Monday, 5 September 2011

CASHARKA 14AAD

Casharka 14aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HIJRADII LABAAD EE DHULKA
XABASHIDA Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu
hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey
Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa
lagula dagaaallamayey ay ahayd
tawxiidka iyo ciqiidada saliimka aha oo
ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka
Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo
sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil
ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83
rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si
qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen
dhulkii Xabashida. Madaxdii qureysheed markay maqleen in
dadkii muslimiinta ahaa ay dhulka
xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad
tiro badan, oo tegey meel ay diintooda iyo
naftooda ku ammaan helayaan, aad ayay
u caroodeen waxayna isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga
hortegayaan arrintaas. Waxay direen laba
nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas
iyo Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica,
waxayna u dhiibeen hadiyad badan,
waxayna ku dheheen "waxaad hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi
iyo wasiirradiisa, kuna hormara
wasiirrada oo intaad arrinka ka
dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka,
boqorka markaad la kulantaanna waxaad
u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyeo dadkaas isagoo aan ka hadalsiin". Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo
badan oo hadiyaad ah daadihinaya, siday
arrintu ahaydna waxay ku hormareen
wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana
waxay siiyeen hadiyad fiican, go'aankii ay
wateen way ka dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda
ayaa u wada tegey boqorkii ahaa
Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey.
Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid
ka mid ah ayaa istaagay si uu
barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo,
wuxuu yir "boqorow waxaa dhulkaaga
soo galay niman dhallinyaro ah oo aan
caqli lahayn oo diintoodii kuwii u sharaf
badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana
ogaal badan xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan". Intaa markay soo
bandhigeen labadii nin ayaa waxaa
hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan
soo sheegnayba ahaa niman xoolo cunay
waxayna yiraahdeen: "boqoroow run bay
sheegayaane u dhiib ha celiyaane". Najaashi oo siduu Rasuulka scw
sheegayba aha boqor caaddil ah, markuu
dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen
nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda
keenay iyo ayiditaankii wasiirradiisa ma
uusan qaadan hadalkoodii kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo
hal dhinac keliya dhegaysto ee wuxuu yiri:
"ha la ii keena dhinaca kale". Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa
oo loo sheegay in boqorku rabo ayna
yimaadeen niman loo soo diray ayey ka
wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen
arrinkaas, ugu dambeyntiina waxay
qaateen go'aankii lagu yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya
inuusan qofna uga cabsoon Ilaahay
diintiisa waxayna go'aansadeen wax
kasta oo ku yimaada ineysan diintooda
marna ka soo dabcin. Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar
binu abii-dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina
adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo
yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar
wuxuuna yiri: "boqoroow waxaan ahaan
jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni
jirney, faaxishadana waan la imaan
jirney, qaraabadana waan goyn jirney,
deriskana waan xumeyn jirney,
midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi
jirey kan tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu no soo
diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan
naqaan nasabkiisa, runtiisa,
ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa,
wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya
inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex baxno wixii annaga iyo
aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido
kale wuxu na amray inaan warka ka run
sheegno, ammaanadan gudanno,
qaraabdana xiriirinno, deriskana
wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale wuxuu
naga reebay xumaan oo dhan, markhaati
beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno,
gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo
(qadfo); sidoo kale wuxuu na amray
Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas
ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu
noo keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah
keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu
shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay
wuxuu Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey;
sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad
gudbay dadkayagii, way na cadaabeen,
diintayadii ayey naga fitneeyeen,
waxayna doonayaan inaan bannaysanno
xumaataan bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na
ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay
kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u
soo baxsannay oo adiga ku doorannay,
derisnimadaadaanna jecel nahay,
waxaanna rajayney inaan agtaada nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo
koobay hadalkiisii aadka u qiimaha
badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray,
ayaa Najaashi su'aal weydiiyey Jacfar oo
ku yiri: "waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay
ka keenay wax ma ka haysaa", Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri "akhri",
markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu
Maryam oo si fiican uga hadahsya qisadii
Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise. Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas
oohin ayuu la dhacay ilaa uu gadhkiisii ka
qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa
sidoo kale way ooyeen markay maqleen
Ilaahay aayaatkiisaas. Najaashi ayaa
markaas hadlay oo yiri: "waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad
bay ka soo baxeeen", ka dibnay wuxuu ku
jeestey labadii nin ee qureysh soo
dirsatay oo ku yiri "Ilaahay ku dhaartaye
inaanan idiin dhiibayn dhibna looma
geysan karo". Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday
oo lagu kala dareeray ayaa Camar binu
Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu
Rabbiica "Ilaah ayaan ku dhaartaye
shirqool ayaan u samaynayaa dadkaas
berrito aan ku dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yiri "ha samynin arrintaa,
maxaa yeelay waa tolkeen haba na
khilaafaane', hase yeeshee Camar waa ku
adkeystey go'aankiisii wuxuu mar labaad
ku laabtay Najaashi isaga iyo saaxiibkiis
waxayna ku dheheen "boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka
sheegaan hadal weyn", markaasaa mar
kale loo yeeray muslimiintii, markay
yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yiri
"maxaad ka aamminsan tihiin Nabi
Ciise?", Jacfar ayaa u jawaabay oo yiri 'waxaan ka aamminsannahay wixii
Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu
yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii,
ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama
ku riday", markaasaa Najaashi qori yar
kor u qaaday oo yiri "iska taga aammin baad ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin
geystana waa dambiile, mana jecli in la
siyo buur dahab ah oo qof idinka mid ah
dhib loo geysto", labadii nin ee qureysh
ka socdeyna wuxuu u yiri "ha loo celiyo
hadiyaddooda uma baahniye". Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye hadda ka
hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee
Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama
uusan qaadan, qof bini aadan ahna
arrinteyda kalama uusan tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo
qof binu aadan ahna ku raaci maayo".
Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u
gargaaray, asna Ilaahay diintiisa iyo
xisbigiisa uu u gargaarayo, sidaas ayaana
arrintii ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug
geliyey, hadiyaddiina lagu soo celiyey,
muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey cisso
iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida
ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag. Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii
ku soo laabtay una warramay wixii uu
dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey
aad u caroodeen kana xumaadeen,
waxaa kaloo murugo kale ku sii noqotay
in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay,
ayna baab'day arrintii ay doonayeen oo
ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo
ay halkaas ku cabburiyaan.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete