Casharka 37aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DAGAALKII BADAR [Qaybtii 4aad] Ku Xiriirsan Qaybtii 3aad ee Badar Markii dagaalkii dhamaaday ayaa
Rasuulu SCW yiri "yaa soo eegaya waxa
Abii Jahal lagu sameeyey?" markaas
ayaa asxaabta qaar ka mid ah baadi goob
u galeen. Waxaa helay Cabdullaahi ibnu
Mascuud isagii oo naf xumi ku jirto, Cabdullaahi qoorta intuu cag ka saaray,
garkana qabtay ayuu madaxa ruxay kuna
yiri "ma wuusan Alle ku hoojin cadowgii
Allow?". Abii Jahal wuxuu yiri "maxaa i
hoojiyey, ma nin tolkiis diley baan u
horreeyey, yaase maanta guusha helay?", Cabdullaahi wuxuu yiri "Alle iyo
Rasuulkiisa SCW ayaa helay". Markaasuu
Abii Jahal yiri "ari raaciiyow waxaad
maanta kortay meel sarreysa",
Cabdullaahi wuxuu yiri "weligeedba
islaamka ayaa sarrayn jirey". Ka dib Cabdullaahi intuu madaxii ka soo gooyey
ayuu u keenay Rasuulka SCW oo yiri
"Rasuulkii Allow, cadowgii Alle ee Abii
Jahal madaxiisii waa kan". Rasuuku SCW
markuu arkay wuxuu yiri "Allihii isaga
maahane uusan Ilaah kale jirin baan ku dhaartaye ma isagii baa?! Allaah ayaa
weyn, Allaah ayaa mahad leh, Allihii
yaboohiisii ku run sheegay, addoonkiisii
u gargaaray, axsaabtiina keligiis
jebiyey". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW yiri
"kani (Abii Jahal) waa fircoonkii ummaddaan". Wuxuu Nabigu SCW yiri "waxaan
aqoonsaday in rag reer bini Haashim ka
mid ah iyo kuwo kaleba la soo khasbay
oo ay san dagaalkeenna dooneyn,
haddaba qofkii la kulma qof reer banii
Haashim ah yuusan dilin, qofkii la kulma Abaa Bakhtari binu Hisham yuusan dilin,
qofkii la kulma Cabbaas binu
Cabdimudhalibna yuusan dilin waa la soo
khasbaye". Markaas ayaa Abuu xudeyfa
binu Cutba, oo aabbihiis, walaalkiis iyo
adeerkiis lagu dilay goobta, yiri "ma waxaan leyneynaa aabbayaashayo,
walaalahayo iyo qaraabadayo,
Cabbaasna waa iska deynaa? Ilaah baan
ku dhaartaye haddii aan la kulmo seef
baan ku dilayaa". Arrintii ayaa Rasuulka
SCW loo sheegay, markaas ayaa Cumar binu Khadhaab yiri "ii daa Rasuulkii
Allow aan seef qoorta uga gooyee, Ilaah
baan ku dhaartaye waa
munaafaqoobey". Abuu Xudeyfa wuxuu
dhihi jirey "kama aammin ihi kalimadii
aan iri maalinkii Badar, waana ka cabsi qabaa in la ii dhaafi doono ilaa in
shahaado (shahiidnimo) la iig dhaafo
maahane". Abuu Xudeyfa wuxuu
aakhirkii ku shahiiday dagaalkii
Yamaama. Ninkii la oran jirey Abaa Bakhtari oo
Rasuulku SCW yiri yaan la dilin, waxay
ahayd sababta loo yiri, markii Makka la
joogey ayuu Rasuulka SCW ka celin jirey
dadka, Rasuulka SCW iyo islaamkana wax
dhib ah uma geysan jirin, wuxuuna ka mdi ahaa raggii baabi'ieyey warqaaddii
kacbada ku dhegsaneyd ee lagu
cunaqabateeyey rer banii Haashi, hase
ahaatee ninkaas waa la diley oo rag
asxaabtii ka mid ah ayaa arkay isaga iyo
nin kale oo saaxiibkiis ah, markaasay ku dheheen "adiga kula dagaallami mayno
oo waa nalaka reebay dilitaankaaga",
markaasuu yiri "saaxiikayna" waxay
dheheen "ma deyneyno saaxiibkaa",
markaasuu ku yiri "haddaba waa wada
dhimanaynaa aniga iyo saaxiibkey", markaas ayey dagaallameen oo
labadoodiiba halkaas lagu diley. Sidoo kale Cabdirahmaan binu Cawf oo
wata canbuur bireedyo uu soo
qaniimeystey ayaa wuxuu soo maray
Umaya ibnu Khalaf oo ahaa ninkii Bilaal
addoonsan jirey, ciqaabka daranna
mariyey (markii uu Bilaal islaamay) iyo wiil uu dhalay Umaya oo la oran jirey Cali
oo meel taagan markii ay arkeen in
aysan fakan karin, markaasaa Umaya la
hadlay Cabdiraxmaan oo ay ahaan jireex
saaxiibbo waqtigii jaahiliga ee Makka la
joogey, wuxuuna ku yiri "canbuur bireedyadan aad wadato anigaa kaga
faa'iido badan ee miyaadan xoolo
dooneyn "oo uu ula jeeday in isaga iyo
wiilkiisa uu qafaalo si aan loo dilin,
dabadeedna ay hadhow xoolo tiro badan
isku furtaan. Cabdirahmaan, intuu canbuur bireedyadii tuurey, ayuu
kexeeyey Umaya iyo wiiliisi", goor uu sii
wado ayuu Umayd ku yiri Cabdiraxmaan;
"kumuu ahaa ninkii riishadda xabad ku
watay? markaasuu Cabdiraxmaan yiri
"wuxuu ahaa Xamsa ibnu Cabdimudhalib", Umaya wuxuu markaa
yiri "kaas ayuu ahaa ninkii arrinta nagu
sameeyey (na laayey)". Cabdiraxmaan
wuxuu yiri "goon aan dhexda sii
marinayo ayaa waxaa arkay Bilaal,
markaasuu dhawaaqay oo yiri "waa madaxii kufriga Umaya ibnu Khalaf
magangal kuuma sugnaan", markaasaan
iri "waa u sugnaaday magangal", Bilaal
ayaa markaa aad u dhawaaqay oo yiri
"Ansaartii Allaay waa kufriga Umaya
ibnu Khalaf magangal uma sugnaan". Ka dib way na hareereeyeen, aniguna waan
isku daboolay, markaas ayey wiilkiisii
seef lug uga gooyeen, Umaya ayaa
markaa qaylo aanan weligey iyadoo kale
maqal ku qeyliyey, markaas ayaan ku iri
"badbaadi naftaada magangal kuuma sugnaanine, aniguna Ilaah baan ku
dhaartaye wax kuuma tari karo". Ka dib
seefihii ayaa lagu boobey ilaa laga
takhalusay labadoodiiba". Cabdiraxmaan
mid ka mid ah seefihii muslimiinta ayaa
dhudhunka uga dhacday, ka dib Cabdiraxmaan wuxuu dhihi jirey "Alle ha
u naxariisto Bilaal dhudhunkeygii ayuu
dhaawacay, asiirkieygiina
(qafalkeygiina) waa diley". Cumar binu Khadhaab sidoo kale wuxuu
maalinkaas diley abtigiis Caasin binu
Hishaam, Abuubakarna wuxuu u
dhawaaqay wiilkiisii Cabdiraxmaan oo
dhinaca gaalada ka soo jeedey isagoo leh
'qurunyahow meeyey maalkeygii", markaasuu Cabdiraxmaan yiri "waxaa ka
haray hub, faras carbisan iyo seef dileysa
duq baadiyoobey". Waxyaabihii mucjisaadka ahaa ee
meeshaa ka dhacay waxaa ka mid ahaa;
ninka la yiraahdo Cukaasha binu Muxsin
ayaa waxaa jabtay seeftiisii, markaasuu
Rasuulka SCW u yimid isagoo seef ka
doonaya. Rasuulku SCW, wuxuu siiyey qori wuxuuna ku yiri "ku dagaal
Cukaash". Markii uu Cukaasha qaatay
ayey ruxantay oo noqotay seef dheer oo
adag, birteeduna caddahay, dagaalkii
ayuuna ku galay Cukaasha, waxaana
seeftaa la dhihi jirey Cawn, wuuna heysan jirey oo wuxuu ku geli jirey
jikhaadyada ilaa uu aakhirkii ku
shahiidey dagaalkii uu Abuubakar ku
qaaday dadkii riddoobey markuuu
Rasuulku SCW geeriyoodey. Sidoo kale
waxyaabihii uu iimaanku ka muuqday ee goobtii badar ka dhacay waxaa ka mid
ahaa; markuu dagaalku dhammaaaday
ayuu Muscab binu Cumeyr soo maray
walaalkiis Abii Casiis binu Cumeyr oo nin
muslim ihi soo qafaalay. Markaasuu ku
yiri "si fiican u adkee hooyadiis xoolo ayey leedahay oo waxaa la arkaa in ay
furato". Abuu Casiis aya markaas yiri "ma
taas ayaad ii dardaarantay
walaalkayow". Muscab wuxuu yiri "kan
ayaa walaalkay ah" oo uu ula jeeday
saxaabigii waday. Arrimahaas oo ku tusinaya sida uu
asxaabta Rasuulka SCW iimaanku
qalbigooda u degey oo aysan wax yar oo
naxariis ah ugu hayn dadkaas Ilaahay
diintiisii iyo manhajkiisii la colleytamay
haba ahaadeen aabbayaashood, addeeradood, walaalahood,
abtiyaashood ama qaraabadoodii.
Waxayna ku run shegeen aayaatkii
Allaah sida kuwaan: ((KUWA MU'MINIINTA AHW HAKA
YEELANINA AABAYAALKIIN IYO
WALAALIHIIN WALIYO HADDAY
GAALNIMO KA JECLAADAAN IIMAANKA,
CIDII KA WALI DHIGATA (GAALO) OO
IDINKA MIDA, KUWAASAA UN DAALIMIIN AH)), (Suuratu-Tawbah 23). ((MA HELAYSID DAD RUMEEYEY ALLE IYO
MAALINKA AAKHIRO IN AY
JECLAADAAAN CID KHILAAFTAY ALLE IYO
RASUULKIISA, HABA AHAADAAN
AABAYAALKOOD, CARUURTOODA,
WALAALAHOOD, IYO QARAAABADOODA, KUWAAS (AAN JECLAANIN GAALADA)
WAA KUWA QULUUBTOODA LAGU QORAY
IIMAANKA, WUXUUNA (ALLE) KU
XOOJIYEY GAG GAAR XAGIISA KA
AHAADAY, WUXUUNA GALINAYAA
JANNOOYIN AY HOOSTEEDA SOCONAYAAN WABIYAAL, WAYNA KU WAARAYAAN
DHEXDEEDA, ALLE WAA KA RAALI
NOQDAY IYANA WAA KARAALI NOQDEEN,
KUWAASI WAA XISBIGA ALLE, XISBIGA
ALLE UN BAANA LIIBAANAY)), (Suuratul-
Mujaadala 22). Ugu dambayntii markii dagaalkii
dhammaaday, jab iyo halaagna ku
habsaday ciidankii kufriga ee difaacayey
waddada baadhilka ah ee sheydaanka,
ayna u qaybsameen wax dhintay, wax la
qafaashay iyo wax cararay oo uu dhaawac ka buuxo, Allaahna uu guul iyo
nasri u soo hooyey xisbigiisii u
dagaallamayey in kalimadda Allaah kor
noqoto, kalimadda sheydaankuna
hooseyso, goobtiina ay iyagu furteen oo
u hareen, ayaa Rasuulku SCW wuxuu amray in ceel ka mid ahaa ceelashii
Badar lagu guro bakhtigii gaalada,
markaas ayaa lagu guray iyadoo qof qof
laagu ridayo. Dadkii muslimiinta ahaa ee goobtaas ku
shahiiday waxay dhammaayeen 14 nin; 6
Muhaajiriin ah iyo 8 Ansaar ah,
gaaladana waxaa ka dhintay 70 nin oo u
badnaa madaxdoodii iyo odeyaashoodii,
waxaana laga qafaashay 70 nin oo kale. Rasuulku SCW raggii odeyaashooda ahaa
ayuu magacyadoodii ugu yeeray oo ku
yiri "ma idin farax gelineysaa in aad
Ilaah iyo Rasuulkiisa adeecdaan? annagu
waan helnay wuxuu Rabbigayo noo
ballan qaaday isaga oo xaq ah ee ma hesheen wuxuu Rabbigiin idiin ballan
qaaday isaga oo xaq ah?" Cumar binu
Khadhaab ayaa Rasuulka SCW ku yiri
"Rasuulkii Allow maxaad ula hadlaysaa
jir aan naf lahayn?", wuxuu markaas
Nabiga SCW yiri "Allihii nafsadda Maxammad gacantiisa ku jirtey baan ku
dhaartaye ugama maqal badnidin waxa
aan leeyahay, laakiin ma jawaabayaan".
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete