Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 27AAD

Ummu Xabiiba "Allah iyo Rasuulkiisa ayey ka dooratay waxa kasoo haray oo idil" (27) Ma jirin Qof ka mid ah Qureysh oo
aaminsanaa ama rumeysanaa inuu
khilaafi karay ama diidi karay amarka iyo
talada uu soo jeediyo Abuu Sufyaan oo ka
mid ahaa madaxda iyo ugaasyada
Quraysh. Hase ahaatee, waxaa si dhiiranaan iyo kalsooni weyn ku jirta
gaashaanka ugu dhufatay amarkii
Sufyaan gabadhiisii uu dhalay ee lagu
magacaabayay Ramla Bintu Abii Sufyaan,
kadib markay iyada iyo ninkeedii
Cubeydillaahi Binu Jaxshi ay ku soo biireen diinta xaqa ah ee islaamka, ayna
ku kufriyeen Illaahyadii ay caabudayeen
aabayaashoodii iyo guud ahaan qureysh.
Abuu Sufyaan wuxuu in badan isku dayay
inuu gabadhiisii Ramla iyo ninkeedaba uu
ka soo leexiyo diinta islaamka ee qaateen, hase ahaatee wuu awoodi
waayay inuu ku guuleysto arrintaas.
Sababtuna waxay ahayd, iimaanka iyo
rumeynta Allaah (sw) oo si qoto dheer
ugu sugnaaday laabta iyo qalbiga Ramla
Bintu Abii Sufyaan. Murugo iyo tiiraanyo daran ayaa Abuu
Sufyaan hareereeyay, kadib islaamidda ay
gabadhiisa islaamtay, iyo weliba markii
uu ku guuldaraystay inuu ku qanciyo inay
dib uga laabato diinta islaamka. Ramla Bintu Abii Sufyaan oo kunyadeeda
loogu yeero Ummu Xabiiba (Xabiiba
hooyadeed) waxay ka mid ahayd dadkii
ku soo islaamay magaallada Makka,
waxayna islaamkeeda kahor ay guursatay
Cubeydillaahi Binu Jaxsh oo ay u dhashay Xabiiba. Ramla waxaa la dhashay
Mucaawiya iyo Cutba. Sida la ogsoon
yahay, markay aad u badatay
dhibaatooyinkii muslimiinta kaga
imaanayay gaalladii Qureysh wuxuu
Rasuulka (scw) u idmay oo u fasaxay inay u qaxaan dhulka Xabasha kuna yaala
Geeska Afrika, iyadoo danta hijradaas ay
ahayd sidii ay u badbaadsan lahaayeen
naftooda iyo diintooda. Haddaba, gabadhii sida weyn ugu
qanacday diinta ay soo gashay ee
islaamka iyo ninkeeda Cubeydillaahi Binu
Jaxsh iyo gabadhoodii yarayd ee Xabiiba
waxay ka mid ahaayeen muslimiintii ka
qaybgalay hijradii 2-aad ee Xabasha. Xiriirkii qureysh iyo boqorka Najaashi Inkastoo ay
muslimiintaas
magangalyo
weydiisteen boqorkii
caddaaladda badnaa
ee Najaashi-ga, haddana gaalladii qureysh ee uu
hormuudka kaga jiray Abuu Sufyaan
waxay ka qoomameeyeen inay
muslimiintaas gacantooda ka baxeen oo
carar ku badbaadeen, waxayna (qureysh)
isku dayeen iyagoo muslimiinta ku sugan dhulka Xabasha inay mariyaan ciqaab
daran. Qureysh waxay dirsatay niman u
safra Xabasha, si ay boqorka uga
dhaadhaciyaan in muslimiinta dib
gacanta loogu soo geliyo qureysh, iyo
sidoo kale inay boqorka u sheegaan in muslimiinta magangalyada weydiisatay
ay wax xun ka sheegaan Nebi Ciise iyo
hooyadiis Maryama. Boqorkii Najaashii oo doonaya inuu ka
gungaaro xaqiiqda hadalladaas ayaa
muslimiintii soo hijrootay madaxdooda
ka codsaday inay ka jawaabaan
eedaymahaas loo soo jeediyay, iyo inay
caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Nebi Ciise iyo hooyadiis Maryama iyo
weliba inay bal ku dul-aqriyaan (boqorka)
qaar ka mid ah aayadaha quraanka ee
lagu soo dejiyay Nebigooda Muxammad
(scw). Muslimiintii waxay si weyn u
caddeeyeen dhambaalka uu islaamka xanbaarsan yahay, waxayna boqorka
maqashiiyeen qaar ka mid ah aayadaha
quraanka. Islaamiddii boqorka Najaashi Boqorka Najaashii oo
markaas iyada ah
aanan islaamin ayaa
markii uu maqlay
aayadihii quraanka
si daran u ilmeeyay oo u ooyay, wuxuuna
yiri "diinta lagu soo
dejiyay Nebigiina
Muxammad (scw) iyo diinta lagu soo diray
Nebi Ciise (cs) waxay ka yimaadeen hal
meel", dabadeedna wuxuu durbadiiba isagoo aad ugu qanacsan risalaada
islaamka uu ku dhawaaqay inuu si dhab
ah u rumeysan yahay Allaha weyn ee wax
weliba abuuray iyo inuu Muxammad (scw)
yahay Nebiga xaqa ah Nabadgelyo iyo
naxariisi dushiisa ha ahaatee. Boqorkii Najaashiga wuxuu ciidamadiisa
iyo dowladdiisaba amar ku siiyay in la
magangaliyo muslimiintii xaggiisa u soo
haajiray, inkastoo ay jirtay qaar ka mid
ah hoggaamiyayaashiisii isaga hoos
imaanayay ay ka biyo diideen inay soo islaameen. Diintoodii kirishtaanka ayay
ku sii sugnaadeen. Ramla Bintu Abuu Sufyaan waxay sii
joogtay dhulka Xabasha, iyadoo aad iyo
aad ugu faraxday nabadgelyada iyo
magangalyada ay ka heshay iyada iyo
muslimiinta kaleba boqorka Najaashi.
Hase ahaatee, iyadoo taasi ay jirtay, haddana wuxuu Allaah (sw) doonay inuu
Ummu Xabiiba ama Ramla uu mariyo
imtixaan aad u daran, imtixaankaasoo
kale oo ay ragga intooda badan ku
dhacaan. Imtixaan la mariyay Ummu Xabiiba Habeen habeennada ka mid ah ayaa
waxay riyo ku aragtay ninkeeda
Cubeydillaahi Binu Jaxshi oo ku dhex
sugan hirar waaweyn oo ay hirarkaasi
hareereeyeen mugdiyo iyo gudcur aad u
weyn, wuxuuna markaasi ku sugnaa xaalad aad u qadhaadh aadna u xun. Hal
mar ayay hurdadii ka soo boodday iyadoo
walbahaarsan aadna u cabsanaysa, mana
jeclaysan inay riyadaas ay u sheegto
dadka. Hase ahaatee, waxyar kama soo
wareegan jeer tafsiirka riyadii ay aragtay
ay si dhab indhaha u saarto. Maalmo
kadib waxaa diintii islaamka ka laabtay
oo ka riddoobay Cubeydillaahi Binu Jaxsh,
wuxuuna billaabay inuu har iyo habeen iska xaadiro goobaha khamaarka isagoo
khamraysan. Cubeydillaahi wuxuu
afadiisa dooransiiyay inay ka laabato oo
ka riddowdo islaamka iyo inuu furo.
Ralma Bintu Abuu Sufyaan waxaa
durbadiiba la soo gudboonaatay mowqif aad u adag, waxayna aragtay inay
doorato 3 midkood. Waa midda koowaade, inay ninkeeda
hadalkiisa u hoggaansato, taasoo ah inay
qaadato diinta kirishtaanka oo ay ka
riddowdo islaamka oo markaas ay
khasaarto adduun iyo aakhiro, taasina
waa mid ayan marnaba samayn karin kadib markii laabteeda uu si wacan ugu
sugnaaday qanaacada ay ku qanacday
diintan xaqa ah ee islaamka. Tallaabada labaad ee horyaala waa inay u
laabato magaallada Makka, guriga
aabaheed Abuu Sufyaan oo weli aanan
islaamin, oo markaasi ay dhibaatooyin
badan ay dhici karto inay kala kulanto,
islaamka ay qaadatay awgeed. Iyo inay isaga sugnaato dhulka Xabasha ama
Geeska Afrika, iyada oo keli ku ah oo aan
wehelinin wax qaraabo iyo dad kale ah. Mowqifkii geesinimo ee Ummu Xabiiba Allaahu akbar, Ummu Xabiiba waxay ugu
danbeyntii qaadatay go'aankeedii
geesinimada badnaa, waxayna
doorbidday inuu Cubeydillaahi Binu Jaxsh
uu furo, maadaama uu riddoobay oo uu
ka laabtay islaamka. Ummu Xabiiba Ramla Bintu Abii Sufyaan markii ay ka
ciddo baxday Cubeydillaahi waxaa soo
gaaray warkii nolosheedii ugu farxad
badnaa ee ay maqashay intay dunida
saarnayd. Waxaa soo doonay Rasuulka (scw) Goor subax barqin ah
ayaa Ummu Xabiiba
oo ku sugan gurigii
ku noolayd
albaabkiisa la soo
garaacay. Markay furtay albaabkii
waaba Abraha oo ka
mid ahayd
shaqaalihii boqorka
Najaashi. Abraha waxay si naxariis iyo
ixtiraam ku dheehan tahay u salaantay Ummu Xabiiba, dabadeedna waxay ku tiri
"Boqorka ayaan salaan kaaga wadaa,
wuxuuna ku leeyahay Nebi Muxammad
(scw) ayaa ku soo doonay oo doonaya
inuu ku guursado, wuxuuna soo diray
waraaq uu boqorka wakiilanayo si uu kuu mehersado, ee qofkaad doontid u wakiilo
walaayadaada...". Maalin aynan weligeed hilmaamin Ummu Xabiiba waxay farxad awgeed
garan weysay meeshay joogtay, waxayna
iyadoo aanan is ogeyn ku tiri gabadhii ula
timid khabarkaan farxadda leh "Allaha
kugu bishaarkeeyo kheyr.., Allaha kugu
bishaareeyo kheyr", waxayna markiiba billowday inay u siibto qaar ka mid ah
dharkii quruxsanaa ee ay qabtay iyo
jijimadii ay xirnayd iyadoo siisay gabadhii
Abraha, iyadoo sidaas abaalmarin uga
dhigaysa. Ummu Xabiiba, maalintaas
waxay u ahayd maalin aynan weligeed hilmaamin, hantideedii ugu jeclayd ayay
gabadhii Abraha si farxad leh damacday
inay siiso, waxaana hubaal ah hadday
heesan lahayd hanti ka badan intaas inay
siin lahayd. Ummu Xabiiba waxay nasiib u
yeelatay inuu soo doono inta uu Allaah abuuray kii ugu sharafta iyo fadliga
badnaa, waa Nebigeena Muxammad
(scw). Waa hubaal inay dumarka intooda
kale ay dheer tahay fadligaas iyo
wanaagaas. Waxay wakiilatay saxaabiga
lagu magacaabo Khaalid Binu Saciid Bin Al-Caas oo muhaajiriintii markaas
Xabasha ku sugnaa ugu dhowaaanshaha
badnaa xagga qaraabada. Arooskii Rasuulka (scw) oo ka dhacay
Geeska Afrika Arooskii ama
nikaaxii Rasuulka
(scw) ee Ummu
Xabiiba wuxuu ka
dhacay guriga
boqortooyada Najaashi, weliba
meel aad u qurxoonayd ahaydna mid ka
mid ah beeraha uu boqorka ku raaxaysto.
Goobtii ama hoolkii arooska uu ka
dhacayay oo dhan ayaa la qurxiyay,
waxaana hareeraha is qabsaday iftiinkii iyo faynuusyadii ka shidnaa meel kasta,
halka dhulkoo dhanna lagu goglay
kaarbeedyo aad u qurux badan.
Saxaabadii ku sugnaa waqtigaas dhulka
Xabasha oo idil ayaa goobtii arooska ka
soo qaybgalay, waxaana asxaabtaas hoggaaminayay asxaabta kala ah Jacfar
Binu Abii Dhaalib, Khaalid Bin Saciid Bin
Al-Caas, Cabdullaahi Binu Xudaafa
Assahmiyyi iyo kuwo kale si ay uga
qaybgalaan arooska Ummu Xabiiba Binti
Abii Sufyaan ee loo guurinayo Rasuulka (scw). Dadkii oo idil markay yimaadeen, waxaa
goobtii xafladda albaabada u furay
Boqorkii Najaashi Allaha u naxariisto
kana raalli noqdee, wuxuuna isagoo
dadka u khudbaynaya yiri hadalladan
“waxaa mahad oo idil leh Allaha qudduuska ah ee la rumeeyo ahna kan
awoodda oo idil ay u sugnaatay. Meherkii Ummu Xabiiba 400 dirham oo
dahab ah Waxaan qirayaa inuu Allaah yahay Allaha
xaqa dhabta lagu caabudo, waxaan kaloo
qirayaa inuu Muxammad (scw) yahay
rasuulkiisa iyo addoonkiisa uuna soo
saaritiinkiisa noogu bishaareeyay Nebi
Ciise (cs), intaa kadib: Rasuulka Allaah (scw) wuxuu iga codsaday inaan ku
meheriyo Ummu Xabiiba Binta Abii
Sufyaan, wayna iga aqbashay inaan ku
nikaaxo Rasuulka (scw), waxaana
meherkeeda ka dhigayaa annigoo wakiil
ka ah Rasuulka (scw) 400 oo dirham oo dahab ah, annigoo sidaas ugu
meherinaya jidka Allaah iyo jidka
Rasuulkiisa Muxammad (scw)..”, kadibna
lacagtii meherka ayuu hordhigay Khaalid
Binu Saciid Binu Al-Caas oo ay wakiilatay
Ummu Xabiiba. Ummul-mu’miniin ayay noqotay Intaa kadib waxaa hadalka qaatay
Khaalid, wuxuuna yiri “waxaa mahad
weyn ay u sugnaatay Allaah (sw), waan
ku mahadnaqayaa waana
kaalmaysanayaa, waan denbi dhaaf
weydiisanayaa waana u laabanayaa, waxaan qirayaa inuu Muxammad (scw)
yahay addoonkii Allaah iyo rasuulkiisa,
wuxuu ku soo diray diintii hanuunka iyo
xaqa wadatay.., intaa kadib, waxaan
aqbalay codsigii Rasuulka (scw), waana
ku meheriyay Rasuulka (scw) gabadhii la ii wakiishay ee Ummu Xabiiba Binta Abii
Sufyaan, Allaha u barakeeyo Rasuulka
(scw) xaaskiisa”. Fadligaas iyo qiimahaas weyn waxay u
soo hoyatay maalintaas Ummu Xabiiba,
Ramla Binti Abii Sufyaan, kadib markii ay
nasiib u yeelatay inuu guursado xabiibka
Rasuulkeena Muxammad (scw), waxayna
sidaas hooyo ugu noqotay dhammaan mu’miniinta oo idil, halka ay markii hore
ay hooyo u ahayd oo keliya Xabiiba,
dabadeedna wuxuu Khaalid qaaday
lacagtii meherka, kadibna isagii iyo
asxaabta kaleba waxay damceen inay
goobtii ka dareeraan oo ay baxaan. Xaflad aad u sarraysa Hase ahaatee, boqorka Najaashii ayaa ku
yiri “fariista, maxaa yeelay waddada
nebiyada lagu yaqaano hadday
guursadaan ayaa ah inay waliimo ama
alla-bari (cuntada la sameeyo xafladda
guurka) sameeyaan. Boqorkii wuxuu amar ku bixiyay in la keeno raashinkii
xafladda, waxyar kadibna waxaa la
keenay cunto aad u heersarraysay oo
dadkii oo dhan ay wada cuneen. Waxay
tiri Ummu Xabiiba, markii lacagtii
meherka la ii keenay, waxaan durbadiiba qaar lacagtii ka mid ah u diray gabadhii
markii hore iigu bishaaraysay guurka
Rasuulka (scw), waxaana ku iri “ haddaan
hanti aan haysan lahaa waan ku siin
lahaa markaad ii bishaaranaysay, hase
yeeshee waxna ma aanan haysan maalintaas”. Inkastoo ay lacagtii dahabka ay wax ka
siisay, laakiin waxyar markay maqnayd
way ku soo noqotay iyadoo wadda
lacagta, waxayna ku tiri “boqorka wuxuu
ballan ku qaaday inaanan waxna kaa
qaadan”, sidoo kale wuxuu haweenkiisa amar ku siiyay inay mid waliba haddiyad
kuu keenaan. Subixii markii la gaaray,
haween kasta waxay awoodday oo
haddiyad ah ayay la timid. Abraha oo
ahayd gabadhii Ummu Xabiiba u keentay
khabarkii la xiriiray inuu Rasuulka (scw) doonayo inuu guursado Ummu Xabiiba
ayaa waxay u timid Ummu Xabiiba,
waxayna ku tiri “waxaan doonayaa inaan
arrin kuu sheego”.. Ummu Xabiiba ayaa u
celisay “oo maxay arrintaasi tahay??”
Abraha: “waan islaamay, oo waxaan raacay diinta Muxammad (scw) ee fadlan
iga gaarsii Nebiga salaan, una sheeg
inaan rumeeyay Allaah (sw) iyo
Rasuulkiisa”, waxayna misna intaas
raacisay “marnaba ha iga hilmaamin
salaantaas”. Ummu Xabiiba
waxay tiri, Abraha
waxay ii diyaarisay
gaadiidkii aan ku
safri lahaa, sidiina
ayaan ugu safray magaalladii Madiina
ee uu degganaa
Rasuulka (scw).
Markii ugu horeysay ee aan la kulmay
Rasuulka (scw) waxaan uga waramay
sidii ay u dhacday doonistii iyo arooskiiba, iyo wixii aan ku wada
hadalnay ama na dhexmaray anniga iyo
Abraha, waana u sheegay inay soo
salaamaysay. Rasuulka (scw) aad iyo aad
ayuu ugu farxay warkii aan uga sheegay
Abraha, wuxuuna yiri “iyadana dusheeda Allaha gaarsiiyo nabadgelyadiisa,
naxariistiisa iyo barakaatkiisa. Allaha ka raalli noqdee gabadhii sabarka
badnayd, Alla ka cabsiga badnayd,
yaqiinteeda iyo iimaankeeda aadka u
xeeldheeraa Ummul-miniin Ramla Bintu
Abii Sufyaan, waxay da’deedu ahayd 36
jir maalintii uu la aqal galay Rasuulka (scw), waxayna geeriyootay sannadkii 44-
aad hijriga iyadoo 72 jir ah. Waxaan
Allaah (sw) ka baryaynaa inuu u
naxariisto kana raalli noqdo, Jannada
Firdowsana kula kulmayo Xabiibkeeda
Rasuulka (scw), aamiin aamiin.

No comments:

Post a Comment