Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 8AAD

XUDEYFA BINU AL-YAMAAN "XUDEYFA WUXUU IDIIN SHEEGO RUMEYSTA". (XADDIIS) (8) "Haddaad doonto waxaad ka mid
noqotaa muhaajiriinta, sidoo kalena
haddaad doonto waxaad ka mid noqotaa
Ansaarta, labadaas kooxood midkaad
doontid naftaada u dooro”, hadaladaa
Waxaa Xudeyfa ku yiri Rasuulka (scw) markii ugu horeysay ee uu magaalada
Makka kula kulmay. Sababta keentay kala
doorashadaas ee uu Rasuulka (scw) kala
dooransiiyay labadaas kooxood ee
sharafta badan ayaa waxaa ku dhex jirta
sheeko xiiso leh oo aan ku arki doono gudaha sheekada. Xudeyfa aabihiis waxaa la oran jiray
Yamaan, wuxuu ka dhashay reer Banuu
CABS, sidoo kale wuxuu ahaa reer Makka,
hase ahaatee wuxuu galay dhagar oo
wuxuu dilay qof, taasoo markii danbe ku
qasabtay inuu ka qaxo magaalada Makka, isagoo u qaxay magaalada Madiina,
halkaana wuxuu bahwadaag la sameeyay
reer Banii Cabdil Al-ash-hal oo uu iyagu la
xididay kana guursaday, jeer uu u
dhashay wiil loo baxshay Xudeyfa.
Meeshaana waxaa ka baxday waxyaabihii Yamaan ka hortaagnaa inuu ku soo
noqdo magaalada Makka, wuxuuna u
dhaxeen jiray labada magaalo, inkastoo
uu u badnaa deganaanshaha magaalada
Madiina. Haddaba, markii uu nuurka Islaamka ka
bishay jasiiradda Carabta, ayaa Yamaan
oo ahaa Xudeyfa aabihiis iyo 10-kale oo
ka mid ah reer Banii Cabs ayaa waxay u
soo wafdiyeen Rasuulka (scw), iyagoo
doonaya inay Rasuulka (scw) ogeysiiyaan doonista ay doonayaan inay soo galaan
diinta Islaamka. Xilligaa iyada ahna
waxay ahayd ka hor intuusan Rasuulka
(scw) u haajirin magaalada Madiina. Haddaba, halkan waxaa ka bilaabanaysa
barbaarintii Xudeyfa ee isir ahaan ka soo
jeeday reer Makka. Xudeyfa wuxuu ku barbaaray guri muslim
ah, waxaana ku dhex barbaaray aabe iyo
hooyo goor hore islaamay dhexdooda.
Xudeyfa wuxuu islaamay isagoo aanan
arag Rasuulka (scw). Hase ahaatee
galgacaylka iyo hiloowga Xudeyfa uu u qabay la kulanka Rasuulka (scw) wuxuu
ahaa kii dhaamiya oo buuxiya labadiisa
dhinac. Xudeyfa marna kama faaruqin
laga soo bilaabo maalintii uu islaamay kii
weydiiya aabihiis sifooyinka Rasuulka
(scw), mar alla markii loo sheegana waxay u kordhinaysay galgacalo iyo
hiloow uu u qabo aragtida Rasuulka. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa
Xudeyfa u socdaalay magaalada Makka si
uu u soo arko Rasuulka (scw), markii uu la
kulmayna isla markiiba wuxuu weydiiyay
su’aashan: ”maadaama aan ka imid
magaalada Madiina, ma muhaajir baan ahay, mise Ansaari Rasuulkii Alloow?”.
Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: ”haddaan
doonto waxaad noqotaa muhaajir,
haddaad doontana waxaad noqotaa
ansaari, naftaada u door wixii aad la
jeceshahay”. Xudeyfa ayaa yiri: ” haddaba waxaan ahay Ansaari Rasuulkii Alloow ”. Markii uu Rasuulka (scw) u haajiray
magaalada Madiina, Xudeyfa wuxuu
laasimay ka ag-dhowaanshaha Rasuulka
(scw), jeer uu Rasuulka kala qayb galo
dhammaan duulimaadyadii uu qaaday
Rasuulka, markii laga reebo dagaalkii ugu fadli badnaa ee Badr. Ka
maqnaashaha Xudeyfa uu ka maqnaaday
dagaalka Badr, waxaa ku jirta sheeko uu
isagu laf-ahaantiisa ka waramay,
wuxuuna yiri: ”igama reebin inaan ka
qayb galo dagaalkii Badr, aan ka ahayn inaan anniga iyo aabahay aan ku
maqnayn dibadda magaalada Madiina,
innagoo dhexda socona ayaa waxaa na
qabsaday oo na qafaashay gaaladii
Qureysh, waxay nagu yiraahdeen inteed u
socotaan, waxaan ku niri: magaalada Madiina. Waxay yiraahdeen, ma waxaad u
socotaan Muxammad, waxaan niri: maya,
ee waxaan u soconaa magaalada
Madiina. Way diideen inay na sii daayaan, jeer ay
naga qaadeen ballan ah inaanan u
gaargaaraynin Muxammad oo aanan
safkiisa safan dagaalka, sidiina ayeey
nagu sii daayeen”. Xudeyfa wuxuu yiri:
”kolkii aan u nimid Rasuulka (scw) ayaa waxaan u sheegnay ballantii aan galnay,
iyo wixii aan ka sameyn lahayn”. Rasuulka
(scw) wuxuu ku yiri: ”ballantoodu waynu
oofinaynaa, Ilaahna waynu
kaalmeysanaynaa” ( xaddiiskan waxaa ka
danbeesay axaadiis tilmaamaya, inaan la fulinaynin ballamaha la xiriira macaasida
Alle iwm, sida xaddiiska oranaya: laguma
adeecayo makhluuq wixii macsiyada
Eebbe ah). Markii la soo gaarey dagaalkii Uxud
wuxuu Xudeyfa dhex tiimbaday oo galay
bartamaha dagaalka, isagoo la socda
aabihiis. Haddaba, Xudeyfa wuxuu
goobtii dagaalka ku soo bandhigay
wacdarro weyn oo la jeclaystay, wuxuuna ka soo laabtay isagoo nabad qaba. Hase
ahaatee, aabihiis wuxuu dhintay isagoo
shahiiday, laakiin uu ku dhintay seefaha
muslimiinta, ma uusan ku dhiman
seefihii gaalada, taasi lafteedana waxay
lahayd sheeko xiiso leh. Maalintii la galayay dagaalkii Uxud, ayaa
wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay
Yamaan iyo saxaabiga la yiraahdo
Zaabith Binu Waqsh si ay u galaan
dhufeysyada magaalada iyagoo ay
weheliyaan dumarka iyo caruurta. Waayo, labadooduba waxay ahaayeen waayeello
aad u da’ weyn. Dagaalkii markii uu
kululaaday ayaa Yamaan wuxuu Zaabith
ku yiri: ”aabo beele! Maxaynu sugaynaa?,
wallaahi ayaan ku dhaartaye cumri noo
haray ma jiro aan ka ahayn wax labo maalmood oo kale ah, oo muddo yar ka
dib waynu dhimanaynaa, kaaley aynu
qaadanno seefaheena oo aynu haleelno
Rasuulkii Alle (scw) waxaaba dhici karta
inuu Alle (sw) nagu arsuqo shahaado
innaga iyo Rasuulkuba’e”. Sidii ayeey ku aadeen goobtii dagaalkii,
kuna galeen dagaalka. Zaabith isla
markiiba wuxuu Ilaah ku maamuusay
shahaado oo wuxuu dhintay isagoo
shahiid ah, gaaladii ayaana dishay. Hase
ahaatee, Yamaan waxaa isugu tagtey seefihii muslimiinta iyagoo aynan
garanayn. Xudeyfa oo arkayay ayaa
wuxuu lahaa: ”war waa aabahay, waa
aabahay”, laakiin ma jirin cid maqlaysay,
sidiina ayuu si sarajoog ahaan ugu dhacay
goobtii dagaalka. Xudeyfa ayaa ku yiri nimankii laayey aabihiis oraahdan: "Ilaah
ha idiin denbi dhaafo, maxaa yeelay Alle
waa kan ugu naxariista badan inta
naxariisata”. Rasuulka (scw)wuxuu
jeclaystay inuu Xudeyfa siiyo diyadii
aabihiis, Xudeyfana wuu ka cudurdaartay inuu qaato diyadaas, isagoo diyada
aabihiis ku saddaqeystay muslimiinta,
wuxuuna yiri: ” aabahay shahaadadii uu
doonayay wuu helay, Ilaahoow ka marag
noqo in aan diyadiisa ku sadaqeystay
Muslimiinta”. Arrinkaas waxay Xudeyfa Nebiga (scw)
agtiisa uga kordhisay sharaf iyo
martabad weyn. Markii uu Rasuulka (scw)
uu si dhab ah ugu fiirsaday moolka iyo ka
gungaaridda kartida Xudeyfa ayaa waxaa
uga soo baxday saddex astaamood oo waaweyn, waxaana ka mid ah: 1. Caqli qoto dheer oo Rasuulka ku gacan
siiya xal-u-helidda wixii adkaado. 2. Fahmo wadata dhego-nuglaan, taasoo
aqbalid badan marka loo yeero. 3. Sirta oo uu qariyo, oo qof agtiisa wax ka
qaadi kara aynan jirin. Siyaasadda Nebiga (scw) ayaa waxaa ka
mid ahayd, inuu nin waliba oo ka mid ah
asxaabta uu ku aaddiyo meesha uu ku
habboon yahay, iyadoo qof kasta meesha
uu ku munaasabsan yahay lala fiirsanayo. Dhibaatadii ugu waynayd ee soo
waajahda Muslimiintii deggenayd
magaalada Madiina, ayaa waxay ahayd
munaafiqiintiii dhagarta badnayd iyo
Yahuuddii degganayd magaalada Madiina
iyo xulufaddoodii oo isu bahaystay sidii ay u dhagri lahaayeen Nebiga (scw) iyo
asxaabtiisa. Markay arrintu halkaa mareyso, ayaa
wuxuu Rasuulka (scw) ku sir qarsaday
Xudeyfa, isagoo u sheegay tirada
magacyada munaafiqiinta. Sirtaa iyada
ahna, ma uusan Rasuulka (scw) tusin cid
aan ka ahayn Xudeyfa, wuxuuna ballan kula galay inuu kor ahaan kala socdo
dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan
munaafiqiinta iyo inuu ka hortago
khatarta ay la iman karaan kuwaas
munaafiqiinta ah. Maalintaas wixii ka
danbeeyay, waxaa Xudeyfa loogu yeeri jiray magacan: "saxaabigii ogaa sirta
Nebiga (scw)". Marar badan ayaa waxaa dhacday inuu
Rasuulka (scw) kaalmaystay khibradda
iyo kartida Xudeyfa, xilligaas iyada ahna
aad loogu baahnaa maskax iyo xeelad
dagaal, taasoo ay ku dheehan tahay
aqoon iyo caqli hufan, sida tusaale ahaan dagaalkii Khandaq, halkaas oo lagu
go’doomiyay muslimiinta iyagoo ay
hareereeyeen dhammaan cadowyadii
Islaamka. Dhinaca kale, gaaladii qureysh
laf-ahaantoodu ma ahayn kuwo ka ka
xaalad wanaagsan muslimiinta, maxaa yeelay wuxuu Ilaah ku shubay caradiisa,
taasoo tabardarraysay awooddoodii,
wiiqdayna go’aankoodii. Wuxuu Ilaah ku
soo diray dabeyl xoog leh, dabeyshaasoo
geddisay teendhooyinkii ay ku jireen iyo
digsiyadii ay wax ku karsanayeen. Sidaa darteed wuxuu Rasuulka (scw) u baahday
kartida iyo khibradaha Xudeyfa, isagoo
go’aan ku gaaray inuu u diro halka ay
joogaan bartamaha halka ay joogaan
ciidanka gaalada, weliba isagoo ku
gabanaya mugdiga habeenkiisa, waana ka hor intuusan Rasuulka qaadan wax
go’aan ah. Haddaba, aan sheekada u
dhaafno Xudeyfa si uu nooga waramo
safarkii geerida qarka u saarnaa,
wuxuuna Xudeyfa yiri: Waxaan
habeenkaas ahayn kuwo saf-saf u fadhiya, Abuu Safwaan iyo ciidankii la
socday ee Qureysh ahayd waxay
taagnaayeen halka naga sareeya. Yahuudii reer Banii Qureydana waxay
fadhiyeen halka naga hooseeya, markaa
iyada ahna waxaan ka cabsanaynay inay
dhibaato ku timaaddo haweenkeena iyo
caruurteena. Ma jirin habeen ka gudcur
iyo dabeyl badnaa habeenkaas, dhawaaqa ay wadatay dabeesha waxaa
la moodayay sida biriq oo kale, mugdiga
habeenkaas jiray darteed wuxuu sababay
inuusan midkeen awoodi karin inuu arko
fartiisa. Munaafiqiintii waxay bilaabeen inay
dagaalka ka fasax qaataan, iyagoo
Rasuulka (scw) ku leh: "guryaheena ayaa
cidla ah oo cadoowgii ayaa soo geli kara".
Dhab ahaantiina cidlo ma ahan, ee waxay
doonayaan inaynan ka qayb gelin dagaalka. Sidaas oo ay tahay Rasuulka
(scw) ruuxii ka fasax qaata wuu ka
aqbalayay, iyagoo sidaas munaafiqiinta
mid mid u dusaya, jeer ay tiradeena ka
noqoto ilaa 300 qof ama wax le’eg.
Markay arrintu halkaa mareyso ayaa Rasuulka (scw) istaagay isagoo dhinac
maraya asxaabta dhexdooda ilaa uu
yimaado anniga agteyda, markaas iyada
ahna jirkayga ma saarnayn wax aan ka
ahayn go’ ay lahayd xaaskayga, go’aasoo
aan dhaafeynin jilbahayga. Rasuulka (scw) wuu ii soo dhowaaday anniga oo
dhulka jilba-jooga, isla mar ahaantaana
aan waardiyo ka hayo cadoowga,
markaasuu Rasuulka (scw) igu yiri: "waa
kuma ninkan?", markaasaan ku iri: "waa
Xudeyfa". Mar kale ayuu yiri: "ma Xudeyfaa?", anniguna dhulka ayaan isku
sii gaabiyay annigoo kahanaya ama
dhibsanayo inaan istaago gaajada iyo
qaboowga i haya awgeed. Waxaan iri:
"haa waa annigii Rasuulkii Alloow". Rasuulka (scw) ayaa Xudeyfa ku yiri:
"waxaa ciidanka cadoowga dhexdiisa
dhici doona khabar, sidaas darteed iyaga
intaad u dustid oo ku dhex dhuumatid
noola imoow khabarkooda". Xudeyfa
wuxuu yiri: "waxaan tagey annigoo dadka ugu cabsi iyo qaboow badan. Rasuulka
(scw) ayaa isagoo u duceynaya Xudeyfa
yiri: "Ilaahoow Xudeyfa xaggiisa hore ka
ilaali, xaggiisa danbena ka ilaali,
midigtiisana Alloow ka ilaali,
bidixdiisana Alloow ka ilaali, xaggiisa horena Alloow ka ilaali, xaggiisa hoosena
Alloow ka ilaali". Xudeyfa wuxuu yiri,
markii uu Nebiga (scw) ii duceeyay ka
dib, wuxuu Ilaah siibay dhammaan wixii
cabsi ah ee igu jiray, sidoo kalena
qaboowgii darnaa ee i hayayna Ilaah jirkayga wuu ka tirtiray. Markii aan
doonay inaan xagga ciidanka gaalada u
dhaqaaqo ayaa Rasuulka (scw) ii yeeray,
isagoo igu yiri: "Xudeyfoow ciidanka
dhexdooda wax ficil ah ha ku dhex
sameynin jeer aad iiga timaado", waxaana iri haye. Intaa ka dib, waxaan
tagay annigoo ku gabanaya mugdiga
bartamihiisa ilaa aan ka dhex galay
gudaha ciidamada mushrikiinta
(gaalada), kana mid noqday sida inaan
ahay mid iyaga ka mid ah oo kale. Halkaana waxaa ka soo baxday fahmadii
iyo kartadii Xudeyfa ee aan hore u
xusnay. Wax yar Xudeyfa maba uusan sii
joogin ilaa uu ciidanka dhexdiisa ka dhex
istaagay Abuu Sufyaan oo hogaaminayay
ciidanka, wuxuuna bilaabay khudbad isagoo leh: "Qureysheey waxaan
doonayaa inaan idin iraahdo hadal, isla
markaana waxaan ka cabsanayaa inuu
hadalkaasi gaadho Muxammad, ee sidaa
darteed ha eego ruux kasta qofka uu la
fadhiyo. Markii uu Abuu Sufyaan uu sidaas yiri,
ayaan anniga ku hormaray ninkii ila
fadhiyay oo aan ku iri: "war adigu
kumaad tahay?"., markaasuu wuxuu yiri:
"waxaan ahay hebel ina hebel, sidiina
ayaana ku badbaaday. Markii nin weliba iska hubsaday ninka kale, ayaa Abuu
Sufyaan yiri: "qureysheey dhageysta,
wallaahi baan ku dhaartaye ma joogtaan
meel la degganaan karo, maxaa yeelay
wuu dhammaaday gaadiidkeenii, waxaa
ballantii nagaga baxay reer Banuu Qureythah, dhibkii aan kala kulanay
dabeyshii xoogga badnaydna waad
aragteen ee sidaa darteed hala rarto oo
hala guuro, anniguna waan raraniye.
Markii uu sidaas yiri Abuu Sufyaan, ayaa
wuxuu u kacay awrtiisii, wuxuuna ka furay dabarkii, dabadeedna wuxuu fuulay
ratiga, ka dibna usha ayuu ku dhuftay,
ratigiina sidii ayuu ku istaagay. Xudeyfa
wuxuu fadhiyay markaas iyada ah meel
aan ka fogeyn meesha uu istaagnaa Abuu
Sufyaan oo wuxuu awoodi karay inuu dilo, hase ahaatee wuxuu fulinayay amarkii
Rasuulka (scw) ee ahaa inuusan ficil
qaadin, wuxuuna yiri: "hadduusan
Rasuulka (scw) i amri lahayn inaanan ku
dhaqaaqin wax ficil ah, waxaan Abuu
Sufyaan ku gani lahaa hal leeb. Markaa ka dib, waxaan u soo noqday
Rasuulka (scw) oo tukanaya, wuxuuna
Rasuulka (scw) qabayay go’ ay lahayd mid
ka mid ah xaasaskii Rasuulka (scw),
markii uu i arkayna xaggiisa ayuu ii soo
dhoweeyay, waxaana uga waramay wixii aan la kulmay. Nebiga (scw) aad iyo aad
ugu farxay, wuxuuna ku mahadiyay Ilaah
wuuna ammaanay. Xudeyfa wuxuu ahaa
kii lagu sir aaminay siraha munaafiqiinta
intii uu noolaa, xitaa khulafada waxay u
noqon jireen Xudeyfa sida tusaale ahaan Cumar Binu Khadaab (rc) wuxuu ahaa
haddii uu doono inuu ku tukado mid ka
mid ah muslimiinta wuxuu weydiin jiray
inuu Xudeyfa ku tukaday iyo in kale,
haddii lagu yiraahdo: haa, oo wuu ku
tukaday, isna wuu ku tukan jiray, haddiise lagu yiraahdo, maya, wuu ka
shakin jiray inuu qofkaas ka mid yahay
munaafiqiinta, oo ma uusan ku tukan
jirin. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa
Cumeyr wuxuu Xudeyfa weydiiyay in
shaqaalihiisa ay ku jiraan qaar ka mid ah munaafiqiinta, wuxuuna Xudeyfa u
sheegay inuu jiro hal qof, Cumarna wuxuu
ka codsaday inuu u sheego, hase ahaatee
Xudeyfa wuu diiday inuu sheego ruuxa uu
yahay. Xudeyfa wuxuu yiri, wax yar maba
uusan sii joogin Cumar ilaa uu ninkii ka casilay markii danbe, sida in lagu
hanuuninayay oo kale. Dad aad u yar ayaa
og in Xudeyfa Binu Al-yamaani uu
muslimiinta u furtay magaalooyinka ay ka
midka yihiin Nahawandi, Daynuwr,
Hamadaani iyo Warry, wuxuuna sabab u ahaa inuu muslimiinta isugu keeno hal
kitaab oo qura (musxafkii Cuthmaan), ka
dib markay sigeen inay isku khilaafi
lahaayeen kitaabka Alle. Iyadoo ay taas jirto, wuxuu haddana
Xudeyfa ahaa kii aad ugu xeel dheer
cabsida Alle, wuxuu aad uga cabsan jiray
ciqaabta Alle. Markii ay ku cuslaatay
bukaankii sakaraadka ayaa waxaa u
yimid qaar ka mid ah asxaabta goor habeen bar ah, markaasuu wuxuu ku yiri:
"saacaddu waa imisa?", waxay
yiraahdeen: waxay ku dhowdahay
fajarkii", Xudeyfa ayaa yiri: "Ilaah ayaan
ka magan galay waaberi ii gudbiya
naarta", wuu ku celceliyay. Ka dib wuxuu yiri, ma ii keenteen kafan, markaas ayeey
yiraahdeen: "haa". Wuxuu yiri: "kafanaha
ha ku xadgudbina, maxaa yeelay haddii
kafantani ay ii kheyr badan tahay xagga
Eebbe (sw) waxaa la iigu beddelayaa mid
iiga kheyr badan, haddii kale waa la iga siibayaa" . Intaa dabadeed wuxuu yiri:
"Ilaahoow waxaad og tahay inaan faqriga
ka jeclahay hodontonimada, waxaad og
tahay inaan maskiinimada ka jeclahay
kibirka, waxaad og tahay inaan geerida
ka jeclahay nolosha, ka dibna wuxuu yiri iyadoo naftiisa sii baxaysa: dhimashada
ama malakul-mowdku waa mid la jecel
yahay oo yimid isagoo loo hilowsan yahay,
ma liibaano qofkii la kulankiisa
qoomameeya. Ilaah ha u naxariisto
Xudeyfa Binu Al-Yamaan.

No comments:

Post a Comment