Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 53AAD

Casharka 53aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII DUUMATUL-
JUNDUL Markuu Rasuulku SCW ka soo laabtay
Badartii labaad, waxaa la arkay
awooddii muslimiinta, mandiqaddiina
waxa ay noqotay amni iyo nabadgelyo,
cid walbana candhuuftay dib u liqday.
Hase yeeshee markii lix bilood laga joogo Badartii labaad ayaa waxaa Rasuulka
SCW loo soo gudbiyey in qabiilooyin
degganaa meesha la yiraahdo Duumatul-
Jnudul oo dhinaca Shaam xigta, loogana
socod Madiina 15 beri, ay jid gooyayaal
(burcad) noqdeen oo ciddii jidkaa martaba dhacaan isla markaasna ay isu
diyaarinayaan sidii ay duullaan Madiina
ugu soo qaadi lahaayeen. Wuxuu
markaas Rasuulku SCW la baxay ciidan
gaaraya 10000 nin, wuxuuna Madiina
madax uga dhigay Subaac binu Curfada, waqtigaas oo ahaa 25kii bishii Rabbiicul-
Awa, sannadkii 5ad ee hijiriga. Intii uu
jidka ku sii jirey, Rasuulku SCW wuxuu
qabtay nin reer banii Cudra ah oo la oran
jirey Madkuur, wuxuu kaxaystay si uu
waddada u tusiyo. Rasuulka SCW iyo ciidankiisu waxa ay
soconayeen habeenkii, maalinkiina way
degayeen si ay acdaa'daa Ilaahay u
qabtaan iyaga oo khabardaar ah. Hase
yeeshee markii ay muslimiintu u soo
dhow yihiin ayey maqleen oo kala yaaceen. Rasuuulku SCW meeshii ayuu
gaaray oo maalmo degganaa, wuxuu
dhinacyada u kala diray ciidamo
laakiinse waxba lama soo helin, ka dibna
Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo
laabtay. Rasuulka SCW iyo ciidankiisii markii la
arkay in ay Shaam ku duuleen oo cid
kasta o rabsho laga dareemo meesheeda
loogu tegayo ayaa qabiil walba edeb
yeeshay oo aamusay, in uu hoos ka
guuxo maahee, mandiqaddiina waxay noqotay nabadgelyo iyo amaan,
waxaana fududaaday mashaakilkii
muslimiinta ka heysta gudaha iyo
dibedda, munaafiqiintii muslimiinta ku
dhex jirteyna way aamuseen. Sidoo kale
qabiiilkii yahuudda ahaa ee haray wuxuu ku dadaalay ilaalintii ballantii ka
dhexeysay iyaga iyo muslimiinta. Reer
baadiyihii awal Madiina ku soo
qamaamayeyna waxa ay qaateen dersi
oo waa degeen. Sidoo kale nimankii
qureysh ee awal kibirka iyo isla weynidu ku jirteyna waxa ay joojiyeen
duullaamadii, muslimiintiina waxa ay
heleen fursad ay ku fidiyaan
dacwadoodii islaamka, degaankiina
iyaga ayaa hogaanka u qabtay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete