ABUL-CAAS BINU RABIIC AL- ANSAARI (2) Rasuulka (scw) markii uu u hijrooday
magaalada Maddiina, arrinkiisana uu
darraaday, ayaa qureysh soo baxday
iyadoo dooneysa la dagalaallanka
Rasuulka (scw) iyo Asxaabtiisa. Abul-
Caas wuxuu si aan qasad ahayn uga qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safan
dhinaca gaalada. Hase yeeshee ma jirin
jaceyl uu jeclaa in uu la dagaallamo
Muslimiinta, laakiin darajada uu tolkiisa
ka joogay ayaa ku kelliftay in uu ka qayb
galo dagaalkaas. Dagaalkii Badar natiijadii ka soo baxday
waxay noqotay in qureysh (gaalada) lagu
jabiyo, madaxdii kufrigana laga
takhalluso, qaar iyaga ka mid ah waa la
laayay, qaarna waa la qafaashay, qaarkii
kalena waxay ku badbaadeyn carar. Kuwii la soo qabqabtay oo la soo
qafaashay waxaa ku jiray Abul-Caas oo
qabay gabadhii Nebiga (scw) uu dhalay
ee ahayd Zeynaba. Rasuulka (scw)
wuxuu ku waajibiyay dadkii gaalada
ahaa ee la soo qab qabtay in ay bixiyaan oo ay isku furtaan lacag, lacagtaasoo u
dhaxeysa Kun ilaa Afar kun oo Dirham,
iyadoo loo eegayo xaaladahooda hanti
iyo reereed. Ergadii ka kala socotay
dadkaas waxay bilaabeen in ay u
dhaxeeyaan Magaalada Makka iyo Madiina, iyagoo sida maalkii ay ku soo
furan lahaayeen dadkooda. Haddaba
Zeynaba ayaa soo dirtay maalkii ay ku
furaneysay ninkeeda Abul-Caas, iyadoo
furasho ahaan u soo dirtay Kuul ay u
hadiyeesay hooyadeed Khadiija maalintii ay aroosaneysay. Markii uu Rasuulka (scw) arkay kuushii
waxaa dabooshay Murugo, wuuna u
jilcay gabadhiisa isagoo eegay xaggaa
iyo asxaabta wuxuuna yiri "Maalkan
waxaa soo dirtay Zeynaba iyadoo rabta
inay ku furato Abul-Caas, ee ka warama haddii aad u aragtaan in aan u sii deyno
Abul-Caas, una celinno maalkeeda waad
sameyn kartaan". Saxaabadii ayaa
waxay yiraahdeen "Haa, waana ra’yi
wanaagsan Rasuulkii alloow". Hase
yeeshee Rasuulka (scw) wuxuu Abul- Caas ku xiray sii deyntiisa in uu u soo diro
gabadhiisa Zeynaba isagoo aan dib
dhicin. Abul-Caas markii uu tagay
Magaaladii Makka, wuxuu si dhaqso ah u
billaabay in uu fuliyo ballankii. Wuxuu
amray xaaskiisa Zeynaba in ay u diyaar garowdo Safar, wuxuuna u sheegay in
Ergadii aabaheed ay ku sugayaan meel
aan ka fogeyn Magaalada Makka, isagoo
u diyaariyay sahaydaydii safarka iyo
ninkii raaci lahaa oo ahaa walaalkiis
Camar Binu Rabiic. Camar Binu Rabiic ayaa soo baxay maalin
cad, isagoo wada gabadhii Zeynaba,
qureyshna ay arkeyso markaas ayeey
waxay soo daba galeen Camar iyagoo
cabsi gelinaya Zeynaba ilaa ay kaga soo
dhowaadeen. Camar ayaa soo baxsaday fallaartiisa, isagoo leh "Wallaahi ruuxii
xaggeyga u soo dhowaada waxaan
qoorta kaga ganayaa fallaarta", wuxuuna
aad u yiqiinay fallaar ganidda. Abuu-
Sufyaan Binu Xarbi ayaa soo aaday xagga
Camar, wuxuuna ku yiri "Adeer naga leexi fallaartaada ilaa aan kaala
hadalno". Camar wuu ka yeelay. Abul-
Caas ayaa Camar ku yiri "Camaroow
kuma saxsanid falka aad sameynayso,
waxaad waddaa iyadoo dadkoo dhan ku
arkayaan Zeynaba, waadna ogtahay Carab khasaarihii kaga soo gaaray
Muxammad, haddii aad kaxeyso gabadha
qabaa’ilka carab oo dhan waxay nagu
sheegayaan inaan fuley nahay, waxayna
nagu tilmaamayaan dulli iyo wax ma
garato, ee ka waran haddii aad u celiso gabadhaan gurigeeda, ilaa ay ka
iloobaan dadka oo markaas si sir ah aad
u kaxeysatid, markaasna aad u geysid
aabaheed, waayoo wax dan ah aan ka
leenahay heynteeda ayaan jirin". Camar sidaas ayuu raalli ku noqday,
wuxuuna Zeynaba u celiyay Makka.
Muddo yar ka dibna wuxuu sameeyay
sidii uu Abuu Sufyaan u sheegay, oo
wuxuu soo kaxeeyay Zeynaba, wuxuuna
gacanta u geliyay ergadii sugeysay. Abul- Caas wuxuu intaa ka dib iska joogay
magaalada Makka ilaa ay ka soo
dhowaatay furashadii Makka. Abul-Caas
sidii ay caadadiisu ahayd wuxuu si
ganacsi ahaan u soo qabatimay Shaam,
markii uu soo dhammeystay dantii ganacsi, ayaa wuxuu u soo anbabaxay
inuu u soo laabto magaaladii Makka. Abul-Caas isagoo wata safar gaaraya ilaa
100 halaad, ayna waheliyaan
shaqaalihiisii dhamaa ilaa 170 nin ayaa
waxaa u soo anbabaxay ilaalo ka mid
ahaa ilaaladii Rasuulka (scw) oo aan
markaa ka fogeyn magaalada Maddiina. Safarkii way qabsadeen, ragiina way
qafaasheen. Hase yeeshee Abul-Caas
wuu ka badbaaday oo lama qaban isaga.
Markii la gaaray habeenkii ayaa Abul-
Caas soo galay magaalada Maddiina
isagoo cabsanaya. Wuxuu u tagay xaaskiisii Zeynaba, isagoo weydiistay
magangalyo. deedna way
magangelisayKolkii Rasuulka (scw) u soo
baxay Salaaddii Fajar, xirtayna salaaddii
isagoo takbiirsaday, saxaabadiina ay la
takbiirsadeen, ayaa waxaa safka dumarka ka dhex qaylisay Zeynaba
iyadoo Dumarka ka dhex dhawaaqday
Zetnaba iyadoo leh "Dadyahoow waxaan
ahay Zeynaba Bintu Muxammad, waxaan
magangaliyay Abul-Caas ee idinkana
magangaliya". Rasuulka (scw) markii uu dhammeeyay
Salaadda ayaa wuxuu u jileecay xaggaa
iyo saxaabada isagoo leh "Ma
maqasheen wixii aan anigu maqlay?".
Saxaabadii ayaa yiri "Haa, Rasuulkii
Alloow". Intaa dabadeedna wuxuu yiri Rasuulka "Allaha nafteyda ay gacantiisu
ku jirtaan ku dhaartayee waxna kama
ogi arrinkan, ilaa aan ka maqlay wixii
hadda aad maqlaysayn, Muslimiintana
waxaa wax magangaliya kuwooda ugu
sokeeya", kaddibna wuxuu aaday gurigiisa , wuxuuna ku yiri gabadhiisa
"Wanaaji hoyga Abul-Caas, waxaadna
ogaataa in uusan xalaal kuu ahayn.
Wax ka yar ka dib Rasuulka (scw)
wuxuu u yeeray ilaaladii soo qabqabtay
raggii la socday Abul-Caas iyaga iyo maalkooda, wuxuuna ka dalbay
Saxaabada in ay wanaajiyaan, isla
markasna u celiyaan maalkiisa iyo
saafarkiisa, iyagoo xaq u leh inay diidi
karaan, waayoo waa wax ay xaq u
leeyihiin. Saxaabadii arrinkaas way ka ogalaadeen
Rasuulka (scw), waxayna uyiraahdeen
"Waan u celinaynaa maalkiisa" Abul-Caas
markii uu yimi isagoo doonaya inuu
qaato maalkiisa ayaa qaar Saxaabada ka
mid ahi ku yiraahdeen "Abul-Caas wuxuu ku noqday magaalada Makka, wuxuuna
siiyay dadkii amaanadii iyo maalkii ay u
dhiibteen, isagoo leh "Qureeshey ma
jiraan qof aan helin maalkiisa.".. Waxay
yiraahdeen maya, Ilaahna ha kaa
abaalmariyo. Abul-Caas ayaa yiri intaa ka dib "Haddaba haddii aan idiin guday
xuquuqdii aad igu laheedeen, waxaan
qirayaa inuu Ilaah xaq yahay, Nebi
Muxammadna yahay Rasuulkii Alle soo
diray, mana iga reebin inaan Muxammad
agtiisa ku islaamo aan ahayn cabsida aan ka cabsanayay inaad u qaadataan inaan
maalkiina la caray ama boobay.. Lakiin
markii aan idiin soo celiyay maalkiina,
aana madax banaanaadey ayaan
Islaamay". Intaa ka dib Abul-Caas wuxuu
ku soo laabtay Rasuulka (scw), Rasuulkana wuxuu wanaajiyay marti
gelintiisa, wuxuuna u celiyay xaaskiisa,
isagoo oran jiray "Abul-Caas wuu ii
waramay runna wuu ii sheegay, wuu ila
ballamay wuuna oofiyay.
No comments:
Post a Comment