Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 45AAD

Casharka 45aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ILAALADII SEYD BINU XAARITH Markii la gaaray waqtigii jiilaalka ee
qureysh Shaam u safri jirtey ayey
qureyshtu isu diyaariyeen safar, markaas
ayey ka wada tashadeen waddadii ay
safarkooda marin lahaayeen, maxaa
yeelay cunaqabatayn ayaa saaran oo waddo kasta oo ay isku dayaan
muslimiinta ayaa ugaarsanaya. Waxaa
markaa hadlay Safwaan binu Umaya, oo
ay u doorteen in uu safarka kexeeyo,
wuxuu yiri "ma garanayo wax aanu ku
samayno Maxammed iyo asxaabtiisa, dadka xeebta degganna way la
heshiiyeen oo badankoodu isaga ayey la
jiraan, mana garanayno meel aan marno,
haddii aan guryahayaga iska joognana
waxa aan cuneynaa lafahayagii oo
waxba noo hari mahayaan, noloshayada Makkana waxa ay ku dhisan tahay
ganacsiga jiilaalka ee Shaam iyo kan
xagaaga ee Yaman". Arrimahaas markii
uu Safwaan ka warramay ayaa laga
wada hadlay mawduucii, waxaana
fikrad keenay Aswad binu Cabdimudhalib oo ku yiri Safwaan: "iska
daa waddada xeebta, waxaadna
qaaddaa waddada Ciraaq", waddadaas
Ciraaqna waxa ay ahayd waddo dheer oo
sii marta Najdi ilaa Shaam laga gaaro,
Madiinana waxaa laga marayaa dhinaca bari ee qorrax ka soo bax oo aad uga fog
Madiina, qureyshna ma aqoon
waddadaas, mana marin markaas ka hor.
Sidoo kale wuxuu Aswad u tilmaamay
safwaan in uu kexeysto ninka la
yiraahdo Furaat binu Xayaan, oo u dhashay qabiilka la yiraahdo Banii Bakar,
si uu safarka waddada u mariyo. Safwaan iyo safarkiisii waa ay bexeen
isagoo wata koox rag ah, waxayna
qaateen waddadiii cusbeyd, iyagoo ku
baxay si qarsoodi ah. Hase yeeshee
sirtoodii waa la helay, sida lagu helayna
waxa ay ahayd: nin la yiraahdo Sulayd binu Nucmaan, oo muslim ahaa, iyo nin
gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey
Naciim binu Mascuud Al-ashjaci, ayaa
meel khamro ku wada cabbey (waana
intaan khamrada laxarimin). Markii ay
sakhraameen ayaa Naciim si tifafiran uga warramay khiddada safarkka iyo
meesha uu mari doono, markaas ayaa
Suleyd si degdeg ah khabarkii Rasuulka
SCW ugu soo gudbiyey. Rasuulku SCW
markii loo keenay wuxuu direy ciidan
gaaraya Boqol nin oo rakuubley ah, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu
Xaarith. Ciidankii waxay jidka ku sii jiraan waxa
ay si kedis ah ku qabteen safarkii. Raggii
waday oo uu Safwaan madaxda u
ahaana way carareen, muslimiina waxay
soo qafaasheen safarkii iyo ninkii la oran
jirey Furaat binu Xayaan, oo ahaa ninkii dhul yaqaanka ahaa oo safarka hor
socday. Riwaaayadaha qaarkood waxay
ku daraan in Furaat iyo laba nin oo kale
la qabtay. Ka dib waxa ay ciidankii u
tageen Rasuulka SCW iyagoo safarkii
wata. Alaabta safarkaa saarnayd waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo Diinaar.
Rasuulku SCW markii uu ka saaray
khumuskii ayuu xoolihii u qeybiyey
raggii duullaankaas galay. Ninkii ahaa
Furaat ee la soo qabtayna waa uu
islaamay. Nimankii qureysh ahaa waxaa u hoydey
murugo iyo calool xumo, waxaana ku
caddaatay talo, maxaa yeelay waddada
sidaa loogu galay waa waddadii keliya
ee ay naf bidayeen. Sidaa darteed waxa
ay duruufu kala dooransiisey in aysan safar dambe gelin, oo ay
cunaqabatayntaa ku jiraan in ay
Rasuulka SCW heshiis la samaystaan iyo
in ay dagaallamaan, oo iyaga iyo Nabi
Maxammed SCW fooda is daraan.
Waxayna doorteen midda u dambeysa oo dagaalka ah, waxay xoojiyeen
tabaabulshihii ay ku jiree, waxayn
qadeen olole ballaaran sidii ay Rasuulka
SCW ula dagaallami lahaayeen.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete