Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 6AAD

CABDIRAXMAAN BINU CAWF "ILAAH HA KUU BARAKEEYO MAALKA AAD BAXSATAY IYO MAALKA AAD REEBATAY" Ducadii Nebiga (scw) ee Cabdiraxmaan Binu Cawf (6) Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa
tobankii qof ee ugu horeeyay ee soo
islaama, wuxuu kaloo ka mid ahaa
tobankii nin ee Jannada loogu
bishaareeyay iyagoo dunida saaran.
Wuxuu ka mid ahaa lixdii nin ee loo doortay guddiga Shuurada (talo bixinta)
ka dib maalintii doorashada khilaafada
Cumar Binu Khaddaab (rc). Wuxuu ka mid
ahaa asxaabtii ka jawaab celin jirtay
su’aalaha diiniga, iyadoo Rasuulka (scw)
uu noolaa. Wakhtigii jaahilayada ee Islaamka ka
hor, waa intuusan islaamin’e, waxaa
Cabdiraxmaan lagu magacaabi jiray:
"Cabdi Camr", hase ahaatee kolkii uu soo
galay diinta Islaamka oo soo islaamay,
wuxuu Nebiga (scw) u baxshay magaca Cabdiraxmaan. Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu islaamay
ka hor intuusan Nebiga (scw) gelin
daartii Arqam Binu Arqam, waana xilligii
uu soo islaamay Abuubakar As-siddiiq
labo maalmood ka hor. Cabdiraxmaan
islaamidda uu soo islaamay wuxuu kala kulmay rafaad, jirdil, dhibaato iyo
hagardaamo aad u daran, sidii ay ula
kulmeen isaga hortiis walaalihiisa diinta
Islaamka kaga soo horeeyay.
Cabdiraxmaan wuu u sabray
dhibaatadaas dacwada ka soo gaartay, sidii ayba Saxaabaduba ay arrintaa ugu
dulqaateen, rumeyntoodii xeesha
dheereed oo kalena wuu la yimid. Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa
asxaabtii u haajirtay dhulka Xabashida
isagoo la baxsanayay diintiisa. Kolkii uu
Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa loo idmay
inay u haajiraan oo u guuraan magaalada
Madiina, Cabdiraxmaan wuxuu ka mid ahaa mar kale hormuudkaasxaabtaas.
Rasuulka (scw) iyo asxaabtii la socotayba
markay yimaadeen magaalada Madiina,
wuxuu walaaleeyay Muhaajiriintii ka soo
haajirtay magaalada Makka iyo Ansaartii
deganayd magaalada Madiina. Haddaba, Cabdiraxmaan oo ka mid ah
muhaajiriintaas ayaa waxaa walaal looga
dhigay Sacad Binu Rabiic Al-Ansaari (rc).
Sacad Binu Rabiic wuxuu Cabdiraxmaan
ku yiri: "walaalkayow waxaan ka mid
ahay ganacsatada degan magaalada Madiina kuwooda ugu taajirsan, waxaan
leeyahay labo beerood iyo labo xaasas.
Labadaas beerood bal soo eeg oo
middaad doonto qaado, xaasaskaygana
tii aad jeclaato ayaan kuu furayaa si aad
adiga u guursato". Cabdiraxmaan ayaa ku yiri: "Maalkaaga iyo xaaskaagaba Illaah
ha kuu bakeeyo, laakiin waxaad i tustaa
goobaha ganacsiga". Muddo yar ka dib
Cabdiraxmaan wuu guursaday, wuxuuna u
yimid maalintii danbe Rasuulka (scw). Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan
weydiiyay inuu guursaday iyo qiimaha uu
meher ahaan u bixiyay. Cabdiraxmaan
wuxuu yiri haa oo waan guursaday,
meher ahaanna waxaan u baxay xabad
timir wax le’eg oo dahab ah. Nebiga (scw) wuxuu Cabdirxamaan ku yiri:
"casumaad sameey (alla bari) waloow
neef arina ha ahaadee, Illaah xaaskaaga
iyo maalkaagana ha kuu barakeeyo".
Ducadii Nebiga (scw) waa la aqbalay jeer
uu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka noqdo qof deeqsoon oo maal qabeen ah. Cabdiraxmaan Binu Cawf wuxuu Rasuulka
(scw) kala qayb galay dagaalo badan.
Maalintii dagaalkii Badar ay dhacday
wuxuu Cabdiraxmaan Binu Cawf ka
muujiyay goobtii dagaalka wacdaro
geesinimo leh ilaa uu ka dilo cadoowgii Alle ee la oran jiray Cumeyr Binu
Cuthmaan Binu Kacab Al-Tamiimi. Sidaas
si la mid ah ayaa Cabdiraxmaan wuxuu
ahaa kii sugnaada maalintii dagaalka
Uxud, halka qaar ka mid ah asxaabta ka
carareen. Waxaa dagaalkii Uxud ka soo gaarey Cabdiraxmaan dhowr iyo labaatan
dhaawacyood, qaarkoodna ay halis
ahaayeen. Hase ahaatee jihaadka Cabdiraxmaan
waxaa lagu tiriyaa mid yar, marka loo
bar-bardhigo jihaadka maalka uu kaga
qayb galay. Waxaan arkaynaa Rasuulka
(scw) oo doonaya inuu diyaariyo ciidan
ilaalo ah, markaasaa wuxuu asxaabta ku leeyahay: "maalkiina ka saddaqeysta
waayo waxaan doonayaa inaan diro
ciidan ilaalo ah". Markii uu Cabdiraxmaan
maqlay hadalkaas wuxuu u degdegay
gurigiisa si uu wuxuu hayo oo maal ah
ugu keeno Rasuulka (scw). Lacagtii uu haystay maalintaas waxay gaareysay
4000 oo dirham, wuxuuna ula yimid
Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: "labo kun
waxaan amaahiyay Illaah, labada kun ee
kalena waxaan u soo dhaafay ciyaalka". Rasuulka (scw) ayaa Cabdiraxmaan ku
yiri: "Illaah ha kuu barakeeyo maalka aad
bixisay iyo maalka aad reebatay. Markii
uu Rasuulka (scw) go’aansaday
duulimaadkii Tabuuka oo ahayd dirirtii
ugu danbeesay ee uu Rasuulka qaado intuu noolaa, ayaa waxaa lagama
maarmaan noqotay in la helo maal fara
badan, waayo ciidanka lagu duulayay ee
Roomaanka ayaa ahaa kuwo in badan ka
tiro iyo gaadiid badnaa muslimiinta,
dhinaca kale sannadka uu dagaalku dhacayayna waxay ahayd sannad
abaareed, safarkuna wuxuu ahaa safar
dheer oo qaadanaya maalmo. Iyadoo
intaasoo arrimood oo dhibaato ah ay
jiraan, ayaa waxaa Rasuulka (scw) u
yimid qaar ka mid ah mu’miniintii jeclayd inay ka qaybgalaan dagaalka, iyagoo ka
codsanaya Rasuulka inuu ka xanbaaro oo
uu ka bixiyo qarashka ku baxa safarka,
Rasuulku wuu ka cudurdaartay waayo ma
uusan haysan wax dhaqaale ah. Mu’miniintii waxay laabteen, iyagoo
indhahooda ay la burqanayso ilmo,
murugo daraateed, sababtuna waa
iyagoo aynan awoodin inay helaan
nafaqada lagu aadayo duulimaadka
Tabuuka. Mu’miniintaas sharafta leh waxaa maalintaa wixii ka danbeeyay loo
baxshay kuwii oohinta badnaa, ciidankii
dagaalka galayna waxaa iyagana loo
baxshay ciidanka cidhiidhiga ama
dhibaatada. Markay arrintu halkaa
mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) amray asxaabta inay maalkooda wax ka
bixiyaan si jidka Alle ah iyo si ay
maalkaas Ilaah uga ajar qaataan.
Muslimiintii ayaa hal mar ajiibay fulinta
codsigii Rasuulka (scw) si ay maalkooda
uga saddaqeystaan. Haddaba, asxaabtaas waxaa safka hore
kaga jiray Cabdiraxmaan Binu Cawf.
Wuxuu bixiyay labo boqol oouuqiyadood
oo dahab ah. Cumar Binu Khadaab (rc) oo
markaas aan ka fogeyn meesha ayaa yiri:
"waxaan arkaa inuu Cabdiraxmaan galay denbi, waayo wax maal ah ma uusan u
soo dhaafin ehelkiis". Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay
Cabdiraxmaan su’aashan: "wax maal ah
reerkaaga ma u soo dhaaftay".
Cabdiraxmaan ayaa yiri: "haa, oo waxaan
u soo dhaafay wax ka badan kana
wanaagsan maalkii aan bixiyay". Rasuulka (scw) ayaa misna yiri: "waa
imisa". Cabdiraxmaan ayaa yiri: "wixii uu
Ilaah u yaboohay oo risqi iyo kheyrba ah".
Ciidankii Muslimiinta waxay u
anbabaxeen Tabuuka, halkaana wuxuu
Ilaah ku maamuusay Cabdiraxmaan Binu Cawf wax uusan ku maamuusin mid ka
mid ah muslimiinta. Waxaa la gaarey
xilligii salaadda, markaa iyada ahna
Rasuulka (scw) uu muuqan yahay.
Cabdiraxmaan ayaa tujiyay muslimiintii,
markii ay dhammaatay rakcadii koowaad ayaa waxaa yimid Rasuulka (scw), ka
dibna wuxuu ku xirtay salaadda uu
imaamka u ahaa Cabdiraxmaan. Haddaba, ma waxaa jira wanaag iyo
qiimo ka weyn inuu qof tujiyo intuu Eebe
(sw) abuuray oo dad ah imaamkooda iyo
inta nebiyo la diray imaamkooda.
Waxaan u maleenayaa inay jawaabtu
tahay: "MAYA". Markii Rasuulka (scw) uu geeriyooday, wuxuu Cabdiraxmaan Binu
Cawf u istaagay u-adeegidda
hooyooyinka mu’miniinta, waa xaasaskii
Rasuulka (scw)’e. Cabdiraxmaan wuxuu u
qumi jiray danahooda. Wuu wehelin jiray
haddii ay safar galayaan. Wuu la xajin jiray, haddii ay aadayaan Xajka. Wixii ay
doonayaan in loo sameeyo oo dhan ayuu u
qaban jiray. Taasina waa ammaan ka mid
ah waxyaabaha uu ruuxa uu ku faano,
dhinaca kale waxaa laga qaadanayaa
arrinkan isaga ah kalsooni weyn oo ay haweenka Nebiga (scw) ku qabeen
Cabdiraxmaan. Samafalka iyo ixsaanka
Cabdiraxmaan Binu Cawf uu u geli jiray
haweenka Nebiga (scw) waxay gaartey,
in uu maalin iibiyay dhul qiimihiisa dhan
ilaa 40 000 oo diinaar, dabadeedna uu dhulkii u qaybiyay reer Banuu Zuhra
(reerka ay ka dhalatay Aminatu Bintu
Wahb oo ah Rasuulka hooyadiis),
masaakiinta muslimiinta iyo masaakiinta
muhaajiriinta iyo haweenka Rasuulka
(scw). Cabdiraxmaan markii uu diray maalkii uu u qoondeeyay Caa’isha (rc),
ayaa waxay Caa’isha tiri hadalkan:
"Rasuulka (scw) wuxuu haweenkiisa ku
yiri: "idiinma naxayo anniga gadaasheyda
aan ka ahayn kuwa saabiriinta (sabarka
badan) ah mooyee". Weligeed baaqiayeey ahayd oo ma
tirtirmin ducadii Nebiga (scw) ee uu u
duceeyay Cabdiraxmaan ee ahayd inuu
Alle u barakeeyo maalkiisa, jeer uu ka
noqday ninka ugu maalqabeensan
asxaabta, uguna hanti badan. Ganacsiga iyo safarka Cabdiraxmaan waxay u
dhaxeeyeen magaalada Madiina iyo
magaalooyinka kale, safarkaasoo dadka
u sida dhar, cunto, barafuuno iyo wax
kasta oo ay dadku u baahan yihiin. Maalintii ugu badnayd ee uu
Cabdiraxmaan sadaqeysto waxay ahayd,
markii ay Caa’isha (rc) tiri inuu
Cabdiraxmaan Binu Cawf uu ka mid
noqon doono ahlu-Janna oo uu geli doono
Jannada. Wuxuu u yimid Caa’isha isagoo weydiinaya inay tiri hadalka, waxayna
tiri: "Haa oo annigaa ka maqlay Nebiga
(scw) inaad jannada gelaysid".
Cabdiraxmaan wuxuu la booday farxad,
isagoo ku yiri Caa’isha (rc) hadalkan:
"hooyo waxaan ku marqaati gashanayaa in safarkan iyo gaadiidka saaran oo dhan
aan u bixinayo jidka Alle". Wixii ka danbeeyay maalintaas, wuxuu
Cabdiraxmaan kordhiyay sadaqooyinka
iyo gacan ka geysigii muslimiinta uu
sameyn jiray. Wuxuu sadaqo ahaan u
bixiyay lacag gaareysa 200.000 oo dirham
oo fidah ah iyo 200.000 oo diinaar oo dahab ah, isagoo jidka Alle ku bixiyay.
Waa lacag aad u fara badan. Dhinaca kale
wuxuu siiyay mujaahidiintii kale lacag
gaareysa 1500 oo diinaar iyo 500 oo
gaadiid ah. Markii ay soo dhowaatay
geeridii Cabdiraxmaan Binu Cawf (rc) wuxuu xoreeyay addoomo fara badan. Sidoo kale wuxuu u dardaarmay asxaabtii
ka qayb gashay dagaalkii Badar in la siiyo
nin kasta 400 diinaar oo dahab ah, sidiina
ayuu qof kasta ku helay lacagtaas.
Xaasaskii Rasuulka (scw) oo maalintaas
noolaa wuxuu tiiba u dardaarmay maal fara badan, ilaa ay Caa’isha markasta
Cabdiraxmaan ugu duceyn jirtay ducadan
qiimaha badan: "Allaha Cabdiraxmaan ka
waraabiyo isha jannada ku taal ee la
yiraahdo SALSABIIL". Haddii uu Cabdiraxmaan Binu Cawf uu
masaakiintii muslimiinta, addoomadii
dhibaataysnaa, xaasaskii Rasuulka (scw)
ugu talo galay maalkaa faraha badan,
haddana waxaynu og nahay inuusan
iloobin reerkiisii, oo wuxuu iyagu u dhaafay maal fara badan, maalkaasoo ay
adag tahay in la tiriyo. Wuxuu reerkiisa
uga tagey 1000 neef oo geel ah, 100
fardo, 3000 neef oo ari ah. Xaasaskiisii afarta ahaa dhaxalkii mid
walba ay heshay waxay dhammeyd ilaa
80 000 oo diinaar. Waxaasoo dhan oo
maal ah waa barakadii ducadii Nebiga
(scw) uu u duceeyay Cabdiraxmaan. Hase
ahaatee, maalkaas ma uusan fidneyn Cabdiraxmaan, sidoo kale mana uusan
beddelin. Cabdiraxmaan lagama soo dhex
saari jirin isaga iyo shaqaalihiisa u
shaqeeya, tawaaduc badni awgeed.
Maalin maalmaha ka mid isagoo
soomanaa ayaa loo keenay cuntadii afurka. Wuu eegay, markaasuu yiri:
"waxaa maanta la dagaalkii Uxud lagu
dilay Muscab binu Cumeyr isagoo iga
kheyr badan. Ma aanan helin kafantii ugu
kafni lahayn aan ka ahayn maro yar oo
haddii aan madaxa ka saarno, ay lugihii muuqanayaan, haddii aan lugihii kafanta
ka saarnana mnadaxii uu muuqanayo. Adduunyadii ayaa naloo fidiyay
barwaaqadeedii, waxaan ka cabsanayaa
in abaalmarkeenii adduunyada aan ku
qaadano". Intaa ka dib, Cabdiraxmaan
wuxuu bilaabay inuu aad u ooyo,
cuntadiina uuna waxna ka cunin. Alla ayaan badanaa Cabdiraxmaan Binu Cawf,
waayo isagoo dunidan saaran ayaaba
Jannada loogu bishaareeyay. Janaasada
Cabdiraxmaan waxaa xanbaaray Sacad
Binu Abii Waqaas, waxaana ku tukaday
Cusmaan Binu Caffaan (rc). Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu ka raalli noqdo
Cabdiraxmaan, sidoo kalena u
naxaraxiisto dhammaan asxaabtii usoo
halgantay diintan Ilsaamka aamiin.

No comments:

Post a Comment