Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 10AAD

SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI "SACIID BINU CAAMIR WAA NIN AAKHIRADA KA DOORTAY ADDUUNYADA, WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO HARAY" (10) SACIID OO AAN ISLAAMIN: Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray
Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka
mid ahaa kumanaankii kun ee yimid
degmada Tanciim ee ku taallay
agagaarka magaalada Makka, si ay u
ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan
toogashadii ama dilkii saxaabiga la
yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo
ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad
(scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay
ku guuleysteen inay soo qabtaan/ qafaashaan Khubeyb. Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka
raalli noqdee waxay u suurto galisay
dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay
qafaasheen gaaladii Qureysh (waa
Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo
lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u
fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga
aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga
laayey dagaalkii Badr. Dadkii faraha badnaa markii ay isugu
yimaadeen goobtii lagu tooganayay
Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu
Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii
uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada
ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka
maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yiri
gaaladii tooganaysay, hadalkaasina
wuxuu ahaa: "haddaad doontaan ii
oggolaada si aan u tukado labo
rakcadood kahor intaydan i dilin". Waa loo ogolaaday. Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii
Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u
tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u
jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu
yiri: "alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka
dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood" Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu
salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu
gaaladii ku yiri: "wallaahi haddaanan ka
cabsanaynin inaad u qaadataan inaan
salaadda u dheereeyay cabsida aan ka
cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda". Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii
Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista
laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna
gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: "ma
jeceshahay in silican oo kale lagu
sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho", uuna lahaa Khubeyb
isagoo dhiig baxaya hadalkan: "wallaahi
ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba,
Nebi Muxammadna ay muddo qodax".
Dadkii yimid goobtii toogashada ee
gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: "dila.., dila.." Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku
jirto u eegey Khubeyb oo markaas
indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka,
isagoo habaaraya gaaladii sidan u
silcisay, wuxuuna lahaa: "Ilaahoow
dhammaantood ciribtir, mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin". Wax
yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu
dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara
dhaawacyadii soo gaarey Khubeyb uusan
jirin. SACIID OO SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB: Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen
guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii
iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase
ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana
ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba
xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki
jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo,
dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray
hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman
jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka
hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna
maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu
ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid
wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii
laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga
timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas
iyada ahayd Saciid ma uusan islaamin. Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu
Saciid baray wax uusan aqoonin hadda ka
hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi
ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro
waddada caqiidada ilaa ay geerida ka
timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu
sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh.
Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga
(scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay
Nebi laga taageersan yahay xagga
samada. ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-
JUMAXI: Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu
Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid
Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah
ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad
aad u fara badan dhexdooda, isagoo
dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii
qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay
cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay
diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir
wuxuu u haajiray magaalada Madiina,
isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna
isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb
galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka
danbeeyay. Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu
dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu
noqday sida seef galka ka baxday oo ay
adeegsadaan labada khulafo ee
Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu
noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii
adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday,
wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-
marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan
wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah. ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U
QADDARIN JIREEN SACIID: Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay
ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha
dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah
ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid.
Tusaale haddaan u soo qaadanno,
Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu
Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo
cabsida Alle, markastana waxay maqli
jireen nasteexada iyo waanada uu u soo
jeediyo iyaga. Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa
Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid
Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii
billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu
Cumar ku yiri: "Cumaroow waxaan kuu
dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan,
inuusan is-khilaafin ficilkaaga iyo
hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr
badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow
indhaha ku hay muslimiinta uu Alle
madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa
waxaad naftaada iyo reerkaaga la
jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa
waxa aad naftaada iyo reerkaaga la
necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u
jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan". Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri:
"Saciidoow yaa awoodi kara". Saciid ayaa
wuxuu yiri: "waxaa awoodi kara nin
adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay
umuurta ummadda Nebi Muxammad
(scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu
maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna
yiri: "Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa
maamulka gobolka Ximsa". Saciid ayaa u
celiyay: "Ilaah baan kugu dhaariyaye
inaadan i fidnayn". Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: "intaad mas’uuliyaddan
qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga
cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo". SACIID OO KA MID NOQDAY
GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA
DOWLADDA CUMAR: Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu
Caamir waxaa madax looga dhigay
magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu
Saciid ku yiri: "miyaanan musha-haro kuu
qoraynin". Saciid ayaa ugu jawaabay:
"maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga
badan lacagta aan ka qaato baytul-
maalka". Sidiina ayuu Saciid ugu safray
magaalada Ximsa. WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!: Muddo yar markay ka soo wareegatay
muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa
waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar
Binu Khaddaab uga soo wafdiyay
magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka
mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka
codsaday inay u soo gudbiyaan liiska
fuqurada ee deggan magaalada Ximsa. Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii
ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta
reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa
waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-
Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa. Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu
yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu
jawaabeen: "waa amiirkeena!". Cumar
ayaa markale wuxuu weydiiyay
su’aashan: "amiirkiinu ma faqiir baa?!".
Waxay ku jawaabeen: "haa", waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo
fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga
shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay
arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka
da’aysay ay ka qoysay garkiisa. Cumar
wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday
kiish, isagoo wafdigii ku yiri: "marka hore
igu salaama Saciid, waxaadna ku
tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa
lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu
kaalmeysato danahaaga khaaska ah". REERO ADDUUNYO MA AHAYN: Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii
Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo
ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay
lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii
wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo
oranayay: "Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday
oo kale. Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay
maqashay Saciid, waxayna ku tiri: "maxaa
kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii
mu’miniintii ayaa dhintay?!". Saciid ayaa
ugu jawaabay: "maya ee waxaa dhacay
wax taa ka weyn". Waxay tiri: "ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!.
Wuxuu yiri: "maya ee wax ka weyn taas
ayaa dhacday". Waxay tiri: "maxaa taas
ka weyn?!". Saciid ayaa yiri: "adduunyadii
ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso
aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga". Xaaskii Saciid iyadoo aanan
fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska
tiri: "isaga takhallus haddaba". Saciid
ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan:
"arrintan ma igu kaalmaynaysaa?",
waxayna ku jawaabtay: "haa". Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan
(kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray),
dabadeedna wuxuu u qaybiyay
masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina
lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga,
maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee
wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo
baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu
iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la
jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii
qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan. MID KA MID AH TUSAALOOYINKA
CADDAALADDA CUMAR: Wakhti badan kama soo wareegan, jeer
uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado
kormeer magaalada Ximsa, isagoo
doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay
ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan
waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala
saari jirin madaxda iyo shacabka,
waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani
dunida maanta aan lagu arag, laga soo
bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida
Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer
galbeedka’e.). Markii uu yimid magaalada Ximsa oo
markii hore la oran jiray: "Al-Kuweyfa"
ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu
salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka
weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid
Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada. AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY
SACIID: Dadkii waxay amiirkooda ku soo
eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah
falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba
midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu
isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda,
wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey
Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn
ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa
dadkii weydiiyay waxa ay ku
eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku
jawaabeen sidatan: "Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in
badan ka tagto". Cumar ayaa wuxuu
Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay
arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu
aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: "ma
aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama
huraan. Anniga ma lihi adeege ama
khaadim, sidaa darteed subax kasta
waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan
u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu
khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u
soo baxaa". Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale
oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay
yiraahdeen: "habeenkii cidna uma
jawaabo". Cumar ayaa Saciid ku yiri:
"maxaad ka leedahay hadalkaas?". Saciid
wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin
habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii
siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan
Ilaahay siiyay. Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay:
"maxaad kalood ka sheeganaysaan".
Waxay yiraahdeen: "bishii maalin
ayuusan noo soo bixin". Cumar ayaa
Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid
ugu jawaabay: "ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka
leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed
bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana
sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka
dibna ayaan u soo baxaa". Cumar ayaa dadkii ku yiri: "maxaad
kalood ka sheeganaysaan?". Waxay
yiraahdeen: "mararka qaarkood ayuu
miyir beelaa". Saciid ayaa wuxuu yiri:
"waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb
Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa
jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen
markaas: "ma jeceshahay inaad nabad
gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo
booskaaga", wuxuuna ku
jawaabayay:"wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo,
Nebi Muxammad-na ay muddo qodax",
anniguna markaan taas xasuusto
dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu
gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa
inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa". Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh
ayuu ugu farxay natiijadii dacwada,
wuxuuna yiri: "waxaa mahad iska leh
Allihii aanan hoojin malahayga", ka dibna
wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000
diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto. Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii,
ayaa waxay tiri: "waxaa mahad iska leh
Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee
waxaad noo soo iibisaa wixii aan u
baahnayn, noona soo ijaar adeege noo
shaqeeya". Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: "ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr
badan". Waxay tiri: "waa maxay". Wuxuu
yiri: "waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka
soo ceshan doonno goor aan aad ugu
baahannahay". Waxay tiri: "waa kuma
kaas". Saciid wuxuu yiri: "waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan".
Waxay tiri: "waa runtaa, Ilaahna kheyr ha
kaaga abaaliyo". Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba
dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku
guray kiishash ama qariirado, wuxuuna
ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo
lacagtii u qaybinayya masaakiinta:
"lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u
geysaa islaantii garoobta ahayd..,
lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii
ina hebel ahaa... Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu
Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa
dadka naftooda ka doorbida
walaalahooda kale, haba ugu baahi
badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah
waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo
tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo
caddaaladeedba. aamiin.

No comments:

Post a Comment