Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 22AAD

ABUU CUBEYDA BINU AL- JARRAAX ”UMMAD KASTA WAXAY LEEDAHAY AMIIN, UMMADDAN AMIINKEEDU WAA ABUU CUBEYDA” (22) Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uusan
lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo
fudeyd xagga jirka ah ayaa intaas u sii
dheereed. Way ku il-qabowsanaysay isha
eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni
ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga. Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii
dheereed, isagoo ku tilmaanaa
jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa
islaamka iyo xishood daran. Hase
ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu
beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro.
Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa
saxaabigii lagu ammaanay dhowrista
ammaanada, loona bixiyay amiinka
Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa
saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada,
waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir
Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha
ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh,
kunyadiisuna ay tahay Abuu Cubeyda. Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yiri
Abuu Cubeyda Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah
ha raalli noqdee ayaa isagoo
sifeenaya oo tilmaamaya Abuu
Cubeyda wuxuu yiri “saddex
qof oo ka soo jeeda qabiilka
qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga
akhlaaqda, xagga xishoodkana ugu
sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan
lagama yaabo inay been kuu sheegaan,
haddaad u sheekeesana kuma
beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu
Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-
Jarraax”. Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli
noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay
ee soo gala diinta islaamka. Maalintii
labaad ee uu Abuubakar soo islaamay
ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay,
waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka
raalli noqdee. Abuubakar wuxuu Abuu
Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf,
Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu
Al-Arqam u soo waday Rasuulka (scw),
sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen Rasuulka (scw), waxayna
maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen
saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay
diintii islaamka ee sarreesay. Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu
Cubeyda billowgii diinta islaamka la
kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qaraaraa,
isagoo jooga magaallada Makka,
wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo
billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday
dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo
gaaray muslimiinta, isagoo muujiyayna
sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si
dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo
Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta. Hase ahaatee, imtixaanadii iyo
tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda
maalintii dagaalka Badr wuxuu dhaafay
dhammaan dadka wax xisaabiya
xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu
dhaafay dadka wax mala-awaala mala- awaalkooda. Wuxuu Abuu Cubeyda
maalintii Badr dhex jeexay safafkii
gaallada sida qof aan ka cabsi qabin
geeri ama dhimmasho, jeer ay ka
cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo
aadi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta
ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay
Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray
nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu
Cubeyda, isagoo meeshuu aado-ba daba-
gala. Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay
ninkaas, isagoo ka fogaanaya la
kulankiisa iyo inuu ku soo aado dagaalka.
Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii
ballaartay, Abuu Cubeyda dhinaciisana
wuxuu badiyay fogaanshaha, jeer markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xiray
dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa,
isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii
cadoowgii Alle. Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay
aayad qur'aan Markii uu Abuu Cubeyda u
adkeysan waayay arrintaas,
ayaa wuxuu seeftiisa kula
beegsaday ninkii xaggiisa soo
aadayay weliba dhufasho
daran oo laba ka-kala dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii
dhulka ugu dhacay isagoo
dangiigan oo weliba dhintay.
Haddaba, akhristoow ha isku
sii wareerin inaad ogaatid
qofkaas dhintay kuu yahay. Soow horey umaanan oran, tijaabooyinkii qallafsanaa
ee uu soo maray Abuu Cubeyda awgeed
wuxuu dhaafay kuwii wax xisaabinayay
xisaabtankooda, sidoo kale kuwa wax
mala-awaala mala-awaalkooda. Waxaa
dhici karta akhristow inaad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la dilay
uu yahay Cabdullaahi Binu Al-Jarraax oo
ahaa Abuu Cubeyda aabihiis. Dhab
ahaantii Abuu Cubeydah ma uusan dilin
aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo
kufrigii ku dhex jiray aabihiis. Waxaa Abuu Cubeyda isaga sababtiis iyo arrinka
aabihiis dartii ku soo degtay aayad
qur’aan ah, waa aayadda ugu danbeysa
ee ku jirta suuradda Al-Mujaaddala. Wuxuu Alle (sw) ku yiri aayaddaas: “Ma
helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo
maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle
iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba noqdeen
kuwaas aabayaashooda, ubadkooda,
walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aanan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo
Rasuulkiisa) wuxuu Alle laabtooda ku
qoray iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay
ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuuna
gelinayaa Jannooyin durreereysa
xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku waarayana jannada dhexdeeda, Ilaah
wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way
ka raalli noqdeen, kuwaas waa xisbiga
Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa
guuleystay/liibaanay”. [Dhegeyso Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah] Waa amiin isla markaana ku adag
diintiisa Inuu Abuu Cubeyda dilo
aabihiis ayaanan ahayn wax
sidaas loola yaabo, maxaa
yeelay waxay awoodda
rumeyntiisa Eebbe (sw)
gaartay, iyo taageerada uu ku bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee
ummadda Nebi Muxammad meel ay u
hanqal-taagto nafaf fara badan marka
laga eego Eebbe (sw) agtiisa. Waxaa
sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar,
wuxuuna yiri: “waxaa Rasuulka (scw) u soo wafdiyay wafdi koox kirishtaan ah,
waxay ku yiraahdeen: Yaa Abal-qaasim
(mid ka mid ah kunyada Nebiga s.c.w ee
aan habboonayn inuu qof kale ku
kunyoodo ama la baxo) waxaad noo soo
dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli nooga tahay, si uu noo kala
garsooro dhexdeena arrimo la xiriira
hanti aan isku qabanay awgeed, haddaad
tihiin jamaacada muslimiintana waxaad
tihiin kuwo aan xaggeena laga raalli
yahay”. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri “ii imaada galabta, waxaan idinku darayaa
nin qawi ah ahna amiin”. Cumar Binu
Khadiib ayaa markuu maqlay hadalkaas
wuxuu yiri: waxaan waqti horey sii aaday
salaaddii duhurka, mana jeclaanin
madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn jaceylka aan u qabay inaan noqdo ninka
leh tilmaantaas iyo sifadaas uu sheegay
Nebiga (scw). Markii uu na tujiyay
Rasuulka (scw) salaaddii duhurka, wuxuu
billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa
iyo bidixdiisa, annigana waxaan billaabay inaan kor ahaan u qooraansado, bal si uu
ii arko Rasuulka (scw), sidii ayuu u eeg-
eegayay Rasuulka (scw) asxaabta
dhexdooda jeer uu markii danbe ka arkay
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna
wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri: “waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukmi
dhexdooda waxay isku khilaafeen”.
Waxaan naftayda ku iri “waxaa la tagay
sifadii aan rabay Abuu Cubeyda”. Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday Haddaba, Abuu Cubeyda Binu
Al-Jarraax ma ahayn oo keliya
amiin, balse wuxuu amaanada
ku darsaday quwad iyo ku
adkeysi daran dhinaca diinta,
taasina waxaan ku arki karnaa wax ka badan hal jeer. Mar
waxay ahayd markii uu
Rasuulka (scw) diray koox ka
mid asxaabta si ay uga
hortagaan safar ay lahayd
qureysh, wuxuuna Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Allaha ka
raalli noqdee, wuxuuna sahay ahaan u sii
siiyay oli (maqaarka neefka ariga, wax
baana lagu radin jiray waagii hore) ay ku
jiraan timir, maxaa yeelay ma uusan u awoodin waxaan ka ahayn intaas. Abuu
Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu raggii la
socday siinayay maalin kasta mid kasta
oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah,
markaasuu qof weliba muudsanayay
xabbaddii timirta ahayd, sida uu cunuga yariba uu u nuugo naaska hooyadii.
Sidaas ayuu qof kasta sameenayay maalin
kasta, isagoo xabbadaas timirta ku cabbi
jiray biyo, wayna ku filnaan jirtay
maalintoodaas, iyadoo aan sidaas ka
fahmi karno halka ay gaarsiisan tahay rafaadka iyo dhibaatada ka soo gaaray
dagaalkaas, xittaa waxaa kaloo la
sheegaa inay xittaa saxaabadii markii
danbe ay dani ku qasbtay inay cunaan
caleemaha geedaha, gaajo awgeed. Sababta ay uga dhaceen foolashiisii
hoose Markii la soo gaaray dagaalkii
maalintii Uxud, markii la
jebiyay ciidamadii
muslimiinta, mushrikiintiina
ay billaabeen inay
dhawaaqaan iyagoo leh “na tusiya Muxammad.., na tusiya
Muxammad”. Waqtigaas iyada ah, wuxuu
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Ilaah ha ka
raalli noqdee ka mid ahaa tobankii isku
soo gadaamay Rasuulka (scw) si ay uga
difaacaan warmihii ay soo tuurayeen mushrikiinta. Markii ay dhammaatay
dagaalkii Uxud, wuxuu Rasuulka (scw)
ahaa kii la jabiyay dhooshiisa, sidoo kale
waxaa la dakhray dhafoorkiisa,
koorarkiisana waxaa ka gashay labo
birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha madaxa iyo wejiga qariya
ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray).
Waa dhaawac halis ah lehna xanuun
badan. Waxaa xaggii Rasuulka (scw) soo
aaday Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka
raalli noqdee, isagoo doonaya inuu ka soo siibo birihii Rasuulka ka galay
kulleetagiisa.. Abuu Cubeyda Binu Al-
Jarraax ayaa ku yiri Abuubakar “Ilaah
ayaan kugu dhaarinayaaye inaad ii
dhaafto ka soo bixinta anniga”, sidiina
ayuu abuubakar ugu dhaafay. Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii
uu ku soo siibo birihii gacantiisa, inuu
xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw),
sidaa darteed wuxuu birihii ugu horeeyay
midkood ku qaniinay foolashiisii afarta
ahaa weliba qaniinyo iyo qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay,
inkastoo ay dhacday foolkiisii hoose.
Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee
hoose ku qaniinay birtii kale, kadibna
wuu soo siibay, waxaa misna soo dhacday
foolkii kale ee hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “wuxuu Abuu
Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa
dadka”, maxaa yeelay waxay ka dhaceen
isagoo ka siibaya biirihii ku jiray
Rasuulka (scw). Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil
wuu ka qayb galay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax
wuxuu kala qayb galay
Rasuulka (scw) dhammaad
dagaalladii dhacay laga soo
billaabo maalintii uu soo
islaamay ilaa uu ka geeriyooday, waana sharaf
aad u weyn oo uu dheer yahay
qaar ka mid ah asxaabta.
Maalintii loogu magac daray
“SAQIIFA” ee ahayd maalintii
madaxtinimada ama khilaafada loo dooranayay Abuubakar wuxuu Cumar
Binu Khadaab Ilaah ka raalli noqdee ku
yiri Abuu Cubeyda “fidi gacantaada si aan
kuu doorto, maxaa yeelay waxaan maqlay
Rasuulka (scw) oo leh Ummad kasta
waxay leedahay amiin, adigana waxaad tahay ummaddan amiinkeeda”. Abuu
Cubeyda wuxuu ku yiri Cumar Binu
Khadaab “ma ihi ruux ka hormaraya nin
uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda
na tujiyo jeer uu Nebiga ka dhintay”. Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo
la doortay Abuubakar Assiddiiq. Abuu
cubeyda wuxuu Abuubakar u ahaa mid ku
taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas
ayeeynan agtooda qiimo ugu lahayn
madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa ee salafka, halka aan maanta
qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay
awoodaan oo idil ugu hagar baxayaan
sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u
noqon lahaayeen madaxweyne iwm.
Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxuu Abuu Cubeyda siiyay
aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba
yaraatee aan ku caasin ama garab marin
amarkooda marka laga reebo hal jeer.
Haddaba, maxay ahayd halkaas jeer ee uu
Abuu Cubeyda uusan aqbalin taladii uu u soo jeediyay khaliifka ama amiirka
muslimiinta. Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda
Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam,
isagoo markaas ku hoggaaminayay
ciidanka muslimiinta guul daba socota
guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe
(scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo gaaray xagga webiga barri
ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga
aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya). Markay halkaas mareyso, waxaa gobolka
Shaam si lama filaan ah ka dillaacay
cudurka halista ah ee daacuunka,
cudurkan oo aynan horey ugu arag dadka.
Cudurkii wuxuu si ba'an u shafay oo u
laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas. Cumar Binu Khadaab
ayaa markuu maqlay inuu cudurka
daacuunka ka dillaacay gobolka Shaam,
ayna ku sugnaayeen ciidamadii
muslimiinta ee uu hoggaaminayay Abuu
Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay Abuu
Cubeyda "waxaan kaaga soo baahday dan
aan adiga kaaga maarmi waayay, ee
haddii uu ku soo gaaro dhambaalkaygan
xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa
inuusan waaberiga kuu baryin jeer aad xaggeyga uga soo safartid. Sidoo kale,
haddii aad heshid dhambaalakayga
maalin dharaar ah, waxaan kugu
adkeenayaa inaadan galabeysan jeer aad
xaggeyga uga soo safartid. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu
arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yiri
"waan ogaaday danta uu iga doonayo
amiiral-mu'miniinka, wuxuu doonayaa
inuu baaqi yeelo qof aan dunidan ku
baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray qoraalkan uu ku leeyahay "amiiral
mu'miniinow waan gartay dantii aad iga
lahayd, anniguna waxaan ku dhex
suganahay ciidanka muslimiinta, mana
doonayo inaan naftayda ka badbaadiyo
waxa soo gaaraayo ciidanka muslimiinta, oo dooni maayo inaan ka dhex baxo
ciidanka jeer uu Eebbe (sw) ka xukumo
arrinkayga iyo kan muslimiinta. Sidaa
darteed hadduu ku soo gaaro
qoraalkayga waxaan kaa codsanayaa
inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii fasaxdid inaan la
joogo ciidamada". Cudurkii daacuunka ayuu u dhintay Markii uu aqriyay Cumar Binu Khadaab
dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo
daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii
ayaa iyagoo la yaabban waxa ka oohiyay
amiiral-mu'miniinka Cumar weydiiyay
su'aal, waxayna ku yiraahdeen "amiiral- mu'miniinow ma waxaa dhintay Abuu
Cubeyda?". Cumar ayaa ku yiri "maya,
hase ahaatee geeridii ayuu u dhow
yahay". Dhab ahaantii malahaas Cumar
way dhab noqotay, oo wax yar kadib
waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee daacuunka, sidiina ayuu u
dhintay Abuu Cubeyda Allaha u
naxariistee. Dardaarankii Abuu
Cubeyda Intii uu Abuu
Cubeyda Binu Al-
Jarraax saarnaa
sariirta sakaraadka
wuxuu u dardaarmay
ciidankii muslimiinta ee uu isaga
hoggaaminayay,
wuxuuna ku yiri
"waxaan idiin
dardaarmayaa
dardaaran, oo haddii aad qaadataan
aydan ka suulaynin
abadkiin kheyr.
Waxaad oogtaan
salaadda, soomana bisha Ramadaan,
saddaqadana la baxa (zakada), gutana acmaasha xajka iyo cumrada, u
nasteexeeya madaxdiina, oo ha
khiyaamina, yeynana idin mashquulin
adduunyo, qofku haddii kun sanno oo
cumri ah la siiyo, waxaa hubaal ah inuu
aakhirka ku sugnaan doono halka aan hadda ku suganahay, wassalaamu
caleykum waraxmatullaahi".
Dardaarankaas kadib, wuxuu Abuu
Cubeyda jaleecay oo milicsaday saxaabigii
jaliilka ahaa ee Mucaad Binu Jabal,
wuxuuna ku yiri "Mucaadow tuji dadka". Kamaba soo wareegan intaas waxyar jeer
ay ruuxdii daahirka ahayd ee Abuu
Cubeyda ay u kor noqoto Allihii sarreeyay,
sidaasna ayuu ku dhintay. Mucaad Binu Jabal ayaa istaagay, isagoo
wacdinaya dadka, wuxuuna ku yiri
"dadyahow waxaa idinka baxay nin -
wallaahi ayaan ku dhaartaye- garan
maayo qof ka laab-xaaran, ugana
fogaansho badan sharta, kana jecel cirirbta danbe ee aakhiro, uguna roon
dadka Abuu Cubeyda, ee Alle u weydiiyo
naxariis, Allaha idiin naxariistee.
Waxaana intaas ku dhammaatay
sheekadii saxaabigii jaliilka ahaa ee
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax.

No comments:

Post a Comment