SHEEKADII KIISHKA 3AAD

Sheekadii kiishka Qaybtii 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad Ku Xiriirsan Qaybtii 2aad Odaygii markaasuu ogaadey wax xeelada
oo dambe inaysan u harin waxaa go’ay
xarigii ugu dambeeyey oo rajadiisa uu
kiishkaa ka qabo wuxuu sawirtey xaalada
qalafsan ee ay gabdhihiisu ku jiraan iyo
walaalihiis iyo kunkunkii dahabka ahaa inay gacantiisa ku jiraan iyo ninkan
khuraasaaniga ah oo hal dinaar oo ay ku
noolaadaan ama nafta go’aysa ku
ceshadaan uga diidey markaasaa naftiisu
ugu sheekeysay iskula hadashay inuu iska
haysto ama siiyo ayadoo hal diinaar dhiman, laakiinse wuxuu xasuustey allah
iyo xisaabta qiyaamada markaasuu yiri
acuudu billaah, aragtidaa xun allaan ka
magan galey, mase ku badalan kartaa
shaqi nimo daaim ah xoogaa raaxo ah oo
dhamaanaysa, isagoo garanaya raaxada aduunyadoo dhan inaysan u dhigmin kuna
hilmaansiin Karin hal kurbo ah oo kuwo
aakharo ah tankale halmaroo jannada
lagu dhadhansiiyo ama idgoonkeeda
kaliyihi inay ka fiican yihiin dhibka
aduunkoo dhan kuligiis. Wuxuu kaloo xasuustey in nabigu yiri
qofkii shay allah dartii uga taga allaa wax
ka khayr badan ugu badala markaasuu
yiri maya wallaahay inaanan kahaysanayn
oo wuxuu ku yiri ninkii khuraasaaniga
ahaa soo bax soo qaado kiishkaagii markaasuu yiri haye ina horgal ina mari. Ardeygii wuxuu yiri markaasaan daba
galey ilaa ay gurigii gaareen markaasuu
yiri igusug halkan oo guriga galay waxyar
kadibna waa soo baxay oo ninkii ku yiri
soo gal markaasuu khuraasaanigii galay
aniguna waan soo galay Odaygii markaasuu qoday xatabad
hoosteed oo soo saarey kiish madow oo
xarig adag ku xiran oo yiri kiishkaagii
waakan ninkii khuraasaanigu waa eegay
oo yiri alleelahay waa kiishkaygii
markaasuu xarigii ku xirnaa furay oo lacagtii dhabtiisa ku qubay oo tiriyey oo
gadgadiyey oo yiri alleelahay waa
lacagtaydii oo aan garanayo. Lubaabo iyo gabdhuhu waxay kasoo
fiirinayaan albaabka daldaloolkiisa oo
fiirinayaan dahabka midabkiisa oo ay
iloobeen oo moodeen arlada korkeedaba
inuu ka dhamaadey sida uu miskiinka
gaajeysani u dhawro u fiiriyo digsiyada makhaayadaha isagoo isleh allow yaa
kaasiiya hal rudmo ah oo aad nafta ku
ceshato ama dhabarka ku toosisato. Ninkii dahabkii wuxuu ku celiyey
kiishkiisii si xoog ahna afka uga xirey oo
dhabarka u ritey oo go’ uu sitey dusha
kaga dalaalimeeyey kaga dadey oo
istaagey oo dhaqaaqay mana uusan fiirin
odayga wajigiisa xattaa eray shugri ah dhagtiisa ma maqashiin waana iska
tagey. Lubaabo ayaan fiiriyey mise waxaa
moodaa inuu ninku dafey wiilkeedii
kaligii lagu arkey ama uu fuqsaday gabal
wadneheeda kamida wayna taagnaayeen
ayagoo qofkasta afka kala hayo isagoo
aan is ogayn yaab iyo istacajab dartii markii ninkii biligtiisii qarsoomey oo
fogaadey oo ay ka quusteen qofkastaba
wajiwaji ayuu u dilaamey u dhacay gaajo,
tabar li’aan iyo quus darteed. Wax yar kadib waxaa la maqley
shanqaryar iyo gargaraac waa la fiiriyey
mise waa ninkii khuraasaaniga ahaa,
odagii madaxuu kor u qaadey oo isyiri
fiiri muxuu doonayaa balaqabuhu
waxaana ku haboonayd inuusan fiirin ninka u diidey hal diinaar kun isagoo
haysta oo nafahaan baxaya lagu
badbaadiyo deekhsinimaduse waa u
dhalashoo allaa bixiya hasayeeshee
odaygu wuxuu ahaa nin saamaxaad
badan qalbigiisu uusan nacayb qaadi Karin waa istaagey oo yiri walaal maxaa
kusoo celiyey? Ninkii khuraasaaniga ahaa wuxuu yiri
ninyohow odaga ahi aabahay ayaa
dhintey wuxuuna ka tagey hanti dhan
sadex kun oo diinaar wuxuuna ii
dardaarmey kun kamida inaan sadaqeeyo
oo uqaybiyo dadka kuwa aan u arko inay yihiin kuwa ugu xaqleh sadaqada uguna
mudan wuxuuna iyiri gurigeyga gad oo
kadhigo safar xajka ah waxaad ku mari
lahayd sidaasaanna dardaarankii u fuliyey
waxaana soo qaadey kunkan diinaar waa
lacagtii aabahay sadexmeelood meesheed kiishkan ayaana ku soo ridey
hadaba laga soo bilaabo markaan kasoo
baxay khuraasaan ilaa hada ma aanan
arag nin lacagtaas adiga kaaga xaqleh
ama kaaga mudan hadaba qabso
kiishkan qaado ilaahay hakuu barakeeyee waana dhigay kiishkii waana
iska tagey waa dhaqaaqey nabadeey. Walaal hadaba allah qofkii ka baqa
wuxuu ka irsaaqaa meel uusan kafilayn. Ardeygii wuxuu yiri markaasaan iska
tagey anoo yaaban waxaan maqley
odaygii oo iga daba qaylinaya ii yeeraya
waan soo laabtey markaasuu igu yiri
ninyohow waan kula socday ilaa maalintii
ugu horeysey waana ogahay inaad arrintaan lasocoto markaasuu xadiith
nabiga soo daliishaday in nabigu yiri
markii allah maal idiin keeno idinkoo aan
su’aal ku helin una hanqaltaagin waa
hadiyed ee aqbala hana diidina oo
markaa hadiyadii allah aad diidaan hadaba maalkani waa hadiyey hadiyada
intii goobta joogtaa leh ee ina soo celi. Markaasuu iyiri ninyohow waxaad tahay
nin barakeysan maalkan oo kalana
waligey maanan arag mana hunguriyeyn
khamiiskan aan xirnahay habaynkii ayaan
ku tukadaa salaatu layl markaasaan
subaxa ku tukadaa markaasaa haweeenayda iyo hooyadeed iyo
gabdhaha iyo walaalahay kuligood midba
mar ku tukataa wax maro ah oo kalena
nagama dhacaan markii waagu baryo
ayaan anigu xirtaa oo meelahaa soo
warwareegaa xabado timira iyo kackac jajaba iyo waxaasaan soo ururiyaa
markaasaan nolol ka dhiganaa. Gurigii markaan nimid ayuu yiri
lubaabooy soo bax gabdhihiina midmid
ugu yeerey kuligood waa lasoo fariistey
kiishkii ayuu furay oo yiri qofwalboow
dhabtaada fidso markaasaa la fidsaday
markaasuu lacagtii ku tiriyey ilaa shilinkii ugu dambeeyey uu dhameeyey sisiman
qofwalba kuligayo xataa isaga uu helay
boqol diinaar kiishkiina dhamaadey. Markaasuu yiri lubaabooy kawaran
ilaahay ma dayaco ajarka dadka sabarka
badan ilaahay isagaa ugu naxariis badan
fiiri diinaar xaaraan ah ayaan diidney
markaasaa allah kun diinaar oo xalaal ah
noo keeney qofkii xalaasha cunana waa sidaas markaasuu istaagey oo baxay Haweeneydii lubaabo ayaa tiri xagee
aaday qayaath markaasuu yiri
masjidkaan baarbaarayaa waa intaasoo
uu fadhiyaa miskiin sooman oo gaajaysan
dadka dhexdiisa wax uu ku afura aan
haysan. Hadaba walaal ardeyga sheekadan la
socday waa ninka imaamka wayn noqday
ee loo yaqaan abuu jacfar max’d ibnu
jariiru Addabari oo leh tafsiirka caanka
ah jaamicul bayaanka Wuxuuna yiri diinaaradaas wallee allah
waa igu anfacay muda ayaan quutey oo
cilmi badan ayaan ku qorey sanado badan
waxaan mako ku soo laabtey markaas lix
iyo labaatan sano kadib markaasaan
waxaan arkey gabdhihii oo aad moodo inay yihiin boqorado boqoro qabaan
waxaan kaloo ogaadey in odaygii isla
waagiiba dhintey waxaan kusoo dagi
jirey markaan mako imaado gabdhahaas
iyo nimankooda iyo caruurtoodii
markaasaan sheekadii uga sheekayn jirey wayna iqadarin jireen heerka qadarin
ugu sareeya mudadan dambe afartan
sano kadib ayaan hadana mako imid
markaasaan dadka waydiiyey markaasaa
la iisheegay inay wada dhinteen kuligood
allah ha u wada naxariisto. Walaal sheekadan waxaan hadaba ka
qaadanaynaa faaiidooyin dhowr ah In aan ogaano duruufta ay ku jiraan in
badan oo masaakiin ah, sida ay u adag
tahay lana rabo inaan nolosheena barbar
dhigno, isla markaana aan ogaano inaga
iyo dadkaasi ilaahay inaan u simanahay ,
lagana yaabo inay ayagu aad ugu xiran yihiin in inaga badan, Inaan ogaano dad
inaga inala mida aynu isku jir nahay sida
ay xaaraanta iyo hunguriga shubhada ku
jira isaga ilaaliyeen isla markaana aan
ogaano cadaabka ay sidaa uga cabsadeen
isku si inuu inoo wada gubi karo inoona xanuujin karo, Inaan ogaano sida allah
qofkii ku kalsoon xadkiisana dhowra uu u
taakulaynayo una irsaaqayo, Inaan
ogaano in qofkii shilin gacantiisa ku jiro
uu yahay wax lagu fiiriyo sida uu u
ogyahay xuquuqda alla ku leeyahay oo masaakiinta loo qoray qofkaan xaqaas
gudana imtixaankaas uu ku dhacay,
Inaynu barano oo u dhawaano quluubta
dadka dhiban sida ay u fakarayso marka
laga yaabo adigoo hanti badan agtaada
taallo oo doonaya nicmadaas inaad kororsato xoolo badan aad macaashto
inuu isagu doonayo wax yar oo uu
dhabarkiisa ku toosiyo ama nafta ku
ceshado. In aan aragno sida dad sidaas u
dhibaateysan ay allah u caabudayaan
halka in badan oo dad ah oo rabi aad ugu nicmeeyey ayku caasiyaan marwalba
Waxaan allah ka baryayaa inuu nagu
anfoco.