Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 3AAD

UMMU SALAMA (3) Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd
magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu
ka mid ahaa kaaba qabiillada reer
Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu
ahaa mid aad u deeqsi badan. Ummu Salama ninkeeda waxaa la oran
jiray Cabdillaahi Binu Cabdil-Asadi oo ka
mid ahaa tobankii nin ee goor hore
qaatay diinta Islaamka, oo waxaaba
isaga hortiisa islaamay oo keliya
Abiibakar As-saddiiq iyo kuwa kale aan saa u badnayn. Ummu Salama, waxay la
islaamtay ninkeeda Cadullaahi Binu Cadil-
Asadi, waxayna ahayd sida ninkeeda oo
kale oo wakhti hore ayeey iyadana
islaamtay. Islaamidda ay soo islaameen Ummu
Salama iyo ninkeeda Cabdullahi ayaa
gaaray gaaladii Qureysh., sidii marka
horeba laga filayay Qureysh waxay
bilaabeen inay jir dil daran ku
sameeyaan Ummu Salama iyo ninkeeda, hase ahaatee ma aynan tabar daraynin
oo ma daciifin arrinkaa iimaankoodi.
Balse, waxay ka sii siyaadsadeen ku
kalsoonaan iyo rumeyn ay rumeyaan
Eebe (sw). Dhibaatadii Qureysh ay ku
hayeen Saxaabada Rasuulka (scw) markay badatay, ayaa Rasuulka (scw)
wuxuu u ogolaaday Asxaabta inay u
haajiraan oo u cararaan dhulka
Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeeda
waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu
horeeyay ee u haajira dhulka Xabashida. Ummu Salama iyo ninkeedii waxay u
kicitimeen dhulkii qurbaha. Ummu
Salama, waxay magaalada Makka kaga
carartay gurigeedii dabaqa ahaa,
maalkeedii iyo wixii ay hanti ay lahayd
oo dhan, iyadoo sidaa u sameynaysa inay ku dhaafsato jidka Alle, iyo inuu Illaah
abaal ahaan u siiyo Jannadiisa maalinta
aakhiro. Ummu Salama iyo ninkeedii waxay
yimaadeen dhulka Xabasha, iyagoo
magangalyo ka helay boqorkii Najaashi
Allaha ka raalli noqdee. In kastoo
Najaashigu soo dhoweeyay oo uu ka
magangeliyay cabsidii ay ka soo carareen, haddana waxay aad xiiso weyn
ugu qabeen ku noqoshada magaalada
Makka oo ahayd meeshii uu waxyiga ku
soo degayay, sidoo kale waa meeshii
Rasuulka (scw) saldhiga u ahayd. Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo
aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo
gaaray war sheegayay in tirada
Muslimiinta joogta Makka ay aad u
bateen, sidoo kale ay soo islaameen
halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh
ka haybaysato. Qaar ka mid ahaa
muslimiintii ayaa go’aan ku gaaray inay
u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo
markii horeba xiiso weyn ugu qabay
magaalada Makka. Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii
ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku
soo laabtay magaalada Makka.
Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka,
ayaa waxay ogaadeen in warkii loo
sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay
dhibaato ka weyn tii hore ay kala
kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu
fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta
muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato
ayan hore ugu geysan. Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee
qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray
inay mar kale u haajiraan, iyagoo u
hijroonaya magaalada Maddiina. Ummu Salama mar kale waxay
go’aansatay inay ka mid noqoto dadka u
hijroonaya Madiina, kuwaasoo la
cararaya diintooda iyo inay ka
badbaadaan dhibaatooyinka qureysh.
Hijradan danbe ma ahayn mid sahlan, sida hijradii hore ee ay ugu haajirtay
dhulka Xabashida, waayoo waxay ahayd
mid aad u dhib badan oo aan saUmmu
Salama waxay tiri, markuu ninkayga
Abuu Salama go’aan ku gaaray in aan u
safarno Magaalada Madiina, ayaa wuxuu ii raray oo uu iidiyaariyay awr,
dabadeedna wuxuu i saaray awrtii.
Wiilkeenii Salama oo nala socdayna
wuxuu fariisiyay dhabtayda. Intaa ka
dib, Abuu Salama wuxuu nagu kaxeeyay
awrtii, isagoo aan istaagaynin meelna. Ummu Salama waxay tiri, ka hor inta
aanan ka bixin magaalada Makka ayaa
waxaa na arkay rag ka mid ah
qaraabadeyda (reer Banuu Makhzuum),
isla markiiba xaggeena ayeey soo
aadeen, iyagoo ku yiri ninkeyga Abuu Salama "Haddii aad adiga naga baxsatay,
sideey nooga baxsanaysaa gabadha kula
socoto. Waa gabadheenna, sideen kuugu
ogolaanaynaa inaad la tagto oo la
baxsato". Intaa ka dib, raggii waxay ku soo
boodeen Abuu Salama, dabadeedna way
iga soo jiiteen ninkeeyga Abuu Salama.
Ummu Salama waxay tiri, markii
nimankii ay iga soo wateen ninkayga
anniga iyo wiilkayga Salama ayaa waxaa na arkay niman reer Banuu
Cabdil-Asad oo ay qaraabo yihiin
ninkeeyga. Aad ayeey uga caroodeen
wixii nalagu sameeyay, oo waxay
nimankii ku yiraahdeen raggii kale ee
reer Banuu Makhzuum "Wallaahi qaadan maysaan wiilka, waayoo waa
wiilkannaga, innagaana xaq u leh inaan
qaadanno" Sidaa dabadeed waxay
labadii kooxood bilaabeen inay jiitaan
wiilka Salama iyadoo ay arkayso Ummu
Salama ilaa ay qaataan reer Banii Cabdil- Asadi. Waxay tiri Ummu Salama, wakhti
gaaban ayaa nala kala geeyay anniga iyo
ninkeeyga iyo wiilkayga Salama.
Ninkayga wuxuu u kacay xaggaa iyo
magaalada Madiina, isagoo diintiisa la
cararaya, wiilkaygii waxaa iga boobay oo iga qaatay reer Banii Cabdul-Asadi
isagoo jajaban sidii ay u kala jii-
jiidanayeen labada reer. Annigase waxaa
i kaxeestay reerkayga reer Banuu
Makhzuum. Ummu Salama waa keligeed oo waxay la
nooshahay reerkeeda reer Banuu
Makhzuum, Wilkeeda waxaa qaatay reer
Banuu Cabdil-asadi. Ninkeeda wuxuu u
caray magalaada Madiina. Qoyskii wada
socday waa la kala firdhiyay oo la kala geeyay. Waa amakaag iyo yaab. Waxay
tiri Ummu Salama iyadoo ka waramaysa
arrinkaa murugta lehi waxay tiri: Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa waxaan imi
meeshii la iiga qaatay wiilkayga, iyo
sidii murugada lahayd ee nala kala geeyay anniga iyo ninkeeyga. Muddo hal
sanno ku dhow ama wax ku dhow hal
sanno markeey ka soo wareegtay
xaaladdaas ayaa waxaa maalintii danbe
ii yimi nin aan ilmo adeer nahay,
waxaana uga waramay sheekadeeyda biloow iyo dhammaad. Ninkii, ayaa
naxariis gashay ka dib markuu maqlay
qisadayda, dabdeedna wuxuu la hadlay
kuwii aan maxbuuska u ah, isagoo ku yiri
"War maad iska sii daysaan miskiintaan,
waayo waxaad kala geyseen iyada iyo wiilkeeda iyo ninkeeda. Nasiib wanaag,
nimankii way sii daayeen Ummu Salama. Aad ayeey arrinkaa ugu faraxday Ummu
Salama, hase ahaatee su’aasha ay is
weydiisay Ummu Salama ayaa ahaa sidii
ay ku haleeli lahayd ninkeeda Abuu
Salama oo markaa joogay magaalada
Madiina. Dhinaca kale, taas waxaa ka sii darnayd iyadoo aan ka tagi karin
wiilkeeda Salama oo ay heestaan Reer
Banii Cabdil-Asadi oo ah reeraha Abuu
Salama. Qaar ka mid ah dadkii ka war
hayey dhibaatada iyo murugada Ummu
Salama haysata ayaa ka naxay xaaladdeeda, ka dibna waxay la hadlayn
reer Banuu Cabdil-Asadi si ay ugu soo
celiyaan wiilkeeda Salama oo ay markaa
haysteen. Wayna u soo celiyeen. Waxay
tiri Ummu Salama, maa aanan siiba sugin
inaan magaalada sii joogo ka dib markii wiilkayga Salama la ii soo celiyay. Ummu Salama waxay iyada iyo wiilkeed
u safreen magaalada Madiina, iyadoo
mareysa meel la yiraahdo "Tanciim" ayaa
waxaa la kulmay nin la yiraahdo
Cusmaan binu Dhalxa. Ninkii wuxuu
Ummu Salama weydiiyay halka ay u socoto, waxayna tiri magaalada Madiina.
Wuxuu haddana weydiiyay cidda ay la
socoto. Ummu Salama waxay ku
jawaabtay wallaahi waxaan ahay
anniga iyo wiilkayga Salama oo keliya.
Haddaba, Cusmaan ayaa yiri wallaahi kaa tegi maayo ilaa aan ku geeyo
magaalada Madiina, sidaasna ayuu
sameeyay. Ummu Salama iyo wiilkeedii
Salam waxay yimaadeen magaalada
Madiina, halkaas oo ay la kulmeen Abuu
Salama oo ayan is arag in Muddo ah. Ummu Salama aad ayeey ugu faraxday la
kulanka ninkeeda Abuu Salama. Wax yar
maba la joogin ilaa ay ka billowdaan
dagaaladii Badar iyo Uxud. Ummu Salam ninkeeda Abuu Salam
wuxuu ka qayb galay labadaas
duulimaad, nasiib darrose wuxuu ku
dhaawacmay dagaalkii danbe ee Uxud,
ka dib markii uu wacdaro daran halkaa
ku soo bandhigay. Wixii intaa ka danbeeyay Abuu Salama wuxuu saarnaa
sariirta halkaas oo lagu daaweenayay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa
Abuu Salam soo booqday Rasuulka (scw),
markii uu Rasuulka (scw) ka tagayna
maba sii noolaan Abuu Salama oo wuu geeriyooday. Ummu Salama waxay Illaah
ka bariday in uu Illaah u sahlo nin ka
kheyr badan Abuu Salama, laakiin waxay
gadaal danbe is weydiisay su’aasha ah,
yaa noqon kara ninka ka kheyr badan
Abuu Salama. Hase ahaatee, Illaah wuu aqbalay ducadeedii, oo waxay heshay
Ummu Salama nin ka kheyr badan Abuu
Salama waana Rasuulka (scw). Waxaa
Ummu Salama maalintaa wixii ka
danbeeyay guursaday Rasuulka (scw).
Sidaasna ayeey waxay ku noqotay mid ka mid ah hooyooyinka Muslimiinta,
waayoo xaasaka Rasuulka waa
hooyooyinka muslimiinta.

No comments:

Post a Comment