Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 26AAD

ZEYD BINU XAARITHA “WAA SAXAABIGA KELIYA EE MAGACIISA LAGU XUSAY QUR’AANKA” (26) Sucdaa Bintu Thaclaba waxay doonaysay
inay tolkeeda reer Banii Macan soo
booqato, waxaana waqtigaas socdaalka
ku wehelinayay wiilkeeda Zeyd Binu
Xaaritha Al-Kacbiyi. Xaaritha wuxuu
sagootiyay xaaskiisii Sucdaa iyo wiilkiisii yaraa ee Zeyd. Wuxuu si fiican ugu
hubsaday awrkii ay saarnaayeen,
gacmaha ayuu kor ugu qaadayay, isagoo
sagootinaya. Mararka qaarkood,
galgacaylka iyo jacaylka weyn ee uu
qabay xaaskiisa iyo wiilkiisa Zeyd ayaa qaadayay, oo wuxuu is arkayay isagoo
daba socda awrkii ay saarnaayeen.
Laakiin gadaal danbe ayuu dib u soo
xasuustay inuusan safarka ku
wehelinaynin. Sidaas darteed ayuu dib
ugu soo noqday guriga. Sucdaa iyo wiilkeedii waxay socdaan,
markay soo gaareen daarihii ay
degganaayeen tolkeedii ayaa waxaa
iyada iyo dadkii la socotayba hal mar soo
weeraray fardoollaydii reer Banii Qayn,
dabadeedna waxay billillaqaysteen dhammaan hantidii ay wateen, ratigii ay
wateena way kaxaysteen, sidoo kale
wiilashiina way qafaasheen. Zeyd oo la qafaashay Haddaba, wiilashii la qafaashay ayaa
waxaa ku jiray Saxaabiga aan ka
sheekeenayno ee Zeyd Binu Xaaritha.
Waqtigaas iyada ah waxay Zeyd Binu
Xaaritha da’diisu ahayd qiyaastii 8 jir.
Zeyd Binu Xaairtha iyo wiilashii kale ee la qafaashay waxaa la keenay suuqii
weynaa ee la oran jiray Cukaada, iyagoo
la doonayo in dadka loo bandhigo inay
iibsadaan caruurtaas la soo qafaashay. Waxaa Zeyd Binu Xaaritha gatay nin
hantiile ah kana mid ahaa madaxda
Qureysh. Ninkaas magaciisa waxaa la
yiraahdaa Xakiim Binu Xazaam Binu
Khuweylid, wuxuuna ku gatay Zeyd lacag
gaaraysa 400 dirham, ma ahayn Zeyd oo keliya, ee wuxuu kaloo goobtii suuqa ka
soo gatay wiilal kale oo fara badan. Markii uu Xakiim Binu Xazaam yimid
magaallada Makka, waxaa warkiisii
maqashay Khadiija Bintu Khuweylid oo
eeddo ugu toosnayd Xakiim. Way soo
booqatay, iyadoo salaamaysa soona
dhoweynaysa, wuxuuna Xakiim ku yiri eeddadiis “eeddo, waxaan suuqa
Cukaada ka soo gatay wiilal, ee kaad
doontid wiilashaas ka dooro waan kuu
hadiyeenayaaye”. Khadiija Bintu Khuweylid ayaa si fiican u
eegtay wiilashii, dabadeedna waxay ka
dooratay Zeyd Binu Xaaritha, kadib
markay ku aragtay inuu leeyahay
astaamaha wanaagsan sida xilkasnimo
iyo caqli qoto dheer oo ay ku tuhmaysay. Zeyd Binu Xaaritha wuxuu soo raacay
Khadiija Bintu Khuweylid. Maba ka soo
wareegan waqtigaas waxyar jeer uu
Rasuulka (scw) guursaday Khadiija Bintu Khuweylid, waxayna
haddiyad ahaan Rasuulka (scw) u siisay
Zeyd Binu Xaaritha. Zeyd oo ku soo wareegay guriga
Rasuulka (scw) Wiilkii nasiibka badnaa wuxuu u soo
wareegay xanaanaynta iyo la deriska
suubbanaha Rasuulka (scw), isagoo nasiib
u yeeshay inuu ka ag dhowaado inta uu
Alle uummay kii ugu sharafta iyo fadliga
badnaa, si uu markaas uu uga shidaal qaato hanuunka iyo akhlaaqda suubban
ee uu ku sifaysnaa Rasuulka (scw). Hooyada Zeyd Binu Xaaritha labo indhood
isuma aynan keenin laga soo billaabo
markii la qafaashay wiilkeeda. Taas
waxaa uga sii darnayd iyadoo aan nolol
iyo geeri toona midna ku ogeyn Zeyd.
Maadaama ay tahay hooyo wax dhashay waxay isaga jirtay welwelkaas iyo
walbahaarkaas. Dhinaca kale, Zeyd
aabihiis isna dhinaciisa ayuu dadaal kaga
jiray sidii ugu guuleysan lahaa wararka
ku saabsan wiilkiisii la qafaashay. Xilli ay dadka u soo cibaado tagaan
Kacbada ayaa qaar ka mid ah Zeyd
tolkiisa yimaadeen guriga barakaysan ee
Kacbada, iyagoo ku dawaafaya kacbada
ayaa waxay si fool-ka-fool u arkeen Zeyd,
durbadiiba way garteen, isna wuu gartay. Way waraysteen, isna wuu waraystay.
Markii ay guteen cibaadadoodii, waxay ku
laabteen magaalooyinkoodii, waxayna
Xaaritha oo ahaa Zeyd aabihiis u
sheegeen inay indhaha soo saareen oo ay
la kulmeen Zeyd markii ay joogeen Makka. Xaaritha wuxuu durbadiiba diyaarsaday
awrkiisii, wixii hanti ahayd ee uu qaadan
karayna horey ayuu u sii qaatay sii uu
wiilkiisa ugu soo furto, sidoo kale, waxaa
safarka u sii raacay walaalkiis Kacab. Way anbabaxeen, waxayna u kicitimeen
jihada magaallada Makka. Markay
yimaadeen magaalladii, waxay u soo
galeen Muxammad Binu Cabdullaahi
(Rasuulka s.c.w) oo waqtigaas lagu soo
dejin waxyiga, waxayna ku yiraahdeen “Ina CabdilMudhalib, waxaad tihiin kuwo
deris la ah kacbada, waxaad sii daysaan
kan idin weydiista magangalyada, kan
gaajaysanna waad quudisaan, kan
dhibaataysanna waad u gargaartaan.
Waxaan kuugu nimid inaad sii dayso wiilkeena kula jooga, waxaana soo
qaadanay wixii hanti ah ee aan ku
furanaynay wiilkeena, ee nagu galladayso
oo wiilka aan ku furanno waxaad doontid
oo hanti ah”. Rasuulka (scw) ayaa ugu jawaabay “waa
kuma wiilka aad weydiisanaysaan?”.
Waxay yiraahdeen “wiilka addoon
ahaanta aad u haysatid ee Zeyd Binu
Xaaritha”. Wuxuu misna yiri Rasuulka
(scw) hadal macnihiisu yahay “ ka warama hadduu jiro wax ka kheyr badan
furashada wiilkiina”. Waxay yiraahdeen
“oo waa maxay waxaasi?”. Wuxuu yiri
hadallo u macno dhowaa “waan idinkugu
yeerayaa, waxaana dooransiinayaa inuu
ila joogo anniga iyo inuu idinka idinla joogo, hadduu idin doorto, idinkaa
wadanaya mana bixinaysaan wax hanti
ah, haddiise uu i doorto waxaan
tixgelinayaa doorashadiisa”. Waxay
yiraahdeen “caddaalad baad samaysay
waadna ku xeel-dheeraatay caddaaladda”. Mowqifkii qiimaha badnaa ee Zeyd Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray Zeyd Binu
Xaaritha, wuxuuna ku yiri “ma
garanaysaa labadan nin?”. Zeyd wuxuu
yiri “haa, kani waa aabahay Xaaritha Binu
Shuraaxiil, ninka kalena waa adeerkay
Kacab”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Zeyd “waan ku dooransiiyay inaad iyaga
raacdid iyo inaad anniga ila
degganaatid”. Zeyd ayaa isagoon
jawaabta la dib dhicin markiiba yiri
“maya, ee waxaan doonayaa inaan adiga
kula degganaado”. Aabihii ayaa wiilkiisa Zeyd ku yiri
“wiilkaygiyoow ma aabahaa iyo hooyadaa
ayaad ka dooranaysaa addoonsiga lagu
addoonsanayo?”. Zeyd ayaa misna
markale ku yiri aabihiis “ninkan anniga
unbaa og waxaan ku arkay, dooni maayo inaan weligeey ka tago”. Markii uu Rasuulka (scw) maqlay arkayna
mowqifka uu qaatay Zeyd ayaa intuu
labadiisii gacmood qabtay u soo waday
kacbada, wuxuuna isagoo gacanta haya
Zeyd koray dhagaxa (xajarul-aswadka)
wuxuuna isagoo koox qureysh ka mid ah hadal u jeedinaya yiri “qureeshay waxaad
ka marag noqotaan inuu Zeyd yahay
wiilkayga, uuna i dhaxlayo aan isagana
dhaxlayo”. Hadalladaas waxay farxad geliyeen
Xaaritha iyo walaalkiis Kacab, waxayna
wiilkoodii uga tageen Muxammad Binu
Cabdillaahi, iyagoo ku soo laabtay
tolkooda, isla mar ahaantaana aan ka
cabsi qabin aayatiinka Zeyd Binu Xaaritha. Wixii maalintaas ka danbeey, waxaa Zeyd
loogu yeeri jiray Zeyd Binu Muxammad,
magacaas ayuu lahaa jeer laga soo saaro
Rasuulka (scw), waxaana waxyar kadib
soo degtay aayad lagu mamnuucayo in
qofka uu qaato magac ka duwan magaca waalidkiis, oo wuxuu Allaah suuradda Al-
axzaab ku yiri aayadda 5-aad “ugu yeera
aabayaashood”. Wixii aayaddaas ka
danbeeyay waxaa Zeyd loogu yeeri jiray
magaciisii hore ee Zeyd Binu Xaaritha. Zeyd maalintii uu sayidkiisa ka
dooranayay wiilidkiis dhab ahaantii ma
uusan ogeyn inuu sayidka uu doortay uu
yahay sayidka ugu fadliga badan inta
dunida soo martay oo dhan. Dhab
ahaantii ma uusan ogeyn Zeyd markii uu Rasuulka (scw) ka dooranayay waalidkii
dhalay inuu noqonayo Rasuulka
Nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha
ahaatee loo soo saarayo ummaddan
islaamka. Zeyd, ma uusan ogeyn shaqsiga
uu doortay inuu noqon doono kan cadligiisu iyo samafalkiisu hareen
doonaan barriga iyo galbeedka dunidan
aynu saarannahay. Waxaasoo dhan ma
ogeyn, hase ahaatee waxay tani ka mid
tahay fadliga Allaah ee uu siiyo qofkii uu
doono oo addoomadiisa ka mid ah. Dhacdadaas soo martay Zeyd kama soo
wareegan waqti gaaban markii uu Allaah
(sw) soo saaray Nabigiisa isagoo wata
diintii hanuunka iyo xaqa ahayd.
Haddaba, Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka
raalli noqdee wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee qaata hanuunkii iyo
xaqii lagu soo saaray Rasuulka (scw). Inkastoo uu Zeyd Binu Xaaritha Allaha ka
raalli noqdee ku soo barbaaray gurigii
Xabiibka suubbanaha Rasuulka (scw),
haddana wuxuu ahaa ninka uu Rasuulku
(scw) ku qarsado sirihiisa. Dhinaca kale,
wuxuu Zeyd Binu Xaaritha ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ciidamada ilaalada
muslimiinta, iyo isagoo uu Rasuulka (scw)
mararka qaarkood magaallada uga tagi
jiray, waana xilliyada uusan Rasuulka
(scw) ku sugnayn magaallada. Sidii uu Zeyd Binu Xaaritha u jeclaaday
Rasuulka (scw) oo uu isaga ka doortay
waalidkiisii dhalay, ayuu misna Rasuulka
(scw) dhinaciisa u jeclaa Zeyd Binu
Xaaritha. Rasuulka (scw) wuxuu markasta
jeclaan jiray inuu arko Zeyd. Hadduusan arag maalmo wuu u hiloobi jiray
aragtidiisa, markuu arkana wuu ku farxi
jiray. Rasuulka (scw) si uusan dadka kale
ugu farxin ayuu ugu farxi jiray aragtida
Zeyd Binu Xaaritha. Innagoo tusaale ka mid ah sidii uu
Rasuulka (scw) u jeclaa Zeyd, ayaan
waxaan bal isku dayaynaa inaan
dhagaysanno sheeko ay arrintan nooga
hayso hooyadeen Caa’isha Allaha ka raalli
noqdee. Waxay tiri Caa’isha Allaha ka raalli noqdee “waxaa yimid Zeyd Binu
Xaaritha, iyadoo Rasuulku-na (scw) joogo
gurigayga, albaabka ayuu soo garaacay,
waxaa xaggiisa u istaagay Rasuulka (scw)
oo aan dhar fiican qabin (wuxuu qabay
dhar asturayay inta u dhaxaysa lowga/ jilbaha iyo xuddunta), wuxuu yimid
albaabka isagoo jiidaya dharkuu qabay,
wuu ku soo booday oo wuu dhunkaday.
Wallaahi ma aanan arag Rasuulka Alle
(scw) oo qaawan maalintaas kahor iyo
kadibba..”. Sidoo kale waxay oran jirtay Caa’isha Allaha ka raalli noqdee “Ma
uusan dirin Rasuulka (scw) ciidan illaa
hadduu diro wuxuu madax uga dhigi jiray
Zeyd Binu Xaaritha, hadduu Zeyd noolaan
lahaa Rasuulka (scw) gadaashiis isaga
ayaa muslimiinta khaliifkeeda noqon lahaa”. Heerkaas ayuu gaaray tusaalaha
wanaagsan ee uu kulansaday Zeyd Binu
Xaaritha. Wararka ku saabsan jaceylka Rasuulka
(scw) u qabay Zeyd wuxuu ku dhex faafay
muslimiinta, waxayna asxaabta ugu
magac dareen Zeyd “kii uu jeclaa
Rasuulka s.c.w”, wiilkiisii Usaama-na
waxay isna ugu magac dareen “kii uu jeclaa Rasuulka s.c.w uu misna dhalay kii
isna uu jeclaa Rasuulka s.c.w”. Guurkii Zeyd ee Zeynaba Sida uu noo sheegay qur’aankaba wuxuu
Zeyd Binu Xaaritha guursaday Zeynaba
Bintu Jaxshah oo ay qaraabo ahaayeen
Rasuulka (scw). Inkastoo uu Rasuulka
(scw) ku daray Zeyd gabadhii ay
qaraabada dhow ahaayeen Rasuulka (scw), haddana ma sii cumrinin
guurkoodii, oo markii danbe wuu furay,
waxaana Zeynaba guursaday Rasuulka
(scw), iyadoo si toos ah uu Alle u
tawalliyay guurkooda, oo aayad cad ayuu
Allaah ugu guuriyay Nebigiisa (scw) gabadha la yiraahdo Zeynaba Bintu
Jaxsha. Hase ahaatee, wuxuu Zeyd Binu
Xaaritha markii danbe guursaday gabar
kale oo la yiraahdo Ummu Kalthuum Bintu
Cuqbah. Sannadkii 8-aad ee hijriga waxaa
Rasuulka (scw) la soo gudboonaatay
murugo kaga timid geeridii Zeyd Binu
Xaaritha Allaha ka raalli noqdee. Waxay ahayd, kadib markii uu Rasuulka
(scw) diray Xaarith Binu Cumeyr Al-
azdiyyi isagoo sida dhambaal ku socota
boqorkii Busraa oo loogu yeerayo inuu
soo galo diinta islaamka. Markii uu
Xaairth Binu Cumeyr soo gaaray “Mu’ta”, ayaa waxaa ku soo baxay mid ka mid ah
ciidamadii Qasaasinah, ninkaan oo la
oran jiray Shuraxbiil Binu Camr. Wuxuu
qabtay saxaabigii Xaarith, dabadeedna
wuxuu si adag ugu dabray xarigii uu ku
xiray, kadibna wuxuu soo taagay tiirkii, isagoo sidaas qoorta uga gooyay. Sidii
ayuu ku shahiiday saxaabigii siday ama
waday dhambaalkii ka socotay Rasuulka
(scw), kuna socotay boqorka Busraa. Geeridii Xaarith waxaa si daran uga
naxay Rasuulka (scw), maxaa yeelay lama
arag waqtigaas kahor ergay sidaasoo
kale loo dilay. Intaa kadib, wuxuu
Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan ka
kooban ilaa 3000 ciidan si ay ugu duullaan Mu’ta, wuxuuna ciidankaas
madax uga dhigay saxaabigiisii uu sida
daran u jeclaa ee ahaa Zeyd Binu Xaaritha
Ilaahay ha ka raalli noqdee. Wuxuu Rasuulka (scw) yiri “haddii la
asiibo (la dilo) Zeyd hoggaan waxaa
qabanaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, haddii
Jacfar-na la asiibo waxaa hoggaanka
qabanaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa,
haddii la asiibo Cabdullaahi-na muslimiinta naftooda ha u dooraan nin
ka mid ah iyaga”. Ciidamadii 3000-ka kun ka koobnaa ee
uu hoggaaminayay Zeyd Binu Xaaritha
ayaa sidii ku dhaqaaqay. Way socdeen
ilaa ay gaareen meesha la yiraahdo
Macaan ee ku taalla barriga Urdun. Boqorka reer Ruum ee Hiraqle oo wata
ciidan gaaraya 100.000 ayaa soo baxay,
isagoo doonaya inuu difaaco ciidamadii
dilay saxaabigii Xaaritha. Ciidamo kale oo
iyagana gaaraya ilaa 100 000 ayaa ku
darsamay ciidamadii Hiraqle, iyagoo difaac ka galay meel aan ka fogeyn
goobtii ay degganaayeen ciidamada
muslimiinta. Waa labo tiro oo aan marnaba la isla
meel dhigi karin. Tirada ciidamada
muslimiinta iyo kuwa gaallada.
Ciidamadii muslimiintii waxay seexdeen
degmada Macaan labo habeen, iyagoo
labadaas habeenood oo dhan wada-tashi ku jiray. Muslimiinta oo la soo gudboonaatay
arrin culus Mid ka mid ah ciidamada muslimiintii
ayaa wuxuu ku yiri isagoo arrintan kala
tashanaya muslimiinta “ka warama
haddaan dhambaal u dirno Rasuulka
(scw) oo aan u sheegno tirada
cadoowgeena oo markaas isaga aan jawaab ka sugno”. Mid kale ayaa yiri
“wallaahi ayaan ku dhaartaye –
tolkaygiyoow- innagu waxaad ogaataan
inaan u dagaalamaynin tiro iyo awood
toona, ee waxaan u dagaalamaynaa
diintan islaamka , ee ina wadiya aan u dhaqaaqno dantii aan u soo baxnay.
Wuxuu Allaah idiin yaboohay labadii
wanaagsanaa middood, inaan
guuleysanno iyo inaan shahiidno”. Iyadoo farqiga xagga tirada iyo
awooddaba aan marnaba isu
dheellitirnayn, haddana muslimiinta
meesha ay dhammaantood u
degdegayeen ayaa ahayd Jannada iyo
wanaagga xagga Alle agtiisa yaalla. Sidii ayeey ciidamadii muslimiinta u
qaateen taladaas. Labadii ciidan ayaa
madaxa isla galay, waxayna ku
dagaallameen goobtii Mu’ta. Inkastoo
tirada ciidamada muslimiinta ay
yaraayeen, haddana waxay soo bandhigeen dagaal cabsi weyn ku beeray
ciidamadii gaallada ee roomaanka.
Ciidamadan gaaraya 3000 ayaa waxay is
hortaageen ciidan ka tiro iyo awood
badan. Waxay la dagaalamayaan ciidan
tiradooda gaaraya ilaa 200 000 qof. Zeyd Binu Xaaritha ayaa seeftii uu watay
ku laayay gaallo badan, isagoo markaas
iyada ahna xanbaarsan calankii Rasuulka
(scw). Wacdarihii uu soo bandhigay
maalintaas aad ayeey u jeclaysteen
asxaabta, inkastoo ugu danbeyntii ay jirkiisii ka dhex duseen warmo iyo seefaf
badan sidiina ayuu isagoo dhiig baxaya
ku dhacay dhulka, weliba isagoo sidaas
ku helay sharafka shahaadadii uu in
badan ku taamayay inuu helo. Siday ballantuba ahayd, waxaa
durbadiiba calankii la wareegay Jacfar
Binu Abii Dhaalib sidiina ayuu
dhinaciisana u muujiyay geesinimo weyn.
Hase ahaatee, isna waxyar kadib wuxuu
maray waddadii uu maray saaxiibkiisii ka horeeyay, kadib markii uu ku shahiiday
dagaalka. Waxaa sidoo kale calanka qaaday
Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Wacdarro iyo
geesinimo la yaab leh ayuu isna muujiyay,
jeer markii danbe isagana laga asiibo oo
uu sidaas ku shahiiday. Saddexdii nin ee
uu magacaabay Rasuulka (scw) sidaas ayeey ku shahiideen. Sidii la filyayba,
waxay muslimiinta isugula noqdeen wada
tashi iyo inay iska soo dhex saaraan
ninkii ay u dhiibi lahaayeen hoggaaminta
ciidamada. Wadatashi gaaban kadib,
waxay muslimiintii hoggaanka ciidanka u calaamo-saareen geesigii halyeeyga ahaa
ee Khaalid Binu Waliid. Waqtigaas iyada
ah, wuu ku cusbaa diinta, oo waqti
gaaban ayaa laga joogay markuu ku soo
biiray bahweynta muslimiinta. Ciidamadii
ayuu dhinac u riixay, wuxuuna muslimiintii ka badbaadiyay jabkii
weynaa ee looga cabsanayay, sidaas
ayeeyna uga guuleysteen ciidamadii
gaallada ahaa. Rasuulka (scw) ayaa waxaa soo gaaray
wixii ka dhacay Mu’ta, iyo
hoggaamiyayaashii uu magacaabay oo
dhammaantood ku shahiiday dagaalka. Si
aan la tilmaami karin ayuu Rasuulka
(scw) uga naxay geeridooda, wuxuuna aaday qoysaskooda isagoo u tacsiyaynaya. Markii uu Rasuulka (scw) soo gaaray
gurigii Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka
raalli noqdee, waxaa xaggiisa ku soo
carartay gabadhii yareyd ee uu dhalay
Zeyd, iyadoo markaas-na si xad-dhaaf ah
u oonaysa. Xabiibka Rasuulka (scw) ayeey arrintaas saamaysay, dabadeedna wuxuu
billaabay inuu isna ooyo. Sacad Binu
Mucaad oo la socday Rasuulka (scw) ayaa
ku yiri “maxay tahay tanina Rasuulkii
Alloow”, wuxuuna Rasuulka (scw) ugu
jawaabay “waa oohinta xabiibka uu u ooyo xabiibka uu jecel yahay”. Ilaahay ha
ka raalli noqdo Zeyd Binu Xaaritha iyo
dhammaan intii u soo hurtay fidinta
diinta islaamka, aamiin.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete