Sheekadii kiishka Qaybtii 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad Ku xiriirsan Qaybtii 1aad Islamarkiiba diintiisa ayaa maskaxdiisa
toosh ku daartey, waxaad moodaa inuu
maqlayo cod dheer oo dhawaaqaya oo leh
ninyohow maalkan adugu malihid waa
maal qofkii lahaa ka dhumay oo aad
adugu heshay, waa khasab inaad halsano naadiso, hadaadan sanad qofkii lahaa
helin markaasey kuu xalaaloobi kartaa !!! Wuxuu is-hordhigey sanadka dherer
badanaa qof maanta qadadii u
dhimanaya muxuu sanad sugi karaa?
Halsano oo soo socotase manoolaan
doontaa? Qoyskiisuse manoolaan
doonaa? Markuuse gaajo u dhinto isaga iyo dadkii dhaxli lahaa kadib dahabka
inuu yeesho maxay taraysaa?
Islamarkiiba waxaad moodaa awoodii uu
helay inay dhimatey oo laga siibey wuxuu
tammaniyey inuusan dahabkanba heliba
lahayn oo uusan itixaankan iyo dhibkan marin. Waa nin diintiisa garanaya diintiisu
waxay leedahay maalkan kolay hadaad
heshay waa khasab inaad naadisid
hadaad meeshiisii ku celiso oo uu sidaa
kulumoo lagu waayo adaa mas’uulka ah
aakharo hadaadan markii hore heli lahaynse dhib kuma saarnaadeen, figrada
kala duwan ayaa madaxiisa isdhaafey
ilaa aad moodo dhafoorkiisu inuu jabi
doono figradaha garaacaya dartood,
hadana waxaad moodaa inuu cod kale
maqlayoo ku leh waxaani ninyohow waa risqi alle oo laguusoo jiidey ee qaado wax
kaasaarani majiraane oo ilmahaan
geeridu hadadeyso gaajada iyo aradka
kaga saar kadibna markii alle waxkale
kuu sahlo waad u celin doontaa qofkii
lahaa ama ayadoo qaar dhiman hadaad u gayso waa qof qani ahoo waxba yeeli
mayso dhimanaantu. Mise diintiisii ayaa u dhawaaqaysa oo leh
ninyohow sabar adkeyso oo amaanada
allah hakhayaanin oo allah ha caasiyin
markaasuu go’aansadey inuu adkeysto
xataa haduu dhimanayo oo allah
kaalmeysto markaasuu guriga xagiisii u luuday isagoo kiishkii hoosta ku qarinaya
ilaa uu helo cidii lahayd ama allah kala
xukumo. Gurigii ayuu soo galay isagoo is xulubaya
oo raba inuu dadka guriga jooga warkaan
kaqariyo. Haweeneydiisii ayaa tiri qayaathow
maxaa waqtigan kusoo celiyey?
Markaasuu yiri waxba wuxuuna jeclaadey
inaysan waxba kafahmin. Markaasey tiri maya igadaa wallee
waxbaad sidaaye iisheeg waamaxay?
Markaasuu kacabsadey haday aragto
kiishka isagoo kaqariyey inay kala
dhintaan dumarkana wixii laga qariyo
wax kaneceb!! Sheekadii ayuu uga waramey waxay ahayd haweeney diin
badan alla kacabsi leh laakiinse isaga ka
quwad iyo adkeysi yar kana go’aan
jilicsan, markaasey tiri fur oo nooga soo
saar diinaar aan waxkasoo gadgadano
daruuraa nahaysa qofka daruuradu haysaana xattaa baqtiguu cunaaye,
markaasuu yiri maya wallaahay hadii aad
taabataana ama cid u sheegto waa
markii isugu keen dambeysey waa sidaan
u kala dhimaney. Waana ka dhaqaaqey xaramka xagiisa
ayadoo aad u xanaaqsan isagoo baadi
goobaya qofkii lahaa waa intaasoo uu
wax xalaal ah ka qaataa oo u caruurtiisa
ku quudiyo. Waxaa xaramka markaa dhexjooga nin
dhalinyaro ah oo cilmi dalab ku yimid,
waa imaamu Dabari, isagoo ka
sheekaynaya wuxuu yiri waxaan arkey nin
khuraasaani ah (khuraasaan ka yimid) oo
ku dhawaaqaya xujayda alloow yaa arkey kiish qofkii arka kiish kun diinaar ku
jiraan oo ii keena ajarkiisa alla ha u
laablaabo!! Markaasaa waxaa istaagey
oday aad u duqoobey oo reer mako ah oo
yiri ninyohow khuraasaaniga ahi
magaalayadan dadkeedu waa dadaan waxba haysan oo cayr u badan
duruufteedu aadbey u adagtahay
maalmeheedu waa tirsan yihiin sanad
guurooyinka soonka iyo xajku waa kuwo
la sugo waxaana dhici karta inuu kiishku
gacanta u galo nin mu’min ah oo hunguri ka qaba wax xalaal ah inaad kasiiso oo
uu soo celiyo Ninkii wuxuu yiri yaab badanaa!! Imusuu
doonayaa? Odaygii wuxuu yiri toban
meelood meel boqol diinaar. Ninkii wuxuu yiri yaab badanaa siin
mayno allaase ku toosan allaan u
cuskanaynaa allaan hanaga qabto. Ardeygii wuxuu yiri waxaan iskula hadley
in odaygu kiishka helay markaasaan daba
galey ilaa gurigiisii guri buul ah oo aad u
fool xun gurigii ayuu odagii galay. Markaasaan maqley isagoo leh lubaabo
say tiri hee, qayaath suu yiri kiishka
ninkii lahaa ayaan helay oo naadinaya oo
calaamadihiisii oo dhan tilmaamey
markaasaan iri war qofkii hela wax u
balanqaad markaasuu diidey. Markaasey tiri konton sano ayaan faqri
kugula noolayn, waxaad leedahay afar
gabdhood, labo walaalahaa ah, aniga iyo
hooyaday, adugu reerkan sagaal baad ku
tahay, qayaath ilaahay ha karaameeyo
nin dadkaan geerida ka badbaadiyey, maalkan maadan soo xadin, mana aadan
xoogin, laakiin allaa hortaada dhigay,
hadaba ha diidin nicmo alle adiga alla
kuu doortey ilaahay dumarkan aakhiro
waa ku waydiinayaa. Ardeygii wuxuu yiri waxaan fiiriyey
odayga wajigiisa waxaan ka dareemey
inuu ka fakerey gabdhihiisa oo gaajo u
dhimnaya haweeneydan miskiinta ah oo
harageedu korkeeda ku qalaley oo
korkeedu arad lawada qaawan yahay neeftu ay wali ku socoto aanse waxba u
dheerayn naftiisaa markaas yara jilicday
indhihiisuna ilmay ceshan waayeen,
haweeneydii waxay aragtey jileecaas
markaasaa hungurigeedii sii batay oo
su’aashii ku celcelisay, hadana waxaan arkey wajigiisa oo adkaadey naxariistii
ka kasii guurayso sababtoo ah wuxuu
xasuustey faqrigan iyo gaajadan inuu
konton sano kusoo adkeystey oo uusan
waxna xadin allana caasiyin, hadaba
waxaasoo dhan ma waxaad ku dumin kartaa maalin raaxadeed, qabri baadse
ku dhawdahaye ma waxaad allah
hortagaysaa adigoo amaanadiisii
khayaaney, markaasuu isyiri caruurtan
allah ayey leeyihiin isagaana kaaga
naxariis badan kaagana turiin badan, markaasuu go’aankiisa adkeystey oo kor
u qayliyey ma yeelayo xiidmahaygana
xaaraan ku gubi mayo lix iyo sideetan
sano oo aan jiro kadib, markaasuu
aamusey haweeneydiina aamustay
aniguna aan iska tagey. Maqribkii ayaa la adimey odaygii iyo
caruurtiisii xabad xabad timir ah oo
googo ah ayey kor fariisteen, dadkiina
xeeryaha ayaa geesaha laga fariistey
guryohooda waxaa kasoo uraya hilbaha
shiilan iyo xalwada ayku raaxaysanayaan, ayagoo hilmaansan in bisha ramadaan
tahay bisha raxmada iyo aadaminimada
iyo wax isu doorka sidoo kale inaan allah
inala doonayn gaajada iyo haraadka iyo
qaharka oo kaliya ee ujeedadu tahay in
gaajadan yar oo ikhtiyaarka ah oo maalinta ku siman lagu xasuusto in
aduunyada ay kula joogaan dad
gaajeysan gaajo khasab ah iyo faqri oo
xad ay ku dhamaato aan lahayn si taasi
loogu dareemo ixsaanka iyo samafalka
masaakiinta hadaba qofkii korfariista miis balaaran oo noocnooc cuno ah ka
buuxa dariskiisuna uu gaajo isla
rogrogayo aanna dariskaas kafakarin
cunadiisana wax kasiin ma uusan soomin
soonna waxba kama yaqaan haduu rabo
ha gaajoodo oo ah oomo. Waxaad caadaysato dareenkoodaa
yaraada hadaad nicmada laqabsatana
macaankeedaa dhinta sidaasaa allah
soonka u waajibiyey si aan u dhadhamino
kulaylka baahida markaad wax waydo oo
aan u garano macaanka nicmada markaan haysano sidoo kale inaan
maalintii dareeno baahida aan u qabno
xabad rooti ah iyo galaas biyo ah oo aan
markaas u ogaano in luqmadan cayshka
iyo galaaskan biyaha ay nicmo wayn oo
alle yihiin oo aynaan u ilaawin inaan allah ku shugrino ama masaakiinta siino sidii
ninkii maalintii lahaan jirey hal xabo oo
rooti ah markaasuu maalintiiba jab dhigi
jirey markey jababku isgaargaaraan ayuu
maalin cuni jirey si uu xabadii maalintaas
qof aan haysan u siiyo. Odaygu waxaan oo dhan ayuu ku
fakareyey markaasuu kaxumaadaa sida
ay noqotey xaaladdii muslimiintu
markaasuu hadana dib isugu laabtaa oo
xasuustaa dadkani inaysan wax dambi ah
arrintan ku lahayn ee in allah yahay kan dadka khayrka dareensiiya arsaaqdana
qaybiya wuxuusan allah bixina aan cidna
bixin Karin markaasuu dhahaa allow waa
mahaddaa raalibaan qadarkaaga ku
ahay. Habaynkii afaraad ayaa dhamaadey
isagoo aan waxba cunin sababtoo ah
jajabkii timirta ahaa caruurtuu u daayey
si aan naftu uga dhicin. Ardeygii wuxuu yiri maalinkii dambe
ayaan maqley ninkii khuraasaaniga ahaa
oo hadana leh “xujayda alloow wafdiga
ilaahayoow mid miyi ka yimid iyo mid
magaalo joogoow qofkii arka kiish kun
diinaar ku jirto oo iisoo celiya ajarkiisa allah ha laablaabo” odaygii ayaa istaagey
oo yiri ninyohow khuraasaaniga ahi
shalay hadalbaan ku iri oo waan kula
taliyey magaalayaduna wallahey waa cayr
beerana maleh xoolo noolla maleh
waxaana ku iri waxaa dhici karta in uu nin allah ka cabsanaya aadna u baahan
gacanta ugu dhoco ee boqol diinaar sii
waadna diidey boqolkaasaana isaga iyo
qoyskiisaa alle ku asturi lahaa hadaba
hada toban diinaar kaliya sii markaasuu
yiri khuraasaanigii yaab badanaa yeeli mayno ee allaan u cuskanaynaa isagaa
awoodlee waana kala tageen. Maalinkii ka dambeeyey ayaan hadana
arkey ninkii khuraasaaniga ahaa oo sidii
u naadinaya baadidii hadaladiisiina ku
celcelinaya odaygii ayaa hadana istaagey
oo yiri ninyohow doraad waxaan ku iri
boqol diinaar shalayna waxaan ku iri tabon diinaar oo labadaba waad diidey
hadaba hadda hal diinaar kaliya sii ninka
hela oo barkiisna uu nafo dhimanaya ku
quudiyo barkiisna uu gaari-gacan uu
biyaha dadka ugu dhaamiyo si uu uga
iibsado uu ku gato, ninkii wuxuu yiri yaab badanaa yeeli mayno allaanse u
cuskanaynaa cidda waxayagii haysata
isagaa awoodlee.