
dhoweeyey iyo caddaaladdiisii, wuxuuna
haystay diinta Masiixiga. Warqaddii uu Rasuulku SCW u qorey waxa ay ahayd
sidatan: Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Najaashi, Madawweynaha
Xabashida
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ha ahaato. Intaas ka dib, anigu waxa aan kugu mahadinayaa Alle, Allihii isaga maahane
uusan Alle kale jirin oo ah boqorka
Muqaddaska ah, ahna nabadgeliyaha
mu'minka iyo ilhaamiyaha. Waxa aan
qirayaa in Ciise ibnu ruuxdii Alle iyo
kalimaddiisii uu ku riday Maryamatu- batuula, Maryamana ay ku qaadday Ciise
ruuxdiisii iyo afuufiddiisii siduu Aadanba
ugu abuuray gacantiisa. Aniga waxa aan
kuugu yeerayaa Alle keligii oo aan
shariik lahayn iyo xiriirinta daacadiisa
iyo in aad i raacdid oo rumeysid wixii ii yimid, aniguna Rasuulkii Alle ayaan ahay.
Waxa aan kuugu yeerayaa adiga iyo
askartaadaba Alle Case-wajalle, waan ku
gaarsiiyey (diintii), waana kuu
naxteexeeyey. Yeel waanadayda,
nabadgelyana qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato. Laakiin Beyhaqi wuxuu Ibnu Isxaaq ka
weriyey in warqaddii Rasuulku SCW u
qoray Najaashi ay ahayd sidan: Tani waa warqaddii ka socotay Nabi
Maxammed,
Ku socotay Najaashi Asxam,
madaxweynihii Xabashida
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ah ahaato. Alle iyo Rasuulkiisa rumee, waxa aan qirayaa Alle maahane Alle kale in uusan
jirin, keligiisna yahay, shariikna aanu
lahayn, aannuna samaysan xaas iyo ilmo;
Maxammedna waxaa weeye addoonkiisii
iyo Rasuulkiisii. Waxa aan kuugu
yeerayaa dacwada islaamka, aniguna Rasuulkiisii baan ahay. Islaam aad nabad
geshide. Markaas ayuu aayaddan
qur'aanka ahna u raaciyey: ((WAXAAD DHAHDAA KITAABKA
EHELKIISIIYAW: U KAALAY KALIMAD AAN
U SIMANNAHAY ANNAGA IYO IDINKU OO
AH: IN AANNAAN ALLE MOOYEE CID KALE
CAABUDIN, OO AANNAAN CIDNA UGU
SHARIIK YEELIN, KANA YEELAN QAARKEEN QAARKA KALE RABBIYAAL
ALLE KA SOKEEYA, HADDII AY JEESTAAN
DHAHA KA MARKHAATI NOQDA ANNAGU
IN AAN MUSLIMIIN NAHAY)), (Suuratu
Aali-Cimraan 64). Ka dib wuxuu Rasuulku yiri "haddii aad
diido (islaamka) waxaa dushaada
ahaday dembiga masiixiyiinta
shacabkaaga. Intaas ayey ku dhammaatay warqaddii
uu Rasuulku SCW u qoray Najaashi,
waxayna culimada islaamku isku
khilaafsanyihiin Labada waraaqood
midda uu Rasuulku SCW najaashi u diray,
inkastoo ay culimada qaarkood qabaan in labada waraaqoodba uu u diray Najaashi
waqtiyo kala duwan, waxayna isku
khilaafsan yihiin midda ay ahayd tii uu
qoray heshiiskii Xudeybiya ka dib. Sidoo kale waxay culimadu isku
khilaafsanyihiin Najaashiga uu Rasuulku
SCW waraaqada u qoray midka uu ahaa:
in uu yahay kii islaamay oo la oran jirey
Asxab oo Rasuulku SCW ku tukaday
janaasada markii geeridisa loo soo sheegay, iyo in uu yahay kii
kadambeeyey, waxayna riwaayad
saxiixul muslim weriyey sheegaysaa in
kan Rasuulku SCW waraaqda u diray
yahay kii dambe oo uusan ahayn kii
islaamay, inkastoo aysan sheegayn wixii ku yaalay waraaqdaas. Sidoo kale ibnu
Qayim waxa uu Saadul-macaadka ku
ayidayaa riwaayadda saxiixul Muslim,
wuxuu yiri "waa kala Labo Najaashiga
islaamay iyo kan uu Rasuulku waraaqda
u diray (Xudaybiya ka dib)", wuxuu ibnu Qayim qorayaa Labada waraaqood
midda hore, wuxuuna sidoo kale
ayidayaa in Najaashiha islaamay uu
Rasuulku SCW waraaqda u diray hijradii
Labaad oo uu Jacfar ugu sii dhiibay,
waxaa iyana arrintaan ayidaya in badan oo culimada islaamka kamid ah, qaar
kalena waa ay kasoo horjeedaan oo
waxay ayidayaan in Najaashaha uu
Rasuulku SCW waraaqda u diray yahay
kii islaamay, inkastoo qaar kale oo
culimada kamid ihi ay is waafajinayaan Labada arrimood, waxayna dheheen:
"Labada Nashaasheba Rasuulku SCW
waraaqo ayuu u diray oo midna waa
islaamay midna lama oga inuu islaamay
iyo in kale". Allaahu aclam. Rasuulku SCW markii uu dhammeeyey
warqaddii wuxuu u sii dhiibay Camar
binu Umaya si uu u gaarsiiyo Najaashi.
Najaashi markii ay u tagtay warqaddii
Rasuulka SCW aad ayuu u ixtiraamay,
wuuna ajiibay dacwadii islaamka, wuxuuna ku islaamay gacanta Jacfar
binu Abii-dhaalib oo weli dhulkiisa jirey
isaga iyo muslimiintii kaleba. Wuxuu
Najaashi u soo diray Rasuulka SCW
warqad jawaab ah oo ahayd sidatan: Ku socota Maxammed Rasuulkii Alle
Ka socota Najaashi Asxam Nabadgelyo xagga Alle ka timid
dushaada ha ahaato Nabiga Allow iyo
naxariistiisii iyo barakaatkiisii, Allihii
isaga maahane uusan Alle kale jirin. Intaas ka dib, way i soo gaartay
warqaddaadii Rasuulkii Allow iyo waxa
aad ka sheegtay arrinta Ciise. Rabbiga
samada iyo dhulka ayaan ku dhaartaye
Ciise kama siyaadin waxa aad sheegtay,
isagu waa sidii aad u sheegtay, waana aqoonsannay wixii aad noo soo dirtay,
waana soo dhoweynay ina adeerkaa iyo
asxaabtaadii. Waxa aan qirayaa in aad
tahay Rasuulkii Alle, runlow ah oo la
rumeeyo, waana kula mubaayacooday,
ina adeerkaana waan la mubaayacooday, gacantiisa ayaan ku
islaamay, waxa aan u hoggaansamay
Allaha caalamka Rabbigiisa ah. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Najaashi ka
dalbay in uu soo diro Jacfar iyo dadkii
kale ee muslimiinta ahaa oo
waddankiisa joogey, Najaashina wuu
yeelay oo wuxuu soo saaray labo
doonyood, waxayna Nabiga SCW ugu yimaadeen Khaybar. Najaashi wuxuu
dhintay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee
hijriga, wuxuuna Rasuulku SCW markii
loo sheegay ku tukaday jinaaso. Ka dibna
wuxuu Rasuulku SCW warqad u qoray
boqorkii Najaashi Asxam ka dambeeyey hase yeeshee lama oga in uu islaamay
iyo in kale. WARQADDII LOO QORAY BOQORKII
MASAR Rasuulku SCW wuxuu warqad u diray
boqorkii haystay Masar iyo
Aleksandariya, waxa ayna warqaddaasi
ahayd sidan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Addoonkii Alle
iyo Rasuulkiisii
Ku socota Maquuqas, Madaxii
Qibdhiyiinta
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca korkiisa ha ahaato. Intaas ka dib, waxa aan kuugu yeerayaa dacwada islaamka, islaam aad
nabad gashide, islaam Alle wuxuu ku
siinayaa ajarkaaga labo jeer, haddii aad
jeesatana waxaa dushaada ah dembiga
reer Qibdhi. Rasuulku SCW wuxuu u qoray
aayaddan oo aannu soo tilmaanay macnaheeda: Waa aayada ku jirta
(suuratu Aali-Cimraan 64). Warqaddan wuxuu Rasuulku SCW u sii
dhiibay Xaadhib ibnu abii Baltaca.
Xaadhib markii uu warqaddii u geeyey
wuxuu boqorkii Masar ku yiri "waxaa kaa
horreeyey nin sheegtay in uu Rabbigii
sare yahay (fircoon), Allaahna wuxuu ku qabtay tii horreysey iyo tii
dambeyseyba, wuuna ka aar gutay, kuna
cibro qaado qeyrkaa ee qeyrkaa yuusan
kugu cibro qaadan. Boqorkii ayaa hadlay
oo yiri "waxa aan haysannaa diin, ugana
tegi mayno (diintayada) cid ka kheyr badan ma ahne wax kale". Xaadhib ayaa
markaa ku yiri "waxa aan kuugu
yeeraynaa diinta islaamka oo Alle ku
kaafiyey wixii ka soo haray, Nabigaanna
uu dadka ugu yeerayo, kuwa ugu dhib
badnaana waxa ay ahaayeen qureysh, kuwa ugu cadowsanaana waxa ay
ahaayeen yahuud, kuwa ugu dhowaana
waxa ay ahaayeen masiixiyiin, waxa
ayna la mid tahay bishaaradii Muuse ku
bishaareeyey Ciise, tii uu Ciise
Maxammed ku bishaareeyey. Yeeritaanka aan qur'aanka kuugu
yeerayno wuxuu la mid yahay
yeeritaankii dadka Tawreet loogu yeeray
Injiil, Nabi kastana dadkii soo gaara waa
ummaddiisa, wuuna haleelaa haddii ay
adeecaan. Adiguna waxa aad ka mid tahay dadka soo gaaray nabiga mana
kaa reebayno diintii Masiix laakiin iyada
ayaan ku amrayaa". Boqorkii ayaa yiri
"waan eegay Nabigaan arrinkiisa, waxa
aan ogaaday in uusan xumaan amrin,
wanaaggana reebin, sixir iyo baadilna kuma arag, curraafi beenlow ahna
maaha, waxa aan ka arkay calaamaddii
nabinnimada waana fiirin doonaa". Ka
dib wuxuu u yeertay qoraagiisii
Carabbiga u qori jirey, wuxuuna Rasuulka
SCW u soo qoray warqaddan: BISMILLAAHI RAXMAAN RAXIIM
Ku socota Maxammed binu Cabdullaahi
Ka socota Maquuqas, madaxweynihii
reer Qibdhi
Nabadgelyo dushaada ha ahaato. Intaas ka dib, waan akhriyey
warqaddaadii, waan fahmay wixii aad
ku soo sheegtay iyo waxa aad u
yeerayso. Waan ogaa in uu nabi
dhimman yahay, waxaanse u
malaynayey in uu Shaam ka soo bixi doono. Waan karaameeyey
adeegahaagii, waxa aan kuu soo diray
labo gabdhood oo darajo weyn ku leh
reer Qibdhi dhexdooda, waxa aan kuu
soo hadiyeeyey baqal aad fuusho
[rakuub]. Nabadgelyo dushaada ha ahaato. Intaas ayuu ku gaabsaday ninkaasi,
mana islaamin. Labadii gabdhood waxa
ay kala ahaayeen Maariyatul-Qibdhiya,
oo Rasuulku SCW milkiyey, una dhashay
Ibraahiim iyo gabadha kale oo ahayd
Siiriin, oo uu Nabiga SCW siiyey gabyaagiisii Xasaan binu Thaabit,
baqashana waxaa la oran jirey dul-dul oo
waxay gaartay ilaa waqtigii
mucaawiye. WARQADDII LOO QORAY BOQORKII
FAARIS Sidii kuwii hore oo kale, wuxuu Rasuulku
SCW warqad u qoray Kisraa, boqorkii
Faaris. Warqaddaasi waxa ay ahayd
sidan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Rasuulkii Alle, Maxammed
Ku socota Kisraa, Madaxweynihii Faaris Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ha ahaato. Rumee Alle Rasuulkiisa, qirna Allaah mooyee in uusan Ilaah kale jirin,
yahayna keligiis, shariikna uusan lahayn.
Maxammedna uu yahay addoonkiisii iyo
Rasuulkiisii. Waxa uu kuugu yeerayaa
dacwada islaamka, aniguna waxa aan
ahay Rasuulkii Alle ee dadka oo dhan loo soo diray si uu ugu digo ciddii nool,
gaaladana uu ugu dul oogo xujada.
Islaam aad nabad gashide haddii aad
diidde waxaa dushaada ahaaday
dembiga Majuusiyiinta. Rasuulku SCW wuxuu waraaqdan u
dhiibay Cabdullaahi binu Xudeyfa.
Cabdullaahi wuxuu waraaqdii u gudbiyey
ninkii boqorkaas wakiilka uga ahaa
Baxreyn, kaas oo isna u sii gudbiyey
boqorkii Faaris ee Kisraa. Kisraa wuxuu markaa xukumi jirey Faaris oo waqtigaa
ka mid ahayd labadii dowladood ee
dunida ugu xoogga badnaa. (iyada iyo
Ruum), carabtuna labadaa dowladood
ayey taabac u kala ahaayeen. Kisraa markii uu warqaddii Rasuulka SCW
akhriyey ayuu xanaaqay warqaddiina
jeexjeexay isaga oo ka san taagaya xaqa,
wuxuuna Rasuulku SCW u arkay nin
raciyaddiisa ka mid ah, wuxuuna yiri
"addoon xaqiir ah oo raciyaddeyda ka mid ah ayaa magiciisa ku qoray
magacayga hortiisa". Halkaas waxa aan
ka garanaynaa takaburka iyo isla
weynida daalimkaas ku jirtey heerka ay
gaarsiisnayd iyo sida uu addoonnimada
Rabbi uga kibray. Rasuulku SCW markii loo sheegay in
warqaddiisii uu googooyey si xunna u
dhaqmay wuxuu yiri "Alle ha googooyo
boqortooyadiisa". sidii ayeyna noqotay
oo muddo yar ka dib Ilaahay wuu kala
googooyey boqortooyadiisii. Ninkaas sheydaanka ihi markii uu jeexay
warqaddii Rasuulka SCW oo uu
hadalladaas yiri ayuu haddana waraaq u
diray ninkii wakiilka uga ahaa Yaman,
warqaddaas oo uu ku leeyahay "ninka
Xijaas jooga (nabiga SCW u dir labo nin oo xoog badan oo ha ii keenaan", kaasina
sidaa ayuu yeelay oo labo nin ayuu
Rasuulka SCW u soo direy, warqadna wuu
soo raaciyey uu Rasuulka SCW ku amrayo
in uu nimankaas soo raaco. Labadii nin markii ay yimaadeen Madiina
oo Rasuulka SCW u tageen ayaa
midkoood hadlay oo yiri "boqorkii
boqorrada ee Kisraa ayaa warqad u soo
diray boqorkii Yaman uu ku amrayo in uu
diro cid kuu geysa, aniga ayaana la ii soo kaa diray si aad ii raacdid". Rasuulku SCW
markii uu hadalkoodii dhegaystay ayuu
wuxuu amray in ay berri ku soo
noqdaan. Waqtigaasna waxaa boqorkii Kisraa ku
kacay jabhad daakhili ah oo uu
hoggaaminayo wiilkiisa, Sharwiish binu
Kisraa. Dabadeedna habeen Talaado ah,
10kii Jamadul-Uulaa, sannadkii 7aad ee
hijriga ayaa Sharwiish aabbihii Kisraa diley oo xukunkii la wareegay. Rasuulka
SCW arrinkaas waxyi ayaa lagu
ogeysiiyey, markii ay labadii nin
maalinkii dambe ku soo laabteenna
wuxuu u sheegay in boqorkii ay ka
socdeen ee Kisraa wiilkiisii dilay, xukunkiina kala wareegay. Markaas ayey
labadii nin dheheen "maxaan ku dhahnaa
(boqorkii na soo diray)?", Rasuulku SCW
wuxuu yiri "waxa aad ku dhahdaan
"diinteyda iyo awooddeydu waxa ay
gaari doontaa inta uu Kisraa gaaray. Haddii aad islaamto waxa aan ku
siinayaa wixii gacantaada ka hooseeya
(aad xukuntid), boqortooyada
ciddaadana carruurtaada ayaa iska leh". Ka dib labadii nin way noqdeen, waxa
ayna arrinkii u sheegeen boqorki
Faariska ahaa ee Yaman wakiilka uga
ahaa Kisraa oo la oran jirey Baddaan,
arrinkiina aan weli ka war helin. Muddo
ka dibna wuxuu ogaaday arrinkii, wuxuuna warqad ka helay Sharwiish
binu Kisraa, taas oo ugu sheegayo in uu
aabbihii diley, xukunkiina la wareegay.
Waxaa kale oo uu yiri "ninkii aabbahay
arrinkiisa warqadda kuugu soo qoray
(nabiga SCW) waxba ha ku samaynin ilaa amarkaygu kaaga yimaado". Ka dibna
way islaameen Baddaan iyo ciddii
Yaman la joogtay ee Faarisiyiinta ahayd
markii ay xaqii arkeen. WARQADDII LOO QORAY BOQORKII
RUUM EE HIRAQLE Rasuulku SCW boqorradii uu waraqaha u
diray waxaa ka mid ahaa boqorkii Ruum
xukumayey oo la oran jirey Hiraqle.
Ruumna waxa ay waqtigaas ahayd
dowladdii adduunka ugu xoogga
badnayd. Warqaddii uu Rasuulku SCW u diray ninkaas waxa ay ahayd sidan: BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Adoonkii Alle iyo
Rasuulkiisii
Ku socota Hiraqle, Madaxweynihii
Ruum
Nabadgelyo ciddii hanuunka raacday dusheeda ha ahaato. Islaam aad nabad gashidhe islaam Alle wuxuu ku siinayaa ajarkaaga laba
jeer, haddiise aad diidid waxa dushaada
ahaaday dembiga raciyadaada. Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaan u sii
dhiibay Dixya binu Khaliif si u ugu geeyo
ninka Basra wakiilka uga ahaa Hiraqle oo
isaguna uu gaarsiiyo boqorkiisii Hiraqle.
Dixya wuu baxay sidii ayuu warqadii ugu
gudbiyey. Hiraqle warqaddii Rasuulka SCW ayaa u
tagtay isaga oo markaa yimid meesha la
yiraahdo Iiliyaa' (Baytul Maqdis) kana
yimid Ximsa, Waxaana meeshaa joogey
safar Qureysh oo Abuu Sufyaan madax u
ahaa oo tijaaro u yimid. Waqtigaasna waxa ay ahayd muddadii ay heshiiska
lahaayeen Rasuulka SCW iyo qureysh. Hiraqle markii ay warqaddii Rasuulku
SCW u timid ayuu u cid diray nimankii
qureysh ee safarka watay, markaas ayaa
loo keenay isaga oo ay dhinacyada ka
fadhiyaan madaxdii Ruum. Wuxuu
markaa Hiraqle u yeertay tarjumaankiisii, wuxuuna Abuu Sufyaan
iyo raggiisii ku yiri "kiinnee ugu dhow
nasab ahaan ninkaas Nabinnimada
sheeganaya?", Abuu Sufyaan ayaa yiri
"aniga ayaa ugu dhaw". Markaas ayuu
Hiraqle yiri "ii soo dhoweeya isaga, ragga la socdana dhankiisa fariisiya",
wuxuu markaa Hiraqle tarjumaankiisii ku
yiri (ku dheh nimanka) "ninkaas (Abuu
Sufyaan) waxa aan wax ka wey diinayaa
ninkaas (nabiga) haddii uu been ii
sheego ku beeniya". Sidaa darteed Abuu Sufyaan su'aalihii la weydiiyey oo dhan
run ayuu uga jawaabay isaga oo ka
baqayey in markii ay Makka ku laabtaan
la yiraahdo ninkii odeyga ahaa been
ayuu sheegay. Wuxuu yiri Abuu Sufyaan
"Ilaah baan ku dhaartaye haddii aanan ka xishooneyn in la iga guuriyo been
waan ka been sheegi lahaa (nabiga)",
taas oo ku tusineysa sida dadkii hore,
gaalaba ha ahaadeene ay uga xishoon
jireen beenta, sharaftoodana u ilaashan
jireen. Ka dib wuxuu yiri Abuu Sufyaan
"su'aashii u horreysey ee uu iga
waydiiyey (nabiga) wuxuu yiri "sidee ku
yahay nasabkiisu dhexdiina?", waxa aan
iri "dhexdayada waa nin nasab
wanaagsan". Wuxuu yiri "isaga (nabiga SCW) ka hor qof ma idinku yiri hadalkaan
oo kale?", waxa aan iri "maya". Wuxuu
yiri "aabbayaashiis mid ka mid ihi
boqortooyo malahaa?", waxaan iri
"maya". Wuxuu yiri "ma dadkii sharafta
lahaa baa raacay mise dadka ducafadii (masaakiintii)?", waxa aan iri
"ducafadii". Wuxuu yiri "ma bataan
(dadka raacay) mise waa yaraadaan?",
waxa aan iri "way bataan". Wuxuu yiri
"ma ka laabtaan qof ka mid ihi diintiisa
caro uu u carooday markuu galay ka dib?", waxa aan iri "may". Wuxuu yiri
"intii uusan dhihin wuxuu (hadda) yiri ka
hor ma ku tuhmi jirteen been?", waxa
aan iri "may". Wuxuu yiri "ballanta ma
jebiyaa?". waxa an iri "may, waxaanna
ku dhex jirnaa (muddadii heshiiska ) mana ogin wax uu samayn doono".
wuxuu yiri 'ma la dagaasheen?", waxa
aan iri "haa". Wuxuu yiri "sidee ahaa
dagaalka aad la gasheen?", waxa aan iri
"dagaalkayagu waa wadaamaysi, marna
isaga ayaa naga guuleystay marna annaga ayaa ka guuleysannay". Wuxuu
yiri "muxuu idin amrayaa?", waxa aan iri
"wuxuu leeyahay Alle keliya caabuda oo
cidna ha ugu shariik yeelina, iskana taga
waxa ay aabbayaashiin dhihi jireen.
Wuxuu na amrayaa salaad, sadaqo, dhowrsanaan iyo xiriirin". Wuxuu markaa Hiraqle ku yiri
tarjumaankiisii "ku dheh (Abuu Sufyaan",
waxa aan ku weydiiyey nasabkiisa
(nabiga SCW), waxa aad sheegtay in uu
yahay nin nasab wanaagsan, sidaas oo
kale ayaa rususha looga soo bixin jirey qowmkooda nasabkiisa (kuwa ugu nasab
fiican). Waxa aan ku weydiiyey in axad
idinka mid ihi hortiis yiri hadalkaan,
waxa aad sheegtay in aysan jirin, waxa
aan haddaba leeyahay haddii axad ka
horreeyey yiri hadalkan waxaan is dhihi lahaa waa nin ku deyanaya hadal la yiri
hortiis. Waxa aan ku weydiiyey in ay
boqornimo u ahaatay aabbayaashiis wax
ka mid ah, waxa aad dheegtay in aysan
jirin, waxa aan leeyahay haddii
aabbayaashiis wax ka mid ah boqornimo u ahaatay waxa aan oran lahaa waa nin
doonaya boqornimadii aabayaashiis.
Waxa aan ku wey diiyey in aad been ku
tuhmi jirteen intii uusan dhihi wax uu
yiri, waxa aad sheegtay in aysan jirin,
waxa aan aqoonsaday in uusan ahayn mid ka taga beenta dadka oo Rabbi ku
been abuurta. waxa aan ku weydiiyey in
dadkii sharafta lahaa raaceen ama
ducafadii, waxa aad ii sheegtay in ay
ducafadii raaceen, iyaga (ducafada)
ayeyna ahaayeen kuwii rususha raaci jirey. Waxa aan ku weydiiyey in ay
siyaadaan ama ay nusqaamaan, waxa
aad sheegtay in ay siyaadaan, sidaas oo
kale weeyey arrinta iimaanku ilaa uu ka
taam noqdo. Waxa aan ku weydiiyey qof
ma ka noqday in aysan jirin, sidaas oo kale weeyey iimaanku markii uu
macaankiisu quluubta dheeho. Waxa aan
ku weydiiyey ballanta ma jebiyaa, waxa
aad sheegtay in uusan jebin, sidaas oo
kale rusushu ballanta ma jebiyaan. Waxa
aan ku weydiiday waxa uu idin amro, waxa aad sheegtay in u idin amrayo in
aad Ilaah keliya caabudaan oo aydinaan
cid kale ugu shariik yeelin, idinkana
reebayo cibaadada asnaamta, idina
amrayo salaad, sadaqo iyo dhowrsanaan.
Haddaba haddii ay waxa aad leedahay xaq yihiin waxa uu hanan doonaa
meesha an labadaydan gommodood ku
hayo, waana ogaa in uu soo baxayo mase
malaynayn in uu idinka ka soo baxayo.
Haddii aan ogahay in aan gaari karana
waan aadi lahaa, haddii aan agtiisa joogi lahaana lugaha ayan u dhiqi lahaa. Ka dib wuxuu Hiraqle dalbaday
warqaddii Rasuulka SCW, markaas ayuu
akhriyey. Markii warqaddii dhammeeyey
ayaa wasiirradiisii la fadhiyey waxa ay
ka baqeen in uu boqorku islaamo
markaas ayey la hadleen oo buuqeen ilaa uu buuqi iyo hugunkii batay. Abuu
Sufyaan wuxuu yiri "waxaa la amray in
nala bixiyo. Markii nala bixiyey ayaan ku
iri raggaygii "Xaqiiqdii amarkii in abii
Kabshe (nabiga SCW) waa weynaaday,
waxaa ka baqaya boqorkii reer banii Asfar". Ka dib abuu Sufyaan wuxuu yiri
"kama aanan suulin arrinka nabiga in uu
soo daahiri doono ilaa aan islaamka ka
soo galay. In kastoo uu Hiraqle yaqiinsaday
dacwadii islaamka iyo xaqnimadii
Nabiga SCW haddana ma uusan qaadan
islaamka oo wuxuu ka doortay kufri iyo
gaalnimo. Ninkii warqadda Hiraqle Rasuulku SCW u
soo dhiibay oo la oran jirey Dixya binu
Khaliif markii uu warqadda u geeyey
ninkii Basra xukumayey wuxuu soo
siiyey maal iyo marasho. Markii uu Dixya
soo marayo meel dhexe ayaa waxaa la kulmay niman reer Judaam ah oo wuxu
watay ka dhacay. Markii uu Dixya
Madiina yimid ayuu isagoo oo aan
gurigiisii ku leexan wuxuu u tegey
Rasuulka SCW oo u sheegay arrintii,
wuxuu markaa Rasuulku SCW u direy ciidan gaaraya 500 oo nin, wuxuuna
madax uga dhigay Seyd binu Xaarith si
ay u soo edbiyaan qabiilkaas waddo
goyska noqday. Seyd iyo ciidankii uu hoggaaminayey
meeshii ayey tageen, waxayna qabiilkii
ka dhigeen wax ay dileen iyo wax
carara, xoolo badan oo gaarayey 1,000
geel ah iyo 500 oo ari ahna way ka soo
kaxaysteen. Waxa ka dib Rasuulka SCW u yimid nin la oran jirey Seyd binu Rifaaca
oo ka mid ahaa odeyaashii qabiilkaas
iyaga oo soo islaamay isaga iyo rag kale
oo qabiilkaas ah. Waxayna Rasuulka SCW
ka codsadeen in qaniimadii loo celiyo,
Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay wuxuuna amray in loo celiyo. WARQADDII LOO QORAY BOQORKII
BAXREYN Sidii uu Rasuulku SCW madaxdii horeba
waraaqaha ugu diray ayuu wuxuu
waraaq u direy ninkii la oran jirey Mundir
binu Saawi oo xukumayey Baxreyn.
Warqaddaas oo uu ugu yeerayey
islaamka, wuxuu ugu sii dhiibay Calaa ibnu Xadrami. Mundir markii ay warqaddii Rasuulku
SCW u tagtay, Alle kheyr ayuu
waafajiyey, wuuna islaamay. Wuxuuna
Rasuulka SCW u soo direy warqad uu ku
leeyahay sidan: Intaas ka bacdi, Rasuulkii Allow waxa
aan ku akhriyey warqaddaadii reer
Baxreyn, waxa ayna noqdeen wax
islaamkii jeclaaday oo la dhacay iyo wax
nacay. Dhulkeygana waxaa ku nool
Majuus iyo Yahuud, marka ii soo sheeg amarkaaga. Markaas ayuu Rasuulku SCW u qoray
warqaddan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed Rasuulkii Alle
Ku socota Mundir Binu Saawi ASALAAMU CALEYKUM Allaah baan kugu mahadinayaa, Allihii isaga maahee uusan mid kale jirin,
waxa aan qirayaa Maxammedna in uu
yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii. Intaas ka dib, waxa aan ku xusuusinayaa
Allaah Casa Wajalla, qofkii la waaniyana
waxaa la waaniyey naftiisa, qofkii
adeeca farriin wadayaashayda oo raaca
amarkooda aniga ayuu i adeecay. Qofkii
iyaga waaniya, aniga ayuu i waaniyey. Adeegayaashayduna wanaag ayey kaa
sheegeen, aniguna waxa aan ku siiyey
qowmkaaga (xukunkiisa), muslimiintana
u daa cidda ay u islaameen (Allaah),
kuwa dembiyada galayna waan cafiyey
ee ka yeel adiguna, inta aad wanaagsan tahayna kaa casili mayno shaqadaada.
Dadka deggan ee yahuudda iyo majuusta
ahna jisyo (canshuur) kaqaad. WARQADDII LOO DIREY BOQORKII
YAMAAMA XUKUMAYEY Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu waraaq
u diray ninkii Yamaama xukumayey oo la
oran jirey Huuddo binu Cali. Waxa ayna
warqaddaasi ahayd sidan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Huudda Binu Cali
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ha ahaato. Waxa aad ogaataa diintaydu in ay kor mari doonto islaam aad nabad
gashide, waxa aanna kuu deynayaa inta
aad xukuntid. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW warqaddaas
ugu sii dhiibey Suleydh binu Camar.
Markii uu Suleydh warqaddii u geeyey,
ayuu Huudda si fiican u qaabilay,
warqaddiina akhristay, wuxuuna
Rasuulka SCW u soo qoray warqad uu ku leeyahay "wax ka wanaag badan oo ka
quruxsan majiro waxa aad dadka ugu
yeeraysid, carabna way taqaannaa
darajadeyda ee isii xukunka qaarkiis aan
ku raacee". Ninkii Suleydh ahaa ee
warqadda u keenayna waxa uu soo siiyey abaalgud, jawaabtiina wuu u soo
dhiibay. Suleydh wuxuu markaa ku soo laabtay
Madiina, wuxuuna Rasuulka SCW u
sheegay warkii oo dhan. Rasuulku SCW
markii uu warqaddii Huudda akhriyey
ayuu yiri "haddii uu i weydiisan laha
gobol dhulka ka mid ah ma yeeleen". Hadalkan Rasuulka SCW waxa aan ka
faa'iideysanaynaa in diinta islaamku
aysan ahayn mid loo soo galo dano
adduunyo ee ay tahay qanaaco uu qofku
ku qanco si uu naftiisa uga badbaadiyo
cadaabka Rabbi, qofkana in uu xaqa qaato oo uu Rabbigiis ka baqo isaga ayey
dani ugu jirtaa. Ninkii Huudda ahaa,
maaddaama aan xukunkii wax laga siin
wuxuu ku baaqi noqday kufrigii iyo
gaalnimadii ilaa uu ka dhintay, waxaana
ninkaas xaqa ka hor istagay xukun jaceyl sida kuwo badan oo kaleba uu uga hor
istaagay, waxaana sideedaba yar in qof
xukun sare haya ama soo hayn jirey uu
xaqa u hoggaansamo, qof uu Ilaahay u
naxariisto ma ahane. Rasuulku SCW markii uu Makka furtay oo
uu ku soo laabtay Madiina ayaa Malaku
Jibriil u soo sheegay in uu dhintay
Huudda. Wuxuu Rasuulku SCW markaa ku
yiri asxaabta "waxaa Yamaama ka soo
bixi doona beenale, waxaana la dili doonaa gadaashay", markaas ayaa nin
asxaabta ka mid ihi weydiyey oo yiri
"yaa dili doona?", wuxuu Rasuulku SCW
ku yiri "adiga iyo raggaaga". Ninkaas uu
Rasuulku SCW sheegay ee beenalaha ah
waa Museylamatul-Kadaab oo ahaa ninkii Nabinnimada sheegtay, waxaana
la dilay markii uu Abuubakar khilaafada
islaamka hayey, waxaana diley Waxshi
oo ahaa ninkii Xamsa dagaalkii Uxud ku
dilay, ka dibna soo islaamay. WARQADDII UU RASUULKU SCW U DIREY
NINKII XUKUMEY DIMISHIQ Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW
waraaq u direy ninkii la oran jirey
Xaarith binu Shumar oo ahaa ninkii
xukumayey Dimishiq, waxa ayna
warqaddu ahayd sidan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Xaarith binu Abii Shamir
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ha ahaato Aniga waxa aan kuugu yeerayaa in aad Alle keliya rumeyso oo aadan u
shariik yeelin, xukunkaaguna wuu kuu
baaqi noqonayaa. Wuxuu Rasuulku SCW warqaddan u sii
dhiibay Shujaaca binu Wahab. Markii ay
warqaddii gaartay ayuu Xaarith yiri "yaa
xukunkayga iga qaadi kara, aniga isaga
ka qaadi". WARQADDII UU RASUULKU SCW U DIRAY
BOQORKII CUMMAAM Wuxuu Rasuulku SCW warqad u diray
boqorkii Cummaan oo la oran jirey Jiifar
iyo walaalkiis Cabdi oo labaduba ahaa
ilma Jubnaadi. Waxa ayna warqaddu
ahayd sidatan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM
Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle
Ku socota Jiifar & Cabdi, ilma Junadi
Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ha ahaato. Intaas ka dib, waxa aan idinku yeerayaa dacwada islaamka. Islaam aad
nabad gashiine. Anigu Rasuulkii Alle
ayaan ahay oo dadka oo dhan loo soo
diray si aan ugu digo qofkii nool,
galadana qowlkii Rabbi ugu dhaboobo.
Haddii aad qirtaan islaamka waan idiinka weli dhigayaa (xukunkiinna),
haddiise aad diiddaan in aad islaamka
qirtaan boqortooyadiinnu way suuleysaa,
farduhuna waxa ay aaggiinna ka
kicinayaan (boorka), nabinnimadayduna
waxa ay ka sarmarti doontaa boqortooyadiina. Wuxuu Rasuulku SCW warqaddaas u sii
dhiibay Camar binu Caas. Wuxuu yiri
Camar binu Caas "markii aan tegey
Cummaan waxa aan warqaddii u geeyey
Cabdi, maxaa yeelay Cabdi ayaa ka
dulqaad badnaa, kana dabeecad wanaagsanaa Jiifar. Waxa aan ku iri
Cabdi "waxa aan ahay adeegihii
Rasuulkii Alle SCW uu u soo diray adiga
iyo walaalkaa", markaas ayuu yiri
"walaalkay ayaa iiga horreeya xagga
da'da iyo xukunkaba ee isaga ayaan kuu geynayaa ilaa uu ka akhriyo warqadda".
Waxaa kale oo uu igu yiri "maxaa dadka
ugu yeeraysaa?". Waxaan ku iri 'waxa
aan ugu yeerayaa Allaah keligiis oo aan
shariik lahayn iyo in aad ka dhex baxdo
waxa la caabudo sokadiisa, aadna qirto in uu yahay Maxammed addoonkii Alle
iyo Rasuulkiisii". Wuxuu yiri "Camarow
waxa aad tahay wiilkii sayidkii
reerkaaga sidee sameeyey aabbahaa
waxaa noogu sugan ku deyashee?".
Waxa aan iri "wuxuu dhintay isaga oo aan rumeyn Maxammed SCW, waxa
aanna jeclaan lahaa in uu islaamo oo
rumeeyo (Rasuulka SCW). Anigu waxa
aan ku sugnaa fikraddiisii ilaa Ilaahay
islaamka igu soo hanuuniyey. Wuxuu yiri
"goorma ayaad raacday (Rasuulka SCW)?", waxa aan ku iri "waqti dhow",
wuxuu i su'aalay "xaggee ku islaamtay?",
waxa aan ku iri "Najaashi agtiisa" oo
waxa aan u sheegay in uu Najaashi
islaamay. Wuxuu yiri "sidee (Najaashi)
ku sameeyey boqortooyadii dadkiisa?", waxa aan ku iri "way ka yeeleen oo way
raaceen". Wuxuu yiri "culimadii iyo
suufiyadii ma raaceen", waxa aan iri
"haa", wuxuu yiri "ka fiirso Cumar waxa
aad leedahay maxaa yeelay ma jirto
arrin qofku sameeyo oo beenta ka xun", waxa aan iri "been ma sheegin, xalaalna
kuma aha diintayada". Markaas ayuu yiri
"ma arko in uu Hiraqle og yahay
islaamnimada Najaashi", waxa aan iri
"wuu og yahay", wuxuu yiri "sidee ku
ogaatay arrinkaas?", waxa aan iri "Najaashi ayaa u diri jirey Hiraqle wax
soo saarka (beerihiisa kasoo go'a qaar
kamid ah, markii uu islaamay oo uu
rumeeyey Maxammed ayuu yiri "May,
Ilaah baan ku dhaartaye haddiii u i
weydiisto (Hiraqle) hal Dirham ma siinayo". Hadalkaan markii uu gaaray Hiraqle ayaa
lagu yiri "ma iska deyneysaa
addoonkaagii oo aan ku soo direyn wax
soo saarkii, kana diin dhigtay diin kale oo
cusub", markaas ayuu Hiraqle yiri "nin
jeclaaday diin oo u dooray naftiisii maxaan ku sameeyaa?. Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aanan boqortooyada u
baqaynin waxa aan samayn lahaa waxa
uu sameeyey". Cabdi ayaa yiri "Camar ka
fiirso waxa aad leedahay", waxa aan ku
iri "Ilaah baan ku dhaartaye run baan kuu sheegay". Wuxuu ka dib Cabdi yiri "ii
sheeg wuxuu idin amro (Rasuulku SCW)
iyo wuxuu idinka reebo", waxa aan iri
"wuxuu na amraa Alle in aan adeecno,
waxa aanu naga reebaa in aan Alle
caasino. Wuxuu na amraa samafal iyo qaraabo xiriirin, wuxuu naga reebaa
dulmiga, cadaawada, sinada, khamriga
iyo in la caabudo dhagaxa, sanamka iyo
saliibka". Wuxuu yiri "wanaag badanaa
waxa uu dadka ugu yeerayo (Rasuulku
SCW), haddii uu walaalkay igu raaci lahaa waan aadi lahayn ilaa aan ka
rumeyno Maxammed laakiin walaalkay
way ku weyn tahay in uu
boqortooyadiisa ka tago oo uu aado".
Waxa aan iri "haddii uu islaamo,
Rasuulku SCW wuu u deynayaa xukunka dadkiisa, sakana wuu ka qaadayaa
kuwooda maalqabenka ah, wuxuuna ku
celinayaa kuwooda faqiiriinta ah",
wuxuu yiri "tani waa dabeecad
wanaagsan, maxayse tahay sakadu?",
markaas ayaan u sheegay (sakada) geela, markaas ayuu yiri "Camarow tan
(hasha) geedkana daaqeysa biyahana
isaga arooreysa miyaa laga qaadayaa
(sako)?", markaas ayaan iri "haa", wuxuu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma arko
dadkayaga kala fogaantooda iyo tiro badnaantooda in ay tan yeelayaan". Ka dib wuxuu yiri Camar maalmo ayaan
ku negaaday albaabkiisii, isaguna wuxuu
la xiriirayey walaalkiis oo uu u
sheegayey warkaygii. Maalintii dambe
ayuu ii yeeray, markii aan u tegey ayaa
waxaa igu dhegay askartiisii, markaas ayuu yiri "iska soo daaya", markii ay i
soo daayeen ayaan damcay in aan la
fariisto hase yeeshee askartii ayaa ii
diiddey. Isagii ayaan fiirshay, markaas
ayuu yiri "ka hadal dantaada", markaas
ayaan u dhiibay warqadii oo xiran, intuu warqaddii furay oo akhristay ayuu
markii uu dhammeeyey walaalkiis u
dhiibay si uu u akhristo. Ka dib wuxuu
yiri "ka warran qureysh maxay
samaysay?", markaas ayaan iri "way
raacday (Rasuulka), nin diin jaceyl ku raacay iyo nin seef lagu diriqiyeyba",
wuxuu yiri "yaa la jira", waxa aan iri
"dadku way qaateen islaamka, qeyrkisna
way ka doorteen, waxa ayna ku
ogaadeen caqligooda oo uu la jiro
hanuunka Ilaahay in ay baadi ku sugnaayeen, mana ogi cid ka hartay oo
aan adiga ka ahayn ee adiguna haddii
aadan maanta islaamin oo aadan raacin
fardaha ayaa lagugu weerari,
barwaaqadaasna waa la furan ee islaam
aad nabad gashide, xukunka dadkaagana waa laguu dhiibayaa, yeysanna ku soo
gelin fardo iyo rag", wuxuu yiri "iga tag
maanta oo berri igu soo laabo".
Walaalkiis ayaan markaas ku laabtay,
wuxuuna igu yiri "Camarow waxa aan
rajaynayaa in uu islaamayo haddii aan boqortooyadiisu la tegin". Maalintii dambe ayaan ku noqday
markaas ayuu ii diidey in uu ii idmo.
Walaalkiis ayaan u tegey oo u sheegay in
aanan helin, wuu ii geeyey, wuxuu
markaa igu yiri "waxa aan ka fekerayey
wixii aad iigu yeeraysay (islaamka), carabna aniga ayaa ugu taag daran,
haddii wixii aan xukumayey aan nin
mulkisiiyo isaga oo aysan fardihiisu
halkan soo gaari karin, haddii ay so
gaaraanse aan la dagaallamayo dagaal
uusan la dagaallamin cid la kulantay", markaa ayaan ku iri "berri ayaan
baxayaa", marki uu intaa yaqiinsaday
ayuu walaalkiis la gaar noqday oo ku yiri
"maxaan ka yeelnaa arrintan uu la soo
baxay, qof kasta oo uu cid u direyba waa
raacey?". Markii uu waa beriistay ayuu cid ii soo diray, waxayna halkaa ku
qaateen islaamka isaga iyo walaalkiis. Intaa waxaa ku dhammaaday
waxyaabihii ay culimada siiradu ka
qoreen waraaqihii uu Rasuulku SCW u
kala diray boqorradii iyo madaxdii
caalamka markii uu ka soo laabtay
heshiiskii Xudeybiya.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete