Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 23AAD

ABUU DAR AL-QHIFAARI ”SAXAABIGII SOO ISLAAMIYAY TOLKIISOO IDIL” (23) Togga lagu magacaabo ”WADDAAN”
ayeey degganaayeen qabiilka reer
Qhifaar. Xoogaaga ay u soo tuuraan
socotada qureysh ee u kala goosha
magaalooyinka Shaam iyo Xijaaz ayeey
ku noolaayeen. Mararka qaarkood waxaa dhacda inay si awood leh ay cuntada uga
qaataan, waa haddii aynan siinin
markaas waxay doonayeen. Haddaba, Saxaabiga la yiraahdo Jundub
Binu Junaada, kunyadiisuna tahay Abuu
Dar ayaa wuxuu ka dhashay qabiilkaas
aan soo sheegnay ee Qhifaar. Hase
ahaatee, wuxuu qabiilkiisa kaga
duwanaa isagoo ku caanbaxay caqli hufnaan, garaad sarreeya iyo isagoo lagu
yaqiinay inuu lahaa aragti aad u xeel
dheer. Kuma uusan uu niyad fiyoobeen
sanamyada ay caabudayeen tolkiisa.
Wuxuu si daran uga soo horjeeday waxay
carabtu ku sugnaayeen oo ah cibaado qaldan, iyo caqiido aan waxna ka jirin. Wuxuu u hanqal-taagayay inuu soo baxo
Nebi cusub oo buuxiya dadka laabtooda,
isla markaasna ka saara dadka
mugdiyada iyo baadida ay ku sugan
yihiin, una saara iftiinka iyo nuurka xaqa
ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii danbe Abuu Dar soo gaaray –
isagoo ku sugan miyiga- wararka
sheegaya Nebiga cusub ee ka soo bixi
doona magaallada Makka. Abuu Dar oo
doonaya inuu ka sal gaaro warkaas ayaa
wuxuu ku yiri walaalkiis Aniis hadalladan “Aniisow waxaad u kicitintaa Makka, oo
waxaad is-dul-is-taagtaa wararka
sheegaya ninka lagu sheegay inuu yahay
Nebi, oo xagga samadana looga
waxyoonayo. Hadalladiisa bal noo soo
dhageyso, dabadeedna iila imoow wuxuu sheegayo”. Aniis oo ay walaalo ahaayeen Abuu Dar
ayaa durbadiiba u kicitimay Makka.
Nasiib wanaag, markii uu yimid Makka
wuxuu la kulmay Rasuulka (scw), wuuna
dhageystay hadalladiisa, kadibna wuxuu
ku soo laabtay miyigii uu ku sugnaa Abuu Dar. Abuu Dar ayaa si xiiso leh uga
dhageystay walaalkiis Aniis wararkii ku
saabsanaa Nebiga (scw). Aniis wuxuu ku yiri Abuu Dar “walaahi
waxaan soo arkay nin dadka ugu yeeraya
akhlaaqda suubban, isla markaasna ku
hadlaya hadallo aan ahayn sixir”. Abuu
Dar ayaa weydiiyay Aniis “dadku maxay
lahaayeen?”. Aniis ayaa ugu jawaabay “waxay lahaayeen waa sixiroole, faalalow
iyo gabyaa”. Markii uu Abuu Dar maqlay hadalladaas
waxaa sii korodhay xiisihiisii uu u qabay
inuu soo arko Nebiga cusub, sidaa
darteed wuxuu ka codsaday walaalkiis
Aniis inuu u kafaalo qaado caruurtiisa
intuu maqan yahay, sidiina ayuu ugu diyaar garoobay safarka Makka, kadib
markii uu aqbalay Aniis dalabkii Abuu
Dar, isagoo u dardaarmay-na inuu ka
digtoonaado dhibaatooyinka kaga imaan
kara reer Makka. Sahankii uu ugu jiray diinta
xaqa ah Abuu Dar wuxuu u sahay qaatay safarkii
Makka, isagoo horey u sii qaatay
sibraartiisii biyaha ugu jiray, wuxuuna
cagta saaray waddadii Makka, si uu uga
gun-gaaro yoolkiisii ahaa inuu soo arko
Nebiga iyo dhammaan wararka isaga ku saabsan. Ugu danbeyntii, wuxuu Abuu Dar yimid
magaallada Makka isagoo aad uga
cabsanaya inay dhibaatooyin ka soo
gaarto reer Makka. Wuxuu Abuu Dar
horey u ogaa carada iyo ciqaabta daran
ee gaallada reer Makka ay marinayaan qof kasta oo raaca ama ay naftiisa ugu
sheekayso inuu raaco diinta Nebi
Muxammad. Sidaa darteed, wuxuu Abuu
Dar dhibsaday inuu dadka weydiiyo
Muxammad. Maxaa yeelay, ma uusan
garanayn qofka uu weydiinayo markaas inuu noqon karo taageerayaasha
Muxammad iyo inuu noqon karo
cadowgiisa. Cali oo marti geliyay Abuu Dar Markii la gaaray habeenkii, wuxuu Abuu
Dar u diyaar garoobay inuu seexdo
masjidka. Iyadoo uu Abuu Dar ku sugan
yahay masjidka ayaa waxaa soo ag maray
Cali Bin Abii Daalib Allaha ka raalli
noqdee, wuxuuna gartay inuu yahay qariib ama marti. Cali ayaa ku yiri Abuu
Dar “ ninyahoow kaalay oo i soo raac”,
sidiina ayuu Abuu Dar ugu raacay Cali
gurigiisa. Markii la gaaray subixii, wuxuu
Abuu Dar soo qaatay sibraarkii iyo oleygii
ama qandigii uu horey u watay, wuxuuna ku soo laabtay masjidka, iyagoo aan is
wareysan. Maalintii labaad wuxuu Abuu Dar ku
dhammeystay isagoo aanan weli arag
Nebiga cusub ee uu ku rajo weynaa inuu
arko. Markii la gaaray habeenkii kale
wuxuu Abuu Dar u jiif-tagay masjidka.
Hase yeeshee sidii hore oo kale ayaa waxaa soo ag maray -markale- Cali Binu
Abii Daalib, wuxuuna ku yiri "soow lama
gaarin waqtigii uu ninkan aqoonsan
lahaa gurigiisa", dabadeedna wuxuu u
waday gurigiisa, sidiina ayuuna ula
seexday habeenkii labaad, iyadoo misna sidii oo kale ayna weli is wareysan. Waxaa dhammaatay muddadii martida.
Markii la soo gaaray habeenkii
saddexaad, Abuu Dar-na uu gudbay
muddadii martida ayaa Cali si
degganaansho leh u weydiiyay, isagoo ku
leh "kawaran haddaad ii sheegtid sababta aad u timid Makka?". Abuu Dar
wuxuu Cali ku yiri "haddaad ballan adag
iga qaaddid inaad i tusinaysid waxaan
doonayo waan kuu sheegayaa". Cali wuxuu Abuu Dar ka ballan qaaday
inuu fulin doono ballantii uu la galay
isaga. Abuu Dar wuxuu yiri
"waxaanMakka uga imid meel aad u fog,
dantayduna waa sidii aan ula kulmi lahaa
Nebiga cusub iyo inaan dhageysto hadalladiisa". Farxad awgeed waxaa fur-
furantay wejigii Cali Binu Abii Daalib,
wuxuuna ku yiri Abuu Dar "wallaahi
ninkaad sheegtay waa Rasuulkii Alle ee
xaqa ahaa", wuxuuna intaa u raaciyay
"markii la gaaro subixii anniga ayaad i soo raacaysaa, haddaan arko wax aan
kaaga cabsanayo waxaan u istaagayaa
sida annigoo la moodo inaan daadinayo
biyo oo kale, haddaan sii wato socodkana
i soo raac jeer aad ka gashid meesha aan
galo". Abuu Dar labo indhood isuma keenin
habeenkaas, hilowga daran uu u qabo la
kulanka Nebiga cusub awgeed. Subixii
markii la gaaray, waxay Cali iyo Abuu Dar
yimaadeen gurigii Nebiga (scw). Markii
uu yimid Abuu Dar wuxuu ku salaamay Rasuulka (scw) salaantii ay carabta isku
salaami jireen ee ahayd "cimta
sabaaxan" ama "subax wanaagsan", hase
ahaatee Rasuulka (scw) ayaa u sharxay
inay muslimiinta isku salaamaan salaan
ka duwan taas. Riwaayad kale ayaa sheegaysa inuu Abuu Dar ku salaamay
Rasuulka (scw) salaanta islaamka, sidaa
darteed ayaa loo yiraahdaa wuxuu Abuu
Dar ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku
salaama Rasuulka (scw) salaanta
islaamka, dabadeedna sidaas ayeey ugu dhex shaacday muslimiinta. Rasuulka (scw) wuxuu u soo
jaleecay, soona qaabilay
xaggii Abuu Dar, isagoo ugu
yeeraya inuu soo islaamo,
wuxuu ku dul aqriyay
qur'aanka. Wax yar kamaba soo wareegan jeer
durbadiiba uu Abuu Dar ku
dhawaaqo towxiidka,
wuxuuna ku soo biiray
diintii cusbeyd isagoo weli ku sugan
fadhigii iyo goobtii uu joogay Nebiga (scw). Abuu Dar wuxuu galay lambarkii
afaraad ama shanaad ee soo islaama.
Sheekooyinka Abuu Dar ee haray-na bal
isaga laf-ahaantiisa ha inoo sii daadiyo. Abuu Dar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu
yiri: Wixii intaa ka danbeeyay waxaan
magaallada Makka la joogay Rasuulka
(scw). Wuxuu i baray guud ahaan aqoonta
la xiriira diinta islaamka, wuxuu igu
aqriyay qaar ka mid ah qur'aanka, kadibna wuxuu igu yiri "inaad soo
islaamtay qof deggan Makka ha u
sheegin, waxaan ka cabsanayaa inay ku
dilaan". Waxaan ku iri, waxaan ku
dhaaranayaa Allaha ay naftayda
gacantiisa ku jirto inaanan joogi doonin Makka jeer aan ka tago masjidka
Xaramka, si kor lehna aan ugu dhawaaqo
dacwada xaqa ah iyadoo ay arkayaan
gaallada qureysh. Rasuulka (scw) jawaab
kama bixin, oo wuu aamusay. Waxaan imid masjidka, iyadoo qureysh-
na ay fadhido oo ay sheekaysanayaan.
Dhexdooda intaan galay, ayaan codkayga
kor ugu qaaday annigoo leh "jamaacada
qureeshay, waxaan si dhab ah u qirayaa
inuusan jirin Ilaah aan ka ahayn Allaha xaqa ah, waxaan kaloo si dhab ah u
qirayaa inuu Muxammad yahay Adeegihii
iyo Rasuulkii Alle". Hadalladaas markay si
fiican u gaareen dhegihii qureesh hal mar
ayeey si daran u fajacee, iyagoo aad u
careysan ayaa waxay ka kaceen fadhiyadoodii, waxayna yiraahdeen "ha la
qabto kan diintiisa ka gaaloobay".
Xaggeyga ayeey soo aadeen, waxayna
billaabeen inay i garaacayaan oo i
dilayaan, jeer uu iga soo gaaro Cabbaas
Binu Cabdil-Mudhalib oo Nebiga (scw) adeerkiis ahaa. Cabbaas ayaa isku kay
daboolay, si uu ii badbaadiyo,
dabadeedna wuxuu ku yiri "war ma
waxaad dilaysaan nin reer qhifaar ah,
iyadoo safaradiina ay maraan waddada
ayn deggaan reer qhifaar, sidiina ayeey faraha iiga qaadeen. Markaan soo miyirsaday, ayaa waxaan u
imid Rasuulka (scw). Markii uu arkay
Rasuulka (scw) dhaawaca i soo gaaray
ayaa wuxuu yiri "soow kaama reebin
inaad islaamkaaga shaacisid". Waxaan
iri, Rasuulkii Allow nafta ayaa sidaas doonaysay oo sidaas ayaan u sameeyay".
Rasuulka (scw) ayaa igu yiri "waxaad
aaddaa tolkaaga, waxaad uga
sheekaysaa waxaad aragtay iyo waxaad
maqashay, uguna yeer diinta Alle, maxaa
yeelay waxaa laga yaabaa inuu Eebbe (sw) adiga kugu anfaco iyaga, markaasna
iyaga dartood aad ajar u heshid.., hadday
ku soo gaarto inaan (si fiican) u soo
baxay ii kaalay anniga". Abuu Dar wuxuu yiri: waan soo kicitimay,
waxaana imid magaalooyinkii ay
degganaayeen tolkayga qhifaar. Waxaa
ila kulmay walaalkay Aniis, wuxuuna igu
yiri "maxaad sameysay". Waxaan ku iri,
waan soo islaamay, oo waxaan rumeeyay Eebbe (sw). Maba uusan sii joogin
walaalkay Aniis, jeer uu Eebbe (sw)
laabtiisa ku waasiciyay diinta islaamka,
wuxuuna igu yiri "ma nacayo diintaada,
annigana dhinacayga waan islaamay oo
sidaadoo kale waan rumeeyay". Intaa kadib, waxaan u nimid hooyadeen,
waxaan u soo bandhignay diinta
islaamka, waxayna nagu tiri "ma nacayo
diintiina" sidiina ayeey ku islaamtay.
Wixii ka danbeeyay maalintaas, waxay
qoyskii muslimka ahaa guda galeen inay ku dhex fidinayaan qabiilka qhifaar
diinta islaamka, jeer ay markii danbe ka
soo islaamkaan qabiilkaas khalqi aad u
fara badan, dhexdoodiina laga oogay
salaadda. Inkastoo qabiilka qhifaar ka soo
islaameen dad aad u fara badan, haddana
qaar kale ayaa goostay inay islaamkooda
la sugaan inta uu Rasuulka (scw) ka
imaanayo magaallada Madiina. Hase
ahaatee, kolkii uu Rasuulka (scw) soo galay magaallada Madiina way soo
islaameen dhammaantood. Maalmo kahor
qabiilka qhifaar hal nin ayaa muslim ka
ahaa, laakiinse waqti yar kadib wuxuu
Eebbe (sw) qaddaray inay dhammaan
qabiilka qhifaar ay u soo wafdiyaan Rasuulka (scw) iyagoo muslimiin ah. Rasuulka (scw) ayaa si farxad, naxariis iyo
muusood weyn aad u weyn ku dheehan
tahay u eegay wejiyadii reer qhifaar,
wuxuuna isagoo u duceenaya ku yiri
"qhifaar Allaha u denbi dhaafo", wuxuu
misna jaleecay qabiilka reer Aslam oo iyagana ku soo islaamay gacantii Abuu
Dar, wuxuu sidoo kale iyagana Rasuulka
(scw) ku yiri "aslam Allaha nabad geliyo". Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Abuu
Dar negaa miyiga, jeer laga soo gaaro
dagaalkii Badr, Uxud iyo Khandaq. Intaa
ka dib, wuxuu ku soo laabtay magaallada
Madiina, wuxuuna u go’ay la-jirka
Rasuulka (scw), isagoo weydiistayna inuu u istaago adeegga iyo khidmada
Rasuulka (scw). Rasuulka (scw) si kal iyo
laab ah ayuu uga oggolaado codsigii Abuu
Dar, wuuna ku liibaanay khidmadiisa iyo
adeeggiisa. Rasuulka (scw) si aad u fiican ayuu u soo
dhoweyn jiray Abuu Dar. Ma dhicin inuu
Rasuulka (scw) uu la kulmay Abuu Dar,
markaasna uusann gacan qaadin oo
uusan si farxad leh ugu muusoon. Markii uu Rasuulka (scw)
geeriyooday, Abuu Dar wuu
u adkeysan waayay inuu ku
sii negaado magaallada
Madiina, kadib markii
magaalladaas uu ka dhintay sayidkeedii, ayna
cidloobeen fadhiyadii
cilmiga ee uu bixin jiray
Xabiibka Rasuulka (scw).
Wuxuu Abuu Dar u guuray
miyiga Shaam, halkaas ayuu negaa muddadii khilaafada
Abuubakar iyo Cumar
dhammaantood Allaha ka raalli noqdee. Markii la soo gaaray khilaafadii Cusmaan
Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli noqdee
ayaa uu Abuu Dar yimid magaallada
Dimshiq, wuxuuna arkay dadkii oo si xad
dhaaf leh ugu mashquulsan adduunyada.
Waxay la noqotay yaab iyo amakaag. Ma ahayn reero adduunyo Waxaa Abuu Dar loo soo bandhigay
dhaldhalaalka adduunka iyo inuu xittaa
madax ka noqdo Ciraaq oo wuu diiday,
wuxuuna dadka aalaaba uga digi jiray
inay ku kadsoomaan fidnada adduunka
iyo in laga fogaado madaxtinimo- jaceylka. La yaab malahan inuu sidaas
Abuu Dar ku sifaysnaa, maxaa yeelay
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu horey u oggaa
runta xeesha dheer iyo aragtida
sawaabka badan ee uu xanbaarsanaa
Abuu Dar. Sidaa darteed, wuxuu Suubbanaha Rasuulka (scw) kula
dardaarmay Abuu Dar inuu badiyo
dulqaadka faraha badan iyo samir badan. Dulqaado intaad igala
kulmaysid Maalin maalmaha ka mid ah ayuu
Rasuulka (scw) weydiiyay Abuu Dar su'aal
macnihiisu ahaa "Abuu Darow, kawaran
haddaad gaartid madaxdii oo naftooda
ugu tala galay hantidii qaniimada". Abuu
Dar ayaa ku yiri Rasuulka (scw) "haddaba Allaha xaqa kugu soo saaray ayaan ku
dhaartaye inaan seeftayda kaga
shaqeenayo kuwaas". Rasuulka (scw)
ayaa haddaba siiyay Abuu Dar
dardaarankan "ma ku tusaa wax ka kheyr
badan taas?.., sabar oo dulqaado jeer aad igala kulantid". Abuu Dar si wacan ayuu u xasuusan jiray
dardaarankaas uu siiyay macalinkiisii
weynaa ee isaga wax baray, oo seeftiisa
weligiis ulama bixin mid ka mid ah
madaxda muslimiinta. Hase ahaatee,
waxaa hubanti ah in uusan ka aamusin marnaba qaladaadkooda ay
samaynayeen. Maxaa yeelay wuxuu ogaa
in ay furan tahay waddada wax-sheegga
iyo nasteexada. Sidaan horey ugu
sheegnay, maadaama aynan jirin
qaladaad iyo khilaaf sidaas u sii weyn muddadii khilaafada Abuubakar iyo
Cumar, laakiin muddadii khilaafada
Cusmaan ayaa wuxuu Abuu Dar oo
markaas joogay Shaam uu arkay inay
muslimiintii si ba'an u qaabileen
dhaldhalaalka adduunyada iyo iyagoo ku mashquulay raaxaysiga adduunyada,
taasoo isaga ku qasabtay inuu si daran
isu hortaago, dadkana ugu yeero ka
foggaanshaha fidnada adduunyada. ugu bishaareeya kuwa
maalka kaydsada kaawado
naareed Goob kasta uu deggo, magaallo kasto uu
galo iyo amiir kasta uu la kulmo wuxuu
Abuu Dar oran jiray oraahdan uu ku caan
baxsanaa "ugu bishaareeya kuwa maalka
kaydsada kaawado naareed", isagoo ka
soo qaatay hadalkaas aayaddii uu Alle ku lahaa "kuwa kaydsada dahabka iyo
fiddada oo aan ku bixin waddada Alle
ugu bishaareeya cadaab daran".
(suuradda Al-towbah 34). Marka dadku ay
meel dheer ka soo arkaan Abuu Dar
waxay kula hortagi jireen oraahdan aan kor ku soo xusnay "kuwa kaydsada
dahabka iyo fiddada oo aan ku bixin
waddada Alle ugu bishaareeya cadaab
daran". Dooddii dhexmartay Abuu Dar
iyo Mucaawiye Madaxdii xukumaysay
Shaam ayaa dhibsaday
dhaqdhaqaaqa uu wado
Abuu Dar. Mucaawiya Binu
Abii Sufyaan oo xilligaas xukumayay
Dimishiq iyo Abuu Dar ayaa waxaa dhex martay dood aad u kulul (ka aqri kutubta
siirada ee ay qoreen culumada islaamka.
Qodobbadii uu Abuu Dar kala doodayay
Mucaawiye ayaa ka mid ahaa guryihii uu
ku lahaa Shaam iyo guriga uu ku lahaa
Makka iyo halka uu ka helay hantidaas. "soow ma tihidiin dadkii joogay markii
uu qur'aanka ku soo degayay Rasuulka
(scw)" ayuu Abuu Dar weydiiyay
su'aashaan xeyn saxaabo ahayd oo meel
fadhiyay. Isaga ayaa uga jawaabay
su'aashoodii, oo wuxuu yiri "haa, waxaad tihiin dadkii uu qur'aanka soo deggay
idinkoo nool, waxaadna kala qayb
gasheen Rasuulka (scw) dagaallo badan".
Abuu Dar wuu sii waday hadalka, oo
wuxuu yiri "war miyeydan aayaddan ku
jirin qur'aanka", isagoo aqriyayna aayaddan "kuwa kaydsada dahabka iyo
fiddada oo aan ku bixin waddada Alle
ugu bishaareeya cadaab daran, maalinta
lagu gubayo hantidaas naarta jahannamo
ay ku guban wejiyadooda, dhinacyadooda
iyo dhabarkooda, laguna oran kani waa waxaad u kaydsanayseen naftiina ee
dhadhamiya waxaad kaydsanayseen
ciqaabtiisa". ( suuradda Al-towbah 34). Mucaawiye ayaa hadalka qaatay,
wuxuuna ku yiri "aayaddan waxaa lagu
soo dejiyay ahlul-kitaabka -yahuud iyo
kiristaan-". Abuu Dar ayaa si sare leh kor
ugu qaaday codkiisa, isagoo leh "maya,
balse waxay ku soo degtay innaga (muslimiinta) iyo ahlul-kitaabka-ba".
Wuu sii watay Abuu Dar hadalkiisa,
isagoo nasteexo u soo jeediyay
Mucaawiye iyo madaxda la socotoba inay
isaga baxaan guryaha ay ku jiraan iyo
beeraha ay leeyihiin, iyo inaynan naftooda u kaydsan wax hanti ah wixii
maanta ka danbeeya. Mucaawiye wuxuu u cabsaday xukunkiisa,
waxaa cabsi gelisay hadalladii Abuu Dar.
Hase ahaatee, dhinaca kale, wuxuu
Mucaawiye si fiican u ogaa
mudnaanshaha iyo booska uu ka joogo
Abuu Dar, sidaa darteed ma uusan u geysan wax dhibaato ah. Laakiin,
durbadiiba wuxuu warqad u diray
Cusmaan Binu Caffaan Ilaah ha ka raalli
noqdee, isagoo ku leh "ninkii Abuu Dar
ahaa wuxuu nagu diray dadkii degganaa
Shaam". Waxyar kadib, waxaa Abuu Dar u timid warqad ka socota amiirul-
mu'miniinka Cusmaan, isagoo u sheegay
inuu ku soo laabto magaallada Madiina. Al-Rabada ayuu deggay "waxna kuma falayo adduunyadiina" ayuu
Abuu Dar ku yiri Cusmaan markii uu yimid
Madiina, kadib markay labadooda dhex
martay dood aad u dheereed, ugu
danbeyntiina wuxuu deggay tuullada lagu
magacaabo Al-Rabada, kadib markii uu sidaas kula taliyay ama faray Cusmaan
Binu Caffaan. Al-Rabad-adii cidlada ahayd
ayuu iska negaa Abuu Dar waqtigii
danbe, isagoo isaga fogaaday dadka, si
fiicana u haysta hanuunkii ay ku
sugnaayeen Rasuulka (scw) iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), isagoo
dunidan dhow-na ka doortay tii baaqiga
ahayd. Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar wuxuu
ku tilmaaanaa zuhdi aad u weyn. Maalin
maalmaha ka mid ah, waxaa Abuu Dar
gurigiisa soo galay nin, markaasuu ninkii
isha mariyay gurigii Abuu Dar, mana
uusan ku dhex arag gurigii wax alaabo ah oo yaalay. Ninkii wuxuu Abuu Dar ku yiri
"Abuu Darow aaway alaabtiinii?!". Abuu
Dar ayaa ku yiri "guri kale ayaa halkaa
(aakhiro) ku leenahay, gurigaas ayaan
alaabteena wanaagsan dhiganaa". Ninkii
wuu fahmay ulajeeddada Abuu Dar, wuxuuna ku yiri "laakiin waxaa lagama
maarmaan ah inaad guriga dhigatid
alaab inta aad deggan tahay". Abuu Dar
ayaa ku yiri "laakiin waxaad ogaataa in
ninka iska leh guriga uusan marnaba
nooga tagaynin guriga". Dardaarankii Rasuulka (scw)
ee Abuu Dar Maalin ayaa intuu Abuu Dar fariistay yiri
hadalladan "saaxiibkaygii aan jeclaa
(waa Rasuulka s.c.w) ayaa wuxuu ii
dardaarmay 7 waxyaabood, waxayna kala
ahaayeen:- 1) wuxuu i faray jaceylka masaakiinta, iyo
inaan iyaga ka mid noqdo 2) wuxuu i faray inaan eego qofka iga
hooseeya, oo aanan eegin qofka iga
sareeya 3) wuxuu i faray inaan qofna wax
weydiisan 4) wuxuu i faray inaan xiriiriyo qaraabada 5) wuxuu i faray inaan ku hadlo xaqa,
haba qaraaraadee 6) wuxuu i faray inaan Alle dartii uga
cabsan mid canaanaya canaantiisa 7) iyo inaan badiyo oraahda: LAA XAWLA
WA LAA QUWATA ILLAA BILLAAHI Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay
dhammaan dardaarankaas wanaagsan ee
uu siiyay macalinkii insaaniyadda ee
dunidan soo mara. Cali Binu Abii Daalib
Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka
sheekeenaya Abuu Dar yiri "maanta lama arko qof si Alle dartii aan ugu aaba-yeelin
mid canaanaya canaantiisa aan ka ahayn
Abuu Dar". Waa hubaal hadalkaas, oo
wuxuu si bareero leh ugu nasteexeen
jiray madaxda muslimiinta, isagoo aan ka
cabsanaynin awoodda ay leeyihiin. Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray,
iyagana ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna
ma weydiisan maal ama hanti. Amiirka
gobolka Shaam ayaa mar u soo diray
lacag gaaraysa ilaa 300 diinaar, isagoo ku
yiri "lacagtaan danahaaga ugu kaalmayso". Jawaabtii Abuu Dar waxay
ahayd inuu lacagtii ku celiyay amiirkii,
isagoo intaas daba dhigayna “amiirka
shaam ma wuxuu waayay qof anniga iga
tabar daran”. Allaha ka raalli noqdee Abuu Dar Al-
Qhifaari wuxuu sannadkii 32-aad ee
hijriga ku dhintay tuulladii cidlada ahayd
ee Al-Rabada, weliba isagoo kelligiis ah,
sidii uu horey ugu yiriba Rasuulka (scw)
"Allaha u naxariisto Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo kelligiis ah, wuxuu
dhiman doonaa kelligiis, waxaana la soo
saaro doonaa (qiyaamaha) kelligiis.
Waxaana intaas ku dhammaatay
sheekadii saxaabigii qiimaha badnaa
Abuu Dar Al-Qhifaari Allaha ka raalli noqdee.

No comments:

Post a Comment