ABUU AYUUB AL-ANSAARI ”Waxaa lagu aasay derbiga weyn hoostiisa ee ku yaala magaallada Qusdandiiniya” (16) Saxaabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa
waxaa la yiraahdaa Khaalid Binu Zeyd
Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay qabiilka
reer Banii Najjaar. Kunyadiisu (carabta
qofka ay sharfayso ayaa waxay ugu yeeri
jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan carbeed) waa Abuu Ayuub
Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis,
waxaana loogu abtiriyaa Ansaarta. Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta,
waa kuma qofka aanan aqoonin
saxaabiga Abuu Ayuub Al-Ansaari?!.
Wuxuu Eebbe (sw) magaciisa ku
koryeelay dunida bariga iyo galbeedkiisa,
wuxuu Ilaah dadka ka sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka doortay guryaha
muslimiinta si uu u dego Nebigii (scw)
sharafta badnaa, kadib markii uu yimid
magaallada Madiina isagoo muhaajir ah,
dhab ahaantiina taas ayaa Abuu Ayuub
Al-Ansaari ugu filan sharaf iyo wanaag. Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay
guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa
waxaa ku jirta sheeko aan laga xiiso
dhigaynin soo noq-noqashadeeda.
Sababtuna waa iyadoo markii uu Nebiga
(scw) yimid magaallada Madiina, ayaa waxaa Nebiga (scw) soo dhoweeyay
dadkii degganaa Madiina dhoweyn iyo
maamuusid tii ugu sharfta badanayd.
Waxay Rasuulka (scw) ku eegeen indho
kalgacalo iyo naxariis, iyadoo ay ku
faraxsan yihiin imaanshaha Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen laabtooda si
kash iyo laab ah, iyagoo albaabaha
guryahoodiina ay ballaqeen oo ay u
fureen Rasuulka (scw) si uu Xabiibka
(scw) ugu dego isagoo la sharfay. Hase ahaatee, Rasuulka (scw)
wuxuu ku hakaday xaafadda la
yiraahdo Qubaa oo ku tiillay
hareeraha magaallada Madiina,
wuxuuna halkaa ku negaaday 4
maalmood, isagoo dhisayna Masjidkii ugu horeeyay ee lagu
dhiso Islaamka. Intaa dabadeed,
wuxuu Rasuulka baxay isagoo
saaran hashiisa, waxaa waddadii
magaallada Madiina istaagay
madaxdii iyo odayadii magaallada Madiina, iyagoo mid kasta uu
doonayo inuu ku guuleysto
sharafta degista Rasuulka (scw) uu ku
degayo gurigiisa. Odayadaa waxay midba
midka kale uu u hormari jiray hasha,
waxayna Rasuulka (scw) ku oranayeen markaas: ”Rasuulka Alloow annaga
agtayada soo dega, waxaana na weheliya
tiro dad ah, hub iyo dagaalyahanno kaa
difaaca qofkii xumaan kula maaga”.
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu dadkii ku
oranayay: ” hashan faraha ka qaada, maxaa yeelay waxay ku socotaa amar
xagga Rabbi (sw) kaga yimid”. Waxay ahayd hashu tii iska socota, iyadoo
weliba ay raacayso indhaha dadka.
Haddey hashu gudubto guri waxaa
murugoonayay dadkii degganaa gurigaas
oo waxaa ku dhacayay quus, halka farxad
iyo yiddiddiilo weyn ay gelinaysay kuwa iyaga aynan weli hasha gudbin
guryahooda. Waxay socoto hashii,
dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba
socdaan iyagoo kalgacalo la huraya
ogaanta ninka nasiibka badan ee ay
gurigiisa ag fariisan doonto hasha, ayaa waxay markii danbe hashii soo gaartay
meel bannaan oo ku aaddan guriga Abuu
Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey hashiina
fariisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw)
weli kama uusan degin hasha. Wax yar
maba aynan sii fadhinin hashii, jeer ay haddana boodday oo istaagtay oo
socotay, Rasuulkana (scw) uu u raariciyay
hoggaankeeda. Haddana, waxyar kadib
hashii way soo laabatay oo waxay
fariisatay meeshii ay hore u fariisatay.
Markay arrintu halkaas mareyso, ayaa waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu
Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay
xagga Rasuulka (scw) isagoo soo
dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw)
ayuu qaaday isagoo uu horsocdo
Rasuulka, isagoo la moodo inuu sido waxa keyd hanti ah ee dunida yaala oo
dhan. Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka
raalli noqdee wuxuu yimid
gurigiisa, iyadoo uu la socdo
Rasuulka (scw). Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka
koobnaa labo dabaqadood, mid
hoose iyo mid sare. Dabaqii sare
ayaa wuxuu ka soo faaruqiyay alaabihii
ku jiray, si uu u dejiyo Rasuulka (scw) iyo
reerkiisa. Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu jeclaystay inuu dego dabaqa hoose
ee guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu u
hoggaansamay rabitaankii Rasuulka
(scw) oo wuxuu dejiyay meeshii uu
jeclaystay. Habeenkii markii la gaaray,
Rasuulka (scw) uuna seexday, Abuu Ayuub iyo afadiisana ay koreen dabaqii
sare ee guriga ayna albaabkooda soo
xirteen ayaa Abuu Ayuub soo jaleecay
afadiisa isagoo ku leh: ”inkaar qabto
maxaynu sameynay?! Ma Rasuulka (scw)
ayaa noqonaya kii naga hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka
sarreeya?! Ma waxaynu dul soconaynaa
Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u
dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?!
Haddeynu sidaas sameyno waynu
halaagsamaynaa”. Abuu Ayuub iyo xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo
aynan garanaynin waxa ay sameyn
doonaan. Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku
xasishay kolkii ay u bateen
koonaha qolka ay ku jireen,
kaasoo aanan ku beegnayn
Rasuulka (scw) dushiisa. Meeshii
ayeey isaga jireen iyagoo iska ilaalinaya markasta inay socdaan
meesha dhexda ah. Subixii markii la gaaray wuxuu Abuu
Ayuub ku yiri Rasuulka (scw): ”labo
indhood isuma aynan geynin xaleey
anniga iyo Ummu Ayuub-ba”. Rasuulka
(scw) ayaa weydiiyay sababta ay arrintaas
ku timid, wuxuuna Abuu Ayuub ugu jawaabay: ”waxaan soo xasuustay inaan
saaranahay qol aad adiga naga hoosaysid,
waxaan kaloo xasuustay haddii aan
dhaqdhaqaaqo in boorku kugu soo
daadanayo, oo aan markaas ku dhibo,
dhinaca kale waxaan kala dhex galay adiga iyo waxyiga”. Rasuulka (scw) ayaa
yiri: ”naftaada u tur Abuu Ayuubow,
innaga waxaa noo sahlan xagga hoose,
dadka badan ee na soo booqanaya
awgood”. Abuu Ayuub wuxuu yiri, waxaan u
hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw)
jeer laga soo gaaro habeen qaboow.
Waxaa jabtay ashuun aynu lahayn,
dabadeedna biyihii ku jiray ayaa qolkii
sare ku daatay. Anniga iyo xaaskayga waxaan u istaagnay sidii aan u qallajin
lahayn biyaha, mana aanan haysan habeenkaas
wax aan ka ahayn katiifad yar oo
noo ahayd buste oo kale.
Katiifaddii yareyd ayaa waxaan
bilownay inaan biyihii ku qallajino,
si biyihii aynan u gaarin Rasuulka (scw), sidaasna ayeynaan
habeenkaana u seexan. Abuu Ayuub
wuxuu yiri, markii uu waagii baryay ayaa
waxaan ku soo kallahay Rasuulka (scw),
waxaana ku iri, Aabahay iyo hooyaday
lagugu furaye Rasuulkii Allow waan dhibsaday inaan saarnaado dabaqa sare,
adiguna aad degganaato xagga hoose,
intaa dabadeed waxaan uga sheekeeyay
sheekadii ashuunkii jabay xaleey,
Rasuulka (scw) wuu iga aqbalay
codsigaygii wuxuuna u soo guuray dabaqii sare, anniga iyo Ummu Ayuub-na
waxaan u soo guurnay dabaqii hoose. Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii
Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku dhow
toddobo billood, jeer laga dhammeystiro
masjidkii Nebiga, meeshaasoo ay ahayd
meeshii markii hore ay fariisatay hasha.
Qolalkii masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka (scw) u guuray isaga iyo xaasaskiisaba.
Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la
noqdeen Rasuulka (scw). Labo deris
noqdo ku wanaag badanaa Abuu Ayuub
iyo Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-
Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) jeclaaday jaceyl hantay
qalbigiisa iyo dhuuxiisaba, dhinaca kale
Rasuulka (scw) ayaa isna jeclaaday Abuu
Ayuub, wuxuuna marka uu guriga Abuu
Ayuub yimaado uu Rasuulka (scw) u
dhaqmi jiray sida gurigiisa oo kale. Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor duhur
ah masjidka soo aaday Abuu Bakar
Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee,
waxaa arkay Cumar Binu Khadaab,
wuxuuna ku yiri ”Abuubakarow
saacaddan maxaa ku soo bixiyay?!”. Abuubakar ayaa yiri, gaajo daran
oo i haysa waxaan ka ahayn ima
soo saarin. Cumar ayaa misna yiri,
annigana Ilaah ayaan ku dhaartaye
gaajo daran waxaan ka ahayn ima
soo saarin. Goor ay Abuubakar iyo Cumar ay isla taagan yihiin ayaa
waxaa ku soo baxay Rasuulka
(scw) wuxuuna weydiiyay waxa
soo saaray saacaddan iyada ah,
waxayna yiraahdeen: ”wallaahi
ayaan ku dhaaranaye, nama soo bixin aan ka ahayn gaajo daran oo na haysa
awgeed” Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri
”annigana -waxaan ku dhaaranayaa
Allaha ay naftayda labadiisa gacmood ay
ku jirto– inaynan i soo saarin waxaan
gaajadaas ahayn, ee i soo raaca”. Marti gelintii iyo maamuuskii Abuu
Ayuub ee Rasuulka (scw), Abuubakar
iyo Cumar-ba Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan
Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay
yimaadeen albaabkii guriga Abuu Ayuub
Al-Ansaari, wuxuuna Abuu Ayuub maalin
kasta Rasuulka ugu talo geli jiray cunto,
haddii uu soo daaho Rasuulka oo uusan cuntadii u iman, wuxuu cuntadii Abuu
Ayuub siin jiray reerkiisa. Markay soo
gaareen albaabkii Abuu Ayuub ayaa
waxaa iridka ka furtay xaaskii Abuu
Ayuub, iyadoo leh ”Nebigii Ilaah iyo inta
la socotaba ha soo dhowaadeen”. Rasuulka (scw) wuxuu Ummu Ayuub
weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub,
durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay
Abuu Ayuub oo waqtigaas ka
shaqeynayay beer timireed uu lahaa,
kuna tiillay meel gurigiisa u dhow. Isla markiiba intuu soo qaabilay Rasuulka
(scw) isagoo leh: ”Rasuulka Alle iyo inta la
socotaba ha soo dhowaadeen” Wuxuuna
intaa raaciyay ”Nebigii Alloow waqtigan
ma ahan waqtigii aad iman jirtay”.
Rasuulka (scw) wuxuu yiri ”waa runtaa”, dabadeedna Abuu Ayuub wuxuu u
kacay beertiisa isagoo soo gooyay
rucub timir ah oo weliba bislaatay.
Nebiga (scw) ayaa ku yiri, ma
aanan jeclayn inaad laantoo dhami
goyso, maad noo soo gurtid oo kaliya timirta. Abuu Ayuub wuxuu yiri,
Rasuulkii Allow waxaan jeclaystay inaad
rucubta ka goysatid timirtiisa,
hoobaantiisa iyo yacyacoodkiisaba,
intaasoo kaliya maahee, waxna waan
idiin gowracayaa. Rasuulka (scw) wuxuu yiri: ”haddaad neef gowracaysid ha
gowracin neef irmaan”. Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray
neef orgi ah, wuuna gowracay,
wuxuuna xaaskiisa ku yiri, intaad
cajiinta qastid waxaad noo karisaa
kibis muufo ah, adigaana ku fiican
dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu qaaday jeex ka mid ah neefkii orgiga
agaa, markaasuu kariyay, jeexii soo
harayna wuu soley. Raashinkii markii uu
bislaaday, lana soo hordhigay Rasuulka
(scw) hortiisa isaga iyo labadiisa saaxiib
(Abuubakar iyo Cumar), ayaa wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid ah
hilibkii, ka dibna wuxuu cadkii geliyay
kibistii ama muufadii dabadeedna wuxuu
Abuu Ayuub ku yiri, intan waxaad ula deg
degtaa gabadhii yareyd ee aan dhalay
ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma aynan dhadhamin/cunin cadkan oo kale muddo
hadda dhowr maalmood laga joogo. Rasuulka (scw), Abuubakar iyo
Cumar markii ay cuneen raashinkii
ayna dhargeen, ayaa wuxuu
Nebiga (scw) yiri: ”muufo, hilib,
timir, yacyacood iyo hoobaan!!”
ilmo ayaa ka soo daadatay, kadibna wuxuu yiri: ”Allaha
naftayda ay gacantiisa ku jirtaan
ku dhaartaye waxaan (nimcadan)
waa nimcada xaggiisa la idinka
weydiinayo maalinta qiyaamada,
ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo aad gacmaha la gashaan
waxaad tiraahdaan Bismillaahi
(magaca Alle ayaan ku billaabay),
markaad dheregtaana waxaad
tiraahdaan Al-xamdulillaah
(mahad oo idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na dhargiyay ee
nimcadiisa nagu galladaystay,
intaa kadib Rasuulka (scw) wuu
kacay, wuxuuna Abuu Ayuub Al-
Ansaari ku yiri noo kaalay berito.
Waxaa Rasuulka (scw) dabeecad u ahayd oo uu jeclaa in qofkii ixsaan
u fala inuu wanaag ugu abaalgudo.
Abuu Ayuub ma uusan maqlin
hadalkii Rasuulka (csw), hase
ahaatee Cumar Binu Khadaab ayaa
ku yiri: ”Abuu Ayuubow wuxuu Rasuulka (scw) ku farayaa inaad u timaadid
berito”. Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa
Rasuulka (scw) ku yiri: ”maqlay oo
aqbalay Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) oo Abuu Ayuub
guddoonsiiyay abaal gud Maalintii danbe markii la gaaray, wuxuu
Abuu Ayuub Al-Ansaari aaday gurigii
Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw)
abaalgud ahaan Abuu Ayuub u siiyay
gabar yar oo Rasuulka shaqaale u ahayd,
wuxuuna kula dardaarmay inuu u wanaag falo, wuxuuna ku yiri: ”Abuu Ayuubow
gabadhan wanaag kula dhaqan, maxaa
yeelay intii ay nala joogtay kuma aanan
arag wax aan kheyr ahayn”. Abuu Ayuub
wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo ay la
socotana gabadhii shaqaalaha ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu Ayuub Al-
Ansaari waxay Abuu Ayuub weydiisay:
”gabadhan yey shaqaale u tahay?!”. Abuu
Ayuub wuxuu yiri annaga ayeey noo
khidmaynaysaa.., waxaana na siiyay
Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo ahayd afadii Abuu Ayuub ayaa iyadoo faraxsan
waxay tiri: ”ku sharaf badanaa mid wax
bixiya (waa Nebiga (scw), ku sharaf
badanaa wax la isa siiyo (waa gabadha)”.
Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii ku yiri,
laakiin wuxuu Rasuulka (scw) inoo dardaarmay inaan wanaag kula dhaqano.
Ummu Ayuub ayaa tiri, sideen gabadha
ugu ixsaan fali karnaa si aan ka fulino
dardaarankii Rasuulka (scw)?. Wuxuu Abuu Ayuub yiri, wallaahi
ayaan ku dhaartaye ma arko wax
uga kheyr badan fulinta
dardaarankii Rasuulka (scw) aan
ka ahayn inaan gabadha xoreyno.
Ummu Ayuub ayaa tiri: ”waxaa lagu waafajiyay sidii toosnayd,
waxaadna tahay mid xaqa la
waafajiyay”, sidiina ayuu Ayuub
gabadha ku xoreeyay. Weligii kama uusan harin
duulimaadyada jihaadka Waxaan soo qaadanay qaybtii nabadeed
ee nolosha Abuu Ayuub Al-Ansaari, haddii
aad xoogaa yar milicsatid inaad is-dul-
istaagtid qaar ka mid ah noloshii Abuu
Ayuub ee dhinaca dagaalka waxaa hubaal
ah inaad arkaysid wax lala yaabo. Abuu Ayuub Al-Ansaari noloshiisa oo dhan
wuxuu ku jiray duulimaad dagaal, jeer
lagaba yiraahdo: ”weligii kama uusan
harin duulimaad ay muslimiinta qaadeen
laga soo billaabo xilligii Rasuulka (scw)
uu noolaa ilaa laga gaaro xilligii Mucaawiya, illaa inuu duulimaad kale
kaga mashquulo mooyaane”.
Duulimaadyadiisii ugu danbeeye waxay
ahayd kolkii uu Mucaawiye diyaariyay
ciidankii uu hoggaaminayay wiilkiisii la
oran jiray Yaziid, si loo furto magaallada Qisdandiiniya (waa magaallada hadda la
yiraahdo Istanbuul), waqtigaas iyada
ahna Abuu Ayuub wuxuu ahaa oday
waayeel ah oo da’diisu ay wax yar u jirto
siddeetan jir (80), sidaas oo ay tahay
waayeelnimadkiisa kama uusan reebin inuu ku biiro ciidanka uu hoggaaminayay
Yaziid, iyo inuu dhex jeexo hirarka badda
isagoo Alle dartii u duulaya. Hase ahaatee wax yar kadib maba uusan
u sii dhaqaaqin dhinacii cadoowga jeer
uu ka xanuunsado Abuu Ayuub Al-Ansaari
bukaankii uu la dhiman lahaa, waxaana
isagoo booqanaya u yimid Yaziid oo ahaa
hoggaamiyihii dagaalka, wuxuuna ku yiri: ”ma jiraan wax aad u baahan tahay oo
aynu kuu fulino?”. Abuu Ayuub ayaa yiri,
marka hore waxaad igu salaantaa
ciidamada muslimiinta, waxaadna ku
tiraahdaa: ”Abuu Ayuub wuxuu idiin
dardaarmayaa inaad gudaha u sii gashaan cadoowga dhulkiisa jeer aad ka
gaartaan yoolka aad tiigsanaysaan
meesha ugu fog, sidoo kale wuxuu Abuu
Ayuub idiin dardaarmayaa inaad
xanbaartaan oo uu idin raaco iyo inaad ku
aastaan gommodyadiina hoostooda oo ah deyrka ama derbiga meesha la yiraahdo
Qusdandiiniya, neeftii ugu danbeysayna
ayaa ka soo baxday. Ciidamadii muslimiinta waxay yeeleen
wixii uu jeclaa saaxiibkii Rasuulka (scw),
waxay dagaalamaan oo ay ciidankii
hadba rogaal celiyaan ilaa ay markii
danbe ka gaareen magaalladii
Qusdhandhiiniya deyrkeedii, weliba iyagoo sida oo wada Allaha ka raalli
noqdee Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas
ayeeyna u qodeen qabri, dabadeedna ku
aaseen qabriga. In la furanayo magaallooyinka
Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii
sheegay Nebiga (scw), furashada
magaallada Qusdandiiniya waa la
arkay oo waxaaba furay halyeeygii
geesiga ahaa ee Muxammad Al- Faatix Allaha u naxariistee, waxa
haray waa furashada Roma,
iyadana waa tii la furto idinka Alle. Ilaah ha u naxariisto Abuu Ayuub
Al-Ansaari, maxaa yeelay wuxuu
diiday illaa inuu ku dhinto fardaha
dheereeya ee qiimaha badan
dushooda isagoo u duulaya jidka
Alle, waxayna maalintaas da’diisa ku dhoweyd 80 sanno.
No comments:
Post a Comment