Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 11AAD

CADDIYYU IBNU XAATIM AL-DAA’I "ADIGU WAAD RUMEYSAY MARKII AY DADKII GAALOOBEEN, ADIGU WAAD GAROWSATAY MARKII AY DADKII INKIREEN, ADIGU WAAD OOFISAY MARKII AY DADKII BALLANTA KA BAXEEN, ADIGU WAAD SOO JEESATAY MARKII AY DADKII CARAREEN" (CUMAR BINU KHADDAAB) (11) Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan
islaamin: Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa
waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay
boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka
dib markii uu in fara badan ka biyo
diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib
markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw)
siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo
dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa
Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu
reer”ddaa’i-ga” ahaa kaasoo looga
tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis. Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu
boqortooyada ka dhaxlay aabihiis,
reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u
caleemo saareen, sidaa darteed maalka
ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu
Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw)
la jahray dacwadii hanuunka iyo xaqa,
carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay
jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu
Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka
mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo boqortooyadiisa. Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu
Xaatim u qaaday Rasuulka cadaawad aad
u daran, iyadoo uu weliba uusan garan
Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas
cadaawadeed ku sugnaa muddo gaareysa
labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle (sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo
iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba,
islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu
waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba
la illoobi karin. Aan marka isaga u deyno
si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo dhammeystirka sheekadiisa, maxaa
yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada
weriyo. Naceybkii Caddiyyu ee uu qabay Rasuulka: Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yiri: Ma jrin
qof iga necbaa Rasuulka ka dib markaan
maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisa
maamuusaan, sidoo kalena waxaan ahaa
nin kirishtaan (gaal ah) ah. Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool,
oo xoolaha ay tolkiisu ka soo helaan
dagaallada afar meelood meel ayaan ku
lahaa, sidii ay sameyn jiraynba boqorrada
carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay
Nebi Muxammad waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu
bannaanka timid, awooddiisana ay fidday
ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo
ilaaladiisa daggaalka in ay ku fideen
barriga iyo galbeedka dalalka carabta
ayaa waxaan ku iri wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: ”waxaad
ii diyaarisaa neefaf geel oo goolal
(cayilan) ah oo weliba hayin ah,
waxaadna iigu xirtaa meel ii dhow.
Haddaad maqashid ciidamada ama
ilaalada Muxammad oo yimid magaalada durbadiiba ii sheeg”. Goor subax barqin ah ayaa waxaa
xaggeyga soo aaday wiilkii
shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh:
”wixii aad damacsanayd inaad sameyso
haddii ay magaaladaada soo galaan
fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameey”. Waxaan ku iri: ”hooyadaa
gablante’e maxaa dhacay?!”. Wuxuu yiri:
”waxaan arkay calamo daaf-wareegaya
guryaha, markaan weydiiyay cidda ay
yihiinna waxaa la igu yiri waa ciidankii
Muxammad”. Waxaan ku iri, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa geelii aan horey
kuu faray”. Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan
faray ehelkayga iyo caruurtaydaba in laga
guuro dalkii aan weliggeen jeclayn.
Waxaan billaabay inaan socod-boobo,
anniga oo weliba ku socda dhinaca
gobolka Shaam si aan u haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la
deggo. Waxaan ka soo tagay gabar aynu
walaalo ahayn: Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan
raad-goobo dhammaan ehelkayga.
Markaan dhaafnay meelihii khatarta
lahayd ayaa waxaan isha mariyay
ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka
soo tagay gabar aynu walaalo ahayn, iyadoo aan uga soo tagnay meeshii la
oran jiray: ”NAJD”. Suurto gal iima ahayn
inaan iyada u laabto, waan sii soconnay
ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina
ayaan iskala deggay dadkii aynu isku
diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa qabsaday wixii aan uga
cabsanayay. Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo
gaaray warar sheegaya in fardihii
ciidamada Muxammad ay weerareen
guryaheena , isla mar ahaantaana ay
kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay,
iyadoo loo sii waday magaalada Madiina. Naxariista Nebiga ee dumarka: Gabadhii aan waalaalaha aynu ahayn
waxaa lagu daray dadkii la soo
qabqabtay, iyagoo la dejiyay meel u dhow
iridka masjidka. Waxaa meeshii soo
maray Nebiga (scw), gabadhii markay
aragtay Nebiga ayaa waxay ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay wuu dhintay,
kii walaalkay ahaana waa la waayey ee
igu galladayso Ilaah ha kugu
galladaystee”. Rasuulka ayaa ku yiri: ”waa
kuma walaalkaa?”. Waxay tiri: ”waa
Caddiyyu Ibnu Xaatim”. Rasuulka: ”Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay baa?!”,
intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka. Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo
maray Rasuulka, waxayna ku tiri
hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale
ayuuna Rasuulka ugu jawaabayay. Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo
maray, goor ay gabadhiina Nebiga ka
quusatay. Hase yeeshee nin meesha
fadhiyay ayaa gabadhii ku yiri, orodoo u
istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey
istaagtay oo mar kale ku tiri: ”Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii
walaalkay ahaana waa la waayey ee igu
galladayso Ilaah ha kugu galladaystee”.
Rasuulka (scw) ayaa si naxariis ku jirta u
yiri: ”waan falay” (macnaha dalabkaaga
waan aqbalay). Gabadhii ayaa Rasuulka ku tiri: haddaba,
waxaan doonayaa inaan haleelo
ehelkayga jooga Shaam”. Wuxuu yiri:
”laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer
aad ka hesho cid tolkaaga ah oo aad ku
kalsoon tahay si ay kuu gaarsiiyaan Shaam, sidaa darteed haddaad heshid cid
aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii”.
Markii uu damcay Rasuulka inuu
dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii
weydiisay ninkii u sheegay inay Rasuulka
la hadasho, waxaana lagu yiri wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib. Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd
jeer ay maalintii danbe ay magaalada
yimaadaan koox socoto ah oo ay ku
kalsoon tahay, kolkaasna waxay u timid
Rasuulka (scw) oo waxay ku tiri:
”Rasuulkii Alloow waxaan helay dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan
weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i
gaarsiinaya magaaladii ay joogeen
ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka
aqbalay codsigeedii, isagoo arad-bixiyay,
wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay
nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto.
Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka
ahaa. Caddiyyu wuxuu yiri: Intaa ka dib waxaan
billawnay inaan raadinno wararka
gabadha, iyadoo aan sugayno
imaanshaheeda, innagoo weliba aan
sigayno inaan rumeysano wixii naga soo
gaarey ixsaankii Muxammad iyo asxaabtiisa ay u galeen walaashay.
Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan
dhex fadhiyay ehelkayga markii aan
arkay haween saaran gurada awrta ayna
xaggeena u soo socoto. Waxaan is iri: ma
ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is iri markaan hubsaday inay iyada tahay. Markay na dul-istaagtay oo noo timid,
waxay ugula hormartay oraahdan: ”ma kii
raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa
miyaa, waxaad soo wadatay xaaskaagii
iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay
walaalahaaga tii ugu yareyd (waa iyada)”. Waxaan ku iri, walaaleey waxaan kheyr
ahayn ha oran, waxaan bilaabay inaan
sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka
raalli noqotay, ayna iiga sheekeesay wixii
ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa
wararkii aan hore u maqalay, waxaana ku iri -waxay ahayd gabar caqli badan lehna
go’aan adag-: ”maxaad ka leedahay
arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi
Muxammad scw). Waxay tiri: ”wallaahi waxaan arkaa inaad
sida ugu dhaqsaha badan aad u haleesho,
hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi
lahaa fadligiisa, hadduuse boqor yahay
agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid”. Waxyaabihii saameeyay islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim: Caddiyyu wuxuu yiri: waxaan u diyaar
garoobay safar, annigoo u kicitimay
magaalada Madiina, waxaana u soo galay
Rasuulka (scw), waxaana hore aan u
maqlay inuu yiri: waxaan rajeynayaa inuu
Ilaah gacantayda ku dhigo gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira
masjidka. Wuxuu yiri: ”waa kuma?”.
Waxaan iri: ”waa Caddiyyu Ibnu Xaatim”.
Wuu ii soo istaagay, ka dibna wuxuu i
qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay
gurigiisa. Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii
waday jeer uu waddada kula kulmay
haweeney tabardaran oo weliba waayeel
ah, waxayna la socotay wiil yar.
Haweentii waxay istaajisay Nebiga,
waxayna billowday inay kala hadasho danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u
dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa
waxaan ku iri: ”Wallaahi kani boqor ma
ahan”. Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan
ka nimid gurigiisa. Wuxuu soo qaaday
barkin ka sameysan harag, isagoo
xaggeyga ku soo tuuray iguna leh: ku
fariiso”. Intaan ka xishooday baa waxaan
ku iri: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Wuxuu yiri: maya adiga ayaa ku
fariisanaya. Markaas ka dib ayaa waxaan
u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw)
oo waan ku fariistay, halka uu isaga
fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma
lahayn waxaan ka ahayn barkintaas. Naftayda ayaan markale ku iri: Arrintani
iyo boqornimo kala dheer”. Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo
milicsaday, wuxuuna igu yiri:
”Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin
Rukuusi oo diin ka dhigta diinta
kiristaanka iyo diinta Saabi’iyada?”.
Waxaan iri: ”haa oo waa runtaa”. Wuxuu yiri, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka
qaata afar meelood meel (maalka ay
dagaalka ka soo dhacaan), taasoo aynan
diintaada kuu banneynin?”. Waxaan iri:
”haa”, iyadoo aan garowsaday inuu yahay
Nebi xagga Rabbi laga soo diray. Wuxuu haddana igu yiri (Nebigu): ”Waxaa laga yaabaa Caddiyyiyoow, inay
kaa reebayso inaad diinta soo gasho
waxa aad aragto ee fuqurada
muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku
dhaartaye waxay u dhawdahay in maalkii
uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata. Ma waxaa laga yaabaa –Caddiyyiyoow–
inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka
soo gasho waxa aad aragto oo ah tirada
yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo
badan, wallaahi waxay u dhowdahay
inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran
ratigeeda jeer ay ka soo booqato gurigan
(kacbada-Makka) iyadoo aynan cidna ka
cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah. Waxaa laga yaabaa inay kaa reebayso
inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida
aad aragto boqortooyada iyo awoodda oo
ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah
ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay
inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla Ciraaq)
oo ay furtaan muslimiinta, keydihii
boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay iyaga la
wareegeen”. Waxaan iri: ”Ma boqorkii Kisraa Binu
Hurmuz!?”. Wuxuu yiri: ”haa keydihii
boqorka Kisraa Binu Hurmuz”. Caddiyyu
ayaa yiri: ”markay arrintu halkaas
marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii
xaqa, waana islaamay”. Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli
noqdee wuu cumriyay oo wuxuu noqday
waayeel, wuxuuna oran jiray: ”waxaan
xaqiijiyay labo ka mid ah waxyaabihii uu
Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal
qayb, wallaahi ayaana ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo”. Caddiyyu wuxuu yiri, waxaan arkay
gabadhii oo ka soo safraysa magaalada
Al-qaadisiyyah iyadoo saaran ratigeeda
welibana ayna cabsanaynin ilaa ay ka
timaaddo magaalada Makka. Dhinaca
kale annigaaba ka mid ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna
keydihii boqorka Kisraa. Waxaan ku
dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna
imaanayo. Caddiyyu wuxuu yiri: Wuxuu Ilaah doonay
inuu xaqiijiyo oraahdii Nebigiisa
naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha
ahaatee, waxayna dhacday yaboohii
saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka
caabidka Cumar Binu Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la
waayey jeer laga arko nin ku
dhawaaqaya: ”yaa ii imaanaya oo iga
qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna
imaanaynin” (xilligan waxaa xilligii
dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa la yiraahdaa inuu dowladdiisa soo
saaray qaraaro fara badan oo uu ku
kafaalo qaadayo ummadda gaar ahaan
fuqurada iyo dadka aan waxna haysan.,
sida qofkii doonaya inuu guursado isla
markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu maalkaas ka heli karo
sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii
lagu leeyahay deyn isla markaasna aan
awoodin inay iska bixiso in sanduuqa
dowladda uu ka heli karo iwm. Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa
muslimiinta maanta ka dhigay
mujtamaca ugu liita dunida marka laga
fiiriyo xagga dhaqaalaha, amniga,
difaaca, siyaasadda iwm, taasi way iska
caddahay waa markii ay ka jeesteen ku dhaqanka diintoodii Islaamka kuna
dhisan sinnaanta & caddaaladda, dhinaca
kalena ahna diin taabanaysa guud ahaan
qaybaha nolosha). Nebi Muxammad (scw) waa ka run
sheegay hadalladii uu yiri, Caddiyyi Ibnu
Xaatimna wuu meel mariyay dhaartiisii. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u
naxariista dhammaan asxaabta Rasuulka
oo uu ka mid yahay Caddiyyi Ibnu xaatim.

No comments:

Post a Comment