Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 75AAD

Casharka 75aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW URURINTII SAKADA Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay
duullaankii Fatxu-Makka iyo kuwii ku
xigay ee Xunayn iyo Dhaa'if wuxuu yimid
Madiina. Muddo yar markii uu joogay
ayuu bishii Muxarram, sannadkii 9aad ee
hijriga diray rag asxaabtiisa ka mid ah si ay qabiilooyinkii muslimiinta uga soo
ururiyaan Sakadii, wuxuuna u kala diray
sidatan: Cuyayna binu Muxsin wuxuu u diray reer
banii Tamiiim, Yasiid binu Xuseyn wuxuu
u diray reer Aslam iyo reer Qafaar,
Cubaada binu Bishir wuxuu u diray rer
Suleym iyo reer Musayna, Raafic binu
Mukayth wuxuu u diray reer Juhayna, Camar binu Caas wuxuu u diray reer Banii
Fasaara, Daxaak binu Sufyaan wuxuu u
diray reer bani Kulaaba, Basiir binu
Sufyaan wuxuu u diray reer banii Kacab,
ibnu Lutbiya Al-asadi wuxuu u diray reer
banii Dibyaan, Muhaajir binu abii Umaya wuxuu u diray reer Sanca, Siyaad binu
Labiid wuxuu u diray reer Xadramawt,
Cadiyi ibnu Xaatim wuxuu u diray reer
Dii'i iyo reer banii Asad, Maalik binu
Caasim wuxuu u diray reer banii
Xandhala, Sibriqaan binu Badar iyo Qays binu Caasim wuxuu u diray reer banii
Sacad oo ninba jiho ayuu u diray, Calaa
ibnu Xadrami wuxuu u diray reer banii
Baxrayn, Cali ibnu Abii-dhaalib wuxuu u
diray reer Najraan si u kuwa muslimiinta
ahna sakada uga soo qaado kuwa aan ahayn jisyo uga soo qaado. Raggaan
Rasuulku SCW ma uusan wada dirin bishii
Muxarram ee way kala dambeeyeen.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete