Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 1AAD

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI (1) Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax
un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu
wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al- Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada.
Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al- Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin
cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u
suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo
labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala
ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag,
Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u
yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor. Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la
kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada , ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw)
inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta
boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si
ay ugu yeeraan Diinta Islaamka.
Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada
ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad
aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan
dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog,
taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa
waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba
ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan
diinta Islaamka. Waa safar wata khatar.
Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo
noqdana uu noqonayo mid nasiib badan.
Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu
kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay,
dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri
"Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro
boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i
khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u
khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow
meeshaad doonto noo dir waan
fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw)
wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid
ah asxaabta si ay diinta Islaamka u
gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed. Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku
jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi,
waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo
dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa.
Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay
safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u
kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad
aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii
socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka
reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu
deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka
isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa
in uu sido dhambaal ama waraaq ku
socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u
fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi.
Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato
sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa
wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka
mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado
waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu
diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu
i faray inaan gacanta kaa saaro
waraaqda, mana laga yaabo inaan
khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa
ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku
yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi
u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday
Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray
tarjumaan Carabi ah ee ah reer
"Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq). Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la
aqriyay waxaana ku qornaa sida soo
socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah
Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa
Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad
gelyo Allaha yeelo ciddii raacda
hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday,
waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla
markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan
ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran
dhameystirkeeda, isla markaana uu
qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda
isagoo ah addoonkayga" Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay
fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan
garanayn waxa lagu sameyn doono. In la
dili doono iyo in faraha laga qaadi doono.
Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi
naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo
dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo
dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay
carada ka dentay ayaa wuxuu
ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo
qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay
ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda
Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa,
wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo
la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna
Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu
jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka
(scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa,
wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro
boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka
(scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa
"Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay.
Taasi waxay ahayd sheekadii
dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo
boqorka Kisraa. La kulankii C/llaahi ee Qaysar: Haddaan u gudagalno sheekadii
Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la
kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay
Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada
Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii
sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay
ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka
ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka
Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku
siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay
soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta
ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la
soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa,
waxaa loo keenay boqorka Qaysar,
iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi
Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay. Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u
eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu
ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa
arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa
maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad
noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili
maayo, dhinaca kale waan ku
wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu
Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri
"Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer
ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo". Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri
"Haddii aad yeesho waxa aan kuugu
yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb
kaa siinayaa boqortooyadayda".
Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo
weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid
dhammaan wixii hanti ah ee aad
leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta
haystaan oo maal ah si markaas diinta
uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen".
Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri
"waxaad doonto samee". Intaa ka dib,
boqorka Qaysar wuxuu amar
ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo
Cabdullaahi, isagoo amar siiyay
nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli
jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri
toogta meel u dhow labadiisa gacmood,
laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar
ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu
gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri
toogta meel u dhow labadiisa lugood. Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku
bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku
xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo
keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu
shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa
dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii
keeno labo ka mid ah maxaabiistii
Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday
dherigii karkayay, wax yar ka dibna
hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u
gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu
sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi
wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu
cabsado. Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday
Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo.
Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii
daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta
Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay
Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday
labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday
xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi
ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku
yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii
ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo
celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo
istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu
boqorkii haddana u soo jeediyay
kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi
wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?.
Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono
dherigan oo aan hal jeer
shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in
aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo
oo naf ah inaan lahaado, oo markaas
lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer
shahiido. Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi,
ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma
doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid,
markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi
ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa
maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa
dhammaan maxaabiista muslimiinta".
Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri
maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato
madax ka mid cadowga Muslimiinta oo
markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi,
wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka
dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa.
Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo
dhammaan maxaabiista Muslimiinta.
Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc)
aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas,
wuxuuna u jileecay maxaabiistii la
socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku
ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado
madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa
istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday
madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli
noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa
tusaale looga deydo geesinimo.

No comments:

Post a Comment