Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 12AAD

MAJSA’ATA IBNU THAWR AL-SADUUSI ”MAJSA’ATA WAA GEESI HALYEEY AH. WUXUU ISU-SOO-BAX DAGAALEED KU LAAYEY BOQOL KA MID AH MUSHRIKIINTA. HADDABA, MAXAAD U MALEENAYSAA INTA UU KU DHEX LAAYEY DAGAALKA BARTAMIHIISA”. (12) Waa xilli ay geesiyadii sharafta badnaa
ee ciidanka Alle ay iska ja-jafayaan
boorkii dagaalka Al-qaadisiyah, weliba
iyagoo ku faraxsan guushii uu Ilaah ka
siiyay dagaalka, sidoo kalena ku faraxsan
wixii walaalahooda dagaalka ku shahiiday loo qoray oo ajar ah. Dhinaca
kale waa xilli ay u hilowsan yihiin dagaal
la mid ah dagaalkii Al-qaadisiyah, isla
markaana ay sugayaan inuu xagga
khaliifka Cumar Binu Khaddaab (rc) uga
yimaado amar tilmaamaya inay sii wadaan jihaadka si loo ciribtiro carshigii
reer Kisraa. Sugitaankoodii maba sii dheeraanin jeer
uu maalintii danbe ka yimaado
magaalada Madiina nin uu soo diray
Khaliifka Cumar isagoo siday dhambaal
ku socota guddoomiyaha gobolka ee Abii
Musa Al-ashcariyyi. Dhambaalka wuxuu ku saabsanaa inuu Abuu Musa kaxeeyo
ciidanka muslimiinta iyadoo ciidanka
lagu darayo ciidan kale oo ka iman doona
magaalada Basra, iyagoo markaasna si
wadajir ah u aada gobolka la yiraahdo Al-
ahwaaz (magaalo ku taalla Iiraan), si loo raacdeeyo hoggaamiyaha reer Furus ee la
yiraahdo Al-hurmuzaan markaas ka dibna
laga takhalluso lana xoreeyo magaallada
Tustur, magaaladaasoo ahayd xarunta
boqortooyada reer Kisra. Amarkii Khaliifka Cumar uu u soo
diray Abii Musa ayaa waxaa ku
jiray inuu Cumar amray Abii
Muusaa inuu dagaalka uu u
kaxeysto dagaalyahankii geesiga
ahaa ee la oran jiray Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi, isla mar
ahaantaana ahaa sayidkii reer Banii Bakr
ee ay aadka u aqbali jireen hadalkiisa.
Halkan, waxaan ka fahmaynaa qiimaha
uu lahaa Majsa’ata Ibnu Thawr. Saxaabigii Abii Musa Al-ashcariyyi wuxuu
shaaca ka qaaday amarkii Cumar Binu
Khaddaab, wuxuuna diyaariyay
ciidankiisa, dhinaca bidix ee ciidankana
wuxuu yeelay Majsa’ata Ibnu Thawr,
dabadeedna wuxuu ciidankii ku daray ciidankii ka imaanaayay magaalada
Basra, sidii ayeeyna si wadajir ah u
dhaqaaqeen iyagoo jidka Alle u duulaya.
Kama aynan suulin muslimiintii kuwii
magaalooyin badan xoreenaya,
tirtirayana meelihii ay gaallada ku jireen, halka hoggaamiyihii ciidanka Faaris ee
Hurmuzaana hortooda cararaya jeer uu
ka gaaray magaaladii Tustur, iskuna
ilaaliyay dhufeysyadeeda. Magaallada Tustur ee uu
Hurmuzaan ku dhuuntay ayaa
waxay ahayd magaalooyinka reer
Furus magaallada ugu bilicda
badan xagga quruxda, xagga
cimilladana waxay ahayd tan ugu quruxda badan, sidoo kalena
waxay ahayd meel aad ugu
habboon xagga dhufeys-galka. Waxaa
intaa dheer waxay magaaladu lahayd
magac dheer oo leh taariikh qadiim ah,
waxayna ku taallay meel taag ah oo qaabka ay u dhisan tahay u ekeyd qaab
sida faras oo kale. Waxaa magaallada waraabiya oo mara
webiga yar ee lagu magacaabo ”Nahru
Dujeyl”. Waxaa magaallada ay lahayd
taallo-biyood, taalladaasoo uu dhisay
boqorkii la oran jiray Saabuur, waxaa
dhinaca taallada ka soo burqanayay biyaha webiga iyadoo ay marayaan
waddooyinka mara dhulka hoostiisa. Haantaas biyaha iyo waddooyinkaas
dhulka hoostiisa mara ayaa waxay ka mid
ahaayeen dhismaha kuwooda lala yaabo.
Maxaa yeelay waxaa lagu dhisay
dhagaxyo waaweyn, waxaana lagu taagay
tiirar bir ah oo aad u adag, dhinaca kalena dhulka waddooyinka hoose
marana waxaa lagu goglay maar.
Hareeraha magaallada Tustur waxaa
ahaaday derbi aad u weyn aadna u dheer,
kaasoo hareereeya magaallada. Culumada mu’arrikhiinta waxay
yiraahdaan, derbigan wuxuu ahaa
derbigii ugu horeeyay uguna weyna ee
laga dul dhiso dunida dusheeda. Intaa dabadeed wuxuu Hurmuzaan
hareeraha derbigaas ka qoday god
dhufeys ah, kaasoo ay adag tahay in laga
soo tallaabo, dhinaca kale wuxuu
godkaas ka buuxiyay ciidanka Faaris
kuwooda xulka ah. Haddaba, muslimiinta waxaa ku soo food lahaaday mushkilad
cusub, waayo waxay yimaadeen meel
aynan awoodi karin inay gudbaan. Ciidamadii muslimiintii waxay fadhiyeen
hareeraha derbiga Tustur, iyagoo halkaas
fadhiyay muddo dhan 18 billood oo aynan
awoodin inay godkaas ka gudbaan.
Muddadaas intaas le’eg waxay ciidamada
muslimiinta la galeen ciidamada Furus 80 iska horimaadyo ama dagaallo. Dagaal kastana oo ka mid ah
dagaalladaasna waxay ku billaabanayeen
qaab isu-soo bax, iyadoo ay isu beddeli
jireen markii danbena dagaal qadhaadh
oo weliba lagu hoobto. Haddaba,
Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi ayaa wuxuu goobtii dagaalka ku soo
bandhigay wacdarro la yaab leh, taasoo
ka yaabisay cadowyadii iyo asxaabtii hal
waqti. Waxaa u suurto gashay Majsa’ata
inuu laayo boqol nin oo ka mid ah
halyeeyadii fardoollayda ahaa ee reer Furus, magaciisana wuxuu noqday mid
cabsi ku rida safafka gaallada Furus,
halka sharaf iyo awood ay u kordhinaysay
muslimiinta. Saxaabo fara badan oo aanan markii hore
aqoonin Majsa’ata ayaa gadaal danbe ka
garawsaday sababta uu amiiral
mu’miniinka ugu dadaalay inuu
halyeeygan geesiga ah ka mid noqdo
ciidamada muslimiinta. Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka mid ahaa dagaalladii
80-ka gaarayay ayaa waxay muslimiintii
weerareen ciidamadii cadoowga weerar
geesinimo leh, nimankii gaallada ahaa ee
reer Furus ahaana waxay ka carareen
kaabadihii ka dhisnaa godka korkiisa, waxayna ku dhuunteen magaallada
Madiina iyagoo isku soo xiray iriddadii
dhufeyska ahayd. Muslimiintii, waxay galeen khatar hor
leh. Sabarkii dheeraa ka dib, waxay
muslimiintii markale u gudbeen xaalad
ka xun tii ay markii hore ku sugnaayeen.
Gaalladii reer Furus waxay billaabeen inay
leebabkoodii sida roob oo kale uga
dhigaan muslimiinta, iyagoo ka soo ganayay dhismayaashii sare korkoodii ee
ay ku jireen. Waxay kaloo billaabeen inay
derbiyada korkooda ka soo laalaadiyaan
silsilado dab ah, silsilad kastana afkeeda
waxay wadatay kalbado holcaysa, kuleyl
badni awgeed. Haddii mid ka mid ah muslimiinta isku dayo inuu soo koro
derbiga amaba uu u dhowaado, gaalladii
waxay ku daban jireen kalbaddii sidiina
ayeey ku soo jiidan jireen, markaas jirkii
ayaa guban jiray, hilibkiisana wuu kala
daadaadan jiray sidaasna ayuu ku dhimman jiray. Waa xaalad aad u qadhaadh.
Muslimiintii waxaa ku badatay
dhibaatadii, sidii lagu yiqiinnayba
waxay billaabeen inay Ilaah
baryaan, iyagoo si qushuuc leh isugu
dulloonaya Rabbigooda sharafta badna si uu uga qaado dhibaatadan, isla
markaasna uga gargaaro cadoowgooda
gaallada. Goor uu Abuu Musa Al-ashcariyyi
uu ee-eegayo derbigii weynaa ee Tustur,
isla mar ahaantaana ka quustay in laga
gudbo derbiga, ayaa waxaa hortiisa ku dhacay leeb laga soo tuuray dhinaca
derbiga. Wuu eegay, wuxuuna arkay inay
wadato warqad ku qoran: "annigu waan
idinku kalsoonaaday haddaad tihiin
jamaacada muslimiinta, waxaana idin
weydiisanayaa amaan iyo nabadgelyo anniga iyo naftayda iyo ehelkayga iyo
ciddii i raacdaba, annigana dhinaceeyga
waxaa ballan ah inaan idin tusin doono
meel qarsoodi ah oo aad uga baxdaan
meeshan magaallada Madiina". Abuu Muusa wuxuu ninkii u qoray warqad
xambaarsanayd inuu amaan iyo
nabadgelyo siinayo ninkii, wuxuuna
warqaddii ay ku qornayd fariintaas kula
xiray leeb dabadeedna ninkii ayuu u
tuuray. Ninkii wuxuu ku kalsoonaaday nabadgelyada iyo amaanka muslimiinta
iyagoo lagu yiqiinnay tusaalahaas
wanaagsan sida ballanta oo laga run
sheego, ballanta oo la oofiyo. Ninkii wuxuu u soo dusay muslimiintii,
isagoo ku gabbanaya mugdiga habeenka.
Markii uu u yimid Abuu Muusa waxa uu u
sheegay waxa uu yahay dhab ahaan,
wuxuuna yiri: "innagu waxaan ka mid
nahay dadka magaalladan deggan madaxdeeda, ninka la yiraahdo
Hurmuzaan (hoggaamiyaha ciidamada
Furus) wuxuu laayey walaalkaygii iga
weynaa, hantidiisii iyo reerkiisana wuu
dhacay. Annigana wuxuu ii hayaa
cadaawad iyo xummaan oo wuxuu doonayaa inuu i dilo. Caddaaladiina ayaan
dulmigiisa ka door biday, ballan
oofintiina ayaan ka door biday ballan ka-
bixiisa, waxaana go’aan ku gaaray inaan
idin tuso meel qarsoodi ah oo aad uga
baxdaan Tustur, sidaa darteed waxaad i siisaa nin ku tilmaaman dhiiranaan iyo
maskax furnaan, dhinaca kalena yaqaana
dabaasha si aan u tuso waddada". Abuu Muusa Al-ashcariyyi oo
hoggaaminayay ciidamada muslimiinta
ayaa wuxuu u yeeray Majsa’ata Ibnu
Thawr Al-Saduusi, ka dibna wuxuu sir
ahaan ugu sheegay arrinkan isaga ah
isagoo ku yiri: ”waxaad iigu kaalmaysaa nin ka mid ah tolkaaga, ninkaasoo leh
go’aan adag iyo caqli hufan, isla
markaasna yaqaana dabaasha”. Majsa’ta
ayaa durbadiiba yiri: "ninkaas waxaad ka
dhigtaa anniga amiiroow". Abuu Muusa ayaa wuxuu ku yiri,
haddaaba sidaa doontay ku soco
barakada Ilaahay, intaa dabadeed wuxuu
u dardaarmay inuu xifdiyo waddada,
sidoo kalena u fiirsado iridka halka uu ku
yaallo, iyo inuu soo xaddido meesha uu joogo Hurmuzaani, inuu sidoo kale soo
hubsado shakhsiga Hurmuzaan, dhinaca
kalena uusan wax ficil ah qaadin aan ka
ahayn howshii loo diray. Majsa’ata ayaa dhaqaaqay goor habeen
ah, isagoo ku gabbanaya gudcurka iyo
mugdiga habeenka isagoo la socda ninkii
faarisiga ahaa. Way socdeen ilaa ay ka
soo galaan meel nafaq ah (waddo marta
dhulka hoostiisa), kaasoo isku xira webiga iyo magaallada. Nafaqaas ama
godkaas wuxuu mararka qaarkood
noqonayay mid waasic ah oo waxaa
suurta galeysay in socod looga gudbo,
halka marka kale uu ciriiri noqonayay
jeer ay sababto inuu dabaasho. Waddada nafaqa wuxuu ahaa mid qal-
qalooca oo kala bax-baxa, mararka
qaarkoodna wuxuu noqonayay mid
toosan. Sidaas ayeey ku jireen ilaa ay
markii danbe ka soo gaareen meeshii
looga baxayay magaalada. Ninkii Faarisiga ahaa ayaa wuxuu Majsa’ata
tusiyay Hurmuzaan. Majsa’ata wuxuu yiri, waxaan isha saaray
hoggaamiyhii ciidamada Furus ee
Humrmuzaan, iyo goobtii dhufeyska u
ahayd. Kolkii uu Majsa’ata arkay
Hurmuzaan ayaa wuxuu damcay inuu leeb
ku gano dhuuntiisa, hase ahaatee durbadiiba wuxuu xasuustay dardaarankii
uu siiyay Abuu Muusa Al-ashcarriyyi ee
ahayd inuusan wax ficil ah qaadin.
Majsa’ata wuxuu xakameeyay naftiisa,
wuxuuna ku noqday halkii uu markii hore
ka yimid intaan la gaarin fajarkii. Abuu Muusaa Al-ashcarriyyi Ilaah ha ka
raalli noqdee, wuxuu diyaariyay ciidan
gaarayay ilaa 300 qof, kuwaasoo ka mid
ah ciidamada muslimiinta kuwooda ugu
geesisan, uguna adkeysi badan, dhinaca
kalena ugu adkeysiga badan xagga dabaasha. Ciidankaas wuxuu amiir uga
dhigay Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi,
wuuna sagootiyay oo u dardaarmay.
Wuxuu ciidamada muslimiinta astaan
uga dhigay oraahda takbiirta (allahu
akbar), taasoo calaamad u ah goorta la galayo magaallada. Majsa’ata oo hoggaaminayay
ciidamada, ayaa wuxuu ciidankii
faray inay iska fududeeyaan
dharka ay qabaan, si aynan biyaha
u cusleynin dharka. Dhinaca kale, wuxuu
uga digay inay soo qaataan waxaan ka ahayn seefahooda, isagoo u dardaarmay
inay seefaha ku adkeeyaan jidhkooda.
Ciidamadii way dhaqaaqeen, way
socdeen ilaa laga gaaray habeenka
qaybtiisa hore (qiyaastii 10-ka
habeenimo). Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi iyo
ciidankiisa geesiga ahaa waxay godka
nafaqa ku jireen muddo ku dhow 2
saacadood, iyagoo socday waddada marta
dhulka hoostiisa meeshaasoo aad khatar
u ahayd. Kahtartaasina haddaan arki doonnaa. Markay yimaadeen meeshii
looga baxayay godka nafaqa ayaa wuxuu
Majsa’ata ogaaday in nafaqii uu liqay labo
boqol iyo labaatan nin oo ka mid ah
ciidamadiisa, waxaana ciidamadii isugu
soo haray oo keliya 80 nin. Gumadihii Majsa’ata iyo asxaabtiisa maba aynan
dhigin dhulkii magaallada jeer ay soo
baxsadeen seefahoodii, kuna
qamaameen ciidankii waardiyeenayay
dhufeyska iyagoo seefahoodii ku laayey
ciidankaas. Intaa dabadeed, waxay ku soo boodeen
albaabadii wayna fureen iyagoo ku
hutaafayay ALLAHU AKBAR. Takbiirtooda
(allahu akbartoodii) iyo takbiirta
ciidankii gudaha ku jiray ayaa wada
kulantay, markaasna waxay muslimiintii gudaha ku jiray soo aadeen dhinacii
magaallada, waxayna ahayd xilli waaberi
ah. Ciidamadii muslimiintii iyo cadoowgii
gaallada ayaa madaxa isla galay,
waxayna is dhaafsadeen dagaal aad
loogu hoobtay, taasoo ay yar tahay in lagu arko taariikhdii duulimaadyada marka
laga eego xagga dhibaatada, cabsida iyo
tirada dhimashadaba. Goor uu dagaalku socdo ayaa wuxuu
Majsa’ata arkay hoggaamiyihii
Hurmuzaan. Isla markiiba, wuxuu soo
aadey dhinaciisa, hase ahaatee waxaa ka
dhex galay dadkii dagaalamayay oo ka
qariyay ninkii uu eeganayay. Wax yar ka dib, ayuu haddana arkay, dabadeedna
wuxuu u cararay xaggiisa isagoo la soo
baxay seeftiisa. Halkan, wuxuu Majsa’ata
kala kulmi doonaa dhibaato, maxaa
yeelay sidaan hore ugu soo aragnayba
Majsa’ata iyo ciidamadiisuba ma aynan wadan cambuur bireedka dagaalka,
taasoo u diidday godkii biyaha ee ay soo
mareen. Majsa’ata iyo Hurmuzaan waxay iskula
boodeen seefahoodii, mid kastana midka
kale wuxuu ku dhuftay darbad xoog leh.
Laakiin nasiib darro, Majsa’ata oo aanan
qabin cambuur bireedka way haleeshay
darbadii seefta, halka Hurmuzaan ay ka difaacday cambuur bireedkiisa. Geesigii
halyeeyga ahaa ee Majsa’ata wuxuu si
sara joog ahaan ugu dhacay goobtii
dagaalka, isagoo ishiisu ay ku
qabowsatay wixii uu Ilaah gacantiisa ku
xaqiijiyay oo guul ah. Ciidamadii muslimiintii waxay sii wadeen dagaalka
jeer uu Ilaah ka siiyo gaallada guusha,
ayna gacanta ku dhigaan hoggaamiyihii
ciidamada Furus ee Hurmuzaan. Muslimiintii iyagoo furashadii iyo
guushii ay heleen ku
bishaaraysanaya ayaa waxay
yimaadeen magaalada Madiina,
iyagoo Khaliifka Cumar Binu
Khaddaab ugu bishaaraynaya guusha furashada ee uu Ilaah ku
mannaystay, isla mar ahaantaana
ayna wadaan hoggaamiyihii
ciidanka Furus ee Hurmuzaan.
Muslimiintii bishaaraynaysay waxay
Khaliifka Cumar uga tacsiyeeyeen geeridii ku timid geesigii halyeeyga ahaa
ee Majsa’ata Ibnu Thawr Al-Saduusi. Ilaah
waxaan ka baryaynaa inuu uga
abaalmariyo guulihii uu Islaamka u soo
hoyay xasanaad iyo ajar fara badan,
dhinaca kalena uu ummadda Islaamka maanta ku karaameeyo in la helo
boqolaal la mid ah halyeeyga Majsa’ata
Ibnu Thawr Al-Saduusi aamiin.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete