Sunday, 4 September 2011

CASHARKII 37AAD QEYBTII 3AAD

Casharka 37aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII BADAR [Qaybtii 3aad] Ku Xiriirsan Qaybtii 2aad ee Badar Intaa ka dib waxaa bilaabmay dagaalkii
wuxuuna u bilowday sidan: Nin la oran
jirey Aswad binu Cabdil-asad Al-
makhsuumi, oo ka mid ahaa ciidanka
gaalada, ahaana sidiisaba nin akhlaaq
xun, ayaa ka soo dhex baxay ciidankii gaalada isagoo leh "Ilaahay waxaan kula
ballamay in aan darkooda ka soo cabbo
ama aan soo dumiyo ama ka soke la igu
dilo". Markii uu soo baxay ayaa waxaa u
soo baxay Xamsa binu Cabdimudhali oo
seef ka hor geeyey waxayna seeftii kala goysey dhudhunka, dhabar dhabar
ayuuna u soo dhacay markaasuu
xammaartay isagoo doonaya inuu
dhaartiisii fuliyo oo darka gaaro hase
yeeshee Xamsa ayaa ka daba tegay oo
seef kale ku dhuftay isagoo darkii ku jira halkaas ayuuna ku naf waayey. Ninkaas
ayaan aahaa ninkii ugu horreerey ee
goobtaas Badar ku dhinta. Waxaa markaas ciidankii qureysh ka soo
banbaxay saddex nin oo isku hal qoys ah
lana kala oran jirey Cutba ibnu Rabbiica,
Walaalkiis Shayba ibnu Rabbiica iyo
wiilkiisii Waliid ibnu Cutba. Nimankaas
oo ahaa halyeeyadii qureysh waxay dalbadeen in saddex nin dhinaca kale soo
banbaxaan. Waxaa markaa Rasuulku SCW
u saaray saddex nin oo Ansaar ah oo kala
ahaa Cawf binu Xaarith, walaalkiis
Mucaad binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu
Rawaaxa. Nimankii qureysh waxay yiraahdeen iyagoo doonaya inay
ogaadaan nimanka loo soo xulay "waa
kuwama", markaasaa loogu jawaabay
"waa koox ansaar ah", dabadeed waxay
yiraahdeen "kuf wanaagsan baad tihiin
danse idinkama lihin ee waxan doonaynaa ilma adeerradayo", weliba
nin ciidanka gaalada ka mid aha ayaa
intuu qayliyey yiri "Maxammadow noo
soo saar rag noo qalma oo ciddayada ah".
Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu u soo
saaray saddexdii nin ee ciidanka ugu xigey oo kala ahaa Xamsa binu
Cabdimudhalib oo adeerkiis ahaa, Cali
binu Abii-dhaalib oo ina adeerkiis ahaa
iyo Cubeyda binu Xaarith oo ina adeerkiis
ahaa. Markay saddexdaa nin soo
banbexeen ayey haddana nimankii qureysh yiraahdeen "waa kuwama",
markii ay isu sheegeen ayey yiraahdeen
"waxaad tihiin kuf wanaagsan". Ka dib
ninba nin ayuu ku hagaagay; sida uu Ibnu
Isxaaq weriyey Cubeyda, oo saddexda
muslimiinta aha u da'yaaraa, wuxuu u baxay Cutba, Xamsana wuxuu u baxay
Sheyba, Calina wuxuu u baxay Waliid.
Hase yeeshee Axmed binu Xanbal iyo
Abii Daa'uud waxay weriyeen in
Cubeyda u baxay Waliiid; Calina u baxay
Shayba; Xamsana u baxay Cutba. Isu banbaxaas ayaa bilaabmay, Xamsa
iyo Cali si dhadhso ahba waxay uga
takhaluseen labadii nin ee ku kala
aaddanaa, hase yeeshee Cubeyda iyo
ninkii ku beegnaa waxay is dhaafsadeen
laba seefood oo laba nabar oo halis ayey isku dhufteen. Xamsa iyo Cali ayaa
markaa u yimid oo ninkii kale is
raaciyey, Cubeydana soo xambaaray hase
ahatee dhaawacaas ayuu u dhintay
Cubeyda afar ama shan beri dagaalka ka
dib iyadoo ay muslimiintu jidka ku sii jiraan. Cali binu Abii-dhaalib wuxuu ku
dhaaran jirey in ay arrinkaas ku soo
degtay aayadan. (LABADAANI WAA
DOODAYAAL KU DOODAY RABBIGOOD).
(Suuratul-Xaj 19). Nimankii mushrikiinta ahaa markay
arkeen sida ay mubaarasadii (isu soo ban
bixiddii) ku dhamaatay, jab iyo guul
darro degdeg ahna ay u soo hoyatey,
ayna waayeen saddex oo odeyaashoodii
ahaa, kana mid ahaa fardooleydoodii, dagaalkana wax ka hoggaaminayey,
ayey hal mar soo qaadeen weerar
ballaaran iyagoo ay ka muuqato caro
daran. Muslimiintii markay arkeen nasriga iyo
guusha degdegga ah ee Ilaaha u soo
hooyey iyo dhinaca gaalada jabka ku
dhacay iyo weliba weerarka ay hadda
soo qaadeen ayey galeen difaac iyagoo
fulinaya amarkii Rasuulka SCW ee ahaa "dagaal ha qaadina ilaa aan amar idin
siiyo, markay idiin dhawaadaan
fallaaraha ku gana, hana la bixina
seefaha ilaa ay idin dul yimaadaan,
taasoo ay xikmadda ku jirtaa tahay in
xamaasaddoodu ay jabto weerarkana ay ku hoobtaan sidaad darteed ayaa waxaa
ku dhacay gaaladii khasaare sun. Rasuulku SCW wuxuu baryayey Rabbigiis,
ducadiina wuu ku ilxaaxyey (ku cel
celiyey) isagoo leh "Allahayow i sii wixii
aad ii yaboohday, Allahayow waxaan
kugu baryayaa ballaantii iyo yaboohii
aad iga qaaday, Allahayow haddaad kooxdan (muslimiinta) maanta halaagtid
dib dhulka lagugu caabudi maayo,
Allahayow haddaad doonto lagu caabudu
maayo maanta ka dib weligeed. Aad
ayuu Rasuulku SCW ugu xeeldheeraaday
(ducada) isagoo Rabbigiis gargaar weydiisanaya oo isu dulleynaya ilaa uu
go'iisii kor ka dhacay. Abuubakar ayaa u
soo qaaday go'ii oo Rasuulka SCW ku yiri
"Rasuulkii Allow kugu filan, Rabbigaana
waad ku ilxaaxisay". Sidaa oo kale ayaa
looga baahan yahay qofka mu'minka ah ee mujaahidkaa markuu dadal nooc
walba ah la yimaaddo inuu Ilaahay baryo
oo uu gargaarkiisa weydiisto uguna
tadarruco (isu bihin bihiyo), una arko
ciidan iyo awood wax walba oo uu isu
keeno ineysan wax tarayn hadduusan Rabbi u gargaarin. Intaa ka dib Allaah ayaa u waxyooday
Rasuulkiisa SCW oo ku soo dejiyey
aayaddan: ((XUSUUSTA MARKAAD GAG GAAR
WAYDIISANAYSEEN RABBIGIIN OO
IDINKU AJIIBAY WAXAAN IDINKU
SIYAADIN KUN MALAA'IGTA KA MID AH
OO IS RAAC RAACSAN, ALLENA
(ARRINKAAS) WAX KALE UMA YEELIN ILAAA BISHAARO IYO IN AY QULUUBTIINU
KU XASISHO MAAHANE, NASRIGUNA MEEL
KALE MA AHAA, ALLE AGTIISA
MA'AHAANE, ALLENA WAXA UU
AHAADAY ALLE QAALIB AH OO XAKIIM
AH)), (Suuratul-Anfaal 9-10). Wuxuu Allaah sidoo kale u waxyooday
malaa'igtii oo ku yiri aayaddan: ((MARKUU RABBIGAA U WAXYOODAY
MALAA'IGTA (OO UU YIRI) ANAA IDINLA
JIREE SUGA (XOOJIYA) KUWA MU'MINIITA
AH, WAXAAN KU RIDAYAA KUWA
GAALOOBAY QULUUBTOODA ARGAGAX EE
KA GARAACA LUQUNTA KORKEEDA, KANA GARAACA XUBIN WALBA)), (Suuratul-
Anfaal 12). Rasuulku SCW wax yar ayuu markaas
lulmooday ka dibna madaxa ayuu kor u
qaaday oo samada eegay wuxuuna yiri
"bishaareyso Abuubakarow waxaa kuu
yimid nasrigii Ilaahay, kani waa Jibriil oo
faraskiisii wata, wejiga faraskiisuna uu boor leeyahay". Riwaayad kale oo
Bukhaari weriyey waxay ahayd
"bishaarayso Abuubakarow waxaa kuu
yimid narsigii Alle kani waa Jibriil oo ku
dheggen faraskiisa madixiisa oo
qalabkisii dagaalka wata". Rasuuku SCW wuxuu ka soo baxay waabkiisa isagoo
qaba cambuur bireedkiisi, wuxuuna
akhrinayay aayaddan: ((WAA LA JABIN JAMACA (CIIDANKA
GAALADA) DABADAYNA JEEDIN)),
(Suuratul -qamar 45). Ka dib wuxuu qaatay cantoobo ciid ah oo
ku seyriyey ciidanki gaalada. Ciiddii ayaa
markaa Allaah gaarsiieyey kulligood oo
ka gashay indhaha, sanka iyo afka.
Allaahna wuxuu soo dejiyey aayaddan: ((MA IDINNAAN LAYN IYAG (GALADA) EE
ALLAAH LAAYEY, MANA AADAN GANIN
MARKAAD GANAYSAY EE ALLAA GANY
(OO INDHAHA KAWADA GALIYEY), SI UU
MU'MINIINTA UGU NIMCEEYO NIMCO
WANAAGSAN, WUXUUNA ALLE YAHAY (ALLE) WAX MAQLA OO KU CILMI LEH)),
(Suuratul-Anfaal 17). Rasuulku SCW wuxuu markaa bixiyey
amarkii kama dambaysta ahaa wuxuuna
amray in ay weerar qaadaan wuxuuna
ku booriyey dagaalka isagoo leh "Allihii
Maxamed naftiisu gacantiisa ku jirtey
baan ku dhaartaye, nin maanta ma dagaallamo oo lama dilo isagoo sabraya
ajarna urursanaya soona jeeda oo aan
daba jeedin illaa Ilaahay Janno ayuu
gelinayaa". Wuxu kaloo yiri "u istaaga
Janno ballaarkeedu le'eg yahay
smawaatka iyo dhulka". Cummayr ibnu Xammaam ayaa markuu hadalkaa
maqlay yiri "bakhin bakhin" (oo uu ula
jeedo liibaan liibaan), Rasuulku SCW
wuxuu ku yiri "maxaa kugu xambaaray
hadalkan?", Cummayr ayaa yiri "Rasuulkii
Allow wax kale iguma xambaarin illaa inaan damcayo inaan ehelkeeda
(jannada) ka mid noqdo maahane".
Rasuulku SCW wuxuu yiri "ehelkeeda
ayaad ka mid tahay", Cummayr timir uu
cunayey ayuu tuuray oo yiri "haddaan
noolaado intaan timirtan ka cunayo waa nolol dheer" wuuna dagaallamay ilaa uu
ka shahiiday. Sidoo kale Cawf binu
Xaarith ayaa yiri "Rasuulkii Allow maxaa
addoonku Rabbigiis ku farax geliyaa?".
Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay
"Ilaahay waxaa farax geliya inuu arko addoonkiisa oo gacantiisa dhex geliya
cadowga isagoon waxba wadan" (oo uu
ula jeedo dagaalama isagoon wax uu
isku difaaco (canbuur bireed) wadan).
Markaas ayuu Cawf orday oo
dagaallamay ilaa laga dilay. Rasuulku SCW khiddadii uu isticmaalay,
oo ahayd in gaalada la weeraro markay
xamaasaddoodu jabto, waxay ahayd
xeelad aad u cajiib badan oo ay
mulimiintu aad ugu faa'iideysteen,
gaaladiina ku ridday niyad jab iyo fashil iyo in safafkoodii kala jabaan. Waxaa kale oo muslimiinta intaa u sii
dheerayd dhiirrigelintii Rasuulka SCW iyo
wacdarihii uu ka muujiyay goobaha
dagaalka, iyo sidoo kale malaa'igtii
Ilaahay oo dagaalka ku jirtey oo iyaduna
gaalada ka goyneysey luqumaha dushooda iyo xubin walbaba. Riwaayd
laga weriyey Cikrama binu Subaji wuxuu
ku yiri 'maalinkaas waxaa la arkayey
madax go'aya iyo gacan finiineysa oo
aan la ogeyn cidda ku dhufatay". Abuu Daa'uudal-maasini wuxuu yiri
"waxaan ceyrsaday nin mushrikiintii ka
mid ah si aan u dilo, markaasaa
madaxiisii soo dhacay seeftaydii oo aan
gaarin, markaasaan ogaaday in cid kale
dishay". Sidoo kale in Ansaartii Rasuulka SCW ka mid ah ayaa soo qafaashay
Nabiga SCW adeerkii Cabbaas binu
Cabdimudhalib markaasuu u keenay
Rasuulka SCW, markaasaa Cabbaas yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye inuusan kani i
soo qafaalin ee waxaa i soo qafaalay nin ka mid ah kuwa ugu weji qurxoon dadka
oo saaran faras, haddan aanan ku dhex
arag ciidanka". Ninkii saxaabiga ahaa
ayaa markaa yiri "anigaa soo qafaalay
Rasuulkii Allow", markaasaa Rasuulku
SCW yiri "aamus Ilaahay baa kugu xoojiyey malak wanaagsane".
Arrimahaas oo dhan waxay ku tusayaan
sida ay malaa'igtii Rabbi uga qayb
qaadatay dagaalkaas, nasrigii Allaahna
ugu dhaboobay goobtaas. Cid walba oo u istaagta manhajka Alle
iyo in ay kalimaddiisu kor noqoto Allaah
waa u gargaarayaa, ciddii ka hor
timaadda manhajkiisa oo diaacda jidka
sheydaankana Allaah garabkooda ayuu
ka baxayaa. Sidaa darteed nimankii qureysh ahaa garabkooda ayuu Allaah ka
baxay, safafkoodiina way kala jajabeen,
waxayna bilaaben carar iyo insixaab (dib
u gurasho). Ninkii la oran jirey sheydaan oo awal
isku soo ekeysiiyey Suraaqa ibnu Maalik
sidaan soo sheegnayba oo laga soo
bilaabo ilaa Makka la soo socday, markuu
arkay malaa'igtii Allaah oo soo degayso
ayuu cararay. Xaarith ibnu Hishaam, oo ka mid ahaa odeyaashii qureysh, ayaa
sheydaankii tafta ku dhegay isagoo u
malaynaya Suraaqa ibnu Maalik,
markaasaa sheydaankii xabadka ku
dhuftay oo ku cararay. Ciidankii gaalada
qaar ka mid ah ayaa markaa ku qayliyey oo yiri "xaggee u socotaa Suraaqo?",
miyaadan dhihin waan idinla joogayaa
oo idin faaruqi maayo?", markaasuu yiri
"waxaan arkaa wax aydin arag , aniga
Allaah ayaan ka baqayaa". Allaahna
isagoo arrintaan tilmaamaya wuxuu yiri: ((MARKUU SHAYDAANKU U QURXIYAY
CAMALKOODA OO KU YIRI WAX IDINKA
QAALIB NOQON KARA OO AAD DAD AH
MAJIRO ANNA WAAN IDIN LA JIRAA,
MARKAY IS ARKEEN LABADII CIIDANNA
GADAAL BUU U GURTAY, WUXUUNA YIRI "ANIGA BARIBAAN IDINKA AHAY
WAXAANA ARKAA WAXAYDAAN ARAG,
WAXAANA KA BAQAYAA ALLE, OO
WUXUU ALLE AHAADAY MID CIQAABKIISU
DARAN YAHAY)), (Suuratul-Anfaal 48). Mujrimkii weynaa ee Abii Jahal markuu
arkay waxa ciidankiisii ku dhacay iyo
waxa uu Suraaqa ninkii uu u heystay
sameeyay, ayuu ciidankiisii la hadlay oo
ku yiri "yeysan idin niyad jebinin
khiyaanada Suraaqa, maxaa yeelay Maxammad ayuu ballan la lahaa,
yeysanna idin murug gelinnin dilitaanka
Cutba, Shayba iyo Waliid maxaa yeelay
way degdegeen, Laata iyo Cusaan ku
dhaartaye noqon mayno ilaa aan
Maxammad iyo dadkiisa xargo ku xirxirno, hama dilina ee soo qabqabta si
aan u ogeysiino xumaatadadii ay
sameeyeen". Hase yeeshee hantaatacaas
Abii Jahal waxba ciidankii uma siyaadin
maxaa yeelay xaqiiqdii ayey indhohooda
ku arkeen, meeshoodii ayeyna baqdintii iyo cararkii ka sii wadeen, qoortana
looga guray. Cabdiraxmaan ibnu Cawf wuxuu yiri
"maalinkii Badar anigoo safka ku jira
ayaa dhinacayga midig fiiriyey mise
waxaa jooga wiil da'yar, dhinacayga
bidix ayaan haddana fiirshey isna waxaa
joogey wiil da'yar oo kii hore le'eg , markaasaan is iri "waaba anigoo aan
aammin ku ahayn booska ay iga joogaan.
Ka dib labadii wiiil midkood ayaa isagoo
kii kale ka qarsanaya igu yiri "adeer Abii
Jahal i tus" markaasaan ku iri "adeer
maxaad ku samaynaysaa", wuxuu yiri "waxaaa la ii sheegay inuu caayi jirey
Rasuulka Allaah SCW, Ilaahay ay
nafsaddaydu gacantiisu ku jirtey baan ku
dhaartaye haddaan arko inaanan is
gefaynin ila midkayagii horreeyaa
dhinto", markaasaan la yaabay. Kii kale ayaa isna i qanjaruuftay oo sidii oo kale
igu yiri. Muddo yar ka dib waxaan arkay
Abii Jahal oo ciidankii dhex boodaya,
markaasaan labadii wiil ku iri
"miyeydiinaan u jeedin, wa kaas
saaxiibkiinnii aad i weydineyseen", markaas ayey hal mark isa sii daayeen
oo seefihii ku boobeen ilaa ay dhulka
dhigeen". Ka dib labdii wiil Rasuulka SCW
ayey u yimaadeen, wuxuu ku yiri
"kiinnee diley?", mid kasta wuxuu yiri
"aniga ayaa diley", Rasuulku SCW wuxuu yiri "ma masaxdeen seefihiinna?", waxay
dheheen "maya", markaas ayaa Rasuulu
SCW seefahodii eegay oo ku yiri
"labadiinnuba waa disheen". Dagaalku
markii uu dhammadayna hubkii Abii
Jahal wuxuu siiyey mid ka mid ah labadoodii oo la oran jirey ibnu Camar
ibnu Jumuux maxaa yeelay kii kale oo la
oran jirey Mucaad binu Cafraa' goobtii
ayuu ku shahiidey.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete