DHALXATA BINU CUBEYDILLAAHI AL-TAYMIYI ”RUUXII JECEL INUU ARKO NIN DUNIDA DUSHEEDA SOCDA ISLA MARKAASNA DHINTAY HA EEGO DHALXATA BINU CUBEYDILLAAH” (XADDIIS) (18) Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi
wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka
mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay
ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo
gaareen magaalada Busraa ee hadda ah
gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee
ganacsatada ahaa hal-mar ku
qamaameen goobihii gacansiga, si ay u
iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla
markaasna ay u gataan kuwo kale.
Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay
leeyihiin odayaashaas qureesheed,
haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo,
xeelad iyo karti uu kula tartami karay
ganacsatadaas. Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo
kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo
suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo
qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid
meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo
wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu
Dhalxata u dhaafno si uu noogu
dhammeystiro sheekadiisa xiisaha badan,
wuxuuna yiri Dhalxata:- Mar aynu joogno suuqa Busraa ayaa
waxaa nagu soo baxay wadaad kirishtaan
ah oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo
leh “ganacsatooy, waxaa dadka
weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof
reer Makka ah”. Markaas uu sidaas leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka,
durbadiiba isaga ayaan u degdegay
waxaana ku iri: “haa, oo annigaa ka imid
Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la soo
saaray Axmad, markaasaan ku iri: “waa
kuma Axmad?!”. Wuxuu igu yiri waa inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib,
wuxuuna intaa ii raaciyay “bishan waa
bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu
danbeeyay nebiyada, waxaa laga soo
saari doonaa dhulkiina Xaramka
(makka), wuxuuna u hijroon/guuri doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow,
geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan
tahay cusbada.., yaanan lagaaga hormarin
ninkaas wiilyahow”. Wuxuu yiri Dhalxata,
hadalkii ninka waxay ku dhacday
laabtayda, waxaana ku degdegay awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xirxirtay
sidiina ay ugu kicitimay magaallada
Makka. Raadka uu islaamka ku leeyahay
akhlaaqda suubban Markaan imid magaaladii, waxaan
reerkayga weydiiyay su’aashan: “ma wax
dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka
gadaashayda?”. Waxay yiraahdeen haa,
oo waxaa istaagay Muxammad Binu
Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo rumeeyay ina Abii
Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar).
Dhalxata wuxuu yiri, horey ayaan u
garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin
dabacsan oo dulqaad badan ayna dadka
jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci wanaagsan. Waxaynu
ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad
ayaan u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad
ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan
Qureysh iyo abtirsigeeda. Waxaan
markiiba aaday Abuubakar, waxaana ku iri, ma run baa waxa la leeyahay ee ah
inuu Muxammad Binu Cabdillaahi
sheegtay nebinnimo, adigana aad
raacday?!. Wuxuu yiri haa, kadibna wuxuu
billaabay inuu iiga sheekeeyo nebiga
sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan soo islaamo, annigana xaggeyga
waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii
wadaadka ahaa. Aad ayuu Abuubakar ula
yaabay sheekadii markuu maqlay, wuuna
jeclaystay, wuxuuna igu yiri: “bal inoo-
kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu
ku leeyahay, si aad markaas u soo gashid
diintii Alle. Dhalxata wuxuu yiri, waxaan anniga iyo
Abuubakar aadnay Muxammad, wuxuu ii
soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo
igu dul-aqriyay qaar ka mid ah suuradaha
qur’aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay
labada kheyrood ee adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u
waasiciyay diinta Islaamka, waxaana uga
sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii
sheegay, farxad aad u weyn oo wejigiisa
ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib
markii uu maqlay, dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq
lagu caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa
ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii
Alle. Waxaan galay lambarka afaraad ee
ku soo islaama gacanta Abuubakar.
Saddaxda kale ee gacanta Abuubakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad
Binu Abii Waqaas, Cusmaan Binu Abii
Caffaan iyo Zubeyr Binu Al-cawwaam. Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala
kulmay Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo
walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii uu
ka dhashay, haba ugu darnaatee
hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo
weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono
tolkiisa, astaamaha wanaagga badan ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in
badan isku dayeen inay ka weeciyaan
diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si
dhab ah u ogaadeen inuu iimaankiisa
sugan yahay aadna u xeel dheer yahay,
ayna marnaba dhici karin inuu ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala
quusteen inay si hadal leh ugu qanciyaan
inuu diinta islaamka uga laabto, waxay
billaabeen inay cuskadaan jirdil iyo
ciqaab. Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu
Kharaash wuxuuna yiri: Mar aan socdo
Safa iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan
la kulmay dad fara badan oo eryanaya
wiil labadiisa gacmood lagu xir-xiray
qoortiisa, dadku waxay daba socdeen wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana
garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa
iyadana xagga danbe socotay islaan
waayeel ah, iyadu ma gaarto wiilka inay
garaacdo, hase ahaatee waxay caayaysay,
kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna
igu yiraahdeen waa Dhalxata Binu
Cubeydillaah oo ka laabtay diintiisa,
wuxuuna raacay diintii Muxammad Binu
Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii
weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka ahayd ee wiilka daba socotay
ee iyadu caayaysay wiilka, waxayna igu
yiraahdeen waa Sacba’ Bintu Al-xadrami,
waana wiilka hooyadiis. Labadii la isku xiriiriyay Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee
lagu naanaysi jiray libaaxii qureesheed
ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu
Cubeydillaahi, wuxuu ku xirxiray xarig,
xarigii ayuu haddana kula xiray
Abuubakar, dabadeedna wuxuu u dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee
degganaa magaallada Makka, si ay u
xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran. Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo
Abuubakar As-siddiiq loogu yeeri jiray
labadii-la-sku-xiriiriyay. Waxay
maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is
daba-raacayaan, Dhalxata Binu
Cubeydillaahina uu maalmahaas ka siyaadsanayo dhammeystiran,
wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada
Rasuulka (scw) uu sii weynaanayo,
dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo
muslimiintana ay sii kobcayso siina
fidayso jeer maalintii danbe ay muslimiinta ugu naaneysaan shahiidkii
haddana noolaa, taasoo loola jeedo
saxaabigii Jidka Alle ku dhintay, haddana
dunida guudkeeda saaran oo nool.
Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu
yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii deeqsiga badnaa,
Dhalxihii kheyrka la burqanayay,
dhammaantoodna mid kasta waxay
leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso
yareyn. Maxaa loogu bixiyay shahiidkii
haddana noolaa? Aynu ku hor marnee sheekada la xiriirta
sababta loogu naaneysay shahiidkii
haddana noolaa, waxay ahayd maalintii
daggaalka Uxud, markii ay muslimiinta
ka carareen Rasuulka (scw), ayna
markaasna Rasuulka (scw) ku harin oo keliya waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar
ah, iyo Dhalxata Binu cubeydillaahi oo ka
mid ahaa muhaajiriinta. Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama
korayay buurta isaga iyo intii la
socotayba, iyadoo ay sii korayaan buurta
ayaa waxaa ku soo baxay oo soo gaaray
koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo
doonaya inay dilaan Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa
wuxuu saxaabadii ku yiri: “yaa naga
caabbinaya kuwan oo noqonaya
saaxiibkayga Jannada”. Dhalxata ayaa
durbadiiba yiri “ anniga, Rasuulkii Allow”.
Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah
ansaarta ayaa yiri “waa anniga qofkaas
Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa yiri
“haye, waa adiga”. Ninkii saxaabiga ee
ansaariga ahaa wuu dagaalamay jeer
markii danbe laga dilay. Haddana Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay
markale sii fanteen buurtii, gaaladiina
haddana way ku soo baxeen. Markale
ayuu Rasuulka (scw) yiri “war ayaa nin u
ah kuwani?!”. Dhalxata ayaa misna yiri
anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: “maya, adiga meeshaada
iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa
haddana yiri anniga Rasuulkii Allow.
Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “haa, waa
adiga”. Intaa dabadeed ninkii ayaa la
dagaalamay gaaladii jeer ay markii danbe isna ka dilaan. Haddana Rasuulka
(scw) wuxuu sii koray buurta, gaaladiina
way soo raaceen, kama uusan suulin
Rasuulka (scw) inuu ku celcelinayo
hadalkiisii hore, Dhalxana uu leeyahay
anniga Rasuulkii Allow, Rasuulkuna uu leeyahay maya, uu saxaabi kale u
fasaxayo inuu caabbiyo gaaladaas jeer ay
11-kii ansaarta ay dhammaantood
halkaas ku shahiidaan. Waxaa Rasuulka
(scw) weheliyay oo keliya Dhalxata,
gaaladii ayaa haddana markale soo haleelay Nebiga. Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo
gaaray dagaalkii Uxud Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku
yiri: “hadda haa”. Rasuulka (scw) waxaa
dagaalka ka soo aaray dhaawacyo.
Waxaa la jabiyay dhooshiisa hoose,
wejigana waxaa ka soo gaaray dakhar,
sidoo kalena dabintiisa hoosena waxaa soo gaaray dhaawac, dhiig badan ayaa ka
soo daatay wejigiisa sharafta badan, daal
iyo tacab aad u daranna maalintaas wuu
hareereeyay jirkii suubbanaha Nebiga
(scw). Dhalxata wuxuu guda-galay inuu
rogaal-celin ku sameeyo gaaladii si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna
intaa kadib u soo laabanayay Rasuulka
(scw) si uu u saaro xagga sare ee buurta,
markale ayuu haddana gaaladii u soo
laabanayay, sidaas ayuu sameenayay jeer
uu markii danbe gaaladii ka fogeeyo. Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii
Dhalxata Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli
noqdee wuxuu yiri: “waqtigaas iyada ah
anniga iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax
waxaan ahayn kuwo ka fog Rasuulka
(scw), markii aan u nimid si aynu u
daawayno wuxuu Rasuulka (scw) nagu yiri anniga iga taga, oo waxaad aaddaan
saaxiibkiina”, wuxuu ka waday Dhalxata.
Haddaan u nimid Dhalxata, waxaan
aragnay isagoo dhiig baxaya, jirkiisana
waxaa ku yiilay dhowr iyo toddabaatan
dhaawac ama seef ah ama waran ama leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo
aragnay isagoo gacantiisiina qaybta
horena la gooyay, kuna dhacay meel god
ah isagoo suuxsan. Sidaa darteed ayuu
Rasuulka (scw) u oran jiray wixii intaa ka
danbeeyay “ruuxii jecel inuu arko nin dunida dusheeda socda, isla markaasna
dhintay ha eego Dhalxata Binu
Cubeydillaah”. Abuubakar As-siddiiq Ilaah
ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa markii la
xuso daggaalkii Uxud kii yiraahda “waa
maalintii Dhalxata”. Intaas waa sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay
shahiidkii haddana noolaa. Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka
badnaa Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa
la xiriirta sababta loogu naaneysay
Dhalxihii kheyrka badnaa iyo Dhalxihii
deeqsiga badnaa, waxaa hubaal ah inay
iyadana leedahay boqolaal sheeko.
Dhalxata wuxuu ahaa ganacsade leh hanti fara badan. Maalin maalmaha ka
mid ah ayaa waxaa magaallada
Xadramuut uga timid lacag gaaraysa 700
000 dirham. Wuxuu habeenkaas Dhalxata
seexday isagoo walbahaarsan, aadna u
murugaysan. Waxaa u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum Bintu Abiibakar
As-siddiiq, waxay aragtay inuu aad u
murugaysan yahay, waxayna ku tiri:
“maxaa kugu dhacay Abii Maxammad?!!,
ma wax dhibaato ah ayaa xagganaga
kaaga timid!”. Dhalxata wuxuu afadiisa ku yiri: “maya, adigu waxaad tahay afo
tan ugu wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo
xaleey waan fekerayay oo waxaan
naftayda ku lahaa muxuu yahay malaha
nin Rabbigiisa hadduu seexdo iyadoo ay
gurigiisa taalo lacagtaas”. Waxay tiri, maxaa ku walbahaarinayo!?, aaway
dadkii tolkaaga ahaa ee masaakiinta
ahaa, markaad waabiriyaysato u qaybi
maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay
hadalkii ay ku tiri xaaskiisa, wuxuuna ku
yiri “Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle (sw) waafajiyay towfiiqda,
sidoo kale aabahaa”. Markuu waagu baryay Dhalxata wuxuu
lacagtii ku guray qariirado kala duwan,
dabadeedna wuxuu u qaybiyay
masaakiinta reer ansaar iyo mujaajiriin.
Dhalxata wuxuu ahaa deeqsi u roon
masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan wuu siin jiray. Waxaa la sheegaa sidoo
kale inuu maalin maalmaha ka mid ah uu
Dhalxata u yimid nin doonaya in wax la
taro, dabadeedna wuxuu u sheegay inuu
jiro dhul qiimihiisa gaaraya 300 000 kun
oo dirham, wuxuu dooransiiyay inuu dhulka qaato, ama uu qiimihiis qaato,
hase ahaatee wuxuu ninkii doortay inuu
qaato lacagtii, wuuna siiyay, maxaa
yeelay wuxuu arkayay ajarka iyo
xasanaadka Alle agtiisa uu ka rajeynayo
inuu kumanaan jeer ka weyn yahay hantidan. Ilaahay ha ka raalli noqdo
Dhalxihii kheyrka iyo deeqsiga badna,
mujaahidka ahaa, qarbrigiisana Allaha u
iftiimayo. Intaasina waxaa ku
dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka
ahaa ee Dhalxata binu Cubeydillaah.
No comments:
Post a Comment