Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 19AAD

CABDULLAAHI BINU JAXSHI "QOF LOOGU YEERO AMIIRAL-MU'MINIIN KII UGU HOREEYAY" (19) Saxaabiga aynu hadda qaadanayno
sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir
qaraabo wadaagaan Rasuulka (scw),
wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu
horeeyay ee soo gala diinta Islaamka.
Cabdullaahi Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta Cabdil-mudhalib oo
ahayd Rasuulka (scw) eeddadiis. Dhinaca
kale wuxuu Cabdullaahi ahaa Rasuulka
(scw) seedigiis, maxaa yeelay wuxuu
Rasuulka (scw) qabay Zeynaba Bintu Jaxsh
oo ay walaalo ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd hooyadii mu'miniinta.
Cabdullaahi Binu Jaxsh wuxuu ahaa qofkii
ugu horeeyay ee loo dhiibo calanka
Islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa qofkii
ugu horeeyay ee loogu yeero Amiiral-
mu'miniin. Inkastoo aan la soo koobi karin guud
ahaan taariikhda la xiriira habnololeedkii
Cabdullaahi Binu Jaxsh, haddana waxaynu
ka soo qaadanaynaa laga soo billaabo
markuu soo islaamay. Wuxuu Cabdullaahi
Binu Jaxsh soo islaamay, kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii ama gurigii
Arqam Binu Arqam, oo ku beegnayd
xilligii ay dacwada islaamka ku jirtay
qarsoodi, sidaa darteed ayaa wuxuu
Cabdullaahi ka mid noqday saxaabadii
ugu horeeyay ee qaata hanuunka Rasuulka (scw), sidaasna ku soo islaama. Hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh Markii uu Rasuulka (scw) u fasaxay
asxaabtiisa inay u hijroodaan ama u
guuraan magaallada Madiina, iyagoo la
cararaya diintooda iyo hagardaamada iyo
dhibaatooyinka kaga imaanaysa gaaladii
Qureysh, wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh galay lambarkii labaad saxaabadii
hijrootay, oo waxaa fadliga hijrada kaga
hormaray oo keliya saxaabiga la yiraahdo
Abuu Salama. In si Alle dartii loogu
hijroodo, loogana tago qoyska iyo dalka
ayaanan ahayn wax ku cusub Cabdullaahi Binu Jaxsh, maxaa yeelay isaga iyo qaar
ka mid ah qaraabadiis ayaa waxay hadda
kahor u guureen meesha hadda loo
yaqaano geeska Afrika ama Xabasha.
Hase ahaatee, hijrada markan waxay
ahayd mid ka xeel-dheer kana ballaaran tii hore. Waxaa Madiina u hijrooday
dhammaan waalidka Cabdullaahi wuxuu
dhalay oo ka koobnaa rag iyo dumar,
waayeel iyo dhalinyaro, wiilal iyo gabdho
yaryar., maxaa yeelay guriga Cabdullaahi
wuxuu ahaa guri Islaam. Maba aynan ka sii bixin magaallada Makka jeer ay
guryahoodii ka muuqdaan murugo iyo
tiiraanyo, guryihii camirnaa waxay
noqdeen oo guryo cidlo ah oo la moodo
inaan la deggin ama lagu caweyn
weligeed. Guryihii iyo hantidii Cabdullaahi oo la
bililiqaystay Kama soo wareegin waqtigaas wax yar
hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo intii la
socotayba ilaa maalintii danbe ay soo
baxaan madaxdii Qureysh oo ku gaaf-
wareeganaya xaafadaha magaallada
Makka, bal si ay u aqoonsadaan ciddii ka qaxday magaallada ee ka mid ah
muslimiinta, iyo intii ku hartayba.
Waxaana madaxdaas ku jiray Abuu Jahal
iyo Cutbata Binu Rabiica. Cutbata ayaa
eegay guryihii ay lahaayeen qoyskii reer
Jaxsh oo dabeeshii boorka badneyd ay garaacayso albaabadii guryaha,
dabadeedna wuxuu yiri: “guryihii reer
Binii Jaxsh waxay noqdeen guryo cidlo ah
oo u oonaysa dadkeedii”. Abuu Jahal ayaa
ku yiri “yey ahaayeen kuwaas jeer ay
guryahoodii u ooyaan?!”. Intaa kadib wuxuu Abuu Jahal taabsaday gurigii
Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxayna
guryahaas ahaayeen guryaha magaallada
Makka ku yiilay kuwooda ugu quruxda
badan, uguna hodontinimo badan, oo
waxaa yaalay alaabo fara badan. Abuu Jahal wuxuu gurigii Cabdullaahi ugu
isticmaalay sida qofka hantida leh ugu
isticmaalo hantidiisa. Raalli ma ka tahay in gurigaaga
laguugu beddelo guri Jannada ku yaala Cabdullaahi Binu Jaxsh markii loo sheegay
wuxuu Abuu Jahal ku sameeyay gurigiisa,
wuxuu u sheegay Rasuulka (scw),
wuxuuna Rasuulkka (scw) ku yiri isagoo
bishaaro ugu beddelaya bililiqada
gurigiisa: “miyaadan raalli ku noqonaynin Cabdullaahiyow inuu Eebbe kuugu
beddelo gurigaaga guri ku yaala
Jannada”. Cabdullaahi ayaa yiri “haa”
Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa
haddaba ku yiri “gurigaas ayaad
leedahay”. Hadalkii Rasuulka (scw) waxay dejisay naftii Cabdullaahi, wuuna il-
qabowsaday. Imtixaankii ugu darnaa ee la mariyay
Cabdullahi Binu Jaxsh Cabdullaahi Binu Jaxsh ma uusan sigin
inuu ku nasto magaallada Madiina, kadib
wixii ka soo gaaray labadiisii hijradood
oo dhibaato iyo hagardaamooyin ah. Ma
uusan Cabdullaahi sigin inuu dha-
dhamiyo raaxada dha-dhankeeda markii uu dhex joogay ansaartii Madiina, kadib
wixii qureysh ka soo gaaray oo
dhibaatooyin ah ilaa uu Eebbe (sw) doono
inuu Cabdullaahi la kulmo imtixaan kii
ugu darnaa ee uu noloshiisa arko laga soo
billaabo markuu soo islaamay. Haddaba, akhristow kaalay aynu si
wadajir leh u ogaano waxay tahay
imtixaankaas qallafsan ama daran ee la
mariyay saxaabiga jaliilka ah ee
Cabdullaahi Binu Jaxsh. Howl-gal milateri Wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay ama
xushay siddeed (8) ka mid ah asxaabta, si
ay u fuliyaan howlgal milateri kii ugu
horeeyay ee la fuliyo islaamka.
Siddeedaas qof waxaa ku jiray
Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna Rasuulka (scw) yiri: “
waxaan amiir idinkaga dhigayaa kan
idinkugu adkeysiga badan gaajada iyo
oonka”, intaa dabadeedna wuxuu
calankoodii u guntay ama u dhiibay
Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxaana la yiraahdaa wuxuu Cabdullaahi ahaa kii
ugu horeeyay ee madax looga dhigo ilaalo
ka mid ah muslimiinta. Waxaa kaloo la
sheegaa inuu ahaa ninkii ugu horeeyay
ee loo dhiibo calanka islaamka Xamsata
Binu Cabdul-Mudhalib, waxaa kaloo la sheegaa kuwo kale. Dhambaal sireed Rasuulka (scw) wuxuu Cabdullaahi u
xaddiday ama u tilmaamay meeshii uu
aadi lahaa, wuxuuna u dhiibay dhambaal
ama qoraal, isagoo faray inuusan eegin
waxa ku qoran ilaa uu ka socdo labo
maalmood socdaalkood. Ilaaladii uu hoggaaminayay Cabdullaahi Binu Jaxsh
markay socdeen labo maalmood, ayaa
wuxuu Cabdullaahi furay waraaqdii,
waxaaba ku qoran sidatan: “haddaad
eegtid qoraalkaygan soco ilaa aad kaga
furatid Nakhla oo u dhaxeysa Dhaa’if iyo Makka, waxaadna is dul-taagtaa wararka
qureysh, noolana imow wararkooda..”.
Maba dhammeystirin Cabdullaahi aqriska
dhambaalka jeer uu durbadiiba ka
yiraahdo “maqlid iyo aqbalid waxaa iska
leh Nebigii Alle”, dabadeedna wuxuu asxaabtiisa ku yiri: “ wuxuu Rasuulka
(scw) i faray inaan socdo jeer aan ka
gaaro Nakhla, si aan u daba galo oo aan
ugu keeno Rasuulka (scw) wararka
Qureysh, wuxuuna iga reebay inaan qasbo
mid ka mid ah idinka si uu ii raaco, qofkii doonaya oo jecel shahaado iyo inuu jidka
Alle ku dhinto ha i soo raaco, qofkaan
doonaynin ha iska noqdo isagoo aan la
canaanan”. Asxaabtii ayaa waxay hal mar
yiraahdeen “maqalnay oo aqbalnay
Rasuulkii Alle, waan kuu raacaynaa meeshii uu ku faray Nebigii Alle”. Intaa dabadeed waxay asxaabtii socdaan,
waxay maalintii danbe gaareen Nakhla,
waxayna guda galeen inay wareegaan
waddooyinka dhexdooda, si ay u soo
ogaadaan wararka qureysh. Iyagoo ku
sugan xaaladdaas, ayaa waxay meel fog ka arkeen afar nin oo kala ah Camr Binu
Al-Xadrami, Al-Xakam Binu Kaysaan,
Cuthmaan Binu Cabdillahi iyo walaalkiis
oo la oran jiray Al-Muqiira. Nimankan
waxay wadeen ganacsi ay lahaayeen
qureysh oo isugu jiray hargo iyo sabiib iyo waxyaabaha ay qureysh ka ganacsadaan. Wadatashi ku saabsan xaalad degdeg
ah Markay arrinku halkaas mareyso, ayaa
asxaabtii waxay bilaabeen inay
tashadaan, maalintaasna waxay ku
beegnayd maalinta ugu danbeysa billaha
xurmada leh, waxayna billahaas xurmada
leh kala yihiin Dul-qicdah, Dulxijjah iyo Muxarram oo wada xiriira, iyo bisha
Rajab. Waa billooyin ay carabta weligood
xurmeyn jireen, oo waa xaaraan in dhiig
la daadiyo ama in dagaal la qaado
billahaas dhexdooda. Waxay yiraahdeen,
haddii aan la dagaalano waxaan la dagaalanay billihii xurmada lahaa,
waxaana ka dhalanaya taas in lagu tagri
falo bishan iyo in lagu talo galo guud
ahaan carada carabta. Haddii aan u
kaadino ilaa ay ka tagto maalinta waxay
galayaan dhulkii Xaramka, oo markaas way naga badbaadayaan. Go’aanku waa in la laayo Natiijadii ka soo baxday wada tashigooda
waxay noqotay in lala dagaallamo
nimankaas, waxay haystaan oo hanti
ahna la qaniimaysto, sidiina ayeey ku
dhaqaaqeen. Durbadiiba waxay laayeen
mid ka mid ahaa afartii nin, labo kalena way qafaasheen, halka kii afaraadna uu
carar ku badbaaday. Cabdullaahi Binu
Jaxsh iyo asxaabtiisiiba waxay soo
kaxeysteen labadii nin ee la qafaashay,
iyo hantidoodii, waxayna yimaadeen
magaalladii Madiina. ‘ Si daran ayeey u qoomameeyeen Markay u soo galeen Rasuulka (scw), uuna
ogaaday falkii ay sameeyeen aad iyo aad
ayuu uga xumaaday, wuxuuna si ba’an u
dhaliilay falkii ay sameeyeen, isagoo la
hadlayana wuxuu ku yiri: “wallaahi ayaan
ku dhaartaye idinma farin dagaal, waxaan idin faray oo keliya inaad is-dul-
taagtaan wararka qureysh, iyo inaad la
socotaan dhaqdhaqaaqooda..”. Labadii
nin ee la soo qafaashay arrinkooda dib
ayuu u dhigay Rasuulka (scw), sidoo
kalena ma eegin hantidii la soo qafaashay oo waxna kama uusan qaadan.
Dhinaca kale, Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
asxaabtii kale ayaa si daran uga
qoomameeyay falkoodii ay geysteen,
waxayna si dhab ahaan u yaqiinsadeen
inay halaagsameen, khilaafka ay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)
awgeed. Waxaa dhibaatadoodii dhibaato kale ugu
siyaadiyay inay walaalahoodii
muslimiinta ay ku badiyaan canaan fara
badan, iyo iyagoo markasta ay xaggooda
ka weji dadbaan., iyagoo ku oronaya:
“waxay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)”. Waxaa sidoo kale dhibaatadoodii
dhibaato kale ugu siyaadisay markay
ogaadeen inay qureysh ka heshay
dhacdadan mar-marsiiyo ay ku
ceebeeyaan Rasuulka (scw) iyagoo
qabiilooyinka kale ku oronaya “Muxammad wuxuu banneystay bishii
Xurmada badnayd, wuxuu bishii xurmada
badneyd daadiyay dhiig, hantidiina wuu
qaatay, raggiina wuu qafaashay”. Cidna ha weydiinin halka uu gaaray
tiiraanyada iyo walbahaarka Cabdullaahi
iyo asxaabtiisa ka soo gaaray wixii ka
dhacay. Markii ay ku badatay
walbahaarka, imtixaankiina uu ku
cuslaaday, ayaa waxaa u yimid kii bishaareenayay, isagoo ku bishaareenaya
inuu Eebbe (sw) ka raalli noqday falkii ay
geysteen, arrintaasna wuxuu Alle ku soo
dejiyay aayad qur’aan ah. Bishaaro ka farxisay dhammaantood Cidna ha weydiinin siday maalintaas u
farxeen, iyagoo dadkiina ay billaabeen
inay u tahniyadaynayaan oo ay u
bishaaraynayaan, waxayna markaas
aqrinayaan aayaddii qur’aanka ahayd ee
ku soo degtay falkii ay sameeyeen awgeed. Waxaa Nebiga (scw) lagu soo dejiyay
oraahdii Eebbe (sw) ku lahaa: “Waxay ku weydiinayaan dagaalka bisha
xurmaysan, waxaad tiraahdaa dagaalka
dhexdiisa waa weyn yahay, xannibid iyo is
hortaag jidka Alle ah iyo in Alle lagu
kufriyo iyo masjidka xurmeysan iyo ka
bixinta ehelkiisa yaase kaga weyn Eebbe agtiis, gaaleynta dadka ayaa ka weyn
dilka..”. Markay soo degeen aayadahan
sharafta badan waxaa faraxday oo il-
qabowsatay naftii Rasuulka (scw), wuxuu
qaatay safarkii oo u qaybiyay
muslimiinta, wuxuuna furasho ka qaatay labadii maxbuus, wuxuuna ka raalli
noqday falkii ay sameeyeen Cabdullaahi
Binu Jaxsh iyo asxaabtiis, maxaa yeelay
waxay ahayd duulimaadkooda mid
dhacdo weyn ku ah nolosha muslimiinta,
qaniimada laga qabsaday dhacdadaas waxay ahayd qaniimadii ugu horeysay ee
la qabsado islaamka, leyntii
duulimaadkaasna wuxuu ahaa gaalkii
ugu horeeyay ee lagu daadiyo dhiigiisa
islaamka, maxaabiistii la qabsadayna
waxay ahaayeen maxaabiistii ugu horeeyay ee muslimiinta u soo gacan
gala, calankii duulimaadkaas lagu
guntayna wuxuu ahaa calankii ugu
horeeyay ee uu Rasuulka (scw) u dhiibo
koox ka mid ah muslimiinta,
amiirkeedana wuxuu ahaa amiirkii ugu horeeyay ee loogu yeero amiiril-
mu’miniin, wuxuuna ahaa Cabdullaahi
Binu Jaxsh. Wixii intaa kadib, waxaa la soo gaaray
duulimaadkii Badar, wuxuuna Cabdullaahi
Binu Jaxsh ka muujiyay goobtii dagaalka
wacdarro daran. Dabadeedna waxaa
timid duulimaadkii Uxud, waxaana
Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii Waqaas kala soo gudboonaatay
dagaalkaas sheeko aanan la hilmaami
karin, ee aynu sheekada u dhaafno Sacad
Binu Abii Waqaas, wuxuuna Sacad yiri:- Tusaale ku saabsan geesinimadii
Cabdullaahi Maalintii dagaalka Uxud waxaan la
kulmay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuu
yiri: “maad Alle baridid?”. Waxaan ku iri
haa, waxaana labadeenii isula baxnay
dhinac, waxaana baryay Eebbe (sw)
annigoo leh: “Rabbiyow haddaan la kulmo cadowga waxaad igu soo aaddisaa nin
dagaalyahan ah, caradiisa ay aad u daran
tahay, aan la dagaalamo, isna ila
dagaalamo, dabadeedna waxaad igu
arsuqdaa inaan ka guuleysto jeer aan ka
dilo, hubkiisana aan ka qaato. Cabdullaahi Binu Jaxsh ducadeyda ayuu
aamiin u yiri, dabadeedna waxaa
duceystay Cabdullaahi Binu Jaxsh,
wuxuuna yiri “Ilaahayow waxaad igu soo
aaddisaa nin caradiisu ay daran tahay,
ahna dagaalyahan, adiga dartaa aan ula dagaalamo, isna ila dagaalama,
dabadeedna i qabta oo iga adkaada,
sanka iyo labada dhegoodna iga gooya,
oo markaan berito (maalinta qiyaamo)
kula kulmo aad tiraahdo maxaa loo
gooyay sankaaga iyo labadaada dhegood, oo aan iraahdo adiga iyo Rasuulkaaga
dartii ayaa la iiga jaray, oo aad tiraahdo
run baad sheegtay. Cabdullaahi oo ku shahiiday dagaalkii
Uxud Sacad Binu Abi Waqaas wuxuu yiri:
“ducada Cabdullaahi Binu Jaxsh waxay
ahayd mid ka kheyr badan ducadeyda,
waxaan arkay maalinta gelinkeeda
danbe, isagoo Cabdullaahi la dilay,
jirkiisana la googooyay. Waxaan arkay sankiisa iyo labadii dhegood oo laga soo
laa-laadiyay geed. Eebbe (sw) wuxuu
aqbalay ducadii Cabdullaahi Binu Jaxsh,
wuxuuna ku maamuusay shahaado, sidii
uu ugu maamuusayba shuhaddada
sayidkooda oo ah Xamsata Binu Cabdil- Mudhalib. Rasuulka (scw) wuxuu hal qabri
ku wada aasay Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib, Ilaahay
dhammaantood ha u naxariisto, innagana
ha ina qaadsiiyo wadiiqadoodii toosneyd,
aamiin.

No comments:

Post a Comment