ABUU HUREYRA AL-DOWSI ”ABUU HUREYRA WUXUU UMMADDA ISLAAMKA U XAFIDAY WAX KA BADAN KUN IYO LIX BOQOL OO XADDIIS KUWAASOO KA MID AH AXAADIISTA RASUULKA (SCW)” (17) Akhristow waxaa hubaal ah inaad taqaanid saxaabiga xiddiga ah ee ka mid
ahaa asxaabtii Rasuulka (scw). Aynu
isweydiinee ma ummadda Islaamka ayaa
waxaa ku jira ruux aanan aqoonin Abuu
Hureyra?!. Dadku waxay ugu yeeri jireen
xilligii Jaahiliga (Islaamka kahor) ”Cabdi Shams”, hase ahaatee markii uu Ilaah ku
maamuusay diinta Islaamka, ee uu soo
islaamay, kuna sharfay la kulankii Nebiga
(scw) ayaa wuxuu Rasuulku weydiiyay
su’aashan: ”Magacaa?”. Wuxuu yiri
magacygu waa ”Cabdi Shams”. Nebiga (scw) ayaa ku yiri, maya ee waxaa lagu
yiraahdaa Cabdiraxmaan. Wuxuu yiri,
haye oo magacaygu waa Cabdiraxmaan,
aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee
Rasuulkii Alloow. Wixii maalintaas ka
danbeeyay wuxuu magaciisu ahaa Cabdiraxmaan, aabihiisna Sakhr. Waxay
dadka ugu kunyooni jireen Abuu Hureyra,
sababta loogu baxshayna waxay ahayd,
markii uu yaraa ayaa wuxuu lahaa bisad
yar, taasoo uu jeclaan jiray inuu la
cayaaro. Wiilashii ay isku da’da ahaayeen ayaa wixii maalintaa ka danbeeyay
waxay ugu yeeri jiray ”Abuu Hureyra”,
kunyadaas (abuu hureyra) ayuu markii
danbe ku caan baxay. Islaamiddii Abuu Hureyra Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee
wuxuu ku soo islaamay gacantii Dhufeyl
Binu Camar Al-dowsi, isagoo intaa wixii
ka danbeeyay dhex joogay tolkiisa reer
Daws jeer laga soo gaaro sannadkii
lixaad hijriyada kadib, halkaasoo uu u soo wafdiyay Rasuulka (scw) oo joogay
magaallada Madiina, wuxuuna la socday
qaar ka mid ah tolkiisa oo iyaguna soo
islaamay. Abuu Hureyra wuxuu ahaa wiil
dhalinyaro ah oo u go’ay u-adeegidda iyo
la-jirka Rasuulka (scw). Fadhigiisa iyo deggaankiisu wuxuu ahaa masjidka,
Nebigana (scw) wuxuu ka dhigtay bare
iyo hoggaamiye, mana uusan lahayn
xilligaas reer ama caruur. Sidii uu ugu baari fali jiray hooyadiis oo
gaal ahayd Abuu Hureyra wuxuu la noolaa hooyadiis
oo waayeel ahayd, taasoo ku adkeysatay
shirkiga iyo gaalnimada. Inkasta oo ay
gaal ahayd, haddana Abuu Hureyra ma
uusan ka noogi jirin inuu u duceeyo, wuu
u cabsan jiray, wuuna u baari fali jiray markasta, hase ahaatee iyadu way ka
carari jirtay. Way ka tagi jirtay, iyadoo
walbahaarka Abuu Hureyra uu ka
walbahaarayo hooyadiis ay buuxinayso
laabtiisa. Abuu Hureyra wuxuu yiri,
maalin maalmaha ka mid ah ayaan hooyaday ugu yeeray diinta islaamka,
markaasay waxay Nebiga (scw) ku
sheegtay hadal aan dhibsaday, ina
dhaawacay. Wuxuu aaday Rasuulka (scw)
isagoo oonaya. Rasuulka (scw) ayaa ku
yiri: ”maxaa kaa oohinaya!?”. Wuxuu yiri, waxaan ahaa mid aan ka noogin yeerista
aan hooyaday ugu yeerayo islaamka,
halka iyaduna ay diidi jirtay inay soo
islaamto. Hase ahaatee, maanta ayaa
waxaan ugu yeeray inay soo islaamto,
dabadeedna waxaan xaggaaga ka maqlay wax aan dhibsado, ee Rasuulkii Alloow
waxaad Ilaah uga baridaa inuu laabteeda
islaamka soo aaddiyo. Nebiga (scw) ayaa
u duceeyay Abuu Hureyra hooyadiis.
Wuxuu yiri Abuu Hureyra: ”waxaan ku
dhaqaajiyay guriga, markii aan u soo dhowaaday guriga ayaa waxaan maqlay
dhawaaq sida biyo daadanaya oo kale,
markii aan damcay inaan gurigii galana
waxay hooyaday igu tiri: joogso
meeshaada, dabadeedna waxay xiratay
dharkeedii ka dibna waxay tiri soo gal, markii aan gudaha guriga soo galayna
waxay hooyaday tiri: waxaan qirayaa
jiritaanka Allaha xaqa ah, waxaan kaloo
qirayaa inuu Muxammad yahay addoonkii
iyo Rasuulkii Alle…. Waxaan ku laabtay
Rasuulka (scw), annigoo farxad awgeed la oonaya sidii saacad ka horeba aan
murugo darteed ula ooyay, annigoo
markaas ku leh Rasuulka: bishaarayso
Rasuulkii Alloow…., Ilaah wuu aqbalay
ducadaadii oo wuxuu Alle (sw)
hanuuniyay Abuu Hureyra hooyadiis. Jeceylkii Abuu Hureyra ee Nebiga (scw) Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee
wuxuu aad u jeclaan jiray Rasuulka (scw)
jaceyl weliba saameeyay hilibkiisa iyo
dhiigiisaba. Wuxuu Abuu Hureyra ahaa kii
aan ka dhergin aragtida iyo eegista
Nebiga (scw), wuxuuna oran jiray: ma aanan arag wax ka qurxoon kana iftiin
badan Rasuulka (scw) jeer la maleeyo in
ileyska iyo iftiinka qoraxda la dul yeelay
wejiga xabiibka Nebiga (scw). Abuu
Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuu
ku mahadin jiray Allihii ku galladaystay inuu noqdo saaxiibka Nebiga (scw) iyo
inuu qaato diintiisa iyo hanuunkiisa,
wuxuuna oran jiray: Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu
Hureyra ku hanuuniyay Islaamka. Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu
Hureyra baray qur’aanka. Waxaa mahad iska leh Allihii Abuu
hureyra ku manneystay inuu noqdo
saaxiibkii Nebiga (scw). Sidii uu Abuu Hureyra u jeclaa Nebiga
(scw), ayuu misna uu u jeclaa cilmiga,
wuxuuna cilmiga iyo aqoontu u ahayd
hadaf iyo yool uu tiigsado markasta.
Cilmiga ayaa u caado ahayd Abuu Hureyra
Illaah ha raalli noqdee. Nebiga (scw) ayaa ugu duceeyay
cilmiga Waxaa sheekeeyay Zeyd Binu Thaabit
Ilaah ha ka raalli noqdee, wuxuuna yiri:
goor aan anniga iyo Abuu Hureyra iyo nin
aynu saaxiibo ahayn aan joogno masjidka
welibana aynu Alle baryayno, xusaynana
Alle ayaa waxaa nagu soo baxay Rasuulka Alle (scw) ilaa uu dhexdeena fariisto,
dabadeedna waynu aamusnay. Nebiga
(scw) ayaa nagu yiri, hadalkii aad
wadateen u noqda . Anniga iyo
saaxiibkay ayaa waxaynu barinay Alle
(sw) -kahor Abu Hureyra intuusan baryin– markaas iyada ahna uu Rasuulka noo
aamiinsanayo (leeyahay aamiin).
Haddana, waxaa Alle baryay Abuu
Hureyra isagoo leh: Allahayoow waxaan
ku weydiisanayaa waxa ay ku
weydiisteen labadayda saaxiib.. Waxaan ku weydiisanayaa cilmi aan la
hilmaamin… Nebiga (scw) ayaa yiri:
aamiin. Annagana waxaynu markale niri:
Ilaahayow annagana waxaan ku
weydiisanaynaa cilmi aan la hilmaamin.
Nebiga (scw) ayaa ku yiri: waxaa idinkaga hormaray wiilkii reer Daws ahaa
(Abuu Hureyra). Siduu Abuu Hureyra uu naftiisa ula jeclaa
barashada cilmiga, ayuu misna ula jeclaa
dadka inay weyneeyaan cilmiga. Taasina
waxaan ku arki doonaa dhacdadan soo
socota. Abuu Hureyra ayaa maalin
maalmaha ka mid ah soo maray suuqa magaallada Madiina, wuxuu arkay inay
dadkii ku shuqloomeen adduunyo, wuxuu
arkay inay ku mashquuleen bicsharada
iibka, gadista, siinta iyo qaadashada. In
yar ayuu dadkii is dul istaagay,
dabadeedna wuxuu dadkii ku yiri: Yaa idinka tabar daran haddaad tihiin reer
Madiinoow!!. Waxay yiraahdeen, ma
waxaad aragtay kuwanaga tabarta daran
Abuu Hureyrow. Wuxuu yiri, waxaa la
qaybsanayaa dhaxalkii Nebiga (scw),
idinkana waxaad fadhidaan halkan..! War miyeydaan tagaynin oo soo qaadanaynin
qaybtiinii!! Waxay yiraahdeen waa
halkee?!. Wuxuu yiri: “masjidka”. Dadkii
ayaa u deg-deggay masjidka, Abuu
Hureyrana iyaga ayuu sugay ilaa ay ka soo
laabteen. Markii ay u yimaadeen, ayaa waxay ku yiraahdeen: Abuu Hureyra,
waxaynu aadnay masjidkii mana aanan
arag wax lagu qaybsanayay masjidka.
Wuxuu ku yiri, miyeydan masjidka ku
arag wax dad ah?!. Waxay yiraahdeen:
haa.., waa run oo waxaynu aragnay dad tukanayay, dad aqrisanayay qur’aanka iyo
kuwo kale oo baranayay cilmiga la
xidhiidha xalaasha iyo xaaraanta. Wuxuu
yiri, haddaba taas ayaa ah dhaxalkii
Nebiga (scw). Faqrigii iyo gaajadii uu la kulmay Abuu
hureyra Dhibaatooyin fara badan ayuu Abuu
Hureyra kala kulmay barashada cilmiga
diinta iyo u go’idda fadhiyada Rasuulka
(scw), taasoo aynan jirin qof sidiisoo kale
ah. Abuu Hureyra oo arrintan ka
sheekeenaya wuxuu yiri: waxaa dhici jirtay inay gaajada i haysa igu adkaato
jeer aan ka noqdo mid asxaabta ka
weydiiyo aayad qur’aan ah -markaasna
aan ogahay macnaha aayadda- waxa aan
u weydiinayo waa inuu ii wado gurigiisa
oo uu i soo siiyo cunto. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gaajadii i haysay igu
adkaatay, markaas ayaa waxaan caloosha
ku xiray dhagax, waxaana fariistay
waddada dhexdeeda. Waxaa waddadii
soo maray Abuubakar (rc) waxaana
weydiiyay aayad qur’aan ah, sababta aan u weydiinayana waa inuu gurigiisa ii
kaxeeyo, mana ii kaxeynin. Intaa ka dib,
waxaa haddana waddada soo maray
Cumar Binu Al-khaddaab (rc), waxaan
weydiiyay aayad qur’aan ah, isna iima
yeerin jeer uu markii danbe ka soo maro Rasuulka (scw), wuxuu gartay gaajada i
haysa wuxuuna yiri: ”Ma Abuu
Hureyraa?!”. Waxaan iri, haa, waana ku
ajiibay Rasuulkii Alloow, ka dibna waan
raacay, waxaana annigoo la socdo galnay
gurigiisa. Wuxuu Nebiga (scw) guriga ka helay weel caano ku jireen, markaas ayuu
reerkiisa ku yiri: ”intee ayuu nooga yimid
kani”. Waxay yiraahdeen, waxaa kuu soo
diray hebel. Wuxuu yiri, Abuu Hureyroow
waxaad u yeertaa jamaacadii la oran jiray
Ahlu-Sufa (waxay ahaayeen dad masaakiin ah, kuwaasoo aan lahayn reer
iyo caruur iyo hoy midna, waxayna seexan
jirayn masjidka Nebiga). Waxaa i dhibtay
inaan Ahlu-Sufa ugu yeero weelkan yar
ee caanaha ku jira, waxaana naftayda ku
iri: Sidee ayeey u deeqaysaa Ahlu-Sufa weelkan yar?!. Waxaan filayay inaan hal
mar dhamo caanahan si aan ugu
xoogeysto, deedna aan iyaga u aado.
Waxaan u imid Ahlu-Sufa, waxaana aan
ugu yeeray weelkii caanaha ku jireen. Hal
mar ayeey yimaadeen, markii ay soo ag fariisteen Rasuulka ayaa wuxuu igu yiri:
”intaad qaadid u gee iyaga”. Waxaan
bilaabay inaan mid mid u siiyo caanihii
ilaa ay dhammaantood caanihii ka
dhamaan, weelkiina waxaan u celiyay
Rasuulka (scw). Nebiga (scw) ayaa madaxiisa kor u qaaday isagoo
muusoonaya, wuxuuna yiri: ”waxaa haray
anniga iyo adiga”. Waxaan iri, run baad
sheegtay Rasuulkii Alloow. Wuxuu yiri,
haddaba, cab caanaha, waana cabay.
Markale ayuu igu yiri, cab, haddana waan cabay. Rasuulka (scw) kama uusan suulin
kii yiraahda cab, anniguna aan cabbayo
caanihii ilaa markii danbe aan ka
iraahdo: Ilaahii xaqa kugu saaray waxaan
kuu dhaaranayaa inaanan awoodin inaan
sii cabo.. Wuxuu qaaday weelkii, dabadeedna wuxuu cabbay suubbanaha
Nebiga (scw) caanihii soo haray. Waqti dheer kama aynan soo wareegan
xilligaas, jeer kheyraatkii iyo
barwaaqooyinkii ay dhex shubmaan
muslimiinta, waxaana korkooda ku soo
shubmay qaniimooyinkii ay ka heleen
furashada. Abuu Hureyra wuxuu yeeshay hanti, guri, reer iyo caruurba. Hase
ahaatee waxaasoo kheyraat iyo nimco
ah-ba ma aynan beddelin naftiisii
sharafta badnayd, dhinaca kalena ma
aynan hilmaansiinin maalmihii uu
faqiirka ahaa, wuxuuna inta badan oran jiray: ”waxaan ku barbaaray agoonimo,
waxaan guuray oo hijrooday annigoo
miskiin ah, waxaan shaqaale ka ahaa
beer ay lahayd ina Qazwan annigoo ugu
shaqeyn jiray si calooshii ugu
shaqeystinimo ah, waxaan ahaa kii u adeega reerka markay soo deggaan,
ratiga ayaan u kaxeyn jiray, Ilaahayna
wuxuu ii sahlay inaan ka guursado
shaqadii beertaas. Waxaa mahad iska leh
Allaha diinta islaamka nidaam nooga
dhigay, Abuu Hureyrana ka dhigay hoggaamiye. Abuu Hureyra wuxuu madax
ka noqday magaallada Madiina, isagoo ka
socda dowladdii Mucaawiye Binu Abii
Sufwaan (rc) wax ka badan hal jeer,
madaxtinimadaas uu noqday Abuu
Hureyra ma aynan beddelin dabeecaddiisii. Wuxuu ku tilmaanaa tilmaamo
suubban Illaah ha ka raalli noqdee wuxuu Abuu
Hureyra kulansaday cilmi xeel dheer, cafis
iyo saamixitaan badan, Alle ka cabsi iyo
xalaal-miiradnimo. Wuxuu ahaa kii
sooma maalintii, halka habeenkii qayb uu
ka tukan jiray salaatul-leylka. Wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa
habeenka saqda dhexe, habeenka intiisa
danbena wuxuu salaadda u toosin jiray
gabadhiisa. Guriga Abuu Hureyra wuxuu
ahaa kii aan laga-kala-goyn cibaadada
habeenkii oo dhan. Abuu Hureyra waxaa u shaqeyn jirtay gabar madoow ah,
gabadhii ayaa waxay u gaftay maalin
Abuu Hureyra, dabadeedna wuu istaagay,
wuxuuna soo qaatay jeedal si uu markaa
ugu garaaco gabadha. Haddana wuu is
qabtay isagoo gabadhii ku leh: “haddii aynan jirin qisaas maalinta qiyaame
waan ku xanuujin lahaa sida aad noo
dhaawacdayba, hase ahaatee waxaan
kaa iibinayaa qof i siiya qiimahaaga,
waqtigaasna aan aad ugu baahanahay …
Iska tag, Alle dartii ayaan kuu xoreeyee.. Abuu Hureyra cabsidiisa Alle ayaa waxaa
wehelisay adduunyo naceyb, wuxuu sida
badan ku dadaali jiray u-camal -falka
maalinta aakhiro, sidaa darteed wuxuu
markasta ka wel-weli jiray cadaabta iyo
xanuunka ay wadato naarta. Maalin ayaa gabadhiisii waxay ku tiri, aabe gabdhaha
saaxiibadayda ah way i caayaan, waxayna
igu yiraahdaan: muxuu aabahaa kuugu
gadi waayey dahab?!. Wuxuu ku yiri,
gabadhaydiiyey, waxaad ku tiraahdaa:
aabahay wuxuu iiga cabsanayaa kulka naarta Jahannamo. Diidmada uu Abuu
Hureyra gabadhiisa dahabka ugu diidayay
kama ahayn bakheylnimo awgeed, maxaa
yeelay wuxuu Abuu hureyra ku tilmaanaa
deeqsinimo iyo gacmo furnaan, gaar
ahaan xilliga jidka Alle loo duulayo. Marwaan Binu Al-Xakam ayaa wuxuu
Abuu Hureyra u soo diray boqol diinaar oo
dahab ah, maalintii kale markii la gaaray
ayaa wuxuu u qoray warqad uu ku
leeyahay sidatan: khaadimkaygii wuu
qaldamay oo wuxuu ku siiyay lacago diinaar ah, annigana kulama aanan
doonin, ee waxaan u doonayay qof aanan
adiga ahayn. Abuu Hureyra arrintii wuu
ka qoomameeyay, wuxuuna yiri: waxaan
lacagta u bixiyay si jidka Alle ah, markuu
mushaarkayga yimaado ka qaado lacagta. Hase ahaatee, waxay Marwaan ka ahayd
oo keliya inuu imtixaano Abu Hureyra,
markii uu arrinkii u fiirsadayna wuxuu
oggaaday inuu sax yahay hadalkiisii. Hal meel ma wada harsanayno anniga
iyo kan qaraabadiisa gooya: Abuu Hureyra wuxuu weligiis baarri u
ahaa hooyadiis, mar alla markuu guriga
ka baxayana intuu istaago iridka aqalka
ayaa wuxuu oran jiray: “salaan iyo nabad
gelyo korkaada ha ahaato hooyo” Iyaduna
waxay ugu jawaabaysay: “adigana sidoo kale dushaada ha ahaato naxariistii iyo
barakaatkii Alle”. Wuxuu haddana ku yiri:
“Allaha kuugu naxariisto sidii aad
annigoo yar igu soo barbaarisay”. Waxay
haddana ku tiri: “Allaha kuugu naxariisto
sidii aad annigoo weyn iigu baarri- fashay”. Markuu guriga ku soo laabtana
wuxuu oran jiray hadalladaas oo kale. Wuxuu Abuu Hureyra ku dadaali jiray inuu
dadka ugu yeero sidii ay ugu baari-fali
lahaayeen waalidiintooda, iyo xiriirinta
qaraabadooda. Waxaa hadalladiisa ka
mid ahaa hadalkan: "hal meel ma wada
harsanayno anniga iyo kan qaraabadiisa gooya". Wuxuu maalin maalmaha ka mid
ah arkay labo nin oo wada socda, oo kala
da’ weyn. Wuxuu kii yaraa weydiiyay
waxa uu kan kale u yahay, wuxuuna ku
yiri: “waa aabahay”. Haddaba wuxuu Abu
Hureyra ninkii ku yiri: “magaciisa ha ugu yeerin, hortiisana ha socon, hana fariisan
hortiisa. Safar dheer iyo sahay yar Markii uu Abuu Hureyra xanuunsaday
bukaankii dhimashadiisa ayaa uu ooyay,
waxaana lagu yiri maxaad la ooyaysaa?.
Wuxuu yiri, lama oynayo cabsida aan ka
qabo dunidan tan ah, hase ahaatee
waxaan la ooyay safarka dheer ee i sugayo, iyo saadka iyo sahayda yari ee
aan wato. Waxaan istaagay
dhammeystirka waddo, taasoo ii sii
kaxeynaysa Janno ama Naar, mana ogi
labadaas meelood meesha aan ku
danbeyn doono. Waxaa Abuu Hureyra soo booqday Marwaan Binu Al-Xakam, isagoo
ku leh: Abuu Hureyrow Allaha ku shaafiyo.
Wuxuu Abuu Hureyra ku Alla baryay
ducadan, wuxuuna yiri: “Illaahayow
waxaan jeclahay la-kulankaaga ee
waxaad adiga jecaataa la kulankayga, iina soo deddeji inaan kula kulmo". Maba
uusan Marwan ka bixin gurigii jeer uu ka
geeriyoodo Abuu Hureyra. Illaah ha u
naxariisto Abu Hureyra raxmad waasic
ah, wuxuu ummadda muslimiinta u
xafiday wax ka badan kun iyo lix boqol iyo sagaal xaddiis kana mid ah axaadiista
Rasuulka (scw), Ilaahay Islaamka iyo
Muslimiinta ha uga jazeeyo kheyr, aamiin
No comments:
Post a Comment