Casharka 58aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII BANUU LIXYAAN Banuu Lixyaan waxa ay ahaayeen
qabiilkii khiyaameeyey Rasuulka SCW
markii uu tobankii nin ku daray, ka dibna
ay ku dileen meeshii la oran jirey Rajiic.
Wuxuuna Rasuulku SCW ugu duuli
waayey markii ay arrintaasu dhacday muslimiinta oo xaalad adag ku jirey oo
ay ku furnaayeen duruufo adag sida
cadowgi Qureysh iyo reer baadiyihii
Madiina agagaarkeeda degganaa oo
Madiina ku soo qamaamayey iyo
yahuuddii Madiina wax ka deggageyd, sidaa darteed Rasuulku SCW maslaxo uma
arag in uu markaas ku duulo. Laakiin
markii uu duullaankii Axsaab
dhammaaday oo yahuuddii iyo in badan
oo carabtii reer baadiyaha ka mid ahaa
uu iska meeleeyey, qureyshna ay weerarradii joojisey oo difaac gashay,
ayaa Rasuulku SCW munaasib u arkay in
uu ku duulo banii Lixyaan oo degganayd
Makka duleedkeeda si uu uga jiseeyo
khiyaanadii ay sameeyeen iyo
muslimiintii ay laayeen. Wuxuu markaa Rasuulku SCW baxay
bishii Rabbiicul-Awal ama Jamaadul-
Awal, sannadkii 6aad ee hijriga isaga oo
wata 200 oo asxaabtiisa ka mid ahayd,
Madiina wuxuu uga tegey Cabdullaahi
ibnu Ummi Maktuum, wuxuuna muujiyey in uu dhinaca Shaam ku duulayo si aysan
munaafiqiintu u warramin oo u bixin
sirta muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu
markaa tegey meeshii lagu laayey
asxaabtiisii oo u dhoweyd meesha ay
degganaayen reer banuu Lixyaan. Markii ay reer banuu lixyaan maqleen ayey ka
carareen degaankoodii, Rasuulkuna SCW
wuxuu meeshaa joogey 2 maalmood,
dhinacyadana wuxuu u kala direy
ilaalooyin hase yeeshee waxba ma aysan
soo helin. Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu ku soo laabtay Madiina, wuxuuna
maqnaa 14 habeen. Waxaa is weydiin leh inta aynaan
munaasibadaan ka gudbin Rasuulka SCW
qabiil kasta oo uu ku duulo way kala
cararaan isaguna dhulkooda ayuu
maalmo degganaanayey, marka sidee
qabiil dhan oo degganaa u sal kacayaan?. Arrintaa jawaabteedu waxaa weeye
Rasuulku SCW markii uu ku duulo qabiil
oo ay maqlaan in aysan ka hor tegi karin,
raggooda hubka wataa way kala carari
jireen. Sidaa darteed haddii ay raggii
dagaallamayey carareen ma aysan keeni siyaasadda xakiimka ah ee Rasuulka SCW
iyo ciddii raacdaba in maatada la laayo
oo la bililiqeysto ama nin dhulkiisii ka
qaxay la daba kaco sida ay maanta ku
dhisan tahay siyaasadda caalamku. Sidoo
kale Rasuulka SCW iyo muslimiintu ma dili jirin ragga aan hubka wadan oo aan
dagaallamayn.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete