ASMAA BINTU ABII-BAKAR ”Asmaa waxay gaartay 100-sanno iyadoo ilig iyo goos midna ka dhicin welina aan caqli doorsoomin” (14) Waxay ka dhalatay qoys wada
saxaabo ah: Saxaabiyadda aan markan sheekadeeda
qaadanayno waa gabadhii loo
dhammaystiray sharafta iyo wanaagga.
Aabaheed waa Saxaabi, awoowgeed waa
saxaabi, walaasheed iyaduna waa
saxaabiyad, ninka qaba isna waa saxaabi, wiilka ay dhashayna waa saxaabi. Intaas
oo keliya ayaa ammaan iyo sharaf ugu
filan. Aabaheed waa saxaabi, waana
saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubar As-
siddiiq ee ahaa saaxiibkii Rasuulka (scw),
dhinaca kalena ahaa khaliifkii Rasuulka dhimashadiisa kadib. Awoowgeed waa saxaabi oo waxaa la
oran jiray Abuu Catiiq oo ahaa waalidkii
Abuubakar (rc). Gabadha ay walaalaha ay
ahaayeena iyaduna waa saxaabiyad,
waxaana magaceeda la yiraahdaa
Caa’isha ahaydna hooyadii mu’miniinta. Ninkeeda isna waa saxaabi, waxaana la
oran jiray Zubeyr Binu Al-Cawwaam,
wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii inta
badan u gargaari jirtay Rasuulka (scw).
Wiilka ay dhashayna waa saxaabi,
wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Zubeyr dhammaantood waxay ahaayeen wada
saxaabo, Ilaahna ha ka raalli noqdo. Si
kooban haddaan u iraahdo gabadhaas
aan xusnay magaceeda waa Asmaa Bintu
Abii-bakar, waxayna ka mid ahayd
asxaabtii kulansatay astaamahaas wanaagsan ee ah in qoyska ay ka
dhalatay ay dhammaantood ahaayeen
muslimiin/saxaabo, halka saxaabada kale
aynan qoysaskooda sidaasoo kale ahayn
oo ay ku jireen kuwo aanan muslimiin
ahayn. Mar hore ayeey islaamtay,
Nebigana (scw) wuu u
duceeyay: Asmaa Bintu Abii-bakar waxay ka
mid ahayd asxaabtii goor hore soo
islaamay, waxaa iyada horteed soo
islaamay oo keliya 17 qofood oo
isugu jira rag & dumar. Asmaa
Bintu Abii-bakar waxaa lagu naanaysi jiray ”Bidaati Al-
nidaaqayn” taasoo loola jeedo tii
labada suunka lahayd ama tii
labada maralayda ahayd, sababta loogu
magac darayna waxay ahayd, iyadoo u
samaysay Rasuulka (scw) iyo aabaheed Abuu-bakar sahay ama saad maalintii ay
u haajirayeen magaallada Madiina.
Waxay u diyaarisay sibraar, markii ay heli
wayday wax ay ku xirto ayaa waxay
jeexday suunkeeda (wax ay dumarka
dhexda ku adkeysan jirayn) iyadoo labo u kala jeexday, dabadeedna waxay mid ka
ah labadii maro ee ay jeexday ku xirtay
kiishka ama qariiraddii sahayda ku jirtay,
tii kalena waxay ku xirtay sibraarta. Nebiga (scw) ayaa markii uu arkay waxa
ay Asmaa sameysay ugu duceeyay inuu
Ilaah ugu beddelo labo suun Jannada
dhexdeeda. Sidaa darteed wixii
maalintaas ka danbeeyay waxaa Asmaa
lagu naanaysi jiray gabadhii labada suunleyda/ maralayda ahayd. Waxay ninkeeda u ahayd
tusaale wanaagsan: Asmaa Bintu Abii.Bakar waxaa guursaday
Zebyr Binu Al-Cawwaam, xilligaasna
wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan
hanti lahayn. Ma lahayn adeege u
shaqeeya, sidoo kalena ma haysan hanti
uu ku quudiyo caruurtiisa aan ka ahayn faras uu dhaqan jiray. Asmaa Bintu Abii-
bakar waxay Zubeyr u ahayd xaas
wanaagsan, way u adeegi jirtay,
faraskiisana way u daryeeli jirtay, laf-
timireedka ayeey faraska u tumi jirtay,
dabadeedna u calfin jirtay, jeer maalintii danbe uu Ilaah hanti ka siiyo, wuxuuna
Zubeyr ka mid noqday asxaabta kuwooda
ugu hantida badan. Waxay dhashay saxaabigii ugu
horeeyay ee dhasha sannadka
hijriga kadib: Asmaa Bintu Abii-bakar markii ay u
suurto gashay inay u haajirto/guurto
magaallada Madiina iyadoo diinteeda la
cararayso, ayaa waxay iyadoo safarka ku
jirta umushay/dhashay Cabdullaahi Binu
Zebeyr. Dhibaatada uu watay safarkan dheer kama uusan reebin inay gudato
dacwada diinta Islaamka. Markii ay
Asmaa timid xaafadda Qubaa ayaa waxay
dhashay Cabdullaahi, muslimiintii oo
dhan ayaa hal mar takbiirsaday (yiri
Allahu Akbar), maxaa yeelay Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabigii ugu horeeyay ee
ku dhasha magaallada Madiina isagoo
muhaajir ah, waxaa jiray dacaayado ka imaanayay
munaafiqiinta iyo Yahuudda, iyagoo isla
dhex marayay inay muhaajiriintii ay
dabar go’een, marka sidaas darteed
ayeey u farxeen oo u takbiirsadeen
markii ay Asmaa dhashay Cabdullaahi, waxayna ahayd xilligaas billowgii
sannadka hijriyada. Asmaa Bintu Abii-
bakar waxay Cabdullaahi u gaysay
Rasuulka (scw), iyadoo saartayna
dhabtiisa. Wuxuu Rasuulka (scw) qaaday
qaar ka mid candhuuftiisa, ka dibna wuxuu yeelay afkii Cabdullaahi binu
Zubeyr, isagoo markaas u anqariyay
(waxa ugu horeeya ee cunugga afkiisa
gala) una duceeyay. Wixii ugu horeeyay
ee gala laabta Cabdullaahi Binu Zubeyr
waxay ahaayeen candhuuftii Rasuulka. Asmaa waxaa looga tusaalo
qaataa deeqsinimada: Asmaa Bintu Abii-bakar waxay
kulansatay astaamaha kheyrka iyo
gobonnimada iyo caqli aad u qoto dheer,
taasoo ay dadka ku yar tahay inay la
yimaadaan astaamahaas. Dhinaca
deeqsiga Asmaa waa looga tusaale qaadan jiray. Wiilkeeda Cabdullaahi ayaa
isagoo arrinkaa ka sheekeenaya wuxuu
yiri: ”ma aanan arag labo haween oo ka
deeqsinimo badan habaryartay Caa’isha
iyo hooyaday Asmaa, hase ahaatee
qaabka deeqsimadooda way ku kala duwanaayeen. Haddaan ka hadlo
deeqsinimada habaryartay Caa’isha iyadu
waxayba ahayd tii shayga u gaysa shayga
kale ilaa uu wixii ka bato, markaas ka dib
ayaa maalkii waxay u qaybin jirtay
masaakiinta. Laakiin, hooyaday iyadu waxna maba u keydsan jirin maalinta
kale”. Waxaa intaas Asmaa u sii dheereed
iyadoo ay caqli badnayd, waxayna
wanaajin jirtay go’aamada mararka ay
xaaladdu qadhaadhaato. Maalintii uu
aabaheed Abii-bakar hijroonayay isagoo
la socda Rasuulka, ayaa wuxuu Abuu- bakar hore u sii qaatay hantidiisa oo idil,
waxayna gaaraysay 6000 oo dirham,
ilmihiisa wax maal ah ma uusan uga
tegin. Markii uu ogaaday Abuubakar
aabihiis oo xilligaas mushrik ahaa ayaa
wuxuu u yimid Asmaa isagoo ku yiri, wallaahi waxaan arkaa inuu aabihiin
musiibo idinkaga riday hantidiisa, kadib
markii uu musiibo geliyay naftiisa. Asmaa ayaa waxay ku tiri,
awoowe, aabe wuxuu nooga tegay
hanti fara badan, dabadeedna
waxay qaadday dhagaxyo quruurac
ah oo ay ku ridday meel daaqad oo
kale ahayd oo ay ku ridan jirayn lacagaha, waxayna ku duuduubtay
maro. Waxay qabatay awoowgeed
(wuxuu ahaa indhoole) iyadoo ku tiri, bal
kaaley arag inta uu aabe maal nooga
tagay. Gacantiisa ayuu inta meeshii
geliyay ayaa wuxuu yiri, wax dhib ah maleh.., haddiiba waxan oo idil idinkaga
tagay aabihiin wuu wanaajiyay. Waxay
Asmaa sidaas u samaynaysay, bal inuu odayga xanaaqin iyo inaynan maalka
Abuubakar waxna ka siinin. Dhinaca kale,
waxay Asmaa necbayd in qof mushrik ah
uu ku sheegto abaal, waloow uu qofkaas
noqdo awoowgeed. Marnaba taariikhdu ma illoobi
karto mawaaqiftii geesinimo ee
Asmaa..: Taariikhdu haddii ay illowdo mawaaqiftii
Asmaa oo idil, lagama yaabo in la illoobo
caqli hufnaantii ay Asmaa lahayd,
go’aankeedii adkaa iyo weliba
iimaankeedii xoogga badnaa maalintii ay
la kulmaysay wiilkeedii Cabdullaahi kulankeedii ugu danbeeyay. Taasina
waxay ahayd markii wiilkeeda
Cabdullaahi loo doortay khilaafada, ka dib
dhimashadii Yaziid Binu Mucaawiya, ayna
isaga u hoggaansantay dhammaan
dhulka Xijaaz, Masar, Ciraaq, Khuraasaan iyo dhammaan magaalooyinka Shaam. Hase ahaatee, reer Banii Ummayya iyagu
kama suulin inay diyaariyaan ciidan
lixaad leh oo la dagaallama ciidanka
Cabdullaahi, ciidankaasoo uu
hoggaaminayo Xajjaaj Binu Yusuf
Azzaqafi. Labadii Ciidan waxaa dhex maray dagaallo ba’an. Hase ahaatee,
ciidamadii Cabdullaahi ayaa waxay
bilaabeen inay in-yar in-yar gadaal ugu
gurtaan, wuxuuna markii danbe ku
cararay Kacbada, isagoo isaga iyo intii la
socotayba ay magan galeen Kacbadii sharafta badnayd. Dardaarankii Asmaa ee
wiilkeeda Cabdullaahi: Kahor dilkii Cabdullaahi saacado kahor
ayaa wuxuu Cabdullaahi u soo galay
hooyadiis Asmaa - waxay ahayd habar
waayeel ah oo weliba indhoole ah-
wuxuuna ku yiri: ”Assalaamu caleyki
waraxmatullaahi wabarakaatuhu hooyo”. Waxay ku tiri: ”Wacaleyka-Salaam
Cabdullaahi…., maxaa saacaddan ku
keenay, iyadoo dhagaxyadii ay tuurayeen
laan-cigaaleedkii (nooc ka mid ah
qalabyadii dagaalka ee waagaas) Xajjaaj
ee ay ku tuurayeen ciidamadaada ay gilgilayaan guryaha magaalooyinka
Makka gilgilid!. Cabdullaahi wuxuu yiri,
waxaan u imid inaan kula tashado.
Asmaa waxay tiri, waad ila tashanaysaa!!
…, maxaad igala tashanaysaa?!. Wuxuu
yiri, dadkii way i hoojiyeen wayna iga tageen iyagoo ka cabsanaya Xajjaaj,
rajeynayana waxa agtiisa yaala, xittaa
caruurtayda iyo ehelkayga way iga
tageen, dad aad u yar oo ka mid ah
raggayga ayaa isugu soo haray,
kuwaasina inkasta oo ay sabraan, haddana ma sabri karaan wax ka badan
saacad ama labo saacadood. Ergadii reer
Banii Ummayya waxay igala hadlayaan
inay i siiyaan wixii aan doonayo oo
adduunyo ah, waana kaddib markii aan is
dhiibo oo aan ballan la galo Cabdilmalik Binu Marwaan ee maxaad hooyo arrintaas
ka leedahay? Asmaa codkeedii ayaa kor
noqday, waxayna Cabdullaahi ku tiri: ”Arrintan adiga ayeey kuu taalaa Cabdullaahiyow, adiga ayaana naftaada
og…. Haddii aad aaminsan tahay inaad
xaq ku sugan tahay, aadna dadka ugu
yeeraysid xaq, dulqaado oo adkeyso
sidii ay asxaabtaaduba u adkeysteen
kuwaasoo ku dhintay dagaalka… haddiise aad raadinayso adduunyo
ogow inaad tahay addoon kan ugu
xun: naftaada ayaad halaagtay,
ciidankaagana waad halaagtay”. Dhimashada ayaa kaaga kheyr
badan inaad is dhiibtid: Cabdullaahi ayaa hooyadii ku yiri:
”Haddaba, waxaan shakki ku jirin inaan
dhimanayo maanta”. Asmaa waxay
tiri: dhimashada ayaa kaaga kheyr badan
inaad naftaada u dhiibto Xajjaaj adigoo
mukhtaar ah, markaasna ay madaxaada ku cayaaraan ilmaha reer Banii Ummayya.
Wuxuu yiri: laakiin kama cabsanayo
dhimmasho, waxaan ka cabsanayaa inay i
jar-jaraan ka dib markay i dilaan. Asmaa
waxay tiri: dhimmashada ka dib ma ahan
wax uu qofku ka cabsado, laxda la garoocay ma xanuujiso maqaar-siibka.
Waxaa farax darteed iftiintay wejiga
Cabdullaahi, wuxuuna yiri, Allaha ku
barakeeyo hooyo, annigu kuuguma iman
saacaddan hadda ah illaa inaan kaa
maqlo wixii aan hadda kaa maqlay. Ilaah wuxuu og yahay inaan maalinna tabar
daroonin oo daciifin, Ilaah marqaati ayuu
ka yahay in wixii aan sameeyay aanan u
sameyn annigoo doonaya adduunyo iyo
dhal-dhalaalkeeda, laakiin waxaan u
halgamay caro Alle dartii ah.., hooyo, waa ikan annigoo ku socda wixii aad jeclayd,
haddii la i dilo ha iga walbahaarin
amarkaagana u dhiib Ilaah. Asmaa waxay
tiri, waxaan walbahaari lahaa markii aad
si xaq-darro ah aad ku dhimmatid. Cabdullaahi wuxuu yiri, haddaba
waxaad ku kalsoonaataa in
wiilkaaga uusan weligiis u qasdin
la imaansho shay munkar ah,
waxaad kaloo ku kalsoonaataa
inuusan wiilkaaga uusan weligiis samaynin wax faaxisho/sino ah,
sidoo kalena mana uusan ku jowr
falin xukunka Alle, mana khiyaanin
wax lagu amaanaystay mana u
kasin dulmi qof muslim ah, mana
jiraan wax uu ka door bidaayo raalli ahaanshaha Eebbe (sw). Uma
lihi sidaas inaan naftayda ammaano,
Ilaah ayaa naftayda iga og, waxaan u
oranayaa hadalladaas inaan qalbigaaga
geliyo sabirsiin iyo xasilooni. Asmaa
waxay tiri, Waxaa mahad leh Allihii kaa yeelay waxa uu jecel yahay waxa aan
jeclahay… ii soo dhawoow wiilkaygiyoow
si aan u ursado udgoonkaaga una
taabtana jirkaaga waxaa dhici karta in
kulankan uu noqdo kulankii ugu
danbeeyay ee aan ku arko. Cabdullaahi ayaa ku soo
foorarsaday hooyadiis isagoo
dhunkanaya, iyaduna sankeeda ayaa
waxay u dhoweysay madaxiisa iyo
wejigiisa iyo dhuuntiisa iyadoo ursanaysa
dhunkanaysana, labadayda gacmood ayaa waxay ku taabatay jirkiisa, ka dibna si
dhaqsi leh ayeey gacmaheedi dib ugu soo
celisay, iyadoo Cabdullaahi ku leh: Waa
maxay waxa aad gashan tahay
Cabdullaahi?!. Wuxuu yiri, waa cambuur
bireedkayga (qalab la isaga difaaco seefaha iwm). Waxay tiri, wiilkaygiyoow
waxa aad gashatay ma ahan wax uu
qaato qof doonayo shahaado/
shahiidnimo. Cabdullaahi wuxuu yiri,
waxaan u gashtay inaan qalbigaaga
dejiyo oo aadan iga nixin. Asmaa waxay tiri, wiilkaygiyoow iska siib, sidaas ayaa
geesinimadaada ugu wanaagsan, xagga
bootintana ku xoog badan, dhinaca
socodkana ku fudud, sidaa darteed
waxaad booskeeda gashataa saraawiil
dhaadheer, si markii lagu dilo aynan cawradaada u feedmin. Ducadii Asmaa ee wiilkeeda: Cabdullaahi wuxuu siibay cambuur
bireedkiisii, wuxuuna isku adkeeyay
saraawiishii uu qabay, isagoo ku
dhaqaajiyay dhinaca Kacbada si uu u sii
wado dagaalka, isagoo hooyadiis ku leh:
”hooyo, ha ka noogin ducadaada aad ii ducaynaysid”. Asmaa waxay sare u
qaadday labadeeda gacmood iyadoo leh:
Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso
istaagiisii salaadaha ee dhererka badnaa
iyo oohintiisii darnayd ee uu oonayay
mugdiyada habeenka iyadoo ay dadka hurdaan. Ilaahayow Cabdullahi ugu
naxariiso gaajidiisii iyo haraadkiisii
isagoo dhex jooga kuleylka daran ee
magaallada Makka & Madiina isagoo
weliba sooman… Ilaahayow Cabdullaahi ugu naxariiso
baarinimadiisa uu u baari falayay aabihiis
iyo hooyadiis. Ilaahayow waxaan isaga u
dhiibay amarkaaga, waxaana ku raalli
noqdo xukunkaaga, Ilaahayow waxaad
Cabdullaahi iiga abaal marisaa abaalmarka ay leeyihiin dadka sabarka
badan (kuwaasna wuxuu Ilaah qur’aanka
ku sheegay in abaalmarkoodu yahay
xisaab la’aan). Qoraxda maalintaas ma
ayan dhicin illaa Cabdullaahi Binu Zubeyr
wuxuu ahaa mid haleelay dhowaanshaha Rabbigiisa sare, wuxuuna ku shahiiday
dagaalka. Dhimmashadii Cabdullaahi
markay ka soo wareegtay dhowr iyo
toban maalmood ayaa waxaa haddana
geeriyootay Asmaa Bintu Abii-bakar,
waxayna ahayd boqol jir, iyadoo aanan ka dhicin ilig iyo goos midna, caqligeedana
uu tamaam yahay.
No comments:
Post a Comment