Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 28AAD

JACFAR BIN ABII DHAALIB “AMIIRKII MUHAAJIRIINTII U QAXDAY XABASHA” Su'aalahan ka jawaab inta aadan akhrin
casharkan.... Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid
ahaa shan nin oo si aad ah ugu ekaa
muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna
shantaas nin ee sida aadka ah ugu ekaa
Rasuulka (scw) kala ahaayeen:- Abuu Sufyaan Bin Al-Xaarith Bin Cabdil- Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen. Qutham Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen, Assaa’ib Bin Cubeyd Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis Xasan Bin Cali oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii Dhaalib. Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala
qaatay.. Ma ahayn ekaanshahaasi keliya mid
muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar
Allaha ka raalli noqdee uu sidoo kale ku
sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee
uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu Dhaalib oo
ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay Qureysh,
haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo
aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay u
dheerayd isagoo lahaa caruur badan.
Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo
gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii
ay degganaayeen qabaa’ilka qureysh.
Reer Banii Haashim waxaa maalintaas
ugu dhaqnaa oo xoogaa fiican hanti
haystay Muxammad Bin Cabdillaahi
(Rasuulka (scw) oo aan xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas
Bin Cabdul-Mudhalib. Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri
hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa
Dhaalib waa caruur badan yahay,
dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad
aragtid oo abaar daran ah iyo xanuunka
gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu uga qaadno qaar ka
mid ah caruurtiisa, annigu waxaan
qaadanayaa mid ka mid ah wiil ka mid
wiilashiisa, adiguna waxaad
qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga
kaafinaynaa." Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw)
"kheyr iyo samafal ayaad iigu yeertay",
kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa
Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen "waxaan
doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino
culeyska kaaga yimid caruurtaada si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee
dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib
wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan
Caqiil, sameeya wixii kale ee aad
rabtaan", dabadeedna Rasuulka (scw)
wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar. Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka
danbeeyay ku kala wareegeen guryaha
Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli
waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin
Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib
wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii
hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib
wanaag wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib
lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu
horeysay ee gasha diinta islaamka. Jacfar oo isku-filnaaday Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu iskala
noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa
weynaaday wuu soo islaamay, isagoo ka
guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku
filnaaday. Abuubakar ayaa soo islaamiyay Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii
qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu Cumeys
inay soo islaamaan waxaa sababteeda
lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka
raalli noqdee, waxayna ku beegnayd
kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii Arqam Bin Arqam ee uu dadka
diinta ku bari jiray. Wiilkii reer haashimiga ahaa ee
dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo
gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee
Asmaa Bintu Cumeys waxaa
islaamiddooda awgeed kala soo
gudboonaatay cidhiidhi iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh
taasoo ay la wadaageen muslimiintii kale
ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa
dhibaatooyinkaas dusha ayay u dhigteen
oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa
yeelay, waxay si dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo
maro lagu goglay laguna hareereeyay
waxyaabaha ay nafta dhibsato. Qoyskii Jacfar iyo Geeska Afrika Sidaa darteed, Jacfar Bin Abii Dhaalib
wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay
isaga iyo xaaskiisa iyo qaar ka mid ah
asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha
oo maanta loo yaqaano Geeska Afrika.
Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u fasaxay hijradaas isagoo ka murugaysan. Waxaa
culeys weyn ku ahayd oo dhibaysay in
asxaabtaas qiimaha badan ee
mu’miniinta ah lagu qasbo inay
diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad
u fog, iyagoo aanan gelin wax denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay
tahay inay yiraahdeen "Allaah ayaa
Rabbigeena ah". Ma aynan haysan
muslimiinta maalintaas awood ay isaga
caabbiyaan hagardaamada iyo
dhibaatooyinka kaga imaanayay gaalladii qureysh. Caddaaladdii Najaashi ayay ku
nimcaysteen Muhaajiriintii saxaabada ayaa u
anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana
muhaajiriintaas qiimaha badan
hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee
Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markii ay soo
gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay durbadiiba magangalyo
weydiisteen boqorkii Xabasha ee
caddaaladda iyo wanaagga badnaa
laguna magacaabayay Najaashi. Waxay
markii ugu horeysay saxaabadii
muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo
markay soo islaameen. Waxay billaabeen
inay si xor ah u muujiyaan
cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo
aynan arrintaas kala kulmin wax
dhibaato ah. Hase ahaatee, gaalladii qureysh markii ay
maqleen in koox ka mid ah muslimiinta
ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay
magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha
ayaa waxay isku dayeen sidii ay
muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili
lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi
lahaayeen. Ummu Salama ha nooga sheekayso.. Ummu Salama Allaha ka raalli noqdee oo
markaas la socotay muhaajiriintii
muslimiinta ayaan sheekadaan inteeda
badan ku soo qaadanaynaa waxyaabihii
ay la kulmeen muhaajiriintii Xabasha u
hijrooday, iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri "markaan nimid dhulka
Xabasha waxaan la kulannay dad lala
jaaro kuwii ugu kheyrka badnaa,
diinteennii ayay nagu nabad geliyeen,
iyadoo wax dhibaato ah aanan la kulmin
ayaan Rabbigeen si wacan u caabudnay. Qureysh markay maqleen wararka la
xiriira sidii na loo soo dhoweeyay waxay
billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan,
waxay boqorkii Najaashiga u soo direen
labo nin oo xoog badan, waxayna kala
ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna
labadaas nin wadeen haddiyado fara
badan oo loogu talagalay boqorka
Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga
ka ag dhow. Waxay qureysh labadaas nin
u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda kahor
intaynan ka hadlin boqorka Najaashi". Kulankii Najaashi ee Camar iyo
saaxiibkiis Ummu Salama oo hadalkeedii sii wadata
waxay markale tiri "markii labadii nin ay
yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen
wadaaddadii kirirstaanka ee u
shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen
dhammaantood haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku
yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka
Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah
dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo
diintii aabayaashoodii ay haysteen ka
gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen midnimadii tolkoodii, ee haddaan
boqorka kala hadalno kuwaas
arrinkooda, fadlan waxaad u sheegtaan
inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo
aanan weydiin wax ku saabsan diintooda,
ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana
warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.".
Wadaaddadii way oggolaadeen
codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa
yahay". Ummu Salama ayaa markale tiri, waxay
Camar iyo saaxiibkiisii aad u
dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u
yeero mid innaga naga mid ah oo uu
hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed
waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku
wareejiyay haddiyadihii ay ugu
talagaleen, waxayna ku yiraahdeen
hadalladan "boqorow waxaa
boqortooyadaada soo magangalay qaar
ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen
diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba
aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo
mana aynan qaadeen diintiinii, innaga
waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka
dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo
kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga
gacanta ugu gelino, fitnada iyo
dhibaatada ay abuureena iyaga
(ugaasyadaas) ayaa naga badiya". Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii,
waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan
yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-,
tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib
ugu celi iyagay jirtaa waxay ka
yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo
yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi,
marnaba lagama yaabo inaan dadkaas
dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u
yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa
laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka sheegeen ay sax noqoto iyagaan
gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa
laga sheegayo waxaan ahayn hadday soo
baxaan waan magangalinayaa oo waan
wanaajin doonaa inta ay ila joogaan". Markale Ummu Salama waxay tiri "intaa
kadib wuxuu boqorkii Najaashi naga
codsaday inaan la kulanno. Kahor la
kulanka boqorka ayaa innaga
dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa
qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa su'aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu
si cad ugu sheegno diinta aan
rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa
Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof
kale oo aan isaga ahayn". Ummu Salama
oo sii wadata hadalka misna waxay tiri "waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii
Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii
kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay
weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka
fadhiyaan dhinacyada midigta iyo
bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen,
waxaa sidoo kale goobtii kulanka
fadhiyay Ergadii qureysh ee Camar Bin
Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica. Boqorkii ayaa xaggeenii soo eegay,
wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad
nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga
baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla
mar ahaantaana aynan u qaadanin
diinteena iyo mid kale-toona?. Jacfar oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa
yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo
jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay
asnaamta, bakhtigana waynu quudan
jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo
qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena
awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan
tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena
ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex
soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa,
runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu
yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga
keliya aan caabudno, isla markaasna aan
faraha kala baxno wixii aynu innaga iyo
aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo
ah cibaadada asnaamta. Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega,
gudashada amaanada, xiriirinta
qaraabada, deriska oo la wanaajiyo..,
wuxuu naga reebay xumaha oo idil iyo
been-abuurashada, in la cuno hantida ay
leeyihiin agoonta iyo gabdhaha dhowrsoon oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu
kaloo na faray inaan Allah "sw" keliya
aan caabudno oo aanan u shariik-yeelin,
inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo
inaan soonno bisha ramadaan. Waan
rumeynay, oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga Allaah kala
yimid, xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo
wuxuu naga reebayna xaaraan ayaan ka
dhiganay, intaa dabadeed boqorow
waxay tolkeenii billaabeen inay nala
collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena
oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta.
Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo
dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay
dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa
dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan
agtaada nalagu dhibaataynin. Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi Ummu Salama Waxay tiri "boqorkii
Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar
Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma
jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina
kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar
yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama "kaaf-haa-
yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha
xuruufahaan), waa sheegid naxariista
Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa
Zakariya, mar uu u dhawaaqayay
Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday,
madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana
ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku
khasaara....", wuu waday jeer uu Jacfar ka
dhammeeyay dhammaan suuraddii
Maryama oo ka kooban 98 aayadood. Waxay markale Ummu Salama tiri
"waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii
ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo
dhan qoysay, wadaaddadiisiina way
ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa
ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo
dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray
Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel,
intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo
saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska taga,
wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin". Hagardaamo kale ayaa lala damcay Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka
dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi
waxaa na handdaday oo noo gooddiyay
Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku
yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka
annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo. Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri
Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay
na khilaafeen haddana waa xigtadeenii.
Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga
faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka
u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon.
Maalintii danbe markii la gaaray ayaa
Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi,
wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad
magangalyada siisay waxay ku
sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid
waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka
aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu
Salama, markaan arrinkaas ogaannay
waxaa nagu soo kordhay murugo iyo
tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax
naga su'aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu
niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay
habboon tahay inaan su'aashaas aan uga
jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise,
innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib
dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale
isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin
Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii
Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan
ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi
Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa
wixii uu nooga waramay Nebigeena
Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay
su’aashaan “waa maxay waxaasi??”. Jawaabtii Jacfar ee Nebi Ciise (cs) Jacfar oo ka jawaab bixinaya Nebi Ciise
(cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo
Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii
Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu
gacanta ku garaacay dhulka, wuxuuna
yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala duwan yihiin Nebi Ciise (cs) iyo nebigiina”.
Sawaxan iyo buuq ayay isku dareen
wadaaddadii kirishtaanka ee ag fadhiyay
boqorka, iyagoo caro ka muujiyay hadalka
ka soo yeeray boqorkoodii. Boqorkii Najaashi oo si weyn ugu
qanacsan sharaxaaddii muslimiinta ay ka
bixiyeen diintoodii ayaa ku yiri “socda oo
waxaad tihiin kuwo la nabadgeliyay,
qofkii idin caaya waa la ganaaxayaa,
qofkii idin dhibaateeyana waa la ciqaabayaa, wallaahi ayaan ku dhaartaye
kuma doorsanayo in la i siiyo buur dahab
ah oo markaasi qof idinka mid ah ay soo
gaarto dhibaato”, kadibna wuxuu
boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar
iyo saaxiikiis isagoo ku yiri “ ha loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo
uma baahnin”. Ummu Salama waxay tiri, Camar iyo
saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib
dalkoodii ugu laabtay, hase ahaatee
innaga waxaan si maamuus leh u sii
joognay dhulkii Xabasha. Toban sanno ayay Xabasha joogeen Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Bin Abii
Dhaalib iyo afadiisii Asmaa waxay geeska
Afrika si nabad ah ugu sugnaayeen toban
sanno. Hase ahaatee, sannadkii
toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga
iyo koox saxaabada ka mid ah ku soo laabteen magaallada Madiina.
Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii ka
timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo
markaasi ka soo laabtay duulimaadkii
Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib
markii la furtay Khaybar. Soo dhoweyntii Rasuulka (scw) ee
Jacfar Suubbanaha Rasuulka (scw) si aan la
tilmaami karin ayuu ugu farxay
imaanshaha Jacfar, intuu laabtiisii
sharafta badnayd ku soo dumay Jacfar
ayaa wuxuu ku yiri “ma waxaynu ku
faraxnaa furashada Khaybar mise imaanshaha Jacfar??. Farxaddaasi uu Rasuulka (scw) ka
muujiyay imaanshaha Jacfar kama yareyn
tan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan
kuwii masaakiinta ahaa ay ugu farxeen
imaanshaha Jacfar iyo asxaabta kale.
Maxaa yeelay, Jacfar wuxuu aad u xiriirin jiray una dhaqaalayn jiray masaakiinta
muslimiinta ee waxna aan haysan,
waxayna taageeradiisa masaakiinta ay
keentay in loogu magac-daro “aabihii
masaakiinta”. Abuu Hureyra Allaha ka
raalli noqdee oo arrinkan ka sheekeenaya ayaa yiri “haddaynu ahayn jamaacada
masaakiinta Jacfar wuxuu noo ahaa
qofka noogu roon dadka, gurigiisa ayuu
intuu noo kaxeeyo ayuu na soo siin jiray
waxa yaala oo cunto ah..”. Jacfar oo hoggaaminaya dagaalkii Mu’ta Joogistii Jacfar ee uu dunida saarnaa
ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad
hijriga billowgeedii wuxuu Rasuulka
(scw) diyaariyay ciidan la dagaallama
ciidamada Ruum ee ku sugnaa gobolka
Shaam, wuxuuna ciidankii muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu Xaaritha,
wuxuuna yiri “haddii la dilo Zeyd ama la
dhaawaco waxaa amiir noqonaya Jacfar
Binu Abii Dhaalib, Jacfar haddii la dilo
ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya
Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama la
dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska
dhex doorteen mid iyaga ka mid ah..”. Labo ciidan aan isku aadin xagga tirada Muslimiintii markii ay gaareen Mu’ta oo
ah tuulo ku taalla Urdun ee Shaam ayaa
muslimiintii waxay ogaadeen inay
ciidamada Roomaanka ay diyaarayeen
ciidamo gaaraya 100 000 qof,
boqolkaasoo kun oo ay taageerayaan boqol kun kale oo isugu jira gaallada
Carbeed ee ka tirsan qabiilooyinka
Lakhm, Judaam iyo Qud-h-aaca iyo kuwo
kale oo badan, halka ciidamada
muslimiinta ay gaarayeen oo keliya 3000
ciidan. Saddex kun oo ciidan ayaa wuxuu la dagaalamayaa labo boqol oo kun (200
000) oo ciidan, waa labo ciidan oo aan
isku aadin. Hase ahaatee, waxyar kadib waxaa
billowday dagaalkii ay dagaallamayeen
ciidamada muslimiintii iyo kuwii kale ee
gaallada ahaa. Hoggaamiyihii ciidamada
muslimiinta Zeyd Binu Xaaritha ayaa
jiidda hore ee dagaalka ku naf-waayay sidiina ayuu ku shahiiday, Allena uga
baryaynaa inuu u naxariisto. Dhinaca kale, waxaa durbadiiba
hoggaankii si geesinimo ku jirta ula
wareegay saxaabiga aan ka
sheekeenayno ee Jacfar Binu Abii Dhaalib
isagoo ka soo dagay faraskiisii. Si
xammaasad weyn ku jirta ayuu dagaalkii u galay, waxa keliya ee u muuqanayay
waxay ahayd Jannada iyo bilicdeeda
ballaaran, neecowdeeda iyo biyaheeda
macaan, xuurul-ciinteeda loo
dhammeeyay quruxda, webiyadeeda kala
nooca ah intaasoo ay sii siyaadiso rajada weyn ee uu ku qabay raalla ahaanshaha
RABBI (sw) taasoo uusan wax kale ku
doorsanaynin. Wuxuu tiriyay tix gabay ah
oo uu kaga hadlayay sida loo xanuujin
doono ciidamada Roomaanka ee qarka u
istaagan in la ciribtiro. Jacfar oo dagaalka ku shahiiday Wacdarro weyn ayuu Jacfar goobtii
dagaalka ka muujiyay, isagoo sita
seeftiisa wuxuu dhex jiiray ciidankii
roomaanka, isagoo kii ka soo hor-baxaba
uu qoorta ugu dheereenayay seeftiisa
ayaa markii danbe waxaa laga dhaacaway oo laga gooyay gacantiisii
midig, calankii ayuu misna ku qaaday
gacantiisii bidix, markale ayaa misna
laga dhaawacay oo ay go’day gacantii
bidix kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu
calanka ku qaado, hase ahaatee dhufashadii 3-aad oo darnayd ayaa
jirkiisa laba dhinac ka kala dhigtay. Intaa
kadib waxaa calankii la wareegay
geesigii 3-aad ee Cabdillaahi Binu
Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka
shahiido. Dhammaantood Allaha u naxariisto kana raalli noqdo, waxay
dhinteen iyagoo u taagan difaacidda
diinta ALLAAH (sw). War degdeg ah oo Rasuulka (scw) soo
gaaray Rasuulka (scw) oo ku sugan magaallada
Madiina ayaa waxaa gaaray khabar
degdeg ah (waxyi ahaan) kuna saabsan
geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha
badnaa, si daran oo xanuun badan oo aan
la tilmaami karin ayuu geeridooda uga tiiraanyooday. Wuxuu aaday guriga Jacfar
oo ay ilmo adeero ahaayeen. Guriga
waxaa joogay afadiisii qiimaha badnayd
ee Asmaa Bint Cumeys oo ku rajo
weynayd ninkeedii oo nabad qaba inuu
ku soo laabto gurigiisa iyo reerkiisa. Diyaargarow fiican ayay arrinkaa ugu
talogashay, cunto macaan iyo caruurtii oo
ay u qubaysay oo ay qurxisay si ay si
wadajir ah ay ugu qaabilaan aabahoodii
ay sida daran u jeclaayeen. Tiiraanyadii Qoyska Jacfar Asmaa oo dareenkeeda maalintaas
cabbiraysa ayaa waxay tiri “markii uu noo
yimid Rasuulka (scw) waxaan wejigiisa
qiimaha badnaa ka aqristay murugo
weyn, waxaa naftaydii gashay cabsi, hase
ahaatee ma aanan jeclaysan inaan weydiiyo su’aalo ku saabsan arrinta
ninkayga Jacfar, cabsi awgeed aan ka
qabo inaan maqlo war aan i farax gelin.
Rasuulka (scw) wuu na salaamay,
wuxuuna intaa kadib igu yiri waxaad iigu
yeertaa caruurta Jacfar, waana u yeeray. Caruurtii oo faraxsan ayaa xagga
Rasuulka (scw) ku soo cararay, mid walba
oo caruurta ka mid ah wuxuu doonayay
inuu ku dhago ama qabsado jirka
Rasuulka (scw). Dhinaca kale, Rasuulka
(scw) isna wuxuu ku soo foorarsaday caruurtii, isagoo dhunkanaya isla mar
ahaantaasna ay indhihiisii sharafta
badnaa ay ilmeenayaan. Waxaan ku iri –hooyaday iyo aabahay ha
lagugu furtee- maxaad la oonaysaa?? Ma
Jacfar iyo labadiisii saaxiib ayaa dhibaato
soo gaartay?. Wuxuu Rasuulka (scw)
“HAA.., oo maanta ayay shahiideen”.
Markay hadalkaasi uu yiriba waxay farxaddii iyo muusoodkii isu baddashay
naxdin iyo walbahaar. Caruurtii yaraa ee
faraxsanaa markay maqleen oohinta
hooyadood waxaa ka soo haray
degganaansho lagu hareeyay tiiraanyo
daran. Ducada Rasuulka (scw) ee Jacfar Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuu iska
tagay isagoo iska masaxaya ilmadii
buuxisay labadiisii indhood, wuxuuna
lahaa waqtigaas iyada ah hadallo
macnihiisu ahaa “Allahayoow waxaad
Jacfar (qoyskan) ugu baddashaa wax khayr badan, Allahayow qoyska Jacfar
baddal wanaagsan sii”, kadibna wuxuu
yiri “waxaan Jannada ku arkay Jacfar oo
leh labo garbood oo dhiig leh..”. Haa,
Allaah (sw) waa mudan yahay inuu ku
abaaliyo Jacfar darajadaas qiimaha badan, waxaana halkaas ku dhammaatay
sheekadii Saxaabigii jaliilka ahaa ee
Jacfar Binu Abii Dhaalib oo aan Allaah
uga baryayno inuu u naxariisto, kana
raalli noqdo aamiin aamiin aamiin.

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete