CABDULLAAHI IBNU UMMI MAKTUUM "NIN INDHO LA’ OO EEBBE (SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16 AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)" (9) Waa kuma saxaabiga isaga dartiis
Nebiga looga canaantay toddobo samo
korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu
adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa
kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-
Jibriil (cs) ugu soo daadegay qalbiga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo
xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan
ah. Saxaabigaas qiimahaas iyo
maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi
Ibnu Ummi Maktuum, kaasoo ahaa kii u
addimi jiray Rasuulka (scw). Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli
noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad,
wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh.
Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid,
maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw)
qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo
abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi
Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran
jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caatika
Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri
jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho
daboolan oo indho la’. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu
la kowsaday kolkii uu Nuurka Islaamka
ka bishay magaalada Makka, isagoo uu
Eebbe (sw) ku iftiimiyay laabtiisa
hanuunka iimaanka iyo islaamka,
wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qaata diinta Islaamka.
Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay
wuxuu kala kulmay jirdil iyo dhibaato,
taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho
iyo ku adkeysi uu ku adkeysto
qanaacadiisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaatooyin fara badan ayuu kala
kulmay gaaladii Qureysh, hase ahaatee
waxaasoo dhibaato ah ma ayan
tabardareynin oo ma daciifin iimaanka
iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu
Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu
sii qabsado ku dhaqanka kitaabka Alle,
dhinaca kalena uu korosado aqoonta la
xiriirta guud ahaan shareecadda
Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto
xaggaa iyo ku camalfalka hanuunka Rasuulka (scw). Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Rasuulka
(scw) iyo dadaalka uu ugu jiray barashada
iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba
waxay gaartey, inuu fursad kasta uu u
maro sidii uu arrintaas uga faa’iideysan
lahaa. Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii
ay u soo islaami lahaayeen madaxda
qureysh, sidaa darteed ayaa maalin
maalmaha ka mid ah, wuxuu Rasuulka
(cw) la kulmay qaar ka mid gaaladii sida
aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis
Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu
Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal iyo
Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-
Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid
aabihiis. Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu
Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo
gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo
bandhigo bal inay soo islaamaan., isagoo
aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo
islaamaan, ama haddii kale ay joojiyaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan.
Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka,
ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu
Ummi Maktuum oo markaas ka dalbayay
Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah,
isagoo leh: "Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar
ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku baray".
Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan
xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji
kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay
jireen kooxdii uu la hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku
rajo weynaa bal inay soo islaamaan, oo
markaasna islaamkooda ay diinta
Islaamka u keento cisso iyo taageerada
dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu
Rasuulka (scw) u jeedinayay nimankii qureysh maba uusan dhammaynin, mana
doonin inuu aado reerkiisa, jeer uu Alle
qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna
dareemay dareen ah sida isagoo la
garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa
dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku
jira biloowga suuradda Cabasa: "Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa
Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa
darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow
yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo.
Ama uu waansamo, oo markaas waanadu
anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran
hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu
yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka
cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas
ma ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii
doona wuu ku waano qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-
maxfuudka), lana koryeelay oo la
daahiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo
sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf
iyo dhego nuglaan leh". Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo
degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku tuuray
qalbiga Nebi Muxammad (scw),
aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana
aayado la aqrin doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta
aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo
aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo
dunida iyo waxa dul-saaran
dhammaanteed. Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu
Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa
oo u qaddariya Cabdullaahi kolkuu u
yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii
uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon
jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn,
maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe
(sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa
toddobo cir korkood, canaan tii ugu
adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii
Qureysh markii ay mar kale soo laba- kacleeyeen dhibaatadii ay ku hayeen
Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna
darraatay dhibkooda ayuu Rasuulka (scw)
wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u
haajiraan magaalada Madiina.
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle
dartii u haajira, isagoo diintiisa la
cararaya. Cabdullaahi oo uu weheliyay saxaabiga
jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu
Cumeyr (goor hore ayuu islaamay,
wuxuuna ku dhintay isagoo shahiid ah
dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen
asxaabtii ugu horeeyay ee yimaada magaalada Madiina. Markii uu
Cabdullaahi yimid magaaladii Madiina,
maba uusan sii joogin jeer isaga iyo
Muscab ay durbadiiba ka bilaabeen
gudbinta dacwada Islaamka, iyagoo
dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cilmiga diinta Islaamka. Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid
magaalada Madiina, ayaa wuxuu
magacaabay Cabdullaahi Ibnu Maktuum
iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan,
lana jahraanna oraahda kalimadda
tawxiidka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen camalka kheyrka,
iyagoo dhinaca kalena dadka ku
baraarujin jiray liibaanta. Bilaal ayaa
addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi
jiray salaadda. Amaba waxaa dhici jirtay
mararka qaarkood inuu Cabdullaahi addimo, Bilaalna uu salaadda aqimo.
Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u
maamuusi jiray Cabdullaahi,
maamuusiddaasina waxay gaartey inuu
Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina
uga tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka
maalmood uga maqan yahay dibadda
magaalada. Maqnaanshahaas midkood
waxayba ahayd maalintii uu Nebiga (scw)
furanayay magaalada Makka. Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku
soo dejiyay Nebigiisa aayado qur’aan ah,
oo uu Ilaah ku kor yeelayo darajada
mujaahidiinta, isagoo ka fadilaya kuwa
aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa
jihaadiyo uu u sii jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu arrintaa ka biyo-diido
kuwa iyaga ka fariistay goobta jihaadka.
Aayadahaas waxay saameeyeen
Cabdullaahi, isagoo dhibsaday inuusan ka
qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu
sheegtay. Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku
yiri hadalkan: "Rasuulkii Alloow haddaan awoodi lahaa,
waan jihaadi lahaa", dabadeedna wuxuu
si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo
yiri: "Ilaahayoow waxaad soo dejisaa
cudur daarkayga", Ilaahayoow waxaad
soo dejisaa cudur daarkayga". Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo
ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum.
Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii
waxyiga Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri: "
waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa,
waxaa Rasuulka dabooshay xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday
bowddadayda, mana arag wax ku culeys
badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna
culeyskii waa laga qaaday, wuxuu yiri: qor
Zeydoow, waxaan qoray:, ma sinna kuwa
dagaalka jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay
jihaadka" Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa
istaagay, markaasna yiri: "Rasuulkii
Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin
inuu jihaado?!" Hadalkii Cabdullaahi
maba uusan sii dhameystirin jeer
haddana Rasuulka (scw) ka daboosho xasilooni kale, bowddadii Rasuulka ayaa
ku dhacday bowddadayda, waxaana
dareemay culeyskii hore oo kale,
dabadeedna wuxuu yiri: qor Zeydoow.
Waxaan aqriyay wixii aan qoray, oo ahaa:
"ma sinna kuwa jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah". Rasuulka (scw) ayaa yiri,
waxaad qortaa: "aan ka ahayn kuwa
dhibban". Waxaa soo degtay ka soo
reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo uu
in badan jeclaan jiray Cabdullaahi. In
kasta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay Cabdullaahi iyo dadka la midka ah ka
qayb galka goobaha dagaalka, haddana
nafta Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata
meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday
inay ka fariisato ka qayb galka goobaha
jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku gaarey inuu ka qayb qaadan doono
jihaadka. Maxaa yeelay, dadka sar sare ma
damcaan, waxaan ka ahayn waxyaabaha
waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay,
wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan
dhaafin duulimaad ama dagaal la
qaadayo, wuxuuna naftiisa ugu qoondooyay goobta dagaalka howl gooni
ah. Wuxuu oran jiray: "waxaad i
istaajisaan bartamaha labada saf
dhexdooda, waxaadna ii dhiibtaan
calanka si aan idiinkugu qaado, una
xafido, maxaa yeelay waxaan ahay ruux aanan wax arag oo markaa aan awoodin
orod iyo baxsi kale. Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu
Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku
gaaray inuu ciidamada ku qaadi doono
dagaal adag oo daba-geddiya dowladda
Furus, isla mar ahaantaana tirtirtana
boqortooyadooda, isla mar ahaantaana waddada u furta ciidamada muslimiinta.
Cumar Binu Khadaab wuxuu guddoomiye-
goboleedyadiisa u qoray qoraalkan uu ku
leeyahay: "yaan laga soo tegin ruux
haysta hub ama faras, amaba ruux geesi
ah ama yaqaana tabta dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya dhinacayga,
dhaqsada oo dhaqsada". Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar ajiibay
amarkii Cumar, iyagoo dadkii dhan isugu
yimid magaalada Madiina meel kasta.
Dadkaas faraha badnaa ayaa waxaa ku
jiray Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ee
indhaha la’aa. Ciidankii dagaalka wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga
qiimaha badan ee Sacad Binu Abii
Waqaas, isagoo u jeediyay dardaaran,
sogeetiyayna. Ciidankii markii uu soo
gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah,
ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi oo lebisan dirac dagaaleedkiisii (qalab la
isaga difaaco hubka/seefaha), dhinaca
kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar
garowgiisii dagaalka, naftiisana wuxuu u
rashaxay inuu xanbaaro calanka
muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii ciidan ayaa waxay dagaalamayeen
saddex maalmood oo qallafsan.. Waxay u dagaalameen labadii ciidan si
aynan taariikhdii furushada hadda ka hor
wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay
muslimiintii markii danbe ay uga soo
hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn,
halka gaaladii Furus dowladdoodii ugu weynayd lagu ciribtiray goobtaas.
Boqortooyadii Furus waa la ciribtiray.
Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay
calankii towxiidka. Goobtii dagaalka
waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal
ka mid ah muslimiinta, waxaana ka mid ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu
Ummi Maktuum. Waxaa la helay isagoo
dhiigiisa ku dhex jiifa, isla markaasna ku
dhegan calankii Mulimiinta. Halkaas
waxaa ku dhammaatay sheekadii
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa inuu u naxariisto
isaga iyo dhammaan asxaabtii diintaan u
soo halgantay.
No comments:
Post a Comment