Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 5AAD

CUMEYR BINU WAHAB (5) Cumeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la
safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma
uusan dhiman, laakiin waxaa lagu
qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u
galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka
cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan
jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo
wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida
aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo
asxaabtiisa. Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay
goor subax barqin ah ayaa wuxuu Cumeyr
aaday Kacbada si uu u soo dhawaafo
Kacbada, isla mar ahaantaana u
barakeysto sanamyadeeda. Markii uu yimi
kacbadii, wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-
aswad). Cumeyr ayaa salaamay Safwaan
isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".
Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo
leh "Subax wanaagsan Cumeyroow".
Waxaa fur-furantay sheeko, waxay isla soo qaadeen jabkii iyo dhibaatadii ka
qabsaday dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen
dadkii la qafaashay oo ay qafaasheen
Muslimiinta. Waxay si murugo leh ay uga
sheekeesteen dadkii gaalada ahaa ee ku
dhintay dagaalka, dabadeedna lagu guray ceelkii weynaa dhexdiisa. Safwaan ayaa
hadalkii qaatay oo yiri "Wallaahi kheyr
kuwaa gadaashood ma ahaanin". Cumeyr
ayaa u celiyay "Haa oo waa runtaa". Wax
yar ayeey aamusnaayeen ka dibna Cumeyr
ayaa yiri "Haddayan jirin deyn laygu leeyahay oo aan cid iga gudda aan jirin
iyo caruur aan uga cabsanayo caydh iyo
dayac-darro, waxaan aadi lahaa
Muxammed si aan u soo dilo". Wuxuu
haddana si hoos ahaan u yiri "heesashada
ay heestaan wiilkayga ayaa sabab iiga dhigayso inaan saa yeelo". Safwaan ayaa
hadalkii ka faa’iidaystay oo wuxuu
Cumeyr ku yiri "Cumeyroow waa tan
koowaad’e deynta lagugu leeyahay
annigaa dusha saartay oo anaa kaa
gudaya, tan labaad ee ah ciyaalka, aniga ayaa kuu kafaalo qaadaya noloshooda oo
waxay wax la wadaagayaan caruurtayda,
waayoo maalka iyo hantida aan haysto
ayaa ku filan dhammaantood raashinka
ay cuni lahaayeen". Haddaba, Cumeyr ayaa hadalkii u riyaaqay
oo wuxuu Safwaan ka codsaday in
hadalkani uu ahaado qarsoodi, Safwaana
wuu ogolaaday. Cumeyr wuxuu ka
dhaqaaqay meeshii uu fadhiyay ee
Kacbada, isagoo cadaawad iyo xiqdi aad u weyn u haya Rasuulka (scw) iyo
asxaabtiisa.. Cumeyr wuxuu u diyaar
garoobay sidii uu u fulin lahaa ballantii uu
qaaday, isagoo diyaarsaday qalabkii iyo
gaadiidkii uu ku safri lahaa. Dhinaca kale
wuxuu xirtay seeftiisii sunta marsanayd. Cumeyr wuxuu u safray magaalada
Madiina isagoo doonaya inuu soo dilo
Rasuulka (scw), markii uu yimi
magaaladii, wuxuu aaday dhinaca
Masjidka, halkaasoo uu joogay Rasuulka
(scw). Markii uu u soo dhowaaday meel u dhow iridka Masjidka, ayaa waxaa arkay
Cumar Binu Khadaab oo markaa la
fadhiyay qaar ka mid ah Asxaabta, iyagoo
ka sheekaysanayay dagaalkii Badar iyo
wacdarihii ay ku dhigeen gaalada sida
qafaalka ay qafaasheen qaar ka mid ah gaalada, laynta ay laayeen iyo weliba sida
uu Ilaah ugu manaystay gargaar aad u
weyn. Cumar Binu khadaab ayaa wuxuu
deymooday dhinaca Masjidka, isla
markiina wuxuu arkay Cumeyr Binu
Wahab oo ka soo degaya ratigii uu fuulnaa, isagoo sita qalabkii dagaalka.
Cumar ayaa intuu soo booday yiri isagoo
argagaxsan " Eygan waa cadawgii Alle ee
Cumeyr binu Wahab, wallaahi waxaan
shar ahayn lama iman". Cumar wuxuu ku
yiri raggii uu la fadhiyay "La socda marka uu u galayo Rasuulka (scw) idinkoo ku
hareeraysan, kana digtoonaada inuu
dhakro ama dilo Rasuulka (scw)". Hase yeeshee Cumar wuxuu markiiba u
galay Rasuulka (scw) isagoo ku yiri
"Rasuulkii Ilaahayow waxaa yimi
Cadawgii Alle ee Cumeyr Binu Wahab
isagoo xidhan seeftiisii sumeysnayd, u
maleyn maayana inuu u yimi waxaan ahayn Shar". Rasuulka (scw) wuxuu yiri "ii
soo geliya". Haddaba, Cumar wuxuu soo
aaday Cumeyr isagoo qabtay khamiiska
uu qabay kuleetigiisa, seeftana wuxuu
kula xiray qoortiisa ka dibna wuxuu ula
yimi Rasuulka (scw). Kolkii uu arkay Rasuulka (scw) waxa uu sameeyay Cumar
wuxuu ku yiri "Siidaa Cumaroow".
Rasuulka wuxuu Cumeyr ku yiri "ii soo
dhawoow". Cumeyr wuxuu u soo
dhowaaday Rasuulka (scw), isagoo ku yiri
"Subax wanaagsan". Cumeyr Binu Wahab wuxuu u soo galay
Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri isagoo
salaamaya Rasuulka "Subax wanaagsan".
Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay
"Ilaah wuxuu nagu maamuusay salaan ka
kheyr badan salaantaada, waana salaanta ay isku salaamaan Ahlu-
jannaha. Cumeyr wuxuu yiri " Wallaahi
adigama kama fogid salaanteena. Intaa
ka dib Rasuulku (scw) wuxuu Cumeyr
weydiiyay sababta uu u yimi, Cumeyrna
wuxuu yiri " waxaan u imi inaad ii soo deysaan wiilkayga oo aad igaga
qafaalateen dagaalkii Badar. Rasuulka
(scw) wuxuu weydiiyay waxa ku
xanbaaray inuu seefta wato, haddiiba
uuba saa u yimi.. Cumeyr wuxuu yiri
"inkaar Allaha ku rido seefo oo dhan, waayo maxay noo qabatay oo tartay
dagaalkii Badar. Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu u
sheegay sababta uu u yimi inay ahayd
inuu dilo Rasuulka (scw), arrinkaasna
waxaa loogu sheegay si waxyi ahaan.
Wuxuu Rasuulka (scw) Cumeyr ku yiri
"Adiga iyo Safwaan ayaa waxaad fariisateen meel u dhow dhagaxii ku ag
yiillay Kacbada, dabadeedna waxaad isku
soo qaaddeen oo aad ka wada hadasheen
dadkii gaalada ahaa ee lagu laayey
dagaalkii Badar. Adigaa waxaad tidhi
haddii ayan jiri lahayn deyn laygu leeyahay oo aan jirin cid iga gudda, iyo
ilmo aan uga cabsanayo ceydh iyo gaajo
inay u dhintaan, waxaan u kicitimi lahaa
sidii aan u soo dili lahaa Muxammed
(Rasuulka scw). Hase ahaatee Safwaan
ayaa kaa xanbaaray deyntaada iyo ciyaalkaaga si aad anniga ii disho, laakiin
Ilaah ayaa iga kaa ilaaliyay". Cumeyr
afkuu kala qaaday oo waxaa ka soo haray
fajac iyo yaab, dabadeedna isagoo aan
hadal kale odhan ayuu yiri "Waxaan
qirayaa inaad tahay Rasuulkii Ilaahay. Cumeyr Waa Muslim: Cumeyr wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri:
"Rasuulkii Ilaahayow waxaan ahayn
kuwii kugu beeniya waxyiga xagga
samada lagaaga soo dejiyay (waa
qur’aanka), hase ahaatee arrinkan aad
hadda ka warantay ee ahaa wixii aan ku wada hadalnay anniga iyo Safwaan cid
aan labadeyda ahayn ma ogeyn. Wallaahi
ayaan ku dhaartay waxaan yaqiinshay
inuusan warkan kuu keyn axad aan ka
ahayn Ilaahay. Waxaa mahad iska leh
Allihii i waafajiyay inaan kuu imaado, si markaas aan u qaato Diinta Islaamka.
Cumeyr wuxuu ku dhawaaqay
shahaadada, sidaasna ayuu ku islaamaay. Muslimiintii oo ku farxay islaamiddii
Cumeyr. Nebiga (scw) wuxuu asxaabta
amray inay Cumeyr baraan Diinta iyo
barashada qur’aanka, isla mar
ahaantaana ay u sii daayaan wiilkiisa
Wahab. Muslimiintii si aad ah ayeey ugu farxeen islaamidda uu soo islaamay
Cumeyr, ilaa uu Cumar Binu Khaddaab (rc)
ka yiraahdo "Doofaar ayaan ka jeclaa
kolkuu Cumeyr u galayay Rasuulka!,
laakiin maantase waxaan ka jeclahay
qaar ka mid ah caruurtayda. Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu baran jiray
Diinta Islaamka, isagoo markaasna
laabtiisa ku buuxinaya iftiinka qur’aanka.
Cumeyr waxay la ahayd maalmahaas uu
baranayay qur’aanka maalmihiisii ugu
qaalisanaa intuu noolaa, taasoo hilmaansiisay magaaladii Makka ee uu
markii hore ka yimi iyo dadka ku noolba. Dhinaca kale Safwaan wuxuu ahaa kii
naftiisa ugu sheekeeya yiddidiilooyin, aan
waxna ka jirin, isagoo dadka ku oran jiray
"ku bishaareysta khabar weyn oo idin
hilmaasiisa dhacdadii dagaalkii Badar.
Hase ahaatee markii ay ku dheeraatay Safwaan maqnaashaha Cumeyr, ayaa
wuxuu bilaabay welwel iyo walaac;
isagoo weydiin jiray socotada ka soo
gasha magaalada Madiina. In kastoo oo
uu saas ahaa, haddana ma uusan heli jirin
wax jawaab ah oo shaafisa. Maalintii danbe ayaa waxaa magaaladii yimi nin,
kaasoo sheegay inuu Cumeyr islaamay.
Safwaan, khabarkaas waxay ku noqotay
mid lama filan waa’. Waayo, Safwaan
marnaba ma filanaynin in Cumeyr uu
islaami doono, haba islaamaan’e waxa dunida jooga oo dhan. Cumeyr wuxuu isaga jiray barashada
diintiisa iyo xifdinta quraanka, ilaa uu
uga yimi maalintii danbe Rasuulka (scw)
isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayoow
waxaa tagtay muddo fara badan oo aan
ahaa kii demiya Nuurkii Alle, isla mar ahaantaan aad u dhiba oo u cadaadiya
wixii sheegta Islaamka (muslimiinta).
Sidaa darteed waxaan jeclaan lahaa
inaad ii idinto inaan aado magaaladii
Makka, si aan Qureysh ugu yeedho Diinta
Islaamka. Haddii ay iga yeelaan waa sidii wanaagga badnayd, laakiinse haddii ay
iga diidaan waan dhibi oo cadaadin sidii
aan markii horeba u cadaadin jiray
Muslimiinta. Nebiga (scw) wuu u fasaxay
Cumeyr inuu qabto magaalladii Makka. Cumeyr wuxuu u safray magaaladii
Makka, wuxuu u tegay ninkii saaxiibada
ay ahaayeen ee ahaa Safwaan gurigiisa,
wuxuuna ku yiri "Safwaanow waxaad ka
mid tahay madaxda qureysh, sidoo kale
waxaad caaqillada qureysh ee caqliga leh. Haddaba, ma waxay kula tahay waxa aad
ku sugan tihiin ee ah cibaadada aad
caabudaysaan dhagaxyada iyo gowraca
aad u gowracaysaan sanamyada in ay
caqliga uu yeelayo in uu waxani diin
yahay. Haddaba anniga waxaan qirayaa In uu Illaah Alle yahay, Muxammadna
yahay Rasuulkii Alle. Wixii intaa ka
danbeeyay Cumeyr wuxuu dadka ugu
yeeri jiray Diinta Islaamka ilaa ay
gacantiisa ku soo islaameen khalqi aad u
fara badan. Illaah ha weyneeyo abaalmarinta Cumeyr, qabrigiisna Allaha
nuuriyo Aamiin.

No comments:

Post a Comment