Monday, 5 September 2011

CASHARKA 13AAD

Casharka 13aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HIJRADII U HORREYSEY EE
XABASHA LOO HIJROODAY Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh
ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka scw
ee qaatey caqiidada islaamka ayaa
marba marka ka dambeysa aad u sii
siyaadayeey ilaa la gaarsiiyey asxaabtii
Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku
noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku
dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo
waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd
caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo
iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee shirkiga iyo caadooyinka
foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa
marayso ayaa Allaah subxaanahu
watacaalaa sheegay muslimiintii in uu
dhulka Alle waasic yahay. Rasuulku scw markuu arkay heerka adag
ee asxaabtiisu marayso iyo
dhibaatooyinka daran ee soo gaaraya
dadkii islaamka qaadanayey siiba
kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u
sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo uu ka talinayey boqor
caaddil ah si fiicanna u heystey diintii
Nabi ciise magaciisana la oran jirey
Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa
baxay bishii Rajab ee sannadkii ee
sannadkii shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida. Kooxdaas oo ka
koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah
waxaa hoggaaminayey Cismaan binu
Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya
oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna
Rasuulku scw yiri isagoo ka hadlaya labadooda "waa ehelu-beytkii u
horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka
dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi
Luud". Waxay kooxdaasi ku baxday si
qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo
maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay
ogaadeen in kooxdaasi baxday waxay ka
daba direen ciidan si loo soo qabto,
maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u
joogo iyo meel kasta oo u joogo waa isku
af, raallina ugama ahan xaqa inuuu ku fulo gudaha dibeddaba. Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd
waxay isla markiiba tageen baddii
Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo ijaar ah
oo meesha marayey, waxayna tageen
dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba.
Ciidankii gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna
waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu
markay halkaas marayso laba bilood ka
dib, bishii Ramadaan ee isla sannadkii
shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw,
ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu yimid madaxdii qureysheed oo kacbada gabren,
markaasuu sidii caadadiisa ahaan
jirteyba inuusan xaqa cidna uga cabsoon
cid walbana gaarsiiyo diinta Alle ha
yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii
ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad cajiib u ah. Odeyaashii
meesha joogay markay maqleen
suuraddaas waa is hanan kari waayeen
markaasay si fiican u dhegaysteen uguna
khushuuceen, maxaa yeelay in badan
fursad ma siin iney qur'aanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen
iney maqlaan wayna ku buuqi jireen,
laakiin maanta ilaahay ma haleeshiin
iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu
dhammeeyey akhriskii suuraddaas ayuu
sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo. Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey
iyagoon is ogeyn ayey hal mar sujuud la
wada daateen dhammaantood, markay
sujuuddii ka soo kaceen ayey is
haaraameen waliba kuwii meesha ka
maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey kuna yiri: "ma
maantaad qur'aankiisii iyo ilaahiis u
sujuuddeen!?". Odeyaashii waxay isla
markiiba degsadeen jawaab been ah si
ay isu difgaacaan waxayna yiraahdeen:
"ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yiri
"kuwaasu waa asnaamtii sarreysey,
shafeecadoodana la rajaynayey", sidaa
darteed ayaannu u sujuudney". Waxaa
kale oo culimada qaarkood yiraahdaan
hadalka ay sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey
sujuudeen. Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii
muslimiinta ahayd ee dhulka Xabashida u
hijrootey waxaa la gaarsiiyey warkii oo la
bddelay oo waxaa lagu yiri: "odeyaashii
qureysheed waa islaameen" markaasay si
halhaleel ah uga soo laabteen dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa
geeyey dhul aysan garaneyn dadkiisa iyo
dhaqankiisa carar ay diintooda la
cararayeen. Muddo markay soo socdeen
oo ay soo gaareen duleedka Makka ayey
ogaadeen xaqiiqdii iyo in warkii sidii loogu sheegay uusan ahayn cadaadiskii
iyo dulmigii Makka yaalleyna uu sidii hore
kaba daran yahay, markaasaa talo ku
caddaatey waxayna ka tashadeen waxay
samayn lahaayeen. Ugu dambeyntii
waxay u kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb ku noqotay dhulkii
Xabashida, qeyb dhuumasho ku soo
gashay Makka iyo qeyb magangelyo
weyddiisatey qaar ka mid ah odeyaashii
qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii
shalay fakaday ay soo laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo cadaadiski ay
muslimiinta ku hayeen waxayna soo
saareen go'aanno cusub oo ah: in qabiil
walba uu wiilkooda ama gabadhooda ku
filnaado oo ciqaabo cadaasna saaro. Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee
xabasha u hjrootay waxaa ka mid ahaa
Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay
sii marayeen Barkul Qimaad ayaa waxaa
la kulmay nin la oran jiray ibnu Daqinna
oo oday u ahaa reer Qaara markaasuu Abuu Bakar ku yiri: "xaggee u socotaa,
Abuu Bakar ayaa markaa ku yiri: tolkay
ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in
aan dhulka ku socdo oo (tago meel aan)
Rabbigay ku caabudo. Ibnu Daqinna ayaa
hadlay oo yiri: "adigoo kale ma baxo lamana bixiyo ee laabo oo baladkaaga
Rabbigaa ku caabud anigaa ku meggan
geliyeye, markaasuu Abuu Bakar Ibnu
Daqinna la soo noqday, Ibnu Daqinnana
ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar
meggan geliyey. Qureyshna wa ay ka aqbashay (laakiin waxay Abuu Bakar u
ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa ku
caabudo Rabbigiisa oo uusan muujisan.
Sidaas ayuu markaa Abuu Bakar ahaa ilaa
muddo wuxuuna sameyn jirey Qur'aanka
ayuu kor u qaadi jirey isagoo gurigiisa joooga markaasaa waxaa ku soo ururi
jirey dumarka iyo carruurta gaalada
iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi
jirey Abuu Bakar marka uu Qur'aanka
akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay
Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna oo ka codsadeen inuu ka laabto
(meggan gelyadii uu Abuu Bakar u
fidiyey), Ibnu Daqinna ayaa markaa Abuu
Bakar u tegey oo kala doorransiiyey inuu
(Abuu Bakar) cibaadada siraysto ama
kala noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u celiyey meggan gelyadiisii
kuna yri: "waa kuu celiyey meggan
gelyadaadii, waxaana ku raaali ahay
meggan gelyada Alle.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete