Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 54AAD

Casharka 54aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII AXSAAB Markii Ilaahay muslimiintii cisi siiyey oo
ay ku xoogeysteen mandiqaddii
Jasiiratu-Carab, carabtii iyo yahuuddii ag
degganaydna ay qolo gaar u haweysata
muslimiinta yaraatay oo cid walba ka
baqday, nimankii ugu xoogga iyo dhibka badnaa ee qureyshna ay salka dhulka ku
dhufteen, ayaa yahuuddii laga raray
Madiina waxay sameeyeey khiddo ay
rabaan in ay qabiilooyinka oo dhammi
(yahuud iyo carab) ugu kulmaan
muslimiinta oo dabar gooyaan. Khiddadaas waxa ay ahayd: 20 nin oo
ahaa odeyaashii yahuuddiii reer binuu
Nadiir ayaa Khaybar ka tegey oo Makka
aaday, waxayna qureysh ku boorriyeen
la dagaallanka Rasuulka SCW iyo
muslimiinta ikyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen. Qureysh oo sumcadeedii iyo
magaceedii hoos u dhacay markii ay
baqeen ballantii Badartii labaad oo
dhexda ka laabteen, kana cabsadeen oo
ku dhici waayeen in ay keligood Nabiga
SCW la dagaallamaan waxa ay u arkeen in fursaddani tahay fursad dahab ah oo
aan la heli karin, waxayna isla markiiiba
qaateen fikraddaas ay yahuuddu u so
jeedisay. Labaatankii nin waxay sidii oo kale ugu
tageen oo ugu boorriyeen la dagaallanka
Rasuulka SCW qabiilooyinkii reer
Qadafaan. Ka dibna waxay u tageen
qabaa'ilkii kale ee reer baadiyaha ahaa,
dhammaantoodna gacmo furan ayey ku soo dhoweeyeen, wayna u riyaaeen
fikraddaas maxaa yeelay waxaa
dhammaantood buuxiyey ciil iyo caro ay
u qabeen Nabiga SCW iyo axaabtiisa.
Yahuuddu way ku najaxda siyaasaddii
iyo khiddadii ay wadatay, waxayna isku soo ururisay acdaa'dii Alle ee dhulkaas
degganayd si ay Nabiga Alle SCW ula
dagaallamaan, nuurkii Allena u
damiyaan. Waxaa intaa dabadeed soo baxay oo
Madiina duullaan ku soo qaaday ciidamo
aad u tiro badan oo ka kooban
qabiilooyin kala duwan, waxayna dul
degeen Madiina. Dhinaca koonfurta
waxaa Madiina uga yimid qureysh iyo xulafadoodii, waxayna ciidammadoodu
gaarayeen 4,000 oo nin, waxaana
hoggaaaminayey Abuu Sufyaan,
dhexdana waxaa kaga soo darsamay reer
banuu Suelym. Dhinaca bari waxaa
Madiina kaga yimid qabaa'ilkii reer Qadaafaan oo kala ahaa: banuu Fasaara
oo uu hoggaaminayey Cuyeyna binu
Xusin, banuu Murra oo uu hoggaamineyey
Xaarith binu Cawf, banuu Ashjac oo uu
hoggaaminayey Mascar binu Rukheyla
iyo banuu Asad. Qabiilooyinkaas reer Qadafaan waxay ciidammadoodu
ahaayeen 6,000 oo nin. Dadkii
muslimiinta ahaa ee waqtigas Madiina
deggenaa, haddii ragooda, dumarkooda
iyo carruurtooda la isku daro, ma aysan
gaareyn tiradaas. Rasuulku SCW markii la soo gaarsiiyey
duullaanka qabiilooyinkaas iyo
ciidammada ay wateen oo isku soo
bahaystay sidii ay u dabar goyn
lahaayeen islaamka iyo muslimiinta,
ayuu muslimiinta ahaa isugu yeeray shir guud oo loo dhan yahay, lagagana wada
hadlayo sidii looga hortegi lahaa
acdaa'daas Alle. Muddo markii arrinkii
laga wada hadlayey ayaa nin asxaabta
ka mid ahaa oo la oran jirey Salmaanul-
Faarisi, oo ahaa reer Faaris, wuxuu yiri "Rasuulkii Allow annagu markii aanu
Faaris joogney haddii nala hareereeyo
godad ayaan qodan jirney". Rasuulku
SCW wuu ku farxay ra'yigaas iyo
khiddadaas uu Salmaan keenay taas oo
ahayd khiddaad cajiib ah oo aysan caRabbi horey u aqoon, wuxuuna markaa
Rasuulku SCW bilaabay fulinteedii,
Tobanki ninba wuxuu amray in ay
qodaan god dherekiisu yahay 40
dhudhun, baliciisuna yahay 9 dhudhun,
dhammaan godkii laqodayeyna waxaa uu dherekiisu ahaa 500 oo dhudhun. Ciidankii muslimiintu si firforcooni iyo
hawlkarnimo ka muuqato ayuu u hawl
galay, Rasuulkuna SCW amar intuu
bixiyey is kama fariisane hawshii ayuu
dhiniciisa ka qabtay isaga oo muslimiinta
dhiirrigelinaya una duceynaya oo leh "Allahayow nolosha Aaskhiro ma ahane
nolol kale ma jirto, una Dambi dhaaf
Muhaajiriin iyo Ansaar", asxaabtuna
iyagoo hawshii qabanaya waxay
lahaayeen "waxa aan nahay kuwii
Maxammed SCW kula baayactamay Jihaad inta aannu nool nahay". Saxabigii
Baraa' ibnu Caasim isaga oo ka hadlayay
Rasuulka SCW shaqadiisa wuxuu yiri
"waxa aan arkay Rasuulkii Alle oo ciidda
ka rogaya godkii ilaa aan ka arkay
calooshiisa haraggeedii oo boor qariyey, wuuna timo badnaa, waxa aan maqlay
isaga oo akhrinaya tix uu tiriyey
Cabdullaahi binu Rawaaxa isaga oo
ciidda rogaya, wuxuuna lahaa
"Allahayow adiga haddii aadan ahayn
ma hunuunneen, ma sadaqaysanneen, mana tukanneen, nagu soo deji
deggenaaan, gommodahayagana sug
haddii aan la kulanno (cadowga), hore
ayey noogu qooqeen haddii ay fitno
(gaalnimo) nala dooneenna waan
diidneay". Waxaa Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa intii
ay godadkaas qodayeen oo ay hawshaas
ku jireen la soo gudboonaatay gaajo aad
u daran ilaa ay ka gaareen in ay
calooshooda dhagaxyo ku xirtaan.
Saxaabiga la yiraahdo Abuu Dhalxa isaga oo arrinkaa ka hadlaya wuxuu yiri
"Rasuulka SCW ayaan u sheegannay
gaajada na haysey, waxaannuna feydnay
caloolahayagii oo hal hal dhagax ku xiran
yahay, markaas ayuu Rasuulku SCW
calooshiisii feydey mise labo dhagax baa ku xiran". Waxyaalihii goobtaa ka
dhacay, oo aan la soo koobi karin, haddii
aan wax ka soo qaadanno dhinicii
mucjisaadka iyo calaamooyinkii
Nabinnimada. Waxa uu yiri Jaabir ibnu
Cabdullaahi "waxaan arkay Rasuulka SCW oo gaajo darani ka muuqato, markaas
ayaan guriga tegey oo neef (ari ah)
qalay, saac qamadi ahna xaaskaygii
ayaan u geeyey oo ku iri "u muufee
Rasuulka Alle scw iyo dhowr nin oo soo
raacda". Markii muufadii la dubey, hilibkiina bislaaday ayuu Jaabir Rasuulka
SCW hoos ula hadlay, markaas ayaa
Rasuulku SCW u dhawaaqay wax Alle
wixii godadka ku jirey oo dhan, markaas
ayey ka cuneen xeeradii hilibku jirey iyo
xoogaagii muufada ahaa ilaa ay dhamaaantood ka wada dhergeen
raashinkii oo weli sidiisi ah". Sidoo kale gabar la dhalatay Nucmaan
binu Bashiir iyada oo timir yar u wadda
aabbeheed iyo abtigeed ayey Rasuulka
SCW soo martay, markaas ayuu intuu
timirtii ka qaaday u yeeray ciidankiii oo
dhan, markaas ayey cuneen ilaa ay ka wada dhergeen timirtii oo intii ka badan. Waxyaalihii kale ee meeshaa ka dhacay
oo muujinayey mucjisaadka Rasuulka
SCW waxaa ka mid ahaa in Baraa' ibnu
Caasim uu yiri "maalinkii Khandaq
godadkii qaarkood waxaa naga hor
yimid dhagax aan loodin weyney, markaas ayaannu Rasuulka SCW u
sheegnay, markii uu yimid ayuu
"Bismillaah" intuu yiri hal mar ku dhuftay
dhagaxii, dhagaxii ayaa qayb ka jabtay,
wuxuu markaas yiri "Allaahu Akbar
waxaa la i siiyey furayaashii Shaam, Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo
hadda eegaya sarahoodii
gudguduudnaa", markaas ayuu mar kale
ku dhuftay dhagaxii, qayb kale ayaa
jabtay wuxuuna yiri "Allaahu Akbar
waxaa la i siiyey furayaashii Faaris, Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo
hadda u jeeda sarahoodii cadcaddaa".
Mar saddexaad ayuu ku dhuftay dhagaxii
intuu "Bismillaahi" yiri, waxaa markaas
jabtay qaybtii dhagaxa ugu dambaysay,
markaas ayuu yiri "Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Yaman, Ilaah baan
ku dhaartaye waaba aniga oo meeshan
uga jeeda albaabadii Sanca". Nimankii munaafaqiinta ahaa, ee afka
islaamka ka sheeganayey, markii ay
maqleen hadalladaas Rasuulka SCW ayey
dheheen "godad baannu qodanaynaa oo
baqdin darteed madaxa ayaannu kor u
qaadi la'nahay, isna wuxuu noogu sheekeynayaa in aanu furan doonno
dowladihii waweynaa ee Ruum iyo
Faaris". Hadii aan wax ka soo qaadanno
khiddadii muslimiinta, Madiina waxaa ku
wareegsanaa buuro iyo beero dhinaca
woqooyi maahane, sidaa darteed wuxuu
Rasuulku SCW amray in dhufeysyada laga
qodo dhinacaas woqooyi, maxaa yeelay wuxuu ahaa dhinaca ugu daran ee
Madiina looga imaan karayey. Ciidankii
msulimiintu waxa ay dhufeystka qodi
jireen maalinkii, habeenkiina
guryahooda ayey u hoyan jireen ilaa uu
dhufeyskii ka dhammaaday, ciidammadii gaaladuna ka yimaaddeen. Ciidammadii gaalada, oo sidii aan soo
sheegnayba ahaa ciidammo aad u xoog
badan , iskuna soo bahaystay in ay
muslimiinta cirib tiraan, markii ay dadkii
muslimiinta ahaa arkeen waxa ay
dheheen hadalka ay aayaddani tilmaantay:
((MARKAY MU'MINIINTU ARKEEN
ASXAABTII WAXAY DHEHEEN KANI WAA
KII ALLE IYO RASUULKIISU NOO
YABOOHEEN, ALLE IYO RASUULKIISUNA
WAA RUN SHEEGEEN, UMANA SIYAADIN WAXAAN IIMAAN IKYO HOGAANSAMID
AHAYN)), (Suuratul-Axsaab 22). Laakiin kuwii munaafaqiinta ahaa
markii ay arkeen ciidammada aadka u
tirada badan ayaa waxaa ku dhacay
cabsi iyo argagax, Allahna isaga oo
ficilladoodii tilmaamaya wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((MARKAY YIRAAHDEEN MUNAAFIQIINTII
IYO KUWII QULUUBTA KA JIRANAA ALLE
IYO RASUULKIISU SCW WAXAN DHAGAR
AHAYN NOOMA YABOOHIN)), (Suuratul-
Axsaab 12). Ka dib Rasuulku SCW wuxuu diyaariyey
ciidammadiisii, wuxuuna la soo baxay
ciiidan gaaraya 3,000 oo nin, waxayna
tageen dhufeyskoodii, Shicaarka ciidanku
wuxuu maalinkaas ahaa (XAAMIIM LAA
YUNSARUUN). Magaalada Madiina wuxuu Rasuulku SCW u xilsaaray Cabdullaahi
ibnu ummi Maktuum. Ciidankii qureysh oo ahaa 4,000 oo qof
wuxuu degey meesha la yiraahdo
Majmuucul-Asyal oo ah dhinaca woqooyi
ee Madiina, qabiilooyinkii reer Qadafaan
oo gaarayey 6,000 waxay degeen
dhinaca bari ee buurta Uxud. Ciidammadaasi markii ay arkeen
khiddadii muslimiinta iyo dhufeyska ay
qoteen ayey la cajabeen waxayna
dheheen "tani waa khiddad aysan carab
hore u aqoonin", waxayna ku
wareegaaleysteen dhufeyska hareerihiisii iyaga oo raadinaya meel uu
ka gaaban yahay oo ay ka geli karaan.
Ciidankii muslimiintu wuxuu la socday
dhaqdhaqaaqooda, wuxuuna ku ganayey
fallaaro. Ciidankii farooleyda qureyshtu
wuxuu aad isugu hawlay meel uu godku karin gaabo ka leeyahay, wax ay ku
wareegaanba waxay markii dambe koox
ka mid ihi heshay meel yar oo ciriiri ah.
Kooxdaas waxaa ku jirey Camar binu
Cabdi-wuddi, Cikrama binu Abii-Jahal iyo
Daraar binu Khadhaab. Waxaa markaa ka hor tegey kox muslimiin ah oo uu ku jirey
Cali binu Abii-dhaalib, markii meeshii la
isugu tegeyna Camar binu Cabdi-wuddi,
oo ka mid ahaa geesiyadii qureysh, ayaa
dalbaday mubaaraso (wax u soo baxa).
Cali binu Abii-dhaalib ayaa markaas u soo baxay, intii aan foodda la is darin
ayaa Cali la hadlay oo ku yiri "Camaro
waxa aad (hadda ka hor) Alle ballan uga
qaadday in haddii nin qureysh ihi kuugu
yeero labo arrimood midkood aad ka
qaadanayso, marka waxa aan kuugu yeerayaa Alle iyo Rasuulka SCW iyo
islaamka". Camar wuxuu yiri "waxaas
dan kama lihi", markaas ayaa Cali ku yiri
"waxa aan marka kuugu yeerayaa in aad
soo degtid", Camar wuxuu yiri "sabab,
walaalkey wiilkiisiiyow, Ilaah baan ku dhaartaye ma jecli in aan ku dilo". Cali
ayaa markaa ku yiri "laakiin Ilaah baan
ku dhaartaye aniga ayaa jecel in aan ku
dilo". Markaas ayuu Camar xanaaqay oo
faraskiisii boqno gooyey, wejigana
seeeg uga dhuftay (si aysan baqdin u gelin). Ka dib foodda ayaa la daray,
muddo yar ka dibna Cali waa ka
takhallusay ninkaas. Kooxdii la socotey
markii ay arkeen waxa ku dhacay
saaxiibkood Camar iyo sida dhakhsaha
leh oo loo diley ayey baqdeen oo cagaha wax ka dayeen ilaa uu ninkoodii
khatarta ahaa ee Cikrama binu Abii-Jahal
ka cararay warankiisii. Ciidammadii gaaladu waxay soo qaadeen
weerarro is dabajoog ah oo aad u daran
hase yeeshee si fiican ayaa loo
caabbiyey, iyadoo waxa lagu
dagaallamayey ahaayeen fallaaro iyo
warmo, maxaa yeelay seefo laguma dagaallami karin oo labada ciidan god
baa u dhexeeyey. Weerarradaasi waxa
ay sababeen in maalmaha qaarkood
muslimiintii tukan kari waayaan,
markarka qaarkoodna madaxa kor u
qaadi waayaan. Saxiixeynku waxa ayka wariyeen Jaabir binu Cabdullaahi in
Cumar binu Khadhaab yimid isaga oo
caayaya gaaladii querysheed wuxuu yiri
"Rasuulkii Allow ma karin in aan tukado
(casar) ilaa ay qorraxdii ka dhacday",
markaas ayaa Nabiga SCW yiri "aniguba ma tukan Ilaah baan ku dhaartaye",
markaas ayey isu raaceen meel la
yiraahdo Budxaa oo ku weyso qaateen,
casarkiina ku tukadeen markii qorraxdii
dhacday, dabadeedna maqribkii ayey
tukadeen. Rasuulkuna SCW wuu habaaray gaaladaas, salaaddii ay ka
tagsiiyeen darteed. Bukhaari wuxuu ka
weriyey Cali binu Abii-dhaalib in uu
Rasuulku SCW yir i"Ilaah ha ka buuxiyo
(gaalada) guryahooda iyo qubuurohooda
naar sida ay nooga mashquuliyeen Salaatu-Wusdhaa (Salaadda Cassar) ilaa
ay qorraxdu ka dhacday. Sidoo kale
Axmed binu Xanbal iyo Shaafici waxay
weriyeen in gaaladu maalintaa
muslimiinta ka mashquuliyeen salaadihi
duhur, casar, maqrib, iyo cishe, ka dbna hal mar ayaa la wada tukaday. Waqtigaas dadka muslimiinta ah ay
salaaduhu ka tegayeen wuxuu ahaa intii
aan la jideyn Salaatul-Khawfka. Ka dib
waxaa la jideeyey Salaatul-Khawfka oo
uma bannaana in ay salaad ka tagto
qofka muslimka ah jihaad kasta oo uu ku jiro iyo xaalad kasta oo la soo derista
illaa labo arrimood maahane: Hilmaan iyo
hurdo, iyagana markii uu qofku xusuusto
ama tooso ayuu salaaddisii tukanayaa.
Halkaas waxaa laga garanayaa weynida
salaadda iyo meesha ay islaamka ka joogto oo ah in aan marnaba la oggoleyn
in qof muslim ah uu salaadda dayaco.
Salaadduna waa xiriirka ka dhexeeyea
qofka iyo Rabbigiis, waan waxa kala
sooca islaamka iyo gaalnimada sida ay
nusuustu caddeysey. Haddaba waxaa la yaab ah in salaaddii
sidaas ahayd, oo xitaa ninkii jihaadka ku
jirey oo Ilaahay diintiisa u
dagaallamayey in uu tukado la amray,
ayaa maanta dad badan oo muslimiin
sheeganayaa fududeysteen oo markiii ay doonaanna tukanayaan markii ay
doonaana iska dhaafayaan. Allaahna
isaga oo dadka noocaas ah ka hadlaya
wuxuu qur'aankiiisa ku yiri:
((WAXAA HALAAG U SUGNAADAY KUWA
TUKANAYE EE HADDANA HILMAANSAN SALAADDOODA, DADKANA IS TUSA, UNA
DIIDA (DARISKA) ALAABTA (ADEEGA
AH)), (Suuratul-Maacuun 4-7). Sidoo kale Allaah isaga oo ka hadlaya
markii dadkaas la geliyo naarta Saqaro
ah wuxuu yiri:
((MARKII LAGU YIRAAHOD MAXA IDIN
GALIYEY NAARTA SAQARA AH, WAXAY
DHAHAAN KAMA AANAAN MID AHAYN KUWA TUKADA)), (Suuratul-Muddathir
42-43) Haddii aan Axaadiista Rasuulka SCW oo
salaadda ka hadashay wax ka soo
qaadanno, wuxuu Rasuulku SCW yiri
"annaga (muslimiinta) iyo iyaga
(gaalada) salaadda ayaa noo dhexeysa,
qofkii ka tagana waa gaaloobey". Sidoo kale wuxuu Xadiis kale ku yiri "waxaa la
i amray in aan dadka la dagaallamo ilaa
ay Allaah ka qiraan oo salaadda ka
tukadaan, sakadana ka bixiyaan. Haddii
ay sidaas sameeyaan way iga ilaaliyeen
dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka maahane". Sidoo kale Rasuulku SCW
wuxuu yiri "qofka waxa ugu horreeya ee
qiyaamaha laga xisaabinayo waxaa
weeye salaadda. Haddii ay salaaddiisu
wanaagsanaato, camlkiisa kalena waa
wanaagsanaanayaa". Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo salaadda ka hadlaya waxa
ay dheheen "waqtigii Rasuulku SCW
camal laga tago gaalnimo kuma aannan
tirin jirin illaa salaadda maahane".
Haddaba nusuusta ku soo aruurtay ama
ka hadashay mawduuca salaada iyo waxay cullimadu ka yiraahdeen haddii
aan dhex galno in aan ka hadalno aad
ayey u dheeraanaysa, mowduuceennuna
ma ahayn in aan salaadda ka hadalno
eearrinta ayaa nal dhex gashay sidaa
darteed intaas ayaannu ku ekeyneynaa, qofkii u baahan mawduucan salaadda ah
ha akhristo kutubada ay culimadu ka
qoreen salaadda. Haddii aan dib ugu laabanno dagaalkii
Axsaab, si daran ayaa la isku dhaafsaday
fallaaraha iyo warmaha iyo wixii la tuuri
karo oo dhan maxaa yeelay sidii aan soo
sheegnayba seefo laguma dagaallami
karin oo godkii ayaa u dhexeeya labada ciidan. Falaarahaa la is dhaafsanayey
waxaa musimiinta uga dhintay 6 nin,
gaaladan 10 nin in kastoo hal ama labo
ka mid ah (kuwa gaalada ) seef lagu
diley. Haddaba goor ay arrintu sidaas tahay oo
dagaal darani socda, ciidankii
muslimiintuna u beer dhigeen 10,000 kun
oo isa soo bahaysatay, iyadoo ay weliba
gajadu u sii dheer tahay, ayaa waxaa ku
soo kordhay arrin kale oo aysan fileyn. Arrinkaas oo ahaa in qabiilkii yahuudda
ahaa ee reer banuu Qureyda oo Madiina
wax ka degganaa uu ballantii ka baxay,
dagaalna ku dhawaaqay, sababtuna
waxa ay ahayd ninkii la oran jirey Xuyey
binu Akhdhab ee madaxda u ahaa yahuuddii reer banuu Nadiir ee Madiina
laga saaray, kuna jirey labaatankii nin ee
ciidammadaan isu keentay, ayaa wuxuu
u tegey odeygiii reer banuu Qureyda oo
la oran jirey Kacab binu Asad. Kacab
markii uu gartay Xuyey ayuu albaabka ka xirtay maxaa yeelay wuu ogaa in uu
san kheyr u wadin hase yeeshee Xuyey
kama tegin oo wuu ku celcelikyey ilaa uu
markii dambe albaabkii ka furay oo uu
lahadlay. Xuyey markii albaabkii laga furey oo uu
soo galay ayuu yiri "Kacabow waxaan
kuu wadaa samanka sharaftiisii, qureysh
baan kuu keenay oo madaxdeedii iyo
hoggaamiyayaasheedii wadata ilaa aan
soo dejiyey Majmacu-Asyal, sidoo kale waxaan kuu wadaa Qadafaan oo wadata
madaxdeedii iyo hoggaamiyayaasheedii
ilaa aan soo dejiyey Uxud dhiniciisa.
Waxayna iga ballan qaadeen oo ay iga
gunteeen in aysan noqoneyn ilaa ay jirrid
gooyaan Maxammed iyo cidda raacsan". Kacab wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye waxaad iila timid samanka
hoogiisii, war hooge Xuyey iiga tag
aniga iyo waxa aan ku sugnahay
(heshiiska). Aniga Maxammed kama arag
wax aan run iyo (ballan) oofin ka ahayn", hase yeeshee Xuyey kama uusan suulin
in uu ku celcelinayo ilaa uu weliba markii
dambe ka qaaday ballan o ku yiri "haddii
qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo
aan Maxammed waxba yelin waaan
kuula gelayaa dhufeyska ilaa ay igu dhacaan wixii kugu dhaca". Sidaa ayuu
Kacab binu Asad ballankiii uga baxay,
uuna ugu dhawaaqay dagaal uu
muslimiinta uga soo horjeedo, isaga iyo
qabiilkiisa waxay xulafo la noqdeen
gaaladii kale. Warkaasi markii uu soo gaaray Rasuulka
SCW ayuu Rasuulku SCW si uu arrinkaas u
hubsado wuxuu u direy dhowr nin oo
asxaabtiisa ka mid ahaa Raggaasi waxay
kala ahaayeen: Sacad binu Mucaad, Sacad
binu Caubaada, Cabdullaahi binu Rawaaxa iyo Khawaat binu Jubeyr
wuxuuna Rasuulku SCW ku yiri "baxa oo
soo fiirsha warka naga soo gaaray
raggaas, ma sax baa mise ma aha. Haddii
ay sax tahay dadka dhexdiisa ha iigu
sheegginnina ee ii baaqa, haddii ay oofiyeenna (ballantii) kor ugu sheega
dadka". Nimankii markii ay u tageen
yahuuddii reer banuu Qureyda waxa ay
kala soo kulmeen arrinkii xumaa oo
weliba yahuuddii way soo caydey,
waxayna muujisatay cadaawad waxayna tiri "annaga iyo Maxammed
wax ballan ihi nagama dhexeyso". Raggii way soo noqdeen, markii ay
Rasuulka SCW u yimaaddeenna sidii ay
isla ogaayeen ayey ugu baaqeen. Ugu
dambayntii muslimiintii markii ay
ogaadeen warkii reer banuu Qureyda
arrintii dhib ayey ku noqotay maxaa yeelay iyaga iyo reer banuu Qureyda
wax u dhexeeya ma jirin oo magaalada
ayey wada degganaayeen, weliba
waxay yahuuddu degganaayeen geeska
ciidankii muslimiintu Madiina ka joogey
maahane geeskiisa kale, wax dumarkii iyo carruurtii ka difaacayeyna ma jirin,
ciidanka muslimiintuna meeshan kama
tegi karin, umana qaybsami karin labada
dhinac. Allaahna isagoo arrintaas
tilmaamaya dhibteeda iyo wadciga ay
muslimiintu ku jireen wuxuu yiri: ((XUSUUSTA MARKAY IDIN KAGA
YIMAADEEN KOR IYO HOOS OO AY
INDHIHII IISHEEN QULUUBTUNA GAARTAY
DHUUNTA OO AAD ALLE U MALAYSEEN
MALOOYIN (SIDII IN UUSAN IDIIN GAR
GAARAY) HALKAASAA LAGU IMTIXAAMAY MU'MINIINTA, GILGILID DARANA LAGU
GILGILAY)), (Suuratul-Axsaab 10-11). Munaafaqiintii iyo wixii aan Ilaahay ku
kalsooneyn ee iimaankoodu daciifka aha
waxaa ku dhacay baqdin iyo argagax,
waxayna qaarkood yiraahdeen
"Maxammed wuxuu noo yabohay in aan
ka cuni doonno keydadka Kisraa iyo Qeysar, axadkayana maanta kuma aamin
aha naftiisa in uu aado bannaanka".
Sidoo kale argagaxoodii waxaa ka mid
ahaa in ay meeshii joogi kari waayeen
oo cudurdaarro been ah keenteen si ay
goobta uga baxsadaan, waxaana ka mid ahaa hadalladoodii "guryahayagii way af
bannaan yihiin oo waxay xigaan dhinaca
cadowga oo waannu u baqaynaa ee na
idan (in aad baxno)". Sidoo kale waxa ay
yiraahdeen "Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay
noo sheegayeen kedo uun bay ahad iyo in aan halaagsanno". waxayna
jeclaysteen in ay Madiina ka cararaan oo
baadiyahaas dadka ka wareystaan
dagaalka. Allaahna isaga oo ficilladoodii
tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((XUS MARKAY MUNAAFIQIINTU
LAHAAYEEN IYO KUWA QALBIGA KA
JIRRAN ALLE IYO RASUULKIISU SCW WAX
AAN KADO AHAYN NOOMA YABOOHIN,
MARKAY LAHAYD KOOX IYAGA
(MUNAAFIQIINTA) KAMID AH REER YATHRIBOW MEEL AAD KU NAGAATAAN
IDIINMA AHAANIN EE NOQDA (OO GOOBTA
DAGAALKA KA SOO KACA), KOOX IYAGA
KAMID AHNA WAXAY IDAN
WAYDIISANAYSAY NABIGA IYAGOO LEH
GURYAHAYAGII WAA DAYACAN YIHIIN, MANA DAYACNAYN EE WAXAAN CARAR
AHAYN MA AYSAN DOONAYN, HADDII
LOOGA SOO GALO (MADIINA)
DHINACYADEEDA OO GAALNIMO LA
WAYDIISTO (OO LA YIRAAHDO
GAALOOBA) WAY LA IMAAN LAHAAYEEN, KUMANA NAGAADEEN MADIINA WAX YAR
MA AHANE, XAQIIQDIINA ALLAY HORAY
ULA BALLAMEEN IN AYSAN DABADA
JEEDIN, BALLANKA ALLENA WAXA UU
AHAADAY MID LA IS WAYDIIYO, WAXAAD
DHAHDAA IDINMA ANFACAYO CARAR HADDII AAD KA CARARTAAN DHIMASHO
AMA DIL, HADDABA LA IDINKU RAAXAYN
MAHAYO (ADDUUNKA) WAX YAR MA
AHANE, WAXAAD DHAHDAA YAA IDINKA
ILAALIN ALLE HADDUU XUMAAN IDINLA
DOONO AMA NAXARIIS, MA HELAYAAN ALLE SOKADII WALI IYO GARGAARE,
XAQIIQDII ALLE WAA OG YAHAY KUWA
REEBAYAALKA AH (CIIDANKA
TASHWISHKA KU FURAYA) OO IDINKA
MIDKA AH, IYO KUWA KU LEH
WALAALAHOOD (MUNAAFIQIINTA AH) NOO IMAADA, DAGALKANA MA
YIMAADAAN WAX YAR MOOYEE, WAA
IDINKU BAKHAYL BADAN YIHIIN
(MUNAAFIQIINTU), MARKAY CABSIDU
TIMAADANA WAXAAD ARKAYSAA
IYAGOO KU FIIRINAYA OO INDHAHOODU WAREEGAYAAN SIDII KII LA MIYIR
DABOOLAY EE DHIMANAYEY, MARKII
CABSIDU TAKTANA WAXAY IDINKU
DIIRANAYAAN CARRABO AF BADAN,
KHAYRKANA WAA IDIINKA
BAKHAYLAYAAN, KUWAASI (XAQA) MA AYSAN RUMAYN ALLENA WAA HOOBIYEY
CAMALKOODII, ARRINTAASINA ALLE WAA
U FUDUDAHAY, WAXAY U MALAYNAYAAN
INAYSAN AXSAABTU TAGAYN, MARKII AY
AXSAABTU (COLKU) YIMAADAANA WAXA
AY JECEL YIHIIN IN AY BAADIYAHA JIRAAN OO AY WARKIINA WARSADAAN,
HADDAY IDINLA JOOGAANA MA AY
DAGAALAMEEN WAX YAR MA AHANE)),
(Suuratul-Axsaab 12-20). Dhinicii muslimiinta oo ayagu ahaa rah
Ilaahay ku kalsoon, diintiisana u
istaagay, mar walbana Ilaahay ka
rajaynayey khayr iyo guul iyo in labada
wanaagsan (shahiidnimo iyo guul)
midkood siiyo, waxa ay arrintaani u xiyaadisay iimaan iyo geesinnimo. Rasuulku SCW markii uu arkay
muslimiinta iyo xaalada adag oo ay
marayaan, haddii ay ahaan lahayd
ciidammada aadka u badan ee har iyo
habeen dul taagan ama yahuuddii reer
Madiina oo dagaal caddeysatay, heeganna ah oo qaqti kasta laga baqayo
in ay dhabar jebin muslimiinta ku
sameeyaan ama xasuuqdo dumarka iyo
carruurta iyo haddii ay ahaan lahayd
munaafiqiintii oo intaa tashwiish ku
ridaya ciidanka muslimiinta iyo dhibka gaajada oo ay weliba dagaal ugu taagan
yihiin maalin walba, ayuu wuxuu
sameeyey in uu ciidankii dhiirrigeliyo,
uuna u sheego in aan Ilaahay hoojineyn,
nasriga iyo guushana ay iyaga lahaan
doonaa, wuxuuna yiri "Allaahu Akbar, muslimiineey ku bishaaraysta fatxiga
Alle iyo nasrigiisa", ka dibna wuxuu
Rasuulku SCW bilaabay in uu khiddaad u
dejiyo duruuftaas adag oo ay muslimiintu
marayaan, wuxuuna Madiina u direy
ciidan dumarka iyo carruurta ka ilaaliya yahuudda. Sidoo kale wuxuu sameeyey khiddad uu
doonayey in uu dagaalka uga saaro reer
Qadafaan oo 6,000 gaarayey si uu
yahuud iyo qureysh abaalkooda u
marsiiyo. Khiddadaas oo ahayd in uu la
heshiiyo Cuyeyna binu Xusin iyo Xaarith binu Cawf oo reer Qadafaan madax u
ahaa si ay dagaalka uga baxaan, isaguna
u siiyo timirta Madiina ka soo go'day
sannadkaas saddex meelood meel ahaan,
wuxuuna arrinkaas kala tashaday Sacad
binu Mucaad iyo Sacad binu Cubaada, waxayna dheheen "Rasuulkii Allow,
haddii Ilaahay uu arrintaa ku amrayo
waan maqalnay, waanuna yeelnay.
Hadiise ay tahay shey aad annaga
(muslimiinta) noogu daneyneysid ma
dooneyno maxaa yeelay waxa aannu ahaan jirney annaga (Ansaar) iyo
reerkaas (Qadafaan) kuwo Ilaahay u
wada shariik yeela oo caabuda Asnaam,
kumana aysan cunin mirahayaga wax
aan amaah iyo iiib ka ahayn, haddaba
ma hadda oo Alle nagu karaameeyey islaamka oo uu nagu hanuuniyey,
adigana nagu kaa ciseeyey miyaan
siineynaa xoolahayaga?, Ilaah baan ku
dhaarannaye wax aan seef ahayn ma
siineyno". Rasuulku SCW wuu yeelay
ra'yigoodii, wuxuuna yiri "waxay ahayd arrin aan idiin samaynayey markii aan
arkay in carab oo dhan hal qaanso idin
noqotay". Ka dib waxay xaaladdu sidaa ahaataba
markii ay tagtay muddo ku dhow bil
ayaa waxaa timid arrin uu Alle ku
hoojiyey axsaabtii isa soo baheysatey,
muslimiintana uu uga kaafiyey dagaalkii.
Arrinkaas wuxuu ahaa: Waxaa Rasuulka SCW u yimid nin reer Qadafaan ah oo la
oran jirey Nuceym binu Mascuud oo ka
mid ahaa ciidankii Qadafaan. Wuxuu
ninkaasi Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii
Allow waan soo islaamay, reerkayguna
ma oga islaamnimadayda ee marka i amar wixii aad doontid". Rasuulku SCW
wuxuu yiri "hal nin keliya ayaad tahaye
ee bal nooga dhagar wixii aad doontid,
dagaalku waa dhagare". Nuceym wuu baxay wuxuuna u tegey
yahuuddii reer bannu Qureyda oo ay
saaxiibbo ahaayeen, wuxuuna ku yiri
"waad garanaysaan jacelka aan idiin
hayo gaar ahaan waxa aniga iyo idinka
ka dhexeeyey", waxay yiraahdeen "waa runtaa". Nuceym ayaa markaas yiri
"qureysh lama mid tihidin, magaaladani
waa magaaladiinnii, waxaana ku sugan
maalkiinnii, dumarkiinnii iyo
carruurtiinni, mana awooddaan in aad ka
guurtaan. Qureysh iyo Qadafaan waxa ay u yimaadeen dagaalka Maxammed iyo
asxaabtiisa, idinkuna waad u
kaalmeyseen; dhulkoodii, maalkoodii iyo
dumarkoodiina nabad bay ugu sugan
yihiin, haddii ay guuleystaan waa u
fursad haddii kalena waxay aadayaan dhulkoodii, wayna iskaga kiin tegeyaan
idinka iyo Maxammed, wuuna idinka aar
gudan doonaa", waxay dheheen "maxaa
samaynaa, Nuceymow?", wuxuu yiri
"dagaalka ha la gelina ilaa ay Rahan idiin
keenaan", waxay dheheen "Xaqiiqdii taladii waad ishaartay". Nuceym wuxuu haddana aaday qureysh
wuxuuna ku yiri "qureysheey waad i
tagaanniin jaceylka aan idiin hayo iyo
sida aan idiinla taliyo", waxay dheheen
"haa", wuxuu markaas yiri "yahuuddu
waxay ka qoomameysey wixii ay samaysay oo ahaa ballantii ay
Maxammed iyo asxaabtiisa kula jireen oo
ay buriyeen, waxayna Maxammed u
fareen in ay Rahan ragga qureysh ugu
akhyaarsan ah u keeni doonaan. Marka
haddii ay rahan idin weydiiyaan ha siinina". Ugu dambayntii wuxuu Nuceym
u tegey reerkiisii Qadafaan oo ku yiri
intii uu qureysh ku yiri oo kale. Xaaladdu markii ay halkaas marayso
ayaa habeen Sabti ah bishii Shawaa,
sannadkii 5aad ee hijriga, waxay
qureysh iyo Qadafaan u cid diren
yahuuddii reer banuu Qureyda, waxayna
ku dheheen "annagu dhulkaygii ma joogno, xoolihii aan wadanayna way
nooga baab'een ee soo dhaqaaqa aan
Maxammed la dagaalannee oo dabar
goynnee". Yahuuddii waxa ay ku soo
jawaabeen "horta maalin Sabti ah
annagu ma dagaalanno o waad og tihiin wixii ku dhacay kuwii naga horreeyey
markii ay gefka la yimaadeen. Haddana
iyadoo ay taasi jirto idinla dagaal geli
mayno ilaa aad Rahan noo soo dirtaan". Qureysh iyo Qadafaan markii ay maqleen
jawaabtaas yahuudda ayey yiraahdeen
"Ilaah baan ku dhaaranaye Nuceym run
buu noo sheegay". Ka dibna yahuuddii
waxay ku dheheen "annagu Ilaah baan
ku dhaarannaye in aannaan qof idiin soo direyn ee soo baxa dagaalka nala gala"
hase yeeshee yahuuddii reer banuu
Qureyda markii ay aragtay in Qureysh iyo
Qadafaan rahantii diideen ayey isku
yiraahdeen "Ilaah baan ku dharannaye
run buu idiin sheegay Nuceym", sidaas ayaa markaa labadii qolo u kala
shakiday, Ilaahayna dhexdooda ugu riday
kala tag iyo caro. Dadkii muslimiinta ahaa Allaah ayey
baryayeen mar walba, waxaana
ducooyinkoodii ka mid ahaa "Allahayow
cawradayada astur aamminna ka yeel
ilaaliyayaashayada". Sidoo kale Rasuulku
SCW wuxuu baryayey Rabbigiis, waxaana ducooyinkisii ka mid ahaa
"Allaha kitaabka soo dejiyey
xisaabtiisuna degdegga badantahayow
jebi axsaabta, Allow jebi oo nooga
gargaar". Allaah wuu ka aqbalay
Rasuulka SCW iyo muslimiinta baryadoodii, wuxuuna keenay nasrigiisii
iyo gargaarkiisii, wuxuuna gaaladii oo uu
awalba isku diray oo kala jabtay u
keenay dabayl aad u daran, dabayshaas
oo dharyihii ka daadisay, dhistiina ka
dumisay, una diidday xasillooni, quluubtoodana wuxuu ku riday cabsi iyo
argagax. Allaahna isaga oo arrintaa
tilmaamaya wuxuu yiri:
((DADKA MU'MINIINTA AHOW XUSUUSTA
NIMCADUU ALLE IDIIN GALAY MARKAY
CIIDAMMADU IDIIN YIMAADEEN OO AAN KU DIRNAY DABAYL IYO CIIDAMO
AYDAAN ARKAYN, ALLENA WAXAAD
CAMAL SAMAYNAYSAAN WUU ARKAA)),
(Suuratu-Axsaab 9). Rasuulku SCW habeenkii dabaysha iyo
qabowga darani dhacayey direy Xudeyfa
binu Yamaam, wuxuuna ku yiri "soo fiiri
oo warkooda noo keen, waxna ha
samaynin". Xudeyfa markii uu u tegey
wuxuu arkay dabasha Alle ku salliday iyo xaalada ay ku jiraan iyo in aysan u ekeyn
dad meesha sii deggenaan kara, wax
ayar ka dibna hoggaamiyahoodii Abuu
Sufyaan ayaa ciidankii isugu yeeray,
Xudeyfana ciidankii ayuu dhex galay.
Abuu Sufyaan oo ahaa nin ku dheereeyey arrimaha militariga iyo hawlaha
dagaalka ayaa markii uu ciidankii isugu
yeeray wuxuu ku yiri "nin walbow ninka
kugu xiga iska hubso oo gacanta qabo",
markaas ayuu Xuudeyfa kala hormaray
ninkii ku xigey oo ganta qabtay kuna yiri "kumaad tahay?", markaas ayuu isku
sheegay. Ka dibna Abuu Sufyaan wuu
hadlay oo wuxuu ciidankii u sheegay in
aysan meesha deggenaan karin oo ay ku
rafaadeen, hadday noqoto dabaysha iyo
qabowga iyo hadday noqoto muddada dheer ay meesha joogeen. Dabadeedna
wuxuu yiri "ha la guuro anigu waan
guurayaaye". Xudeyfa wuxuu ku soo laabtay Rasuulka
SCW oo tukanaya, markaas ayuu
Rasuulku SCW maro weyn oo uu ku
tukanayey dhinac ka huwiyey maxaa
yeelay qabow daran ayaa dhacayey, ka
dibna markii uu Rasuulku SCW salaaddii dhammaystay ayuu khabarkoodi u
sheegay iyo in ay guureen. Ka dib waxay
Rasuulkii SCW iyo muslimiintii
waaberiisteen iyaga oo uu Alle u
gargaaray oo uu ku xoojiyey
ciidammadiisa, ciidammadii isa soo bahaystayna keligiis (Allaah) ayaa
jebiyey oo ku celiyey caradoodii iyaga oo
aan wax faa'iido ah gaarin. Allaahna
isaga oo tilmaamaya faa'iido darrada ku
dhacday gaalada iy sida uu muslimiinta
uga kaafiyey dagalka wuxuu yiri: ((ALLE WAXA UU KU CELIYEY KUWII
GAALOOBAY CARADOODII IYAGOON WAX
KHAYR AH GAARIN, ALLENA WUU KA
KAAFIYEY MU'MINIINTII DAGAALKA,
ALLENA WAXA UU AHAADAY MID AWOOD
LEH O QAALIB AH)), (Suuratul-Axsaab 25). Duullaankan Axsaab oo dhacay bishii
Shawaal, sannadkii 5aad ee hijriga,
waxaa la is dul fadhiyey muddo gaareysa
hal bil. Culimada qaarkood waxa ay
yiraahdeen duullaankan Axsaab ma
ahayn mid muslimiinta khasaare ugu sugnaa ee wuxuu aha mid ay faa'iido ugu
jirtay. Faa'iidooyinkaas waxaa ka mid
ah: isaga oo ahaa duullaankii ugu xoogga
badnaa ee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa
lagu soo qaado, haddana Allaah
muslimiinti wax kuma yeelin, gaaladiina iyaga oo bil dhan joogey oo aan waxba u
hirgelin balse khasaare ayey la noqdeen.
Sidoo kale gaaladii waxay ogaatay in
haddii carab iyo yahuud isugu tagto
muslimiinta aysan waxba ka qaadi karin
maxaa yeelay iyaga oo intaas oo ciidan ah watay yahuuddii Madiina
deggenaydna raacday, ayey waxba
geysay kari waayeen, ciidan intaas ka
badanna ma aysan ururin karin. Sidoo darteed duullaankani wuxuu ahaa
kii ugu dambeeyey ee Madiina lagu soo
qaado, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga
oo arrinkaa ishaaraya "hadda (ka dib)
annaga ayaa ku duuleyna, naguma soo
duuli doonaan". Ninkii la oran jirey Sacad binu Mucaad, oo
ahaa odeygii Ansaar, gaar ahaanna reer
Aws, kana mid ahaa raggii uu Rasuulku
SCW aadka ula tashan jirey aanna soo
marnay mowqifyadiisii iyo sidii Alle
diintiisa ugu ciseeyey ayaa fallaarihii la is dhaafsanayey ka dhaawaceen lawga,
waxaana dhaawacay nin qureysh ka mid
ahaa oo la oran jirey Xibbaan binu Curqa.
Markaas ayuu Sacad Ilaahay baryey oo
yiri "Allahayow waad og tahay in uusan
jirin axad iga jecel in aan dartaa ula jihaado dad beeniyey Rasuulkaagii oo
saaray, Allahayow waxaan malaynayaa
in aad joojisey dagaalkii (axsaab ee ka
dhex socday) annaga iyo iyaga (qureysh),
haddii uuu haddaba baaqi yahay dagaal
qureysh lala geli doono i baaqi yeel ilaa aan daraadda ula jihaado, haddii aad
dhammaysayna i burqi dhiigga oo ka
yeel dhimashadayda (isaga oo jecel in uu
shahiido)". Sidoo kale Sacad wuxu Alle ka
baryey in uusan dhiman ilaa uu ka arko
waxa reer banuu Qureyda lagu sameeyo iyo ciribtooda. Ka dib Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisu waxay ku laabteen Madiina,
waxaana duullaankan Axsaab ka
hadashay Suuratul-Axsaab.

No comments:

Post a Comment