Casharka 60aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII BANII MUSDHALIQ Waxa uu dhacay duullaankan banii
Musdhaliq bishii Shacbaan sannadkii 6aad
ee hijriga. Sababtiisuna waxay ay ahayd:
Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in
odeygii reer banuu Musdhaliq oo la oran
jirey Xaarith binu abii Daraar uu qoladiisii iyo wixii kale oo raacay u
diyaarinayo sidii uu Rasuulka SCW ugu
soo duuli lahaa. Wuxuu Rasuulku SCW si
uu arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy
Bureyda binu Xuseyb Al-aslami. Bureyda
ayaa markaa u tegey oo la hadlay ninkii madaxda u ahaa, ka dibna ku soo noqday
Rasuulka SCW oo warka dhabnimadiisa u
soo sheegay. Rasuulku SCW markii uu
arrintii xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la
soo baxay, wuxuuna Madiina madax uga
soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari ama Thumayla binu
Cabdullaahi Laythi. Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee
madaxda u ahaa reer banii Musdhaliq
wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si uu war
uga keeno ciidanka muslimiinta hase
yeeshee ciidankii muslimiinta ayaa
ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo ciidankiisii markii ay maqleen in
Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii soo
baxeeen, ninkoodii wardoonka ahaana la
diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka
baqdeen meeshii. Muslimiintiina meeshii
ayey tageen waxayna soo qafaasheen dumarkoodii, caruurtoodii iyo
maalkoodii. Ka dibna wuxuu Rasuulku
SCW qaniimadii iyo dadkii la soo
qafaashay u qaybiyey asxaabtiisii.
Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid
ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la oran jirey
Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb
ahaan u helay Thaabit binu Qays,
markaas ayuu kitaabeeyey, Rasuulka
SCW aya markaas xoolihii ka bixiyey oo
guursaday. Markii ay asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen
dumarkii ay qayb ahaanta u heleen oo
dheheen "waa xididkii Rasuulka SCW". Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga
soo laabtay waxaa dhacay laba arrimood
oo ay sameeyeen nimankii
munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer
muslimiinta dhexdooda ku rida khalkhal
iyo tashwiish, dacaayado been ahna fidiya. Nimankaas oo sidii aan soo
sheegnayba uu hormuud u ahaa
Cabdullaahi binu Ubay oo isagu xiqdi iyo
xaasidnimo u hayey islaamka iyo
muslimiinta, weliba gaar ahaan
cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay sidii aan usoo sheegnayba
isaga oo loosharraxayo madaxnimo ayaa
islaamku yimid Madiina, markaas ayey
dadkiisi islaamka qaateen,
madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa
darteed wuxuu u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii, wuxuuna
bilaabay xiqdi iyo xumaan, laga soo
bilaabo markii Rasuulka SCW iyo
muhaajirintu ay Madiina yimaadeen.
Waxaana dhacday in Rasuulku SCW
markii uu Madiina yimid oo uu muddo yar joogey uu soo baxay isaga oo raba in uu
soo booqdo Sacad binu Cubaada oo jirran,
markaas ayuu isaga oo dameer saaran
soo maray meel ay fadhiyeen rag uu ku
jiro Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu
qur'aan ku dul akhriyey, dacwadana ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu
sanka qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku
yiri "ha na booraynin, gurigaagana joog
oo meelaha aan fariisanayno ha noogu
imaan". Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa
ay gaalnimadoodii ku jiraan waxay
islaameen markii ay arkeen in ay
muslimiintu Badar ku guuleysteen hase
yeeshee xumaatadoodii iyo
cadaawaddoodii ayey hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in uu
munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii
reer banii Qaynuqaac. Sidoo kale
dagaalki Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo
nin oo muslimiinta garabkooda ayuu ka
baxay. Sidoo kale munaafaqan iyo munaafaqiinta kaleba waxa ay muujisan
jireen wanaag iyo kheyr, qalbigoodana
waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo.
Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu
dadka u muujin jirey marka Rasuulku
SCW Jimcaha u istaago ayuu asxaabta ku dhihi jirey "kani waa Rasuulkii Alle
idinku karaameeyey idinkuna ciseeyey
ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca"
hase yeeshee markii dagaalkii Uxud
dhacay, oo sidii la ogaa uu sameeyey,
ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay isaga oo raba in uu hadalkiisii oo kale
jeediyo, markaas ayaa asxaabtii dharkii
ka jiideen oo dheheen "nafa fariiso
cadowgi Allow, ehel uma tihid (arinkane)
wixii aad samaysay baad samaysaye",
markaas ayuu iska baxay isaga oo dadka luquntooda ka tallaabsanaya, markaas
ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta
ka mid ah wuxuuna ku yir "war
hooggaaga ee laabo Rasuulku SCW ha kuu
dembi dhaaf weydiiyee", markaas ayuu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma doonayo in uu ii dembi dhaaf weydiiyo". Sidoo kale waxa aan soo marnay in
markii yahuuddii reer banuu Nadiir ay
ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW
go'aansaday in uu ku duulo, uu
munafaqaani hoos kala xiriiray oo ku yiri
"ha bixina". Sidoo kale Dagaalkii Axsaab waxa ay munaafaqaas iyo raggiisu
muslimiinta ku dhex fureen tashwiish iyo
dacaayado. Sidoo kale gaaladi
qureysheed intaa hoos ayey kala xiriiri
jireen. Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah
dusha ka sheeganayey islaam, hoostana
uu uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had
iyo jeer dacaayada ku dhex fidinayey
dadkii muslimiinta ahaa sida dacaayaddii
ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba bintu Jaxshi oo Rasuulku SCW
eeddadiis dhashay, dabadeedna uu
Rasuulku SCW guursaday ayna dheheen
"Maxammed wuxuu guursaday gabadhii
uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa"
arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii jaahiliga ceeb ka ahaan jirtey, maxaa
yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah
wuxuu ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo
kale sidaa darteed islaamku caadadaas
xun wuu baabi'iyey sidii uu caadooyinkii
xumaa oo kaleba u baabi'iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay Rasuulka SCW
laftiisa, wuxuuna Alle yiri: ((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII
ALLE U NIMCEEYEY ADNA AAD U
NIMCAYSAY (SAYD) HAYSO XAASKAAGA
ALLENA KA BAQ, WAXAADNA NAFTAADA
KU QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN
DOONO, WAXAADNA KA BAQAYSAY DADKA, ALLAASE U XAQ LEH IN LAGA
BAQO, (HADDABA) MARKII SAYD
DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA)
AAN KUU GUURINAY SI AYSAN
MU'MINIINTU DHIB UGALA KULMIN
HAWEENTA (WIILASHA) AY ISUGU YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN
XAAJADOODA, ALLE AMRKIISUNA WAXA
UU AHAADAY MID LA FULIYO)), (Suuratul-
Axsaab 37). Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd
haweentii shanaad ee Rasuulku SCW
markaas ayey dheheen "qur'aanku afar
haween ah ayuu banneeyey ee maxay
tahay haweenta 5aad". Haddaba
nimankaas oo mar walba dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka SCW iyo
mu'miniinta waxaa ficilladooda had iyo
jeer muujinayey Allaah oo wax walba ka
war haya, wuxuuna Alle yiri isaga oo
Rasuulkiisa SCW la hadlaya: ((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA
DIGTOON YIHIIN IN AY KU SOO DEGTO
SUURAD KA WARAMAYSA WAXA
QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD
TIRAAHDAA ISKA JEES JEESA ALLE WAA
SOO BIXIN WAXA AAD KA DIGTOONTIHIINE, HADDII AAD WAYDIISO
WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA) BAAN
TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH
MA ALLE, AAYAADKIISA IYO
RASUULKIISAAD KU JEES JEESAYSAAN HA
CUDURDAARANINA WAAD GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN
CAFINNO KOOX IDINKA MID AH WAXAA
CADAABAYNAA KOOX MAXAA YEELAY
WAXA AY AHAAYEEN MUJIRIMIIN)),
(Suuratu-Tawbah 64-66). Haddaba ragga arrimahaas samaynaya
oo Rasuulkii Alle SCW iyo mu'miniinta
xumaatada kula dhex wareegaya waxa
ay Cumar binu Khadhaab iyo rag la mid
ihi soo jeediyeen in la laayo hase
yeeshee wuxuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar "ma waxaad dooneysaa in ay
dadku ku sheekaystaan Maxammed
asxaabtiisa ayuu laayaa?" maxaa yeelay
dadka dibedda ahi waxa ay u haysteen in
munaafiqiintaasi asxaabta ka mid yihiin. Haddaba haddii aan usoo laabano labadii
dhacdo oo ay sameeyeen munaafiqiintu
duullaankan reer banii Musdhaliq waxa
ay ahaayeen: 1. Markii la aday duullaankii ayey
raaceen cidankii iyaga oo aan u
siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn
culeys iyo fitno sidii uu Allaahba ku
sheegay aayaaddan: ((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY
IDIN RAACAAN) IDIIN SIYAADIN MA
HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN
IYO (SHAR) WAXAYNA U DAGDAGI
LAHAAYEEN FITNAYNTA DHEXDIINNA
IYAGOO IDINKA DOONAYA FITNO, WAXAANA IDINKA MID AH
(MUSLIMIINTIINNA) KUWA MAQLAYA (OO
QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)),
(Suuratu-Tawbah 47). Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel
la degey, markaas ayaa meel biyo laga
dhaansanayey waxaa ku dagaallamay
labo wiil, mid Cumar binu Khadhaab
adeege u ahaa lana oran jirey Jahjaahul-
qafaari iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey Sinnaan binu Wabar Al-juhani,
markaas ayaa Sinnaan yiri "yaa Ansaar
ahey", Jahjaahna yiri "yaa Muhaajiriin
aheey". Arrintii ayaa waxaa maqlay
munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay oo la
fadhiya koox raggiisii ah oo uu ku jirey Seyd binu arqam oo wiil yara, markaa
ayuu munaafaqaasi carooday oo yiri "ma
sidaas ayey sameeyeen (muhaajiriin)?.
Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku
bateen Ilaah baan ku dhaartaye annaga
iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo yiri oo ahayd "naaxi eygaaga ha ku
cunee". Ilaah baan ku dhaartaye haddii
aan Madiina ku noqonno kan casiiska ihi
(isagaa iska wada) waxa uu ka saari
doonaa Madiina kan dulliga ah (oo uu ula
jeedo Rasuulka SCW)", markaas ayuu lahadlay kuwii la fadhiyey oo ku yiri
"tani waa wixii aad naftiinna ku
samayseen, magaaladiinnii baad u
oggolaateen, maalkiinniina waad la
qaybsateen. Ilaah baan ku dhaartaye
haddii aad waxa gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin
dhaafi lahaayeen". Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii
adeerkiis u sheegay, adeerkiisna wuxuu
u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo
Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa
markaas yiri "Rasuulkii Allow amar
Cubaada binu Bishir ha dilee (munaafaqaas)", markaas ayuu Rasuulku
SCW yiri "Cumar ma waxa aad doonaysaa
in uu dadku ku sheekeysto Maxammed
asxaabtiisa ayuu laayaa?" (maxaa yeelay
dadka dibadu waxa ay u qabaan in uu
asxaabta ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la guuro
waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan
Rasuulku SCW guuri jirin, markaas ayaa
Useyd binu Xudeyr oo nin odeya ahaa u
yimid Rasuulka SCW oo ku yiri "Rasuulkii
Allow waxaad guurtay waqti xun", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"miyeysan ku soo gaarin waxa uu
saaxiibkiin yiri?", Useyd wuxuu yiri
"muxuu yiri?", markaas ayaa Rasuulku
SCW yiri "wuxuu sheegtay in haddii uu
Madiina ku laabto kan casiiska ihi ka saari doono Madiina kan dulliga ah",
markaas ayuu Useyd yiri "Rasuulkii Allow
adiga ayaa haddii aad doontid Madiina
ka saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye
isaga ayaa dulli ah adiguna casiis baad
tahay", ka dib wuxuu yiri Useyd "Rasuulkii Allow isaga tartiibi, Ilaah baan
ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa
keenay isaga oo reerkiisu madaxtinimo u
diyaarinayaan sidaa darteed wuxuu u
arkaa in aad boqortooyadiisii kala
wareegtay". Rasuulku SCW geeddigii ayuu ku jirey ilaa laga gaaray maalinkii
dambe duhurkii oo uu degey, markaas
ayey asxaabtii geedaha ku kala yaaceen
oo daateen, Rasuulkuna SCW wuxuu
arrinkaan u sameeyey si aan warka
munaafiqa loogu sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta dhexdeedana aysan
fitno ugu noqon. Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in
talo faro ka baxday ayuu inkiray hadalkii
oo sidii munaafaqiinta lagu yaqaaney
dhaar been ah maray isaga oo leh "Ilaah
baan ku dhaartaye ma dhihin", markaas
ayaa asxaabtii qaar ka mid ahi Rasuulka SCW ku dheheen "Rasuulkii Allow waxaa
la arkaa in wiilka yari is moodsiiyey oo
uusan weelayn oraahdii ninka" hase
ahaatee Allaah SW oo wax kasta la
socday ayaa u rumeeyey seyd hadalkii uu
ka sheegay munaafaqaas, wuxuuna ku soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay
ku jiraan aayadahaan: ((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH
HAQUDININA KUWA RASUULKA SCW LA
JOOGA ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA
ISKA LEH KHASNADAHA SAMAWAADKA
IYO DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU
MA FAHMAYAAN, WAA KUWA LEH HADDII AAN MADIINA KU NOQONNO WAA IN KAN
CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA)
KAN DALIILKA AH, WAXAA CISA ISKA LEH
ALLE, RASUULKIISA IYO MU'MINIITA
LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA OGA)),
(Suuratul-Munaafaqiin 7-8). Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii
ay suuradaan soo dagtay uu Rasuulku
SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna
uu ku dul akhriyey suuradan
Munaafiquun, kuna yiri "Alle wuu kuu
rumeeyey (hadalkaagii) Seydow. Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay
munaafaqaas oo la oran jirey Cabdullaahi
binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa nin
saxaabi ah oo wanaagsan. Markaas ayaa
markii Madiina la soo gelayey
Cabdullaahi seeftiisii galka kala baxay oo aabbihiis hor istaagay kuna yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye in aadan meeshaan
dhaafayn ilaa Rasuulkii Alle kuu idmo,
isaga ayaana casiis ah adiguna dulli baad
tahay". Rasuulku SCW markii uu meeshii
soo maray ayuu u idmay, ka dib Cabdullaahi Rasuulka SCW ayuu u tegey
oo ku yiri "Rasuulkii Allow waxa aan
maqlay in aad rabtid in aad dishid
aabbahay. Ilaah baan ku dhaartaye
reerkayagu waa og yihiin in nin
aabbihiis iiga baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof dilo waxaa laga
yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee
haddii aad doontid in aad disho aniga i
amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa
ayaan kuu keenayaa".
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete