Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 24AAD

AL-RABIIC BINU ZIYAAD AL- XAARITHI "MA JIRAAN QOF SIDAADOO KALE RUNTA IIGU SHEEGAY LAGA SOO BILLAABO MARKII LA I DOORTAY" CUMAR BINU KHADAAB. (24) Waxay ahayd goor ay magaalladii
Rasuulka (scw) ee Madiina aynan weli
hilmaamin murugadii uga timid geeridii
khaliifkii muslimiinta ee Abuubakar
Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee. Waxay
ahayd xilli ay wufuuddii ka kala imaanayay jihooyinkii kala duwanaa, si
ay u doortaan Cumar Binu Khadaab,
iyagoo ballan kula galaya inay siiyaan
maqal iyo aqbalitaan waqti kasta oo lagu
jiro. Haddaba, goor subax ay tahay ayaa
waxaa Amiiral-mu’iniinkii cusbaa u soo
galay wafdi ka yimid Baxrayn, waxaa
wafdigaas la socday kooxo kale oo
iyagana la socday wafdiga. Allaha ka
raalli noqdee, Cumar Binu Khadaab wuxuu si xiiso ay ku jirto u
dhageysanayay hadalladii iyo
dardaaramadii ay u soo jeedinayeen
wufuuddaas, bal si uu uga helo talooyin
iyo tusaale wax ku ool ah oo isaga
anfacda. Cumar oo ay saamaysay
waanadii Al-Rabiic Wuxuu Cumar Binu Khadaab hadalka u
fasaxay wufuuddii, hase ahaatee
hadalladoodii ma uusan ka helin hadal
naftiisa sidaas u sii saamaysay, wuxuuna
markii danbe milicsaday nin uu kheyr ka
fishay, ninkii ayuu u baaqay inuu hadlo, wuxuuna ku yiri “bal adigana soo daa
waxaad hayso”. Ninkii wuxuu ku
mahadiyay Eebbe (scw), wuuna amaanay,
dabadeedna wuxuu yiri:- “adiga amiiral-
mu’miniinoow waxaad ogaataa inaanan
ummadda madax lagaaga dhigin aan ka ahayn inay tahay imtixaan uu Alle kugu
imtixaanayo, ee Alle uga cabso wixii
madax lagaaga dhigay, waxaadna
ogaataa in haddii hareeraha webiga
Furaat ay ku lunto neef ari ah in
xaggeeda lagaa weydiin doono maalinta qiyaamaha”. Cumar Binu Khadaab waxaa si weyn u
saamaysay hadalkii uu yiri ninkaas,
markaasuu ooyay, wuxuuna yiri “ma jiro
qof laga soo billaabo markii aan khaliifka
noqday iigu run sheegay sidaad adiga
runta iigu sheegtay, ee kumaad tahay adiga?”. Wuxuu yiri “Al-Rabiic Binu Ziyaad
Al-Xaarithi”. Cumar ayaa haddana
weydiiyay “oo ma waxaad la dhalatay
Haajir Binu Ziyaad?”. Wuxuu yiri “haa”. Markii ay dadkii ka kala dareereen
fadhigii uu fadhiyay Amiiral mu'miniinka
Cumar Binu Khadaab, ayaa Cumar ku yiri
Abuu Musa Al-Ashcari “waxaad noo soo
ogaataa arrinka ku saabsan ninkaan,
hadday daacad ka tahay hadalkiisaas waxaa hubaal ah inuu kheyr fara badan
wato, isla markaasna uu noo noqon karo
kaalmo weyn”. Kama soo wareegan
waqtigaas wax yar, jeer maalintii danbe
uu Abuu Muusaa Al-Ashcariy ka diyaariyay
ciidankii furanayay magaallada “MANAADIR” kana tirsan gobolka Al-
Ahwaz, isagoo markaas fulinayay amarkii
uu siiyay khaliifka muslimiinta ee Cumar
Binu Khadaab. Wuxuu Abuu Muusa ku
daray ciidankii muslimiinta Al-Rabiic Binu
Ziyaad iyo walaalkiis Haajir Binu Ziyaad. Furashadii Manaadir Ciidankii uu hoggaaminayay Abuu Muusa
waxay go’doomiyeen magaalladii
Manaadir, waxayna gaalladii degganayd
halkaas la galeen dagaal aad u weynaa
oo si daran labada dhinac loogu hoobtay.
Ciidankii gaallada waxay soo bandhigeen xeelad dagaaleed oo sarreysa, taasoo
sababtay in ciidamadii muslimiinta laga
laayo tiro aad u fara badan. Iyagoo sooman ayeey
dagaalamayeen Maalintaas ay muslimiinta dagaalka
galayaan waxay ahayd bil Ramadaan,
sidaa darteed waxay muslimiinta
dagaalamayeen iyagoo sooman. Markii uu
Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen Al-
Rabiic Binu Ziyaad arkay in dhimmashadii muslimiinta ay sii badanayso ayaa wuxuu
goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli
ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu markaas
naftiisa jidka Alle dartii u qaddimo. Sidaa
darteed wuxuu is mariyay barafuunka
ama cadarka la mariyo meydka, wuuna is kafnay, isagoo u dardaarmayna
walaalkiis. Maadaama uu Al-Rabiic Binu Ziyaad
Allaha ka raalli noqdee wuxuu jeclaystay
in walaalkiis iyo ciidamada
muslimiintaba ay afuraan, wuxuuna u
tagay Abuu Muusa Al-Ashcariyi oo
hoggaaminayay ciidanka, wuxuuna ku yiri “ninkii Muhaajir ahaa wuxuu goostay inuu
naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha
Eebbe (sw) weliba isagoo sooman,
muslimiintiina waxaa isugu darsamay
dagaalkii qaraaraa iyo iyagoo sooman,
taasoo tabar-yareysay niyaddooda, wayna diideen inay afuraan ee wixii kula quman
bal sameey”. Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa istaagay
isagoo u dhawaaqaya ciidanka, wuxuuna
ku yiri: “muslimiinoow waxaan goostay
oo go’aansaday in qof kasta oo sooman
uu afuro, ama uu isaga haro dagaalka”,
wuxuuna soo qaatay ibriiq/kirli biyo ku jiray, sidiina ayuu biyihii ku cabbay, si
dadkana ay u raacaan oo ay iyagana
afuraan, maadaama uu yahay amiirkooda
ay waajib tahay inay hadalkiisa aqbalaan.
Markii uu Muhaajir maqlay hadalkii uu yiri
Abuu Muusa ayaa wuxuu biyihii kabaday hal jeer, wuxuuna yiri “ wallaahi uma
cabbin oon i hayay dartii, hase ahaatee
waxaan meel marinayay dhaartii uu
dhaartay amiirkayga”. Waana tarbiyad ay
ka barteen macalinkoodii weynaa ee
Rasuulka (scw), oo wuxuu xaddiis macnihiisa ahaa ku yiri isagoo arrintan
ka hadlayaya "qofkii aqbala amiirkayga
waa qof i adeecay". Madaxii Muhaajir oo la
gooyay, lagana soo
laalaadiyay meel sare Intaa kadib, wuxuu Muhaajir seeftiisa
kala soo baxay galkeedii, sidiina ayuu ku
galay dagaalkii. Wuxuu seeftiisii ku kala
beeray safafkii dagaalka, wuxuuna
billaabay inuu si geesinimo leh oo aan
cabsi ku jirin uu dhulka u dhigo gaalladii uu la dagaalamayay. Inkastoo uu Muhaajir
muujiyay wacdarradaas weyn, haddana
waxaa markii danbe korkiisa dhinac
weliba ka haleeshay seefihii iyo warmihii
ay soo tuurayeen gaallada, ilaa markii
danbe uu dhulka ku dhaco isagoo dangiigan oo meyd ah. Dhinaca kale,
waxay gaalladii si aan naxariis lahayn u
soo goosteen madaxii Muhaajir, waxayna
ka soo laa-laadiyeen meel sare oo goobta
dagaalka ka mid ahayd. Al-Rabiic: waan ku aargudi
doonaa Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa
eegay walaalkiis Muhaajir
oo madaxiisa ka soo
laalaada meel sare,
markaasuu si ay
sugnaansho iimaaneed ku jirto u yiri "alla ayaan
badnidaa, waxaana kuu
sugnaatay meel loo dheelmado meeshii
ugu wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday
Jannada. Dhinaca kale, wuxuu Al-Rabiic
ballan ku galay inuu u aargudi doono walaalkiis, wuxuuna yiri "wallaahi ayaan
ku dhaaranayaa inaan kuu aargudi doono
adiga iyo muslimiinta la laayay-ba
inshaalah". Wuxuu la wareegay
hoggaaminta ciidanka Markii uu arkay Abuu Muusaa Al-Ashcariyi
sida uu Al-Rabiic uga walbahaaray
geerida sida saxariirta leh ugu timid
walaalkiis, ayaa waxaa la qumanaatay
inuu hoggaaminta ciidanka uu uga
tanaasulo Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic ula wareegay hoggaaminta ciidanka,
waxayna aadeen magaallada Suus si ay u
furtaan. Ciidamadii muslimiinta ee uu
hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa sidii
hufadii oo kale hal mar u galeen goobihii
ay degganaayeen gaallada. Dagaal ba'an oo dhex maray ciidamadii muslimiinta iyo
gaallada kadib, wuxuu Eebbe (sw) sabab
uga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad inuu
furto magaalladii la oran jiray Manaadir.
Waxay muslimiintii laayeen
dagaalyahaniintii gaallada ahaa, waxayna soo qafaasheen ubadkoodii,
iyagoo hantidoodiina intuu Alle doonay
qaniimaystay (qaniimada waa hantida
laga soo helo jihaadka). Xiddigii Al-Rabiic oo soo
birqay Dagaalkii Manaadir kadib waxaa birqay
xiddiggii Al-Rabiic Binu Ziyaad, wuxuuna
magaciisa ku faafay carab kasta iyo guud
ahaan muslimiintii waqtigaas. Wuxuu ka
mid noqday Al-Rabiic Binu Ziyaad
madaxda sare loo eego, kuwaasoo iyaga looga fursan waayo markay xaaladdu
qadhaadhaato. Muslimiintii markay
goosteen inay furtaan gobolka Sijistaan
waxay ballan adag ku galeen inuu Rabiic
la wareego hoggaaminta dagaalkaas,
iyagoo ka rajo qabay inuu u soo hoyan doono guulo waaweyn. Ciidamadii uu hoggaaminayay Al-Rabiic
Binu Ziyaad ayaa waxay u kicitimeen
dhulka Sijistaan iyagoo jidka Alle ku
duulaya. Wuxuu Al-Rabiic mariyay
ciidankiisa dhul lama galaan ah oo aad u
dheer aadna khatar u ah. Socod dheer kadib, magaalladii ugu horeysay ee uu la
kulmay waxay ahayd magaallada loo
yaqaano Rustaaqu Zaaliq, magaalladaan
oo xad la leh magaallada Sijistaan,
waxayna ahayd magaallada Rustaaqu
Zaaliq magaallo aad u cammiran, lehna daaro aad u dhaaheer, sidoo kale wax soo
saar badan. Waxaa magaallada ku
hareereesnaa dhufeysyo aad u waaweyn. Halyeeygii geesiga ahaa ee Al-Rabiic Binu
Ziyaad wuxuu intuusan magaallada gelin
diray ilaalo ciidamadiisa ka mid ah, si ay
u soo indha-indheeyaan xaaladda
magaallada.., waxayna ilaaladii soo
ogaadeen inay dadka deggan magaalladaas ay u dabaaldagi doonaan
xaflad ay leeyihiin. Wuxuu Al-Rabiic la
beegsaday qabashada magaallada
habeenkii ay dhiganayeen xafladda,
sidiina ayuu si kedo ah dagaal ugu
qaaday iyagoo ku mashquulsan xafladdooda. Guddoomiyihii oo isna la
qafaashay Gaallada raggoodii ciidamada ahaa wuu
laayay Rabiic, halka uu soo qafaashayna
kuwo kale oo gaarayay ilaa 20 000 qof,
waxaana ku jiray kuwaas la soo
qafaashay guddoomiyihii magaalladaas. Sidoo kale, waxaa kaloo dadkii la
qafaashay ku jiray addoon u shaqayn jiray
guddoomiyaha degmada, wuxuuna
haystay markaas lacag gaaraysa 300 000
oo dirham, (lacag aad iyo aad u fara
badan) si uu u siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic ayaa ku yiri ninkii "inteed ka keentay
lacagtan faraha badan?!". Wuxuu yiri
"waxay ka timid mid ka mid ah
tuulooyinka uu xukumo sayidkayga". Al-
Rabiic ayaa ku yiri "ma tuullo kasta waxay
bixisaa lacagtaan oo kale sannad kasta". Wuxuu yiri "haa". Al-Rabiic ayaa yiri
"siday ku dhacday?!". Wuxuu yiri
"lacagtaan waxaan ka soo saarnaa
faasasyadeena iyo dhididkeena" oo uu
ula jeeday lacagtaas waa waxaan soo
shaqaysanay oo aan ku soo tacabnay. Muslimiintii oo helay hanti
fara badan Markii uu qaboobay dagaalkii, ayaa
waxaa Al-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa
hoggaamiyaha ciidanka u yimid
guddoomiyihii degmada, isagoo doonaya
inuu bixiyo lacag furasho ah. Al-Rabiic
ayaa ku yiri "waan ku sii deenayaa haddaad muslimiinta u badiso lacagta
furashada". Guddoomiyihii degmada
"imisaad doonaysaa?". Al-Rabiic Binu
Ziyaad "waxaan dhulka ku qotominayaa
warankan, dabadeedna waxaad korkiisa
ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada ama qalinka ilaa aad ka
qariso qarin". Guddoomiyhii degmada
wuxuu yiri "waan oggolahay", wuxuuna
kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii
kala duwanaa, isagoo warankii dhulka
lagu qotomiyay korkiisa ku shubay jeer dahabkii ay qariyaan waranka. Furashadii Sijistaan Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu
Ziyaad Allaha ka raalli noqdee waxay
ciidankiisii guuleystay guda galeen
markale sidii ay u furan lahaayeen
gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib,
waxaa is fur-furay dhufeysyadii ku hareersanaa Sijistaan. Dadkii degganaa
magaalooyinka iyo tuulooyinka waxay
billaabeen inay soo dhoweeyaan
ciidamadii Al-Rabiic Binu Ziyaad, iyagoo
A-l-Rabiic ka dalbanaya nabadgelyo kahor
intuusan ula bixin seefaha ilaa uu markii danbe ka gaaro magaallada Zaranj oo
ahayd xarunta gobolka Sijistaan. Waxyar kadib maba la joogin, jeer
ciidamadii gaallada ay u diyaar
garoobaan inay dagaal ku qaadaan
ciidamada muslimiinta, waxayna isaga
yeerteen meel kasta, si ay u difaacdaan
magaalladoodii istiraatiijiga ahayd, arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee.
Labadii ciidan waxaa dhex martay dagaal
si ba'an labada dhinac loogu hoobtay,
iyadoo labada ciidanba ay ka dhinteen
dad aad u badan. Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo
muuqatay guushii dagaalka ayaa
guddoomiyihii gaallada ee la oran jiray
Barweez guda galay siduu ula heshiin
lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu
isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u dhaama dhimmashada kaga imaanaysa
dagaalka. Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic
Binu Ziyaad, isagoo weydiisanaya inuu u
sameeyo madal ama ballan uu kula
kulmo, si uu ugala xaajoodo nabad,
wuuna ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas.
Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa inay diyaariyaan goobtii uu
kula kulmi lahaa Barweez, wuxuuna
ciidankiisa ka dalbay in hareeraha goobta
kulanka lagu soo daadiyo meydadkii
gaalladii reer Furus ee dagaalka lagu
laayay, iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo waddada labadeeda dhinac ee uu
soo mari doono Barweez. Wuu cabsanayay qofkii arkaa Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad
u dheer, lehna midab maariin, aadna u
xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay
qofkii arka Al-Rabiic. Barweez markii uu
u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba
gashay cabsi aad u weyn, cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo,
kadib markii uu arkay meydadkii
dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay
waddada. Ma uusan ku dhiiran Barweez
inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u
salaamo. Wuxuu ka cabsaday in la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi
daran ayuu kula hadlay Al-Rabiic, isagoo
ballan kula galay inuu u soo saaro 1000
wiil oo dhalinyaro ah, uuna mid kastaana
madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina
ayuu Al-Rabiic Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez. Maalin aad u weyn ayeey
ahayd Maalintii xigtay wuxuu Al-Rabiic Binu
Ziyaad soo galay magaalladii, iyagoo
dadkii degganaa magaallada-na ay garab
socdaan tahliishii (Laa ilaaha Illallaah)
iyo takbiirtii (Allahu akbartii) ay
qaadayeen muslimiinta. Waxay ahayd maalin aad u weyn oo ka mid ahayd
maalmaha Eebbe (sw), sidiina ayuu A-
Rabiic Binu Ziyaad sabab ugu noqday inuu
furto magaalooyin fara badan oo ka mid
ahaa dhulkii ay degganaayeen reer Furus. Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Al-
Rabiic Binu Ziyaad ahaa geesigaas ay
muslimiinta u kaalmaystaan ka hortagga
cadoowga Alle ilaa markii danbe
dowladdii islaamka ay gacanta u gasho
qoys la yiraahdo reer Banii Ummaya. Run ahaantii waxay ahayd nasiib darradii ugu
weynayd ee islaamka soo waajaha, kadib
markii dowladdii islaamka ee loo wada
dhammaa ay la wareegeen qoyskaas reer
Banii Ummaya. Al-Rabiic oo madax looga
dhigay Khuraasaan Magaalladii Khuraasaan ee la xoreeyay
waxaa madax looga dhigay Al-Rabiic Binu
Ziyaad kadib markii uu u magacaabay
Mucaawiya Binu Abii Sufyaan. Hase ahaatee, Al-Rabiic Binu Ziyaad kuma
qalbi fiyoobeen madaxnimadaas, oo
wuxuu jeclaa inuusan madax noqon,
weliba wuxuu sii dhibsaday markii uu
warqad ka helay ninka la yiraahdo Ziyaad
Binu Abiih oo ka mid ahaa madaxdii waaweynaa ee reer Banii Ummaya,
dhinaca kalena ka mid ahaa raggii dilay
Xuseen Binu Cali wiilkii uu awoowga u
ahaa Rasuulka (scw). Warqaddii loo soo
diray Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa
hadalladan “amiiral mu’miniinka Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad
dahabka kiisa huruudka ah iyo kiisa cad
(qalinka) kana mid ah qaniimooyinka
jihaadka aad u dhigtid bankiga dhexe ee
muslimiinta, wixii intaas ka soo harana
aad u qaybisid mujaahidiinta”, taasina waa mid si toos uga hor imaanaysa
qodobbada ku cad nusuusta qur’aanka.
Waxaan ognahay inuu Eebbe (sw)
qaybiyay sida loo kala qaadanayo hantida
laga soo helo jihaadka, iyadoo shan
qaybood qayb la dhigayo baytul-maalka, halka inta soo hartayna loo qaybinayo
mujaahidiinta, iyadoo uu qaybinayana
amiirka jihaadka. Noloshii waan ka noogay Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi
dalabkaas si daran ayuu ugu gacan
sayray, wuxuuna warqad uu ugu
jawaabayo Ziyaad Binu Abiih ku yiri
"waxaan kitaabka Alle ka helay amar ka
duwan kii aad igu soo amartay magaca amiiral-mu'miniinka", dabadeedna
dadkii ayuu isugu yeeray isagoo u
dhawaaqayana wuxuu ku yiri "ku soo
kallaha qaniimooyinkiinii oo kaalaya
qaata", wuxuuna maalkii qaniimada shan
meelood meel u diray bankiga dhexe ee muslimiinta ee Dimishiq. Maalintii jumcada ee xigtay markay timid,
wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad u soo baxay
salaaddii jumcada isagoo xiran dhar
cadcad. Dadkii ayuu u jeediyay
khudbaddii jumcada, dabadeedna wuxuu
yiri "dadoow waan ka noogay noloshan ee waan duceenayaaye ee aamiin ii
dhaha ducadayda" kadibna wuxuu ku
duceystay "Ilaahayow haddaad kheyr ila
doonaysid xaggaaga ii qibloow oo i oofso
si degdeg ah oo aan dib dhigid lahayn",
dadkiina ducadiisa ayeey aamiin u yiraahdeen. Maalintaas qoraxdeeda ma
dhicin jeer uu ka dhinto saxaabigii
geesigii ahaa ee dunidan dhow ka
doortay la kulankii Eebbe (sw). Ilaahay ha
ka raalli noqdo, hana u naxariisto
saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete