SALMAAN AL-FAARISI ”SALMAAN INNAGA AYUU INAGA MID YAHAY HADDEYNU NAHAY AHLU- BEYTKA” XADDIIS (13) Udub-dhexaadka Sheekada Salmaan Al-
Faarisi waxay ku soo wareeganaysaa
sheekadiisii la xiriirtay waddooyinkii iyo
dhibaatooyinkii uu u soo maray diinta
xaqa ah. Waa sheekadii saxaabigii raad-
raacayay xaqiiqada iyo diinta xaqa ah. Sida aan gebeggabada sheekada
Salmaan ku arki doonno, wuxuu
Rasuulka (scw) jeclaan jiray inuu
maqlo sheekadii uu ku soo
islaamay Salmaan Al-Faarisi.
Maalintii uu Salmaan Al-Faarisi soo islaamayay, uuna sheekadiisa u sheegay
Rasuulka (scw), wuxuu markale Rasuulka
(scw) Salmaan ka codsaday inuu dib
danbe sheekadiisa uga sheekeeyo
asxaabta. Marka qiimahaas iyo
wanaaggaas weyninka badan ayeey leedahay sheekada saxaabigan la
yiraahdo Salmaan Al-Faarisi. Bal inta aanan meel kaleba aadin, aynu
laf-ahaantiisa u deyno sheekada si uu
noogu warramo waxyaabihii uu la kulmay
kahor intuusan islaamin. Salmaan isagoo ka warramaya
sheekadiisa wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil
dhalinyaro ah, waxaan degganaa
degmada Jayyan ee gobolka Al-Isbihaan.
Aabahay wuxuu ahaa guddoomiyaha
degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka deggan degmada kuwa ugu
hantida badan uguna magac dheer.
Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu
sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii
danbe ay gaartay inuu igu xabbiso guriga,
sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta
majuusiyadda (diinta la caabudo dabka
ama qoraxda), jeer aan markii danbe ku
fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday,
waxaana la ii xil-saaray inaan noqdo
huriyaha dabka. Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad
u weyn, beertaas ayuuna aabahay
aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka
mid ah ayaa wuxuu aabahay ka
mashquulay aadistii beerta, sidaa
darteed ayaa wuxuu igu yiri: ”wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa
inaan ka mashquulay aadista beerta, ee
waxaad aaddaa beertii oo igala wareeg
maanta shaqadii beerta”. Waan tagey
annigoo u jeeda beerta. Intii aan waddada socday ayaa waxaan
waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad
ka mid ah kaniisadaha ay ku
cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka).
Waxaa dhagahayga soo gaaray
dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu soo jiitay
baraarugayga. Horey uma aanan aqoonin
diinta kirishtaanka, taasina waxaa ugu
wacnayd iyadoo uu aabahay uu igu
xabisay guriga. Markii aan maqlay
codkoodii isla markiiba waan u galay bal si aan u arko waxa ay sameenayaan.
Markii aan aad u raad-raacay waxa ay
sameenayaan ayaa waxaan jeclaystay
salaadihii ay tukanayeen, diintoodiina
waan jeclaystay waxaana naftayda ku iri:
” wallaahi diintani ayaa ka kheyr badan diinta aynu haysano, wallaahi ayaan ku
dhaartaye kama aanan soo tegin ilaa ay
qoraxdii ka dhacday oo sidaas ayaanan ku
aadin beertii”. Intaa dabadeed waxaan dadkii
weydiiyay, meesha iyo xarunta ay
ka soo jeeddo diintan, waxayna
iigu jawaabeen dhulka Shaam.
Habeenkii markii la gaaray ayaa
waxaan ku noqday gurigeenii, waxaana ila kulmay aabahay
isagoo i weydiiyay meeshii aan ku
maqnaa, waxaana ku iri: ”aabe,
waxaan maanta soo ag maray dad ku
cibaadaysanayay Kaniisad ay lahaayeen,
waxaana jeclaystay qaabkii ay u cibaadaysanayeen, iyaga ayaana iskala
joogay ilaa ay qoraxdii ka dhacday”.
Aabahay aad ayuu arrinkii aan iri uga
argagaxay, wuxuuna igu yiri:
”wiilkaygiyoow diintaas aad sheegtay
wax kheyr ay leedahay ma jirto, diintaada iyo diinta ay haysan jireen
awoowayaashaa ayaa ka kheyr badan
diintan”, annigana waxaan ku iri, maya-
wallaahi-diintooda ayaa ka kheyr badan
tan aynu hadda haysanno. Hadalkan
danbe, aabahay wuu cabsi geliyay, wuxuuna ka cabsaday inaan ka laabto
diinta aan haysto, sidaa darteed wuxuu
igu xabbisay guriga isagoo labada
lugoodna iga dabray. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa
ii suurto gashay inaan dibadda u baxsado,
dabadeedna waxaan u imid dad haysta
diinta Nasaarada, waxaana ku iri: haddii
ay magaallada yimaadaan dad socoto ah
oo u socda Gobolka Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo
wareegan jeer ay magaaladii yimaadaan
dad socoto ahaa oo u socday Shaam.
Markii la ii sheegay dadkaas ayaa waxaan
iska fur-furay dabarkii lugahayga ku
xirnaa, sidiina ayaan ku raacay dadkii socotada ahaa. Markii aynu nimid Shaam ayaa waxaan
dadkii weydiiyay ninka ugu fadliga badan
ee ka mid ah dadka haysta diinta
Kirishtaanka, waxaana la ii tilmaamay
wadaad ka shaqaynayay Kaniisad laguna
magacaabo ”Al-usquf”. Ninkii ayaan u imid, waxaana ku iri, waxaan jeclaystay
diinta Kirishtaanka, sidaa darteed
waxaan doonayaa inaan kuu noqdo
adeege/khaadim oo aan kuu shaqeeyo,
dhinaca kalena aan kaa faa’iideysto
kulana tukado salaadaha. Ninkii wadaadka ahaa arrinkii wuu iga
oggolaaday, sidiina ayaan shaqaale ugu
noqday. Muddo markay ka soo wareegatay
wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu
ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan
ogaaday inuu dadku amri jiray inay
saddaqaystaan; isagoo intaa u raacin jiray
ajarka iyo xasanaadka ay leedahay in lala baxo saddaqada. Dadkii markii ay
hantidooda ka saddaqaystaana meeshii
uu masaakiinta ka siin lahaa, isaga ayaa
keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa
uu maalkii ay buuxiyaan toddobo
ashuumood oo dahab ah. Si daran ayaa ninkii wadaadka ahaa uga carooday,
waxyaabihii aan wanaagsanayn ee aan
ku arkay awgeed. Wax yar kama soo wareegan jeer uu
maalintii ninkii wadaadka ahaa ka
dhinto, waxaana aaskiisii isugu yimid
dadkii Nasaarada (Kirishtaanka) ahaa,
waxaana ku iri hadaladan: ”Ninkan
saaxiibkiina ah wuxuu ahaa nin xun, wuxuu idin fari jiray inaad la baxdaan
saddaqo, isagoo arrinkaana idinku
boorrin jiray. Hase yeeshee, markaad
maalkiina ka saddaqaysataan naftiisa
ayuu keyd ahaan ugu dhigan jiray,
masaakiintana waxna kama siin jirin!”. Dadkii ayaa hadalkii la yaabay, waxayna
igu yiraahdeen: ”Halkeed ka ogaatay
hadalkan?!”. Waxaan ku iri, annigaa idin
tusaya kaasafoortadii uu ku keydsan jiray
maalkaas. Waxay yiraahdeen: ”haa-oo-na
tusi”. Waxaan tusiyay meeshii uu maalka ku
keydsan jiray, waxayna meeshii ka soo
saareen toddobo ashuumood oo laga
buuxiyay dahab iyo lacag. Markii ay
arkeen dahabkii iyo lacagtii faraha
badnayd ayaa waxay soo saareen go’aan tilmaamaya inaanan la aasin ninkii
wadaadka ahaa, waxayna yiraahdeen:
”wallaahi aasi mayno”, iyagoo intaa
kadib daldalay waxayna isagoo meyd ah
ku garaaceen dhagaxyo. Wakhti dheer kama soo wareegan
jeer booskii ninka wadaadka ahaa
looga caleemo saaro nin kale.
Ninkan cusub ayaan markale
laasimay agtiisa. Ma aan arag nin
ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga
daa’imid badan xagga cibaadada.
Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay,
isaga ayaana in muddo ahba iskala
joogay. Hase ahaatee markii ay u timid
sakaraatul-mootka (dhimman rabo) ayaa
waxaan ku iri: hebelow yaad ii
dardaarmaysaa ama iigu
nasteexaynaysaa inaan la joogo adiga
gadaashaa?. Wuxuu yiri wiilkaygayow garan maayo ruux sida aan diinta u
haysto oo kale u haysta, aan ka ahayn nin
ku nool gobolka la yiraahdo Al-Mawsil
(magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa
nin aan beddelin diinta uu haysto ee
sidaas darteed waxaad haleeshaa ninkaas. Markii uu wadaadkii aan la joogay
dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba
waxaan u kicitimay ninkii ku noola
gobolka Al-Mawsil, markaan u imidna
waxaan uga sheekeeyay khabarkayga,
annigoo ku iri: ”hebel ayaa adiga ii kaa soo dardaarmay dhimashadiisa agteeda,
si aan agtaada u laasimo, isagoo intaas ii
raaciyay inaad tahay nin haysta diintii
xaqa ahayd ee uu ku sugnaa ninkaas”
Ninkii wuxuu igu yiri, haddaba anniga
ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad
wanaagsanna waan ka arkay. Muddo yar markay ka soo wareegatay
wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii
geeriyooday. Intuusan geeriyoonin
waxyar kahor ayaa waxaan ninkii ku iri:
”hebelow waad aragtaa inuu amarkii
Eebbe kuu yimid, annigana xaalkaygu waad aragtaa, ee fadlan yaad adiga
gadaashaa ii dardaarmaysaa inaan
aado?”. Wuxuu igu yiri wiilkaygayow,
wallaahi garan maayo ruux diinta u
haysta sida aan annaga u haysanno
marka laga reebo nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) ee
ninkaas aad. Ninkii wadaadka ahaa
markii la dhigay iilka, uuna dhintay ayaa
waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa
magaallada Nissiibiin. Markaan u imid ninkii waxaan uga
warramay sheekadayda iyo nasteexadii
ugu danbeysay ee uu i siiyay wadaadkii
aan la joogay, wuxuuna si sahlan igu yiri:
annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii
ayaan iska joogay, waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa. Waxaan ku arkay
kheyrkii iyo wanaaggii aan horeba ka
arkay labadii nin ee hore. Wallaahi maba
sii joogin jeer uu ninkii haddana ka
geeriyoodo, hase ahaatee intuusan
dhimman kahor ayaa waxaan ku iri: ”xaalkayga waad aragtaa ee yaad ii
dardaarmi lahayd inaan adiga gadaashaa
la joogo”. Wuxuu yiri, wiilkaygiyow garan
maayo ruux diinta u haysta sida annagoo
kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada
Cammuuriya waxaana la yiraahdo hebel ee ninkaas u kicitim. Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga
warramay sheekadayda, intaa
dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga ayaad
ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa
ninkaas, wallaahi wuxuu ku tilmaamnaa
hanuunkii ay ku sugnaayeen saaxiibadiisa kale. Hanti iyo maal ayaan
kasbaday intii aan ninkan la joogay,
waxaana haystay lo’ iyo xeyn arri ah..
Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid
geeridii u timid asxaabtiisii hore oo kale,
markay u timid sakaraatkii ayaa waxaan ku iri, adiga waad og tahay amarkayga
iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa
darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi
lahayd gadaashaa inaan diinta ka barto,
dhinaca kalena maxaan sameeyaa? . Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan
maayo inuu jiro qof dadka ka mid ah oo
dunida maanta saaran oo haysta diintii
Nasaarada ee aan haysanay annaga..,
hase ahaatee waxaa la gaaray xilligii
dhulka carabta laga soo saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs).
Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa
magaalladii uu degganaa, isagoo u
haajiri doona magaallo ka baxda timirta
waxayna u dhaxeysaa labo buurood
dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid ah
inuu qaato haddiyadaha, mana qaato
saddaqooyinka, labadiisa garab
dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii
Nebinnimada, ee haddii aad awooddo
inaad gaarto magaallooyinkaas samee. Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga
gadaashiis waxaan muddo dheer iska
joogay magaallada Cammuuriya ilaa
maalintii danbe ay magaallada ka soo
maraan dad ganacsato carbeed ah, kana
dhashay qabiilka la yiraahdo ”Kalbin”. Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku iri,
ka warrama haddii aan idiin raaco
magaallooyinka carbeed, isla mar
ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga
lo’da iyo arrigaba. Waxay yiraahdeen haa
oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo neefafkii arriga ahaa ee aan haystay,
sidiina ayaan nimankii ku raacay. Waxaan soconnaba waxaynu nimid
dooxada lagu magacaabo ”waadul-
quraa” (waa tog u dhaxeeya
magaallada Madiina iyo gobolka
Shaam) meeshaas ayeyna igu
khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga
ayaana shaqaale u noqday. Maalin
maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu
booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen
ahna kana dhashay qabiilka Binii
Qureythah, ninkiina ayuu iga gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba
(Madiina). Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii
wadaadka ahaa ee degganaa magaallada
Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada
iiga sheegayna waan aqoonsaday oo
waan arkay, sidiina ayaa ninkii
magaallada kula joogay. Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid
wuxuu dacwada Islaamka ugu yeerayay
tolkiisii degganaa magaallada Makka,
dhinaca kalena ma aan maqlin wax
faahfaahin oo warkiisa ku saabsan,
mashquulka badan ee addoonnimada igu waajibinaysa darteed. Haddana, maba sii joogin ilaa uu
maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo
haajiro magaallada Madiina. Wallaahi
ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa
geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa
sayyidkayga, waxaana gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana
wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa
markii uu na soo qaabilay nin ay
sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen,
wuxuuna ku yiri: Ilaahay ha lacnado reer
Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan yihiin xaafadda
la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin
ka yimid magaallada Makka welibana
wuxuu sheeganayaa Nebinnimo. Ma aanan maqlin halkan danbe
jeer ay i qabato wax la moodo
qandho, sidoo kalena waxaa igu
dhacay jiri-raco ilaa aan ka
cabsaday inaan ku-kor-dhaco
sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay
geedkii timirta ahaa ee aan
saarnaa, waxaana annigoo is
ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad tiri?”,
bal iigu soo celi wixii aad tiri….
Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu
yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo
shaqadii aad gacanta ku haysay. Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan
horey u soo qaatay xabbado timir ah,
annigoo markaas u jiheestay goobtii uu
ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan
u soo galay Rasuulka, waxaan ku iri:
waxaa iga kaa soo gaaray inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday
in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo
aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan
idiin keenay xooggey saddaqo ah oo aan
is iri ma jiro cid idinkaga mudan idinka,
intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga
(scw). Nebiga (scw) ayaa asxaabtii ku yiri
cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma
cunin. Waxaan naftayda ku iri, mid ka
mid ah tilmaamihii hore laguugu sheegay
waad heshay. Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana
billaabay inaan aruursado xabbado timir
ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray
xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina
ayaan markale u imid annigoo sida
haddiyad, waxaana Rasuulka ku iri: ”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada
sidaa darteed waxaan maanta kuu
keenay haddiyad aan kugu maamuusayo”.
Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka
(scw) cunay, sidoo kalena wuxuu
asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka. Markale ayaa naftayda ku iri, labo
astaamood ayaad heshay, haddana
markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo
jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-
qarqad (meel markii danbe noqotay
xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo
fadhiya qabana labo go’, intaa kadib
waan soo wareegay annigoo doonaya
inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko
shaabaddii (khaatam) uu ii tilmaamay
saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya. Markii uu Rasuulka (scw) i arkay
annigoo eegaya dhabarkiisa isla
markiiba wuu gartay waxa aan
doonayo, wuxuuna tuuray go’ii
dhabarkiisa saarnaa. Haddaan
fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-
nebinnimada) waan aqoonsaday, isla
markiiba korkiisa ayaan ku soo
foorarsaday annigoo dhunkanaya jirkiisa
oonayana. Rasuulka (scw) ayaa yiri: ”khabarkaagu
muxuu yahay?!”. Waxaan uga sheekeeyay
sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u
jeclaystay sheekadayda, wuxuuna
jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga
dhegeystaan anniga, waana uga sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula
yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna
way ugu farxeen. Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-
Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii inta
uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel
kasta. Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa
ha ahaato maalintii uu xaqa garowsaday
isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah. Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa
ha ahaato maalintii uu dhintay iyo
maalinta la soo saaray isagoo nool.
No comments:
Post a Comment